wejigabxid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wejigabxid
-da: (magac, dhedig, keli) khasoobid oo sharafdhicid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wajigabxid

wejigabax
-a: (magac, lab, keli) khaso iyo bahdilaad cid loo geysto. Odayadii wejigabax ayay la soo noqdeen. Dh: yaxyax.
wejigabax -a: (magac, lab, keli) hongow meel wax laga rajaynayay lagu hongoobo. xafiiskii wejigabax ayaan kala soo noqday. Dh: hongow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wejigarad
m.l la-mid: wejigarasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wejigarad
-ka: (magac, lab, keli) garasho iyo qaraabo wax ku bixin. Dh: wajigarad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wejitubid
(Wejitubid-da)
Cid wejiga u xumayn; weji-macbuus iska dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wejitubid
m.f.dh eeg wejitub².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wejitubid
-da: (magac, dhedig, keli) wejimacbuus iska dhigid; cid wejiga u xumayn u ururin o xumayn. Wejitubidda iska daa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wejigabaxsan
(tilmaame) khaso iyo bahdilaad qaba ah. Odayadii oo wejigabaxsan ayaa soo noqday.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wejibax
-a: (magac, lab, keli) weji aan furfurnayn oo kolka qof la arko la duuduubo; weji kuudud. Wejibax ayaa ku dhacay gabadhii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wejihid
(Wejihid-da)
Wajihid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wejihid
m.f.dh eeg wejih. la-mid: waajihid, wajahid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wejihid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg wajahid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jibaaxid
(Jibaaxid-da)
Jibaax ku marid; jiirid; jeexid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jibaaxid
m.f.dh eeg jibaax². la-mid: jibaax¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jibaaxid
-da: (magac, dhedig, keli) meel cidhiidhi ah dhexmaris; awood ku mar meel aan bannaan ahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rigaaxid
m.f.dh eeg rigaax².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rigaaxid
-da: (magac, dhedig, keli) burburin ku samayn; aad u jejebin oo abshax ka dhigid. Dh: jejebin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wejigaro
f.g3 (-rtay, -ratay) 1. Cid aqoonsasho. 2. Cid u eexasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
wejigaro
f.g3 (-rtay, -ratay) 1. Cid aqoonsasho. 2. Cid u eexasho. m.f.dh, wejigarasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wejigaro
v. recognize someone; favor someone over another
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wejigaro
(fal) qof aad garanayso cid kale uga eexo oo uga sadburi. Kolkaad masuul tahay wejigaro ha is odhan.
wejigaro: (fal) maami oo wejigiisa qof ku soo sooc. Bal ninkaa aad u eeg oo wejigaro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wejigaro
de: recognize s.o.; [ext.] favor s.o. over another
initial: w
lx: wejigaro
pd: (wejigartay)
ps: v3b=tr
key: wejigaro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Weyraxid
(Weyraxid-da)
Weyrax gelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weyraxid
m.f.dh eeg weyrax².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weyraxid
-da: (magac, dhedig, keli) wayrax ku jirid oo ilmo aad dhashay cadaw si xoog ah uga daaficid. Dh: gedoodid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wajigabax
-ka: (n) embarrassment (em-baaras-ment); feeling of shame ~ wajixumo, yax-yax
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wajigabax
-a: (magac, lab, keli) khaso iyo bahdilaad cid loo geysto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wajigarad
-ka: (magac, lab, keli) garasho iyo qaraabo wax ku bixin. Dh: wejigarad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weegaarid
m.dh la-mid: maageerid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weegaarid
-da: (magac, dhedig, keli) deyr ama ijaar ku meerin; miir ku wareejin. Dh: waageerid, meegaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wejifurid
-da: (magac, dhedig, keli) hadiyaddii wejifurka siin. Hadiyad qaali ah ugu talagal wejifuridda carooskaaga.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
weji gabax
shy, feeling embarrassed
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
weji_gabax
de: shy, feeling embarrassed
initial: w
lx: weji gabax
ps: idiom
key: weji_gabax
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wejicabuus
-ka: (magac, lab, keli) qof dabeecad xun oo wejigiisa laga cabsado; qof aan weji furnayn. Wejicabuus wehel kuuma noqdo. Dh: wajicabuus.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wejiggabax
(Wejiggabax-a)
Weji aan furfurrayn ama hoos loo rogto ama la kaduudo, sida qof ceebaal falay, ama si kale cid wax ugu dhimay, wejigiisu noqdo, kolkuu la kulmo dadka uu wax u dhimay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wejiggabax
m.l Madax hoos u rogidda iyo weji kaduudka ku dhaca qof uu ka horyimid qof uu horay wax ugu dhimay; yaxyax.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
wejiggabax
m.l Madax hoos u rogidda iyo weji kaduudka ku dhaca qof uu ka horyimid qof uu horay wax ugu dhimay; yaxyax.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wejiggabax
m. n., [compound] hanging one's head in shame, turning one's face away in shame ~ embarrassment
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wejiggabax
de: hanging one's head in shame, turning one's face away in shame ~ embarrassment
initial: w
lx: wejiggabax
pd: (-a)
ps: n-m-cmp
key: wejiggabax
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wejikaduud
-ka: (magac, lab, keli) eeg wejicabuus.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wajigabaxsan
(tilmaame) khaso iyo bahdilaad qaba ah. Odayadii oo wajigabaxsan ayaa soo noqday.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
wejidayaxeed
m.l (-iyo ..., m.l) (c.fal.) Heerarka kala duwan ama isbeddellada muuqaalka oo dayaxu maro markuu ku wareegayo dhulka, waxaana loo yaqaannaa dayax cusub, dayax buuxa, iyo wixi lamida.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wejidayaxeed
-ka: (magac, lab, keli) heerarka kala duwan ama isbeddellada muuqaalka oo dayaxu maro markuu ku wareegayo dhulka, waxaana loo yaqaannaa dayax cusub, dayax buuxa iyo wixii la mid ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wejikaduudid
-da: (magac, dhedig, keli) haruuf iyo nacaybsho muujin. Qof ku nacaya wejikaduudidda ayaad ku garan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wejigarasho
m.f.dh eeg wejigaro. la-mid: wejigarad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wejigarasho
-da: (magac, dhedig, keli) qof aad garanayso cid kale uga eexasho oo uga sadburin. Weligaa wejigarasho ha ku shaqayn.
wejigarasho -da: (magac, dhedig, keli) maamin oo wejigiisa in yar garasho. Ninkan wejigarasho mooyee aqoon badani nagama haxayso. Dh: aqoonin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wejimacbuus
m.l Qof aan furfurnayan oo dad dhexgelkiisu yar yahay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
wejimacbuus
m.l Qof aan furfurnayan oo dad dhexgelkiisu yar yahay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wejimacbuus
m. n., [compound] unfriendly face ~ behavior
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wejimacbuus
-ka: (n) unfriendliness; frowning face; scowl (iskaawl)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wejimacbuus
-ka: (magac, lab, keli) eeg wejicabuus.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wejimacbuus
de: unfriendly face ~ behavior
initial: w
lx: wejimacbuus
pd: (-ka)
ps: n-m-cmp
key: wejimacbuus
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Weji dayaxeed
Lunar phase
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weji-dayaxeed