weeraamin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weeraamin
m.f.dh eeg weeraami.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weeraamin
-ta: (magac, dhedig, keli) si aan xoog ahayn u walhin oo kolba dhinac u yara lulid. Weeraaminta kodhaha subagga ayaa ku urura. Dh: wadhaamin, weedhaamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weeraami
f.g2 (-iyay, -isay) Weel subag ama caano fadhiyaa ku jiraan aayar u ruxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weeraami
(fal) eeg weedhaami.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weedhaamin
-ta: (magac, dhedig, keli) si aayar ah kolba dhan u walhin. Carruurtu weedhaaminta way gama'daa. Dh: wadhaamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eeraarin
m.l (botani) Geed faalala oo leh xidido laga sameeyo xargaha adag sida dawliska iyo wixi lamida.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

deegaamin
m.dh la-mid: degaameyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deegaamin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg deegaameyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Feeraarin
(Feeraarin-ta)
In door ah kala durdurkin, kala fogfogeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
feeraarin
m.f.dh eeg feeraari. la-mid: feeraaris, firaarin, firaaris.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
feeraarin
vl. n. development, expansion; deployment
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feeraarin
-ta: (magac, dhedig, keli) in door ah kala durkin; feeraaris; kala fogfogayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
feeraarin
de: development, expansion; deployment
lx: feeraarin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: feeraarin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jeeraarin
(Jeeraarin-ta)
(fardo) kolka iyagoo xarig dheer lagu hayo, ay qofka jaraynaya, ku ag wareega hayaan, ama durdurina hayaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeeraarin
m.f.dh eeg jeeraari. la-mid: jeeraro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeeraarin
-ta: (magac, dhedig, keli) neef xadhig lagu xidhay u dheerayn, si uu u daaqo inta u dhow. Geenyada xadhigga u jeeraari. Dh: heeg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Seeraarin
(Seeraarin-ta)
Tuuryo wax soke oo dheer (daar, buur) korka ka marin, oo meel shishe oo aan muuqan ku ridid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seeraarin
m.f.dh eeg seeraari. la-mid: seeraaris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seeraarin
-ta: (magac, dhedig, keli) tuuryo wax soke oo dheer 'daar, buur' kor ka marin oo meel shishe oo dhanka kale ah, gaadhsiin; seeraaris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bedertamin
m.f.dh eeg bedertami. la-mid: baratamin, baratansiin, baratansiis, bedertansiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bedertamin
-ta: (magac, dhedig, keli) labo wax iyo in ka badan tartansiin oo bereten u samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beekhaamin
(Beekhaamin-ta)
1. Badin; tarmin; bulaalin; barakayn.
2. Dhaqaalayn; tashiilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beekhaamin
m.f.dh eeg beekhaami.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
beekhaamin
-ta: (n) sparing (ispeering); frugality (faruugaliti); economiz ing ~ dhaqaalayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beekhaamin
-ta: (magac, dhedig, keli) si aan horey dhammaad ahayn. Dh: tashiilid.
beekhaamin -ta: (magac, dhedig, keli) intuu ahaa ka sii badin. Beekhaaminta baro sida lacagta loo rogrogo. Dh: tarmin, biirin, kordhin, beexaami.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheeraarin
m.f.dh eeg dheeraari. la-mid: dheeraaris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weedhaamis
-ka: (magac, lab, keli) eeg weedhaamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weerarniin
m.l la-mid: weerarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weerarniin
-ka: (magac, lab, keli) cid kale weerar ku qaadniin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weydhaamin
m.f.dh eeg weydhaami. la-mid: weydhaamis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Eeraan
(Eeraan-ka)
Socod ama orod aad u dheer; dheerayn; duulid; booddo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eeraan
m.l 1. Socod ama orod badan. 2. Ee. ah: nooc geela ka mid ah oo dhaadheer.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
eeraan
m. n. long walk ~ run; race
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eeraan
-ka: (magac, lab, keli) nooc geela ka mid ah oo dhaadheer.
eeraan-ka: (magac, lab, keli) socod ama orod aad u dheer. Eeraan ayaan hashii orodday ku gaadhay. Dh: dheerayn, duulid, booddo.
eeraan -ka: (magac, lab, keli) xoolo tiradoodu ay 100 gaadhayso. Dh: wegen.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
eeraan
de: long walk ~ run; race
lx: eeraan
pd: (-ka)
ps: n-m
key: eeraan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
teeraan
-ka: (magac, lab, keli) garoonka kubbadda lagu cayaaro; garoon.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
WEERAAL
(Weral) N Cymbopogon schoenanthus (L) Spreng. Gramineae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weeraar
-ka: (magac, lab keli) eeg waraar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Weeyaan
Weeye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weeyaan
qr.dd la-mid: weeye.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
weeyaan
inter. it is so; that's right!
