ereyga

wejifurane

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

wejifurane

DHAN

-ha: (magac, lab, keli) qof dabeecad fiican oo dhoollacaddayn badan; qof aan weji xumayn. Wejifurane wehel ka dhigo.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

wajifurane

DHAFAN

-ha: (magac, lab, keli) qof dabeecad fiican oo dhoollacaddayn badan; qof aan weji xumayn.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

wejifurnaan

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) dabeecad wanaagsanaan; furfurnaan oo wejibaxsanaan. Wejifurnaantu waa sadaqo. Dh: wejifurni. Li: wejixumi, dabeecadxumi.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Wejifur

DHAFANDHAAF
1

(Wejifur-ka)

2

Hadiyad gabadha la arooso la siiyo, oo ninka wax aroosay uu siiyo (kolka laysu guri geeyo oo ay dharka arooska dhigayso).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

wejifur

DHAFANDHAAF

m.l Hadiyad gabdhaha la arooso uu siiyo ninka wax aroosay kolka la gurigeeyo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

wejifur

DHAFANDHAAF

m.l Hadiyad gabdhaha la arooso uu siiyo ninka wax aroosay kolka la gurigeeyo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

wejifur

DHAFANDHAAF

m. n., [compound] final gift given to the bride by the groom

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

wejifur

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) hadiyad caruusku caruusadda siiyo habeenka dadab galka. Wejifur waa furaha qoyska.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

wejifur

DHAFANDHAAF
1

cf: gabbaati, hadiyad, yarad {S}

2

de: final gift given to the bride by the groom Lit: open or uncover the face

3

initial: w

4

lx: wejifur

5

pd: (-ka)

6

ps: n-m-cmp

7

key: wejifur

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

wejifurid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) hadiyaddii wejifurka siin. Hadiyad qaali ah ugu talagal wejifuridda carooskaaga.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Wejiine

DHAFANDHAAF
1

(Wejiina-ha)

2

Wajiine.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

wejiine

DHAFANDHAAF

m.l la-mid: wajiine.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

Wejiine

DHAFANDHAAF

m. n. part of the dry season

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

wejiine

DHAFANDHAAF

-ha: (magac, lab, keli) xilli dabayleed qabow oo roob jirey kala kaxaysa. Wejiinaha ka guur baan lahaa wiil kalaa dhalane. Dh: wajiine.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

Wejiine

DHAFANDHAAF
1

bw: Wajiine

2

cf: Jiilaal; musareen

3

de: part of the dry season

4

initial: w

5

lx: Wejiine

6

pd: (/ha)

7

ps: n-m-time

8

key: Wejiine

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

wejigarad

DHAFANDHAAF

m.l la-mid: wejigarasho.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

wejigarad

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) garasho iyo qaraabo wax ku bixin. Dh: wajigarad.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

wejilaawe

DHAFANDHAAF

np-idiom: shameless, undignified, dishonored

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

wejilaawe

DHAFANDHAAF
1

de: shameless, undignified Lit: without face

2

initial: w

3

lx: wejilaawe

4

ps: np-idiom

5

xe: The king is undignified.

6

xv: Boqorku waa weji laawe.

7

key: wejilaawe

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

wejixumee

DHAFANDHAAF

(fal) cid kale waji aan wanaagsanayn ku qaabbil.

waa la naqliyay ✓

Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]

Re-insurance

DHAFANDHAAF

Caymo labaadin

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

deliverance

DHAFANDHAAF

/dhiliveransi/ (n) badbaadin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Weedh furan

DHAFANDHAAF

Sentence, open

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

wejigarasho

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg wejigaro. la-mid: wejigarad.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

wejigarasho

DHAFANDHAAF
1

-da: (magac, dhedig, keli) qof aad garanayso cid kale uga eexasho oo uga sadburin. Weligaa wejigarasho ha ku shaqayn.

2

wejigarasho -da: (magac, dhedig, keli) maamin oo wejigiisa in yar garasho. Ninkan wejigarasho mooyee aqoon badani nagama haxayso. Dh: aqoonin.

waa la naqliyay ✓