ereyga

wedkiidhale

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

wedkiidhale

DHAN

-ha: (magac, lab, keli) qof isagoo gaboobay ilmo yar dhala. Raggu waa walaalkii dhale, wiilkii dhale iyo wedkiidhale.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

walaalkiidhale

DHAFANDHAAF

-ha: (magac, lab, keli) qof yaraan ilmo ku dhalay oo isaga iyo ilmihiisu dhallinyarnimo isku Soo gaadhaan. Raggu waa wiilkii dhale, walaalkii dhale iyo wedkii dhale.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

lid-jidhgale

DHAFANDHAAF

m.l (-layaal, m.l/dh) (baay.) Borotiin ay soo saaraan qaar ka mid ah unugyada cad cadi (Limfosaytyo), waxaanay ugu jawaabaan soo galitaanka ay jidhka soo gelayaan walxo qalaad (Lid-jidh-dhaliye), si aanay wax dhibaato ah u geysan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Dhiidhaa

DHAFANDHAAF

Morse code

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

widhiidh

DHAFANDHAAF

-a: (magac, dhedig, keli) gabaabsi aan ku fillayn baahida. Carrafada xooluhu waa widhiid. widhiidhi -da: (magac, dhedig, keli) cabsi kala garasho la'aan ah.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

badidhace

DHAFANDHAAF
1

badidhace¹: m.l (xisaab) Walaxda ama qiimaha leh rakaadka ugu sarreeya ee daato.

2

badidhace²: m.l (-cayaal, m.l/dh) 1. Waxa uu sheegaa laba dhinac ee geesole oo wadaaga gees. 2. Waxa uu sheegaa laba xaglood oo wadaaga gees iyo dhinac. 3. Laba weji oo ka mid ah wejiyada salxaale oo uu ka dhexeeyo geftin wadaag ah.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

badidhace

DHAFANDHAAF
1

badidhace¹: m.l (xisaab) Walaxda ama qiimaha leh rakaadka ugu sarreeya ee daato.

2

badidhace²: m.l (-cayaal, m.l/dh) 1. Waxa uu sheegaa laba dhinac ee geesole oo wadaaga gees. 2. Waxa uu sheegaa laba xaglood oo wadaaga gees iyo dhinac. 3. Laba weji oo ka mid ah wejiyada salxaale oo uu ka dhexeeyo geftin wadaag ah.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Badidhace

DHAFANDHAAF

Mode

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

weddiisad

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) cid wax waydiisasho. Weddiisadka walaalkaa ceeb maaha.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

wejidhaqo

DHAFANDHAAF

(fal) fooldhaqo; wejiga maydho. Kolkaad soo toosto wejidhaqo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

wejidhexe

DHAFANDHAAF

m.l (baay.) Heerka ugu weyn ee qaybsanka bu'da, kaas oo xuubka bu'du uu baaba'ayo, koromosoomyaduna ay imanayaan badhtanka xiddigaha, kaddibna waxa bilaabma kala durugga koromaatidhyada.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

wiishwale

DHAFANDHAAF

-ha: (magac, lab, keli) qofka wiishka ka shaqeeya oo wax ku qaada waxna ku dejiya. Dh: wiishwade.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Gebidhacle

DHAFANDHAAF
1

(Gebidhacla-ha)

2

Aan bohosha salkeeda ama ceelka salkiisa toos loo aadine, hadba gebi laga dhaco, ama lagu sii dhaco.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

gebidhacle

DHAFANDHAAF

m.l Socod dalambaabi ah oo hadba dhan loo dhaco. la-mid: gebidhaclayn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

gebidhacle

DHAFANDHAAF

m. n. rolling ~ falling down, rolling over and over

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

gebidhacle

DHAFANDHAAF

-ha: (magac, lab, keli) bohosha ama ceelka aanan salkooda toos loogu dhicin ee hadba gabi lagu sii dhaco.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

gebidhacle

DHAFANDHAAF
1

de: rolling ~ falling down, rolling over and over

2

lx: gebidhacle

3

pd: (/ha)

4

ps: n7-m

5

key: gebidhacle

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

qadhiidhad

DHAFANDHAAF
1

-ka: (magac, lab, keli) qadhiidh yar afka ku shubasho; sonkor iyo wax la mid ah, far iyo suul ku qaadasho. Sonkortii oo dhan qadhiidhad ayuu ku idleeyey Dh: qadhiidhasho, qariirid.

2

qadhiidhad -ka: (magac, lab, keli) badar ama wax la mid ah qeeriin ku cunid; gorow iyo wixii la mid ah jimidh ka dhigasho. Dh: qariirid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Wedki'arag

DHAFANDHAAF
1

(Wedki'arag-ga)

2

Shinbir la moodo inuu weligi naxsan yahay; (ama wadki'arag).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

wedki-arag

DHAFANDHAAF

m.l la-mid: wadki-arag.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

wedki-arag

DHAFANDHAAF

m. n., [compound] bird species

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

weji dhexe

DHAFANDHAAF

m.l (baayoloji) Heerka ugu weyn ee qaybsanka bu'da, kaas oo xuubka bu'du uu baaba'ayo, koromosoomyaduna ay imanayaan badhtanka xiddigaha, kaddibna waxa bilaabma kala durugga koromaatidhyada.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

fadciiraale

DHAFANDHAAF

-ha: (magac, lab, keli) daruuro waaweyn oo ay ciiro ku dhex jirto, aad se aan u muuqan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

haddii kale

DHAFANDHAAF

conj-expr: if not, otherwise

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

haddii kale

DHAFANDHAAF

(adv) under other circumstances; otherwise (atharwaays) ~ si kale. Ex: haddii kale waan caawimaayaa; otherwise I might have helped

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

haddii_kale

DHAFANDHAAF
1

de: if not, otherwise

2

lx: haddii kale

3

ps: conj-expr

4

key: haddii_kale

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]

individuale

DHAFANDHAAF

agg. - shakhsi ah.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

lidjidhgale

DHAFANDHAAF

-ha: (magac, lab, keli) borotiin ay soo saaraan qaar ka mid ah unugyada cad cadi (Limfosaytyo) waxaanay ugu jawaabaan soo galitaanka ay jidhka soo gelayaan walxo qalaad (Lidjidh-dhaliye) si aanay wax dhibaato ah u geysan.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

wedkii'arag

DHAFANDHAAF
1

-ga: (magac, lab, keli) qof weyn oo qiyaasi kara waxa ku soo foolleh. Nin weyni waa wedki'arag. Dh: indheer garad. Dh: wadkii-arag. wadki'arag.

2

wedkii'arag -ga: (magac, lab, keli) shimbir la moodo inuu weligii naxsan yahay; wadkii'arag.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Xidhiidhiye

DHAFANDHAAF

Commutator

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

lid-jidh-gale

DHAFANDHAAF

m.l (-layaal, m.l/dh) (baayoloji) Borotiin ay soo saaraan qaar ka mid ah unugyada cad cadi (Limfosaytyo), waxaanay ugu jawaabaan soo galitaanka ay jidhka soo gelayaan walxo qalaad (Lid-jidh-dhaliye), si aanay wax dhibaato ah u geysan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Webi dhagaxle

DHAFANDHAAF

Stone river

waa la naqliyay ✓