weji-dayaxeed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weji-dayaxeed
m.l (-iyo ..., m.l) (c.fal.) Heerarka kala duwan ama isbeddellada muuqaalka oo dayaxu maro markuu ku wareegayo dhulka, waxaana loo yaqaannaa dayax cusub, dayax buuxa, iyo wixi lamida.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
wejidayaxeed

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wejidayaxeed
-ka: (magac, lab, keli) heerarka kala duwan ama isbeddellada muuqaalka oo dayaxu maro markuu ku wareegayo dhulka, waxaana loo yaqaannaa dayax cusub, dayax buuxa iyo wixii la mid ah.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Weji dayaxeed
Lunar phase
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Lunar phase
Weji dayaxeed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bildayaxeed
m.dh (-lal ..., m.l) (c.fal.) Waqtiga uu dayaxu wareeg buuxa ku sameeyo dhulka, waqtigaas oo u dhexeeya bil cusub ilaa bil cusub; waana ugu dhawaan 29.5 maalmood.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bil dayaxeed
m.dh (-lal ..., m.l) (c.fal.) Waqtiga uu dayaxu wareeg buuxa ku sameeyo dhulka, waqtigaas oo u dhexeeya bil cusub ilaa bil cusub; waana ugu dhawaan 29.5 maalmood.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Bil dayaxeed
Lunar month
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Webi barafeed
Fluvioglacial
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maalin dayaxeed
m.dh (-lmo ..., m.l) (c.fal.) Inta uu soconayo hal isrog oo dhulku dhidibkiisa isku rogo iyadoo loo fiirinayo dayaxa, ama waa muddo waqti ah oo u dhexaysa labo udub oo isku xiga oo dayaxu ku sameeyo dhig. Muddadaas oo la eg ilaa 24 saacadood iyo 50 daqiiqo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maalin dayaxeed
m.dh (-lmo ..., m.l) (c.fal.) Inta uu soconayo hal isrog oo dhulku dhidibkiisa isku rogo iyadoo loo fiirinayo dayaxa, ama waa muddo waqti ah oo u dhexaysa labo udub oo isku xiga oo dayaxu ku sameeyo dhig. Muddadaas oo la eg ilaa 24 saacadood iyo 50 daqiiqo.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Maalin dayaxeed
Lunar day, tidal day
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
awood-danabeed
m.dh (fiisikis) Awoodda danab ee qalab koronto waa xaddiga tamarta ee ku geddisantahay hal halbeeg oo ammin ah. Awood danab waxa lagu cabbiraa Waat, summadduna waa P. Tamar danab QV ItV VI Ammin t t Awoodda danab ee Waat ah waxa lagu helaa taranta keyd faraqa V iyo qulqulka danabka ee Ambiiyeer (A).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
awood-danabeed
m.dh (fiisikis) Awoodda danab ee qalab koronto waa xaddiga tamarta ee ku geddisantahay hal halbeeg oo ammin ah. Awood danab waxa lagu cabbiraa Waat, summadduna waa P. Tamar danab QV ItV VI Ammin t t Awoodda danab ee Waat ah waxa lagu helaa taranta keyd faraqa V iyo qulqulka danabka ee Ambiiyeer (A).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saliidmadaxeed
-da: (magac, dhedig, keli) saliidda la marsado timaha madaxa. Ku dhaasho saliid madaxeed.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Jid badeed
Ship canal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weji dhexe
m.l (baayoloji) Heerka ugu weyn ee qaybsanka bu'da, kaas oo xuubka bu'du uu baaba'ayo, koromosoomyaduna ay imanayaan badhtanka xiddigaha, kaddibna waxa bilaabma kala durugga koromaatidhyada.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
weji gabax
shy, feeling embarrassed
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
weji_gabax
de: shy, feeling embarrassed
initial: w
lx: weji gabax
ps: idiom
key: weji_gabax
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wejigabxid
-da: (magac, dhedig, keli) khasoobid oo sharafdhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wejiggabax
(Wejiggabax-a)
Weji aan furfurrayn ama hoos loo rogto ama la kaduudo, sida qof ceebaal falay, ama si kale cid wax ugu dhimay, wejigiisu noqdo, kolkuu la kulmo dadka uu wax u dhimay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wejiggabax
m.l Madax hoos u rogidda iyo weji kaduudka ku dhaca qof uu ka horyimid qof uu horay wax ugu dhimay; yaxyax.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
wejiggabax
m.l Madax hoos u rogidda iyo weji kaduudka ku dhaca qof uu ka horyimid qof uu horay wax ugu dhimay; yaxyax.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wejiggabax
m. n., [compound] hanging one's head in shame, turning one's face away in shame ~ embarrassment
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wejiggabax
de: hanging one's head in shame, turning one's face away in shame ~ embarrassment
initial: w
lx: wejiggabax
pd: (-a)
ps: n-m-cmp
key: wejiggabax
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gelindambeed
m.dh 1. Lixda saacadood oo maalinta ugu dambeysa. 2.Afarta saacadood oo habeenka ugu dambeeya. la-mid: gelindambe.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wejigabaxsan
(tilmaame) khaso iyo bahdilaad qaba ah. Odayadii oo wejigabaxsan ayaa soo noqday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gelin-dambeed
m.dh 1. Lixda saacadood oo maalinta ugu dambeysa. 2.Afarta saacadood oo habeenka ugu dambeeya. la-mid: gelin-dambe.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Webi dhagaxle
Stone river
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sawir-maskaxeed
-ka: (n) imagination (i-maaji-neey-shin); imaginary (i-maaji-nari); fancy (faansi)