weesaysasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Weesaysasho
(Weesaysasha-da)
Weeso qaadasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weesaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) weysaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weysaysasho
m.f.dh eeg weysayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weysaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg weysaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eedaysasho
m.f.dh eeg eedayso. la-mid: eedaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eedaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) qof kale denbi ku soo oogid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Eexaysasho
(Eexaysasha-da)
Eex iyo dan moodid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eexaysasho
m.f.dh eeg eexayso. la-mid: eexaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eexaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax ama si, dan ama talo moodid. Eexaysasho ayaan ka dayay oo talaan mooday reerka raristiisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beelaysasho
(Beelaysasha-da)
Qolo kale xoog ku qabsasho oo beel ka dhigasho; beelaysi; gumeysi; raaciye ka dhigasho; isticmaarsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beelaysasho
m.f.dh eeg beelayso. la-mid: beelaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beelaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) beelbeel u samaysasho, qaab beeleed u ururid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beenaysasho
-da: rumaysasho la'aan, wax laguu sheegay beenaysad, been ka soo qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Leexaysasho
(Leexaysasha-da)
Leexo samaysasho, cayaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
leexaysasho
m.f.dh eeg leexayso. la-mid: leexaysad, leexaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leexaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) (ka ~) iyada oo la laadlaado, marba dhinac aadid ama u walhad. Dh: leexaysi, leexaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Meelaysasho
(Meelaysasha-da)
Meel dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meelaysasho
m.f.dh eeg meelayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meeraysasho
-da: (magac, dhedig, keli) meeraalaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seeraysasho
m.dh la-mid: seerasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seeraysasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhul daaqeen ah oo xoolaha laga cesho; seere u samaysasho. Seeraysasho waa kayd dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seetaysasho
m.f.dh eeg seetayso. la-mid: seetay-sad, seetaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Booraysasho
(Booraysasha-da)
Ciid boor leh ku weesaysasho, biyo la'aan ama sabab kale darteed; goggobeysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Goggobeysasho
Goggobeysasha-da)
Ciid habaas leh, ku weesaysasho, cudur ama biyala'aan darteed; booraysasho: (ama gaggabeysasho).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Weesaysi
(Weesaysi-ga)
Weesaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weesaysi
m.l la-mid: weesaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wareegaysasho
m.dh la-mid: wareegaalaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wareegaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) iska daballaabad; si iska dabawareeg ah u socosho: meereysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dheeraysasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax gaaban biirsasho oo in ku darsasho. Dh: biirsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Meertaysasho
(Meertaysasha-da)
Si meerto ah wax u wadaagid, u qaybsasho; kaltamid; jilaysi; moogtan; miilaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meertaysasho
m.f.dh eeg meertayso. la-mid: meertaysad, meertaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meertaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg meertaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sheekaysasho
(Sheekaysasha-da)
Sheekooyin isu sheegsheegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sheekaysasho
m.f.dh eeg sheekayso. la-mid: sheekaysad, sheekaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheekaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) sheekays sheekaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weesayso
f.mg3 (-stay, -satay) Salaad ka hor weeso qaadasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
weesayso
f.mg3 (-stay, -satay) Salaad ka hor weeso qaadasho. m.f.dh, weesaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
weesayso
v.auto: wash up ~ make one's ritual ablutions before praying
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
weesayso
-weesaystay / weeysaysatay: (v) wash or cleanse the body before prayer; make ablution (a-buluu-shin) ~ weeysa qaado, weysayso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weesayso
(fal) weyso qaado; weysayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
weesayso
de: wash up ~ make one's ritual ablutions before praying
initial: w
lx: weesayso
nt: weesaysad (ka) [vn-m], weesaysasho (/da) [vn-f], weesaysi (ga) [vn-m]
pd: (weesaystay)
ps: v3b=auto
key: weesayso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weecsasho
m.f.dh eeg weecso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weecsasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax meel u socda xoog ama xeelad u duwasho; xag ad rabto u leexsasho. Ninka weecsasho hanti dadweyne lagu helo waa in la xidhaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Weesaysad
(Weesaysad-ka)
Weesaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weesaysad
m.l la-mid: weesaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weesaysad
-ka: (magac, lab, keli) weysaysi; weysaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gasaysasho
m.f.dh eeg gasayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leexasasho
-ha: (magac, lab, keli) meeshii loo socdey ama dhabbihii la hayey doc ama gees uga weecasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rasaysasho
m.f.dh eeg rasayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rasaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax rasaysan ka dhigasho; taallaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waraysasho
(Waraysasha-da)
Cid wax weydweyddiin, si war looga helo; war ka doonid, ka raadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waraysasho
m.f.dh eeg warayso. la-mid: waraysad, waraysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waraysasho
-da: (magac, dhedig, keli) cid wax weyddiin; su'aalo xog lagu raadinayo cid la yeelasho. Dh: waraysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xeraysasho
(Xeraysasha-da)
