weelayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weelayn
-ta: (magac, dhedig, keli) si fiican u fahmid; dhegaysi iyo u dhug-yeelad waxa la baranayo ama laga xogwarramayo. Weelaynta casharkaaga ku dadaal.
weelayn -ta: (magac, dhedig, keli) weel iyo maacuun dhigid. Weelaynta madbakhu waa masuuliyadda dumarka
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beelayn
-ta: (magac, dhedig, keli) beel ka dhigitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Meelayn
(Meelayn-ta)
(wax, qof) Meel dhigid, u yeelid, ku ogaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meelayn
m.f.dh eeg meelee.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
meelayn
-ta: (n) placement (paleeys mant)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
MEELAYN
Da archiviare
To file away
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Meelayn
Archiviazione; conservazione
Filing; conservation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meelayn
-ta: (magac, dhedig, keli) meel lagu ogaado u samayn oo u diyaarin. Dh: meelays.
meelayn-ta: (magac, dhedig, keli) xil ama shaqo qof u diyaarin. Dh: balaasayn, meelays, shaqaysiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weesayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid u weysayn. Weesaynta carruurta ha ku raagin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xeelayn
(Xeelayn-ta)
Xeeladayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xeelayn
m.f.dh eeg xeelee. la-mid: xeeladayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeelayn
-ta: (magac, dhedig, keli) tab iyo xeelad ku samayn. Raggu xeelayn bay isku dhaafaan. Dh: xeeladayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koobid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal iyo wax la mid ah, soo gaabin ama soo ururin.
koobid-da: (magac, dhedig, keli) ogaal iyo aqoon wax ku garasho oo wada gaadhid. Dh: taabid, weelayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aleelayn
(Aleelayn-ta)
Aleel ku samayn, qurxin darteed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aleelayn
m.f.dh eeg aleelee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aleelayn
-ta: (magac, dhedig, keli) aleel ku qurxin; aleel ku kor samayn. Aleelaynta weelashu waa farshaxan ay Soomaalidu hidde u leedahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heellayn
-ta: (magac, dhedig, keli) heello ku luuqayn ama ku qaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weedhayn
-ta: (magac, dhedig, keli) weedh ka dhigid; weereyn; weedhays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beelay
(fal) beel ka dhig. Dh: beelee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
belayn
-ta: (magac, dhedig, keli) balaayo ku samayn. Belaynta reerka nin baa la soo galay. Dh: balayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Eedayn
(Eedayn-ta)
Xaal u qabsasho; eed saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eedayn
m.f.dh eeg eedee. la-mid: eedays.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
eedayn
-ta: (n) blaming; accusation (akiyu-seey-shin) ~ eedays
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Eedayn
Accusare
Accusation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eedayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, denbi ku soo oogid; cid kale, eed u qabsasho. Eedaynta ay maxkamaddu u soo jeedisay Dharaar waa xatooyo. Dh: tuhmid, eedays, canbaarayn. Wa: eedeymo.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
eedayn
تُهْمَة، إِنَّهَام
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eexayn
m.dh eeg eexee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eexayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax cid xannaanaynteed ah, cid kalena lurkeed ku jiro yeelid; kan kula mudan ahmiyad siin. Eexaynta ubadkaa sidkaha loo ajalayaaye. Dh: xannaanin, naasnuujin, gacanbidixeedin, eexin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meelay
(fal) goob lagu ogaado u yeel. Alaabta u meelay. Dh: meelee.
meelay: (fal) shaqo ama mihnad uu ku negaado sii. Wiilka iga meelay. Dh: shaqysii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wetayn
-ta: (magac, dhedig, keli) celcelin dhinac walba aad wax ka soo celiso. Wanaag uma oggola oo, waddani nacabku weeteeye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeelay
(fal) tab iyo farsamo aad ujeeddadaada ku gaadho samee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yeelan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Kab, wadaan iyo wixi lamida wax la sameeyey ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yeelan
(tilmaame) dib u tolan oo la yeelay ah; ragcadaysan oo la tolay ah. Kabta gasho way yeelan tahaye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beelays
-ka: (magac, lab, keli) dad beelbeel u dejin, dad ururin oo beelbeel u qaybin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beenayn
(Beenayn-ta)
Been ka dhigid; beenin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beenayn
m.f.dh eeg beenee. la-mid: beenin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
beenayn
-ta: (n) the act of rebutting; rebuttal (ribatel); disproof (dis-buruuf) ~ beenin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beenayn
-ta: (magac, dhedig, keli) been ka dhigid, wax la sheegay run ma ah dhehid. Dh: beenin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ceebayn
(Ceebayn-ta)
Ceeb ka sheegid ama ku sheegid; ceeb u yeelid; canbaarayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ceebayn
m.f.dh eeg ceebee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ceebayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, ceeb ka sheegid ama ku sheegid, xumaan ka sheegid. Dh: cambaarayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geeleyn
m.f.dh eeg geelee. la-mid: geeleeyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geesayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax geeso aanu lahayn u yeelid; geeso u samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heecayn
(Heecayn-ta)
Ilmo rajo ah, habar kale oo nuujisa, u yeelid, u dhiibid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heecayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ilmo ama neef rajo ah oo hooyadii dhimatay hooyo nuujisa u samayn. Dh: heecays, nuujin, barbaarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heetayn
m.f.dh eeg heetee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeebayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhar jeeb u yeelid.
