ereyga

weecweecad

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

weecweecad

DHAN

-ka: (magac, lab, keli) kolba dhinac u leexad.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

weecweecsi

DHAFAN

-ga: (magac, lab, keli) wax, kolba dhinac u leexsasho.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

gamuu

DHAABAN

-ka: (magac, lab, keli) goynta aan lahayn weecweecadka ee shey mar keliya si siman loo gooyo.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

gamuum

DHAABAN
1

(fal) si aan weecweecad lahayn oo sigib tiran, wax u goo. Dh: gamuun.

2

gamuum-ka: (magac, lab, keli) goynta aan weecweecadka lahayn ee shey mar keliya si siman loo gooyo.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

gamuuman

DHAABAN

(tilmaame) mid si aan weecweecad lahayn oo sigib tiran u go'an.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

gamuumid

DHAABAN

-da: (magac, dhedig, keli) si aan weecweecad lahayn oo sigib tiran u goyn oo u jarid. Dh: goyn.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

gamuumnaan

DHAABAN

-ta: (magac, dhedig, keli) si aan lahayn weecweecad lahayn oo sigib tiran u go'naan. Dh: gamuunnaan.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

gamuumnaansho

DHAABAN

-ha: (magac, dhedig, keli) si aan weecweecad lahayn oo sigib tiran u go'naan.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

gamuun

DHAABAN
1

(fal) si aan weecweecad lahayn oo sigib tiran, wax u goo. Dh: gamuum.

2

gamuun -ka: (magac, lab, keli) leebka qaansada laga rido oo toosan. Gamuunkaan cirka u riday. halkuu dhigan gafuurkiisa.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

hagaag

DHAABAN
1

(fal) edeb yeelo oo qummanaw; sidii loo rabey, noqo. Dh: fiicnaw.

2

hagaag: (fal) (ku ~) meel la garanayo ku toos, adiga oo aan baydhbaydhin. Magaaladu waa sii jeedkaaye buurtaa uun ku hagaag. Li: baydhbaydh.

3

hagaag-ga: (magac, lab, keli) xagga hore oo saani weecweecad lahayn ah. Dh: toos, qumaati.

4

hagaag -ga: (magac, lab, keli) sida la rabo ee habboon ahaan. Hagaag u joogso, hagaag shaqada u qabo. Dh: wanaag. Li: qaabxumo.

5

hagaag -ga: (magac, lab, keli) oogada dadka inteeda kore oo horay u soo jeedda.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

toos

DHAABAN
1

(fal) hagaag, wax toosan noqo.

2

toos: (fal) hurdada ka kac. Dh: kac. Li: seexo.

3

toos: (fal) si aan baydhbaydh lahayn u soco; qun u soco.

4

toos-ka: (magac, lab, keli) qalqallooc, leexleexasho iyo weecweecad la'aan. Dh: qumaati, saani.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

toosan

DHAABAN
1

(tilmaame) aan qalqallooc ku jirin, aan weecweecad lahayn.

2

toosan: (tilmaame) mid wanaagsan, hagaagsan, qumman. Ruun waa gabadh toosan.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

weecsad

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) wax meel u socda xoog ama xeelad u leexsasho; xag ad rabto u duwasho. weecsadka hantida dadweynuhu waa xadgudub aan loo dulqaadan. Dh: leexsad.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

ceelyeelad

DHAFANDHAAF

m.l 1. C. ah: xoolo ceel aada iyadoon cidi wadin. 2. la-mid: ceelyeelasho.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

leegleegad

DHAFANDHAAF
1

-ka: (magac, lab, keli) lululashada uu sameeyo wax taagan oon dhulka saani ugu qotomin. Dh: nugnugasho.

2

leegleegad -ka: (magac, lab, keli) faramadhnaan, keli socod.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Leexleexad

DHAFANDHAAF
1

(Leexleexad-ka)

2

Leexleexasho.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

leexleexad

DHAFANDHAAF
1

-ka: (magac, lab, keli) kolba dhinac u baydhid. Dh: weecweecad. Li: toosnaan.

2

leexleexad-ka: (magac, lab, keli) meelaha ay waddadu ka weecweecato. Dh: weecweecad.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

yeelyeelad

DHAFANDHAAF

m.l la-mid: yeelyeelasho.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

yeelyeelad

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) saansaanyaha roobaad ee daruurahaha iyo hawada laga arko kolka uu darroorkiisu dhaw yahay. Yeelyceladka roobka waad arkaysaaye.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Leegleegsad

DHAFANDHAAF
1

(Leegleegsad-ka)

2

Leegleegsasho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

leegleegsad

DHAFANDHAAF

m.l la-mid: leegleegsasho.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

leegleegsad

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) leegleegsasho.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

leexleexsad

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) cid kale, kolba dhinac u leexleexsasho.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

neefneefsad

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) neeftuurka uu sameeyo qofku marka uu wadnuhu xoog u garaacayo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Wehelyeelid

DHAFANDHAAF
1

(Wehelyeelid-da)

2

(u wehelyeelid) Wehel u ahaansho, u noqosho; wehel ahaan u raacid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

wehelyeelid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg wehelyeel². la-mid: wehelyeel¹.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

wehelyeelid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) u cid wehel u baahan la joogid oo wehel u noqosho. Cid kaa itaal roon ayaa wehelyeelid loo kaxaystaa.

waa la naqliyay ✓