weekly
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
weekly
/wiikli/ (adj) toddobaadle (usbuucle).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
toddobaadle
m. n. weekly (magazine, etc.)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
toddobaadle
-toddobaadlaha: (n) weekly (wiikli) ~ usbuucle. Ex: wargeys toddobaadle ah; a weekly newspaper
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
usbuucle
-ha; (n) weekly (wiikli). Ex: wargeys usbuucle ah; a weekly newspaper
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
NASASHADA TODDOBAADKA
Riposo settimanale
Weekly rest
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
toddobaadle
de: weekly (magazine, etc.)
initial: t
lx: toddobaadle
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: toddobaadle
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
biweekly
/baywikli/ (adv) laba asbuucle ah (laba todobaaddle ah)
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
weekday
/wiik dhey/ (n) maalmaha la shaqeeyo ee usbuuca.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weesley
-da: (magac, dhedig, keli) dad weysooyin sita oo xer ama culimo ah. Weesley ayaa inoo marti ah. Dh: weysalay, wadaaddo.
weesley-da: (magac, dhedig, keli) meel ay ubbada weysada laga sameeyaa ka baxdo. Sagaradu waa weesley. Dh: waysalay.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
week
/wiik/ (n) asbuuc (toddobaad).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
week
n., toddobaad, -ki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Weel
(Weel-ka)
1. Wax kasta oo gudo leh, oo wax lagu gurto ama lagu shubto.
2. Wax wax lagu qabsado; qalab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weel
m.l (-lal, m.l) Wax kasta oo gudo leh oo wax lagu shubto ama lagu rido ama lagu karsado.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
weel
m.l (-lal, m.l) Wax kasta oo gudo leh oo wax lagu shubto ama lagu rido ama lagu karsado.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
weel
m. n. vessel, container
weel m. n. utensil, implement, equipment
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
weel
-ka: (n) container (kon-teey-nar); receptacle (ri-sep-tikal); vessel (ve-sel)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weel
-ka: (magac, lab, keli) magac guud oo lagu magaacaabo mid kasta oo ka mid ah alaabta adeegga madbakha. Xeedhadu waa weel wax lagu cuno. Wa: weelal.
weel -ka: (magac, lab, keli) wax kasta oo gudo leh oo wax lagu gurto lagu shubto ama wax lagu qabsado. Ha wareerine weel madhan u hiib.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
weel
مَاعُونَ إِناء
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
weepy
/wiipi/ (adj) ooyi-raba; murugaysan.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
seemly
/siimli/ (adj) hab-maamuus badan (anshax iyo is-aruuris badan).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beedlay
-da: (magac, dhedig, keli) baadlayda inta ukun ama ugac dhasha. Fiidmeertu beedleyda ka mid ma aha ee waa naaslay. Dh: ugacley.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beenley
m.dh (-leeyo, m.dh) Haweeney been badan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beenley
m.dh (-leeyo, m.dh) Haweeney been badan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beenley
f. n. liar (female)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
beenley
-da: (n) [Pl. beenlooyin-ka] liar (laayar); fabricator, fibber, storyteller female
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beenley
-da: (magac, dhedig, keli) qof dumar ah oo been badan. Beenlay wax ha weydiin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beenley
de: liar (female)
lx: beenley
pd: (-da Pl: beenleeyo (/da))
ps: n2a-f
key: beenley
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deeqlay
m.l Nooc geedaha ka mid ah oo aan qodax lahayn oo dhacaan guduudan leh. la-mid: deeqle (2).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
deeqlay
m. n. thornless tree species, its sap is the color of blood
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
DEEQLAY
[DERLIE, DERLAY] Jatropha glandulosa 01
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deeqlay
-da: (magacwadareed) dadka deeqda bixiya. Dh: deeqbixiye.
deeqlay-da: (magac, dhedig, keli) nooc geedaha ka mid ah oo aan qodax lahayn oo dhacaan guduudan leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
deeqlay
a: deeqle
de: thornless tree sp., its sap is the color of blood
lx: deeqlay
pd: (-ga)
ps: n-m
key: deeqlay
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geelley
m.dh.u Dadka geela dhaqda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
geelley
m.dh.u Dadka geela dhaqda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geelley
f. n., [collective] camelmen, camel owners, camel drivers
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
geelley
-da: (n) Plural-, camel owners, cameleers or drivers ~ geeleey
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geelley
-da: (magacwadareed) dadka geela dhaqda: dadka xoolohoodu geela uun yahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
geelley
de: camelmen, camel owners, camel drivers
lx: geelley
pd: (-da)
ps: n-f-col
key: geelley
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geesley
m.dh.u Xoolaha iyo ugaarta inta geesaha leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
geesley
m.dh.u Xoolaha iyo ugaarta inta geesaha leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geesley
f. n., [collective] horned animals
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geesley
-da: (magacwadareed) xoolaha dadku dhaqdo inta geeska leh oo ah riyaha iyo lo'da.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
geesley
de: horned animals
lx: geesley
pd: (-da)
ps: n-f-col
key: geesley
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heellay
(fal) hees qaad, hee ku luuqay: jiib iyo jaan isla socota samee. Dh: heellee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heelley
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaar da' weyn oo dhex marta ragga iyo haweenka, waxaana sida badan lagu ciyaaraa geedaha waaweyn hooskooda, waxaana ciyaartan laga dheelaa gobolka Shabeellada hoose iyo meelo kale.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
le'ekay
(fal) ku sargoo oo wax la mid ah ka dhig: wax dherer iyo culays ay isku mid yihiin ka dhig. Dh: le'ekee, le'ekaysii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seedley
-da: (magac, dhedig, keli) jidhka meelihiisa seedaha leh, intii seedleh oo dhan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheekay
(fal) sheeko sheeg, madaddaalo samee maaweelo samay. Dh: sheekee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weedhay
(fal) ereyo isku dardar oo weedh macno leh ka dhig. Dh: weerey, weedhee.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
weekend
/wiik endh/ (n) maalmaha fasaxa ah ee usbuuca (gaalada waa sabtida iyo axadda, muslinka waa jamcaha).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weelayn
-ta: (magac, dhedig, keli) si fiican u fahmid; dhegaysi iyo u dhug-yeelad waxa la baranayo ama laga xogwarramayo. Weelaynta casharkaaga ku dadaal.
weelayn -ta: (magac, dhedig, keli) weel iyo maacuun dhigid. Weelaynta madbakhu waa masuuliyadda dumarka
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weereyn
m.dh (naxwe) Qayb ka mid ah cilmi-afeedka oo ku shaqa leh qawaaniinta isku dhafta curiyeyaasha, yacni samaysanka weerta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
weereyn
m.dh (naxwe) Qayb ka mid ah cilmi-afeedka oo ku shaqa leh qawaaniinta isku dhafta curiyeyaasha, yacni samaysanka weerta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weesayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid u weysayn. Weesaynta carruurta ha ku raagin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weesays
-ka: (magac, lab, keli) weyso qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weeteyn
m.f.dh eeg weetee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weeteyn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax socda joojin.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Weevils
Suus, afdheere, daniye
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
wheedle
/wiidhal/ wheedle out/ (v) qalqaalin (ka qal-qaalin).