ereyga

wejigebagabo

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

wejigebagabo

DHAN

m.l (-iyo ..., m.dh) (baay.) Heerka afraad ee qaybsanka unugga; kaas oo ah marka ay koromaatidhyadu gaadhaan cidhifyada, saytobalaasamkuna uu qaybsamo ee uu sameeyo laba unug oo mataana ah oo kala soocan. Waxa baaba'a miiqyada iyo xiddigaha iyaadoo bu' yarada iyo xuubka bu'da ee unug mataan kastaa dib u samaysmo iyo koromosoomyada oo dib u soo ceshada qaabkoodii dunta oo kale ahaa.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

weji gebagabo

DHAFAN

m.l (-iyo ..., m.dh) (baayoloji) Heerka afraad ee qaybsanka unugga; kaas oo ah marka ay koromaatidhyadu gaadhaan cidhifyada, saytobalaasamkuna uu qaybsamo ee uu sameeyo laba unug oo mataana ah oo kala soocan. Waxa baaba'a miiqyada iyo xiddigaha iyaadoo bu' yarada iyo xuubka bu'da ee unug mataan kastaa dib u samaysmo iyo koromosoomyada oo dib u soo ceshada qaabkoodii dunta oo kale ahaa.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

wejigabax

DHAFANDHAAF
1

-a: (magac, lab, keli) khaso iyo bahdilaad cid loo geysto. Odayadii wejigabax ayay la soo noqdeen. Dh: yaxyax.

2

wejigabax -a: (magac, lab, keli) hongow meel wax laga rajaynayay lagu hongoobo. xafiiskii wejigabax ayaan kala soo noqday. Dh: hongow.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

wejigarad

DHAFANDHAAF

m.l la-mid: wejigarasho.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

wejigarad

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) garasho iyo qaraabo wax ku bixin. Dh: wajigarad.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Wejiggabax

DHAFANDHAAF
1

(Wejiggabax-a)

2

Weji aan furfurrayn ama hoos loo rogto ama la kaduudo, sida qof ceebaal falay, ama si kale cid wax ugu dhimay, wejigiisu noqdo, kolkuu la kulmo dadka uu wax u dhimay.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

wejiggabax

DHAFANDHAAF

m.l Madax hoos u rogidda iyo weji kaduudka ku dhaca qof uu ka horyimid qof uu horay wax ugu dhimay; yaxyax.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

wejiggabax

DHAFANDHAAF

m.l Madax hoos u rogidda iyo weji kaduudka ku dhaca qof uu ka horyimid qof uu horay wax ugu dhimay; yaxyax.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

wejiggabax

DHAFANDHAAF

m. n., [compound] hanging one's head in shame, turning one's face away in shame ~ embarrassment

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

wejiggabax

DHAFANDHAAF
1

de: hanging one's head in shame, turning one's face away in shame ~ embarrassment

2

initial: w

3

lx: wejiggabax

4

pd: (-a)

5

ps: n-m-cmp

6

key: wejiggabax

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

wejigarasho

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg wejigaro. la-mid: wejigarad.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

wejigarasho

DHAFANDHAAF
1

-da: (magac, dhedig, keli) qof aad garanayso cid kale uga eexasho oo uga sadburin. Weligaa wejigarasho ha ku shaqayn.

2

wejigarasho -da: (magac, dhedig, keli) maamin oo wejigiisa in yar garasho. Ninkan wejigarasho mooyee aqoon badani nagama haxayso. Dh: aqoonin.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

wejigabaxsan

DHAFANDHAAF

(tilmaame) khaso iyo bahdilaad qaba ah. Odayadii oo wejigabaxsan ayaa soo noqday.

waa la naqliyay ✓