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weeyaan
(qurub) sidaa bay tahay; waa sidaa. Arrinru sidaas weeyaan aad maqashay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
weeyaan
de: it is so; that's right!
initial: w
lx: weeyaan
ps: intj
see: weeye
key: weeyaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beeqaami
(fal) wax beexaamay oo batay ka dhig. Ilaahoow ceeshka noo beeqaami. Dh: beekhaami, beexaami, barakee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deegaami
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: degaamee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deegaami
(fal) deegaan ay dad galaan ka dhig oo dhisma hoosaad u samee. Dh: deegaamee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
degaamin
m.dh la-mid: degaameyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
degaamin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhul aan hore loo degi jirin, deegaamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Eedaamid
(Eedaamid-da)
(xoolo) xanuun la ciyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eedaamid
m.dh la-mid: aadaamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eedaamid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg aadaamid.
eedaamid -da: (magac, dhedig, keli) riyaha xanuun la ciyid. Eedaamid ayaa ka dhamaatay xoolihii maanta xanuun dartii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
feeraari
f.g2 (-iyay, -isay) Wax kala durgin. la-mid: firaari.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
feeraari
f.g2 (-iyay, -isay) Wax kala durgin. m.f.dh, feeraarin. la-mid: firaari.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
feeraari
v. separate, move apart, spread out
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feeraari
(fal) kala durki; kala fogee. Dh: tabaaqili. Li: jinqiyee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
feeraari
de: separate, move apart, spread out
lx: feeraari
pd: (feeraariyey)
ps: v2a=tr
key: feeraari
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feraadin
-ta: (magac, dhedig, keli) qofka lafaba kaba. Feraadin ugu yeedha wiilka lugba jabane. Dh: farsamayaqaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeeraari
f.g2 (-iyay, -isay) Xoolo jeeraaro samayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jeeraari
v. train a horse by making it circle around oneself at the end of a rope
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeeraari
(fal) orod isa sii daa oo carar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jeeraari
de: train a horse by making it circle around oneself at the end of a rope
lx: jeeraari
pd: (jeeraariyey)
ps: v2a=tr
key: jeeraari
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seeraari
lg2 (-iyay, -isay) Wax la tuurayo si ay meel shishe oo aan muuqan ugu dhacaan, wax dheer oo soke dusha ka marin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
seeraari
v. throw out of sight (e.g., over a wall)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seeraari
(fal) daar, buur iyo wixii la mid ah, si tuuryo ah wax uga dullali, si tuuryo ah wax uga dul laliyo. Dh: murgugaaf.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
seeraari
bw: tuuryo
de: throw out of sight (e.g., over a wall)
initial: s
lx: seeraari
nt: seeraarin (ta) [vn-f], seeraaris (ka) [vn-m]
pd: (seeraariyey)
ps: v2a=tr
key: seeraari
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waraabin
(Waraabin-ta)
Biyo la cabbo siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waraabin
m.f.dh eeg waraabi. la-mid: waraabis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waraabin
vl. n. irrigation; watering
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
waraabin
-ta: (n) irrigation (iri-geey-shin); the act of watering or supplying water
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waraabin
-ta: (magac, dhedig, keli) biyo siin, harraad tirid oo biyo cabsiin. Hadduu daad galo beertu waraabin uma baahna. Dh: cabin, cabsiin. Li: harraadin.
waraabin -ta: (magac, dhedig, keli) beer, maagaddo u samayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waraabin
de: irrigation; watering
initial: w
lx: waraabin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: waraabin
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
waraabin
سَقَى سِقَايَة، رَيِّ
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wedaarin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg waydaarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Weerarid
(Weerarid-da)
Weerar ku dhufasho, ku qaadid, ku sii deyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weerarid
m.f.dh eeg weerar². la-mid: weerarniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weerarid
-da: (magac, dhedig, keli) dagaal ku qaadid oo cadawga kaga horrayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Weyraxin
(Weyraxin-ta)
Weyrax ka doonid, ka keenid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weyraxin
m.f.dh eeg weyraxi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weyraxin
-ta: (magac, dhedig, keli) neef weyrax ku ridid oo ka gadoodsiin. Weraxinta lo'du way khatar badan tahay. Dh: weyraxis,
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beexaamid
m.f.dh eeg beexaan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beexaamid
-da: (magac, dhedig, keli) yaryarayn oo horay u dhammaansho la'aan. Dh: badi, barakay, tarmi, tashiil, beeqaami, beexaami, maradhaadhi. beekhaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Feeraaris
(Feeraaris-ka)
Feeraarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
feeraaris
m.l la-mid: feeraarin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
feeraaris
vl. n. separation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feeraaris
-ka: (magac, lab, keli) eeg feeraarin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
feeraaris
de: separation
lx: feeraaris
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: feeraaris
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Feertamid
(Feertamid-da)
Cayaarta feerka cayaarid; feer isla dhicid; is feerid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
feertamid
m.f.dh eeg feertan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feertamid
-da: (magac, dhedig, keli) feedh iskala hor tegid; feedh ku ciyaarid ama ku dagaallamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geeraarid
(Geeraarid-da)
Geeraar tirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geeraarid
m.f.dh eeg geeraar².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geylaamin
m.f.dh eeg geylaami. la-mid: geylaamis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geylaamin
-ta: (magac, dhedig, keli) aad u diririd; aad u dagaallamid.
geylaamin -ta: (magac, dhedig, keli) wax meel xoog ku marin oo jiidhsiin. Galoolkiyo maraagiyo hashaan kidiga geylaanshay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heehaabin
-ta: (magac, dhedig, keli) hawo marsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heemaarin
(Heemaarin-ta)
Caano ama wax kale oo shubma oo sida heemaarka u yar, fuuqsasho; hiinsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heemaarin
m.f.dh eeg heemaari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heemaarin
-ta: (magac, dhedig, keli) heemaar ka samayn; codcodka, caanaha iyo subagga kala miirid. Haweeku heemaarinta way kala yaqaanniin.
heemaarin -ta: (magac, dhedig, keli) caano ama wax kale oo shubma oo sida heemaarka u yar. Dh: fuuqsasho, heensasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heeraaran
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax heeraar loo yeelay ahaansho (gabar). 2. Ood iyo wixi lamida meel ku wareegsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
heeraaran
f.mg4 1. Wax heeraar loo yeelay ahaansho (gabar). 2. Ood iyo wixi lamida meel ku wareegsan. m.f.dh, heeraarnaan.