jeebayn-ta: (magac, dhedig, keli) mid la jeebay oo gacmaha ka xidhan, ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jeegayn
(Jeegayn-ta)
Biyaha korkooda jirjir u jiifsasho, u dabaalasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeegayn
m.f.dh eeg jeegee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeegayn
-ka: (magac, lab, keli) biyaha korkooda jirjir u jiifsasho o u dabbaalasho. Dh: dabbaaljirijir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Keenayn
(Keenayn-ta)
Keeno u yeelid, gelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
keenayn
m.f.dh eeg keenee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leexayn
-ta: (magac, dhedig, keli) socod meel dheer gaadhid. Dh: dheerayn, siibasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meelays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg meelayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Neefayn
(Neefayn-ta)
Neef gelin; afuufid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
neefayn
m.f.dh eeg neefee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
neefayn
vl. n. inflating, blowing air into
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
neefayn
-ta: (magac, dhedig, keli) naqas ku afuufid Neefaynta shaaggu wakhti badan ma qaadato
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
neefayn
de: inflating, blowing air into
lx: neefayn
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: neefayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
reerayn
-ta: (magac, dhedig, keli) guursasho oo qoys oday iyo islaan ah samayn.
reerayn-ta: (magac, dhedig, keli) inan gudniin fircooni ah qudan furid oo dadabgal u diyaarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seegayn
-ta: (magac, dhedig, keli) seego samayn, shahwad gacanta iskaga keenid. Dh: siigayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seerayn
m.dh la-mid: seerid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seerayn
-ta: (magac, dhedig, keli) seere ka dhigid Seerayntu nabaadguurkana wax bay ka tartaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Seetayn
(Seetayn-ta)
Seeto ku xirid, u yeelid; dabrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seetayn
m.f.dh eeg seetee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seetayn
-ta: (magac, dhedig, keli) seeto ku xidhid u yeelid, dabrid; seetays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
teeleyn
m.f.dh eeg teelee. la-mid: teelo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wahlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wah ku celcelin oo sida eyda u ciyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weereyn
m.dh (naxwe) Qayb ka mid ah cilmi-afeedka oo ku shaqa leh qawaaniinta isku dhafta curiyeyaasha, yacni samaysanka weerta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
weereyn
m.dh (naxwe) Qayb ka mid ah cilmi-afeedka oo ku shaqa leh qawaaniinta isku dhafta curiyeyaasha, yacni samaysanka weerta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weesays
-ka: (magac, lab, keli) weyso qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weeteyn
m.f.dh eeg weetee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weeteyn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax socda joojin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Weeyaan
Weeye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weeyaan
qr.dd la-mid: weeye.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
weeyaan
inter. it is so; that's right!
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weeyaan
(qurub) sidaa bay tahay; waa sidaa. Arrinru sidaas weeyaan aad maqashay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
weeyaan
de: it is so; that's right!
initial: w
lx: weeyaan
ps: intj
see: weeye
key: weeyaan
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
weynayn
m.dh (fiisikis) Summad M. Cabbirka xaddiga uu qalab obtikaad kordhiyo ama yareeyo xajmiga huumaagga. Waana saamiga baaxadda huumaagga iyo baaxadda walaxda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weysayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid u weysayn. Weysaynta carruurta ha ku raagin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wiilayn
-ta: (magac, dhedig, keli) in badan ereyga 'wii' ku celcelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeelays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg xeeladays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beelaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la beeleeyey ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beelaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la beeleeyey ahaansho. m.f.dh, beelaysnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beelaysan
(tilmaame) beelbeel u samaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Meelaysan
Meel la dhigay; meel lagu ogaadey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meelaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la meeleeyey ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
meelaysan
der. [adjective] placed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meelaysan
(tilmaame) wax meel lagu og yahay ah. Gabadh iska meelaysan ayay rag ku duurduuraan. meelaysasho -da: (magac, dhedig, keli) eeg meelasayd.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
meelaysan
de: placed
lx: meelaysan
pd: (meelaysnaa)
ps: adj-der
key: meelaysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wadeecayn
(Wadeecayn-ta)
Wadeeco ka dhigid; dayacid; baylahin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wadeecayn
m.f.dh eeg wadeecee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadeecayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wadeeco ka dhigid; dayacid; baylihin.
wadeecayn-ta: (magac, dhedig, keli) ceeb laga sheego cid aan lahayn. Wadeecayn bay u jeediyeen ninkii maamulaha ahaa. Dh: ceebeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xeeladayn
(Xeeladayn-ta)
Xeelad ku samayn; tabayn; khatalid; sirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xeeladayn
m.dh la-mid: xeelayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeeladayn
-ta: (magac, dhedig, keli) tab iyo xe ku samayn. Dh: qaroomayn, farsamayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aleelays
-ka: (magac, lab, keli) eeg aleelayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beelaysi
(Beelaysi-ga)
Gumeysi, isticmaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beelaysi
m.l la-mid: beelaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beelaysi
vl. n. community, settlement; colonization