weeldu'
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weeldu'
(fal) weel gaar ah u samee oo dadka ha la wadaajin. Ninka buka dadka ka weeldu'.
weeldu' -ga: (magac, lab, keli) weel gaar ah u samayn. Nin weyni weeldu' ayuu ku fiican yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Weelduw
(Weelduw-ga)
Weelduwid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weelduw
weelduw¹: m.l la-mid: weelduwid.
weelduw²: f.mg1 (-uway, -uday; -uwi) U w.: dad cudurrada xunxun oo lays qaadsiyo qaba, sida qaaxada iyo wixi lamida, weel gaar ah u yeelid, wax ku siin; faquuqid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
weelduw
v. quarantine, isolate (someone with a contagious disease)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
weelduw
de: quarantine, isolate (s.o. with a contagious disease)
initial: w
lx: weelduw
nt: weelduw (ga) [vn-m], weelduwid (da) [vn-f]
pd: (weelduway)
ps: v1=tr
key: weelduw
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Karantiin
* (Karantiin-ka)
Waqti tirsan oo qof cudur xun oo la is qaadsiiyo qaba dadka laga dhexsaaro; weelduwid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karantiil
-ka: (magac, lab, keli) cid xanuun la kala qaado qabta, gooni u takoorid. Dh: karantiin, weelduwid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karantiin
-ka: (magac, lab, keli) wakhti tirsan oo qof cudur xun oo la is qabadsiiyo qaba dadka laga dhexsaaro. Dh: weelduwid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Weelduwan
Cudur xun oo lays qaadsiiyo qaba oo la weel duwey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weelduwan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la takooray ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
weelduwan
der. [adjective] quarantined, isolated (from others)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weelduwan
(tilmaame) weel goonni ah wax lagu siiyo ah; weel u gaar ah leh. Aabbo carruurta wuu ka weelduwan yahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
weelduwan
de: quarantined, isolated (from others)
initial: w
lx: weelduwan
pd: (weelduwanaa)
ps: adj-der
key: weelduwan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Weelduwid
(Weelduwid-da)
Dadka cudurrada xunxun oo lays qaadsiiyo qaba, sida qaaxada, inta dadka fayow laga dhexsaaro, weel u gaar ah oo keligood wax ku cunaan u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weelduwid
m.f.dh eeg weelduw². la-mid: weelduw¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weelduwid
-da: (magac, dhedig, keli) weel gaar ah u yeelid; goonni wax u siin. Nin buka weelduwid ayaa u roon.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ceelduur
-ka: (magac, lab, keli) xoolo ceelkii u qooljeexay oo aaday goor habeennimo ah oo aan war laga hayn. Dh: ceelhoomay.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Wheel drum
Daalle, habaas celiye
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
weed
/wiidh/ (n) 1. harame (cawska ama dhirta iskood u baxa, oo beerta laga jaro) (v) cawska iyo dhirta aan la-rabin beerta ka jarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Weel
(Weel-ka)
1. Wax kasta oo gudo leh, oo wax lagu gurto ama lagu shubto.
2. Wax wax lagu qabsado; qalab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weel
m.l (-lal, m.l) Wax kasta oo gudo leh oo wax lagu shubto ama lagu rido ama lagu karsado.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
weel
m.l (-lal, m.l) Wax kasta oo gudo leh oo wax lagu shubto ama lagu rido ama lagu karsado.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
weel
m. n. vessel, container
weel m. n. utensil, implement, equipment
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
weel
-ka: (n) container (kon-teey-nar); receptacle (ri-sep-tikal); vessel (ve-sel)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weel
-ka: (magac, lab, keli) magac guud oo lagu magaacaabo mid kasta oo ka mid ah alaabta adeegga madbakha. Xeedhadu waa weel wax lagu cuno. Wa: weelal.
weel -ka: (magac, lab, keli) wax kasta oo gudo leh oo wax lagu gurto lagu shubto ama wax lagu qabsado. Ha wareerine weel madhan u hiib.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
weel
مَاعُونَ إِناء
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
weld
/weldh/ (v) alxamid (isku-alxamid).
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Feeld
Veld
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Weedh
Sentence
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
weedh
-a: (n) sentence (sen-tanis); word (woordh); opinion ~ weer, kalmad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weedh
-a: (magac, dhedig, keli) ereyo taxan oo macne buuxa oo la garan karo leh. Weedh gaaban ayuu macallinku tusaale ka dhigay Dh: hawraar, hadal, weer.
weedh-ka: (magac, lab, keli) dun ama haylaaq yar oo lagu xidho wajiga ilaa laga gaadho gadaadka xarrago ama calaamad dagaal ahaan. Dh: weer.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Weeds
Harame
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
wield
/wiildh/ (v) 1. awood ku haysasho (v) 2. haysato oo aad isticmaasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weedhe
-ha: (magac, lab, keli) harrar gaaban oo lagu dhiso aqalka halka u hoosaysa. Dh: dadab.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
weel_1
cf: dhakal, toobte
de: vessel, container
hm: 1
initial: w
lx: weel
pd: (-ka Pl: weelal (ka))
ps: n4-m
key: weel_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
weel_2
cf: qalab
de: utensil, implement, equipment
hm: 2
initial: w
lx: weel
pd: (-ka Pl: weelal (ka))
ps: n4-m
key: weel_2
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
welder
/weldhar/ (n) alxanle (qofka wax alxama).
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Welder
Laxaamade
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
GEEDDUG
Kelleronia gillettiae 10
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
weekday
/wiik dhey/ (n) maalmaha la shaqeeyo ee usbuuca.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weelayn
-ta: (magac, dhedig, keli) si fiican u fahmid; dhegaysi iyo u dhug-yeelad waxa la baranayo ama laga xogwarramayo. Weelaynta casharkaaga ku dadaal.
weelayn -ta: (magac, dhedig, keli) weel iyo maacuun dhigid. Weelaynta madbakhu waa masuuliyadda dumarka