weerargal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weerargal
weerargal¹: m.l la-mid: weerargelid.
weerargal²: f.mg1 (-alay, -ashay; -geli) Col weerar qaadid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
weerargal
v. go on the attack
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weerargal
(fal) dagaal weerar ah qaad oo cadawga kaga horree. Meel aanu cadawgu malaynayn ka weerargal.
weerargal -ka: (magac, lab, keli) dagaal weerar ah oo la galo oo cadawga lagaga horreeyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
weerargal
de: go on the attack
initial: w
lx: weerargal
pd: (weerargalay)
ps: v1=intr
key: weerargal
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
WEERAAL
(Weral) N Cymbopogon schoenanthus (L) Spreng. Gramineae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weerargelid
m.f.dh eeg weerargal². la-mid: weerargal¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weerargelid
-da: (magac, dhedig, keli) dagaal weerar ah galid oo cadawga kaga horrayn. Weerargaliddu qurshe ayay u baahan tahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wargal
(Wargal-ka)
Qof warkiisu yahay, ku lagu kalsoon yahay oo la cuskan karo; qof warka heli og, runna ka sheega.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wargal
m.l.kh W. ah: qof warkiisa lagu kalsoonaan karo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wargal
m. n., [compound] reliable informant
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Wargal
Attendibile
Reliable
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wargal
-ka: (magac, lab, keli) qof warkiisa lagu kalsoonaan karo; qof warka heli og runtana ka sheega. Waa weriye wargal ah. Dh: wargaleen.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wargal
de: reliable informant
initial: w
lx: wargal
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: wargal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Weerar
(Weerar-ka)
Dagaalka colalka bilawgiisa, badanaa intaan colku gaarin colkii kale ama meeshi kale oo uu ku dhufan lahaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weerar
weerar¹: m.l Dagaalka ciidanka cadawga lagu dhufto, lagu bilaabo ama lagu qaado.
weerar²: f.g1 (-ray, -rtay) Cid duullaan ku qaadid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
weerar
weerar¹: m.l Dagaalka ciidanka cadawga lagu dhufto, lagu bilaabo ama lagu qaado.
weerar²: f.g1 (-ray, -rtay) Cid duullaan ku qaadid. m.f.dh, weerarid.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
weerar
attack
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
weerar
m. n. attack, raid, assault; aggression
weerar v. attack, assault, raid; commit aggression, wage war
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
weerar
-ka: (n) attack (a-taak); raid (reeydh); onslaught (on-isloot); offensive (o-feen-siv); assault (a-soolt); hostile attack ~ duullaan
weerar -ay /tay:(v) attack (a-taak); start a fight; take the offensive
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weerar
(fal) dagaal ku qaad; ku duul oo kaga horree. Inta cadawgu hurdo adu weerar.
weerar -ka: (magac, lab, keli) dagaal hujuum ah oo cid lagu qaado oo lagaga horreeyo. Jahli inan ka tirannaa bulshooy weerar loo yahaye.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
weerar
هُجُوم
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weeraar
-ka: (magac, lab keli) eeg waraar.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
weerare
attacker
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
weerare
m. n. attacker; forward (in football), offense
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
weerare
-weeraraha: (n) attacker (a-taakar); assaulter (a-sool-ter); assailant (a-seeylant); aggressor ~ weerar qaade
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
weerare
de: attacker; [ext.] forward (in football), offense
initial: w
lx: weerare
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: weerare
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeragal
(fal) hoyo oo xaadhintaadii teg. Alista soo xeragal ku dheh. Dh: xeroo, hoyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meeraran
(tilmaame) la meeraray ah. Dibidu way meeraran yihiine dullaha qaado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warangal
-ka: (magac, lab, keli) wiilku maalinta uu dagaal gali garo. Curadkaygu haddeed waa warangal. Dh: gaashaanqaad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
weerar_1
cf: dagaal
de: attack, raid, assault; aggression
hm: 1
initial: w
lx: weerar
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: weerar_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
weerar_2
de: attack, assault, raid; commit aggression, wage war
hm: 2
initial: w
lx: weerar
pd: (weeraray)
ps: v1=tr
key: weerar_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Weerarid
(Weerarid-da)
Weerar ku dhufasho, ku qaadid, ku sii deyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weerarid
m.f.dh eeg weerar². la-mid: weerarniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weerarid
-da: (magac, dhedig, keli) dagaal ku qaadid oo cadawga kaga horrayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weesagad