1. Xero gashad.
2. Waxbarasho darteed, xer ahaan meel u joogid, u aadid, ugu maqnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xeraysasho
m.f.dh eeg xerayso. la-mid: xeraysad, xeraysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeraysasho
-da: (magac, dhedig, keli) xero nadab ah geysasho. Dh: xeraysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baasaysasho
m.f.dh eeg baasayso. la-mid: baasaysad, baasaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baasaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) ka dhigashada wax baas leh oo belo ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ehelaysasho
-da: (magac, lab, keli) cid kale, ehel iyo qaraabo ka yeelasho. Dh: ehelaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeclaysasho
m.f.dh eeg jeclayso. la-mid: jeclay-sad, jeclaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meereysasho
m.f.dh eeg meerayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meereysasho
-da: (magac, dhedig, keli) warwareegid oo kolba meel ka meerid. Dh: wareegeysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nebcaysasho
m.f.dh eeg nebcayso. la-mid: nebcoobid, necbaysasho, necboobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nebcaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) waxa ay naftu karahdo. Dh: nebcoobid, necbaysasho, necboobid.
nebcaysasho -da: (magac, dhedig, keli) niyadda ka karaahaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
necbaysasho
m.dh la-mid: nebcaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
necbaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) cid ama wax kale nac iyo niyadxumo u hayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
neecawsasho
m.f.dh eeg neecowso. la-mid: naacawsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
neecawsasho
-da: (magac, dhedig, keli) hawo qaadasho; laydhsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruqsaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) shaqo ama hawl dad loo hayey ka tegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seegeysasho
m.f.dh eeg seegeyso. la-mid: seegeysad, seegeysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seegeysasho
-da: (magac, dhedig, keli) xubinta taranka oo biyaha gacanta looga keeno; siigaysasho; siigaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waalaysasho
m.f.dh eeg waalayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waalaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaarta waalo ciyaarid. Dhallinyaradu waalaysashada way iskugu yeedhaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waaxaysasho
m.f.dh eeg waaxayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waaxaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg waaxaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weegaarasho
m.dh la-mid: maageerasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weegaarasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg waageerad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wiidaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) wiidaysi; bildhaansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaasaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) xaas ama reer dhisasho; guursasho oo islaan iyo carruur yeelasho. Dh: xaasaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caleemaysasho
m.f.dh eeg caleemayso. la-mid: caleemaysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caleemaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) geed, caleemo yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labeenaysasho
m.f.dh eeg labeenayso. la-mid: labeenaysad, labeenaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labeenaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) caano, labeen yeelad. Dh: labeenaysad, alwa
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weecsanaansho
m.l/dh la-mid: weecsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weecsanaansho
-ha: (magac, lab, keli) dhan u duwanaansho. Weecsanaanshaha ka bi'i shookaanta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beledeysasho
m.f.dh eeg beledeyso. la-mid: beledeysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galshaysasho
m.f.dh eeg galshayso. la-mid: galshaysad, galshaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galshaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) galshaysi, dhoobamiirasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geydhaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) geydhe gurasho; midho qadhaadh oo wax lagu aslo oo gaydhe la yidhaahdo soo gurasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heemaarsasho
m.f.dh eeg heemaarso. la-mid: heemaarsad, heemaarsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heemaarsasho
-da: (magac, dhedig, keli) burcad iyo geedo inta la isku daro, heemaar ka samaysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ogaasaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) ugaas ka yeelasho; ugaasnimo u caleemasaarasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qorshaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax ad leedahay tabaabulsho iyo agaasin fiican u samaysasho. Dh: habaysasho, agaasimasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ugaasaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) ugaas yeelasho; ugaas samaysasho. Dh: ugaasaysad, ugaasaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weydaarsasho
m.f.dh eeg weydaarso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weydaarsasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax aad haysato wax kale ku beddelesho oo cid kale kaga doorsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beelaysnaansho
m.l/dh la-mid: beelaysnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beelaysnaansho
-ha: (magac, lab, keli) eeg beeleysnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meelaysnaansho
m.l/dh la-mid: meelaysnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meelaysnaansho
-ha: (magac, lab, keli) wax meel lagu og yahay ahaansho.