-da: (magac, dhedig, keli) geed ur qudhmuun oo jeerinka u eg.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geedaggal
v., [compound] move into the shade
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
geedaggal
de: move into the shade
lx: geedaggal
pd: (geedaggalay)
ps: v1=cmp
syn: dhacamaggal
key: geedaggal
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Weerar-ka
attaque, offensive.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Weesaggad
(Weesaggad-da)
Geed jeerinka u eg oo ur qurmuun leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weesaggad
m.dh Geed ur qurmoon oo jeerinka u eg.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
weesaggad
f. n. tree species, resembling an acacia, but with a horrible odor
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
weesaggad
de: tree sp., resembling an acacia, but with a horrible odor Lit: ruin one's ablution
initial: w
lx: weesaggad
pd: (-da)
ps: n-f
key: weesaggad
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
weerarcelin
vl. n., [compound] counter-attack; repulse
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
weerarcelin
-ta: (n) return attack; counterattack (kaawn-tar-ataak) ~ rogaalcelin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weerarcelin
-ta: (magac, dhedig, keli) dagaal rogaal celis ah oo cid laga adkaadayi ay ciddi ka adkaatay ku qaaddo oo kaga horrayso. Dh: rogaalcelin. Li: baqadirir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
weerarcelin
de: counter-attack; repulse
initial: w
lx: weerarcelin
pd: (-ta)
ps: vn-f-cmp
key: weerarcelin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weeraritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg weerarid.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Weerarra-da
bataille.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
weeraryahan
m. n. attacker; forward (in football)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
weeraryahan
de: attacker; forward (in football)
initial: w
lx: weeraryahan
pd: (-ka)
ps: n2-m
see: weerare
key: weeraryahan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beernugayl
-ka: (magac, lab, keli) qofka oo habnuglaada. Dh: beerjileec.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
feeraarsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la feeraariyay ahaansho. la-mid: firaarsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
feeraarsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la feeraariyay ahaansho. m.f.dh, feeraarsanaan. la-mid: firaarsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feeraarsan
(tilmaame) kala fog; kala durugsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
reermagaal
m.l.u 1. Dadka intiisa magaalooyinka ku nool. 2. R.ah: qof ilbax ah. la-mid: reermagaalo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
reermagaal
m.l.u 1. Dadka intiisa magaalooyinka ku nool. 2. R.ah: qof ilbax ah. la-mid: reermagaalo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
reermagaal
-ka: (magac, lab, keli) qof ilbax ah.
reermagaal -ka: (magacwadareed) dadka intiisa ku nool magaalooyinka ee aan miyi degganayn. Reermagaale caashagay rubadkiisu nugalaa. Li reerbaadiye, reermiyi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weegaarsan
f.mg4 (-naa,-nayd) la-mid: maageeran.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weegaarsan
(tilmaame) eeg weegaaran.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Weerarayya
attaquer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weerarniin
m.l la-mid: weerarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weerarniin
-ka: (magac, lab, keli) cid kale weerar ku qaadniin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Weercalaan
(Weercalaan-ka)
Weerdawac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weercalaan
m.l Bahal weerka iyo dawacada u dhexeeya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
weercalaan
m. n. hyena species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weercalaan
-ka: (magac, lab, keli) xayawaan ay iska dhalaan dacawada iyo weerku oo waaraha ka mid ah. Weercalaan ma weerbaa mise waa dacaw?.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
weercalaan
de: hyena sp.
initial: w
lx: weercalaan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: weercalaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dameerarogad
-ka: (magac, lab, keli) jaad ka mid ah geedaha dhexaad ah.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
weerar qaade
-qaadaha: (n) attacker (a-taakar); assaulter (a-sool-ter); assailant (a-seeylant); aggressor ~ weerare
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Beegal
Standard
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deerag
-ga: (magac, lab, keli) jaad kalluunka badda laga soo saaro ka mid ah. Dh: taraagad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Eeraan
(Eeraan-ka)
Socod ama orod aad u dheer; dheerayn; duulid; booddo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eeraan
m.l 1. Socod ama orod badan. 2. Ee. ah: nooc geela ka mid ah oo dhaadheer.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
eeraan
m. n. long walk ~ run; race
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eeraan
-ka: (magac, lab, keli) nooc geela ka mid ah oo dhaadheer.
eeraan-ka: (magac, lab, keli) socod ama orod aad u dheer. Eeraan ayaan hashii orodday ku gaadhay. Dh: dheerayn, duulid, booddo.
eeraan -ka: (magac, lab, keli) xoolo tiradoodu ay 100 gaadhayso. Dh: wegen.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
eeraan
de: long walk ~ run; race
lx: eeraan
pd: (-ka)
ps: n-m
key: eeraan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eeryal
-ka: (magac, lab, keli) eeg anteeno.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fargal
m.l 1. (-llo, m.dh) la-mid: fargashi. 2. la-mid: faraggal.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fargal
m.l 1. (-llo, m.dh) la-mid: fargashi. 2. la-mid: faraggal.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Fargal
Annulus
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fargal
-ka: (magac, lab, keli) walax yar oo wareegsan oo macdan ka samaysan oo faraha la gashado iyadoo qurux laga dayayo. Dh: faraartin, fargashi, kaatun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hargal
(Hargal-ka)
1. Harka soo geliddiisa.
2. Harkii oo meel la joogo ama la harsado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hargal
hargal¹: m.l 1. Waqtiga u dhexeeya duhurkii iyo casirkii. 2. la-mid: hargelid. la-mid: hargalmo, hergel¹, hergalmo.
hargal²: f.mg1 (-alay, -ashay; -geli) 1. Qorrax hoos ka gelid. 2. U h.: cid waqti duhur ah u martiyid. la-mid: hergel².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hargal
hargal¹: m.l 1. Waqtiga u dhexeeya duhurkii iyo casirkii. 2. la-mid: hargalmo, hergel.
hargal²: f.mg1 (-alay, -ashay; -geli) 1. Qorrax hoos ka gelid. 2. U h.: cid waqti duhur ah u martiyid. m.f.dh, hargelid. la-mid: hergel.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hargal
v., [compound] get into the shade; sit in the shade
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hargal
(fal) eeg hadhgal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hargal
de: get into the shade; sit in the shade
lx: hargal
nt: hargal (ka) [vn-m]
pd: (hargalay)
ps: v1=cmp
key: hargal
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
heerar
-ka: (n) [Plural ofheer] levels (levelis)-, stages (isteejis)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hergal
hergal¹: m.l la-mid: hargal¹.
hergal²: f.mg2 (-galay, -gashay) la-mid: hargal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meerar
(fal) dibi qalabkii qodaalka ku xidh. Intaan dhulku kululaan dibida meerar.
meerar -ka: (magac, lab, keli) qalabaynta iyo isku xidhka dibida beerta lagu qodayo iyo qalabkooda oo ah harqood, nugi, kootar, irfi, jiqirti, digirro, fiinyo, suuman, iyo minaaqyo. Kolka ay dibidu xaraashyo yihiin meerarku kuma dhibo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Targal
(Targal-ka)
Surweel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
targal
m.l (-llo, m.dh) 1. Sarwaal hoos ka dhuuban oo badanaa fardaha lagu fuulo.2. Sarwaal.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
targal
m.l (-llo, m.dh) 1. Sarwaal hoos ka dhuuban oo badanaa fardaha lagu fuulo.2. Sarwaal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
targal
m. n. pair of pants, trousers
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
targal
de: pair of pants, trousers
initial: t
lx: targal
pd: (-ka)
ps: n2-m
syn: surweel
key: targal
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
tergal
tergal, n.m. - nooc maryaha la xidho ka mid ah; tergaal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waxgal
m.l.kh W. ah: wax waxtara ama muhimad leh; waxtar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
waxgal
m.l.kh W. ah: wax waxtara ama muhimad leh; waxtar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waxgal
-ka: (magac, lab, keli) qiimo gal; wax faa'iido ah ahaan. Hadal waxgal ah ayaad i tidhi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beeraad
n. phr., genetive: rural, agricultural