wedki'arag
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wedki'arag
(Wedki'arag-ga)
Shinbir la moodo inuu weligi naxsan yahay; (ama wadki'arag).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wedkii'arag
-ga: (magac, lab, keli) qof weyn oo qiyaasi kara waxa ku soo foolleh. Nin weyni waa wedki'arag. Dh: indheer garad. Dh: wadkii-arag. wadki'arag.
wedkii'arag -ga: (magac, lab, keli) shimbir la moodo inuu weligii naxsan yahay; wadkii'arag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wadki'arag
(Wadki'arag-ga)
Wedki'arag.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadki'arag
-ga: (magac, lab, keli) qof weyn oo qiyaasi kara waxa ku soo foolleh. Nin weyni waa wadki'arag. Dh: indheer garad. Dh: wadkii-arag. wedki'arag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wedki-arag
m.l la-mid: wadki-arag.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wedki-arag
m. n., [compound] bird species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadkii'arag
-ga: (magac, lab, keli) eeg wadki-arag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wadki-arag
m.l Cantalyaa, coomaadi. la-mid: wedki-arag.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wadki-arag
m. n., [compound] bird species, said to be in a state of fear at all times
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wejigarad
m.l la-mid: wejigarasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wejigarad
-ka: (magac, lab, keli) garasho iyo qaraabo wax ku bixin. Dh: wajigarad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waaya'arag
(Waaya'arag-ga)
Aqoon laga helo wixii hor loo soo qabtay ama loo soo arkay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waaya'arag
-ga: (magac, lab, keli) qof wax bandan u soo joogay garaad iyo aqoonna leh. Qof waayo-arag ah wax looma tilmaamo. Dh: indheergarad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waayo'arag
(tilmaame) eeg waaya'arag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haadka'adag
(Haadka'adag-ta)
Gorgor aad u weyn oo xoog badan; wuxuu lee yahay madax guduudan iyo bidaar iyo addimo iyana gudguduudan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haadka'adag
-ga: (magac, lab, keli) gorgor aad u weyn oo xoog badan. Wuxuu leeyahay madax guduudan, bidaar iyo addimo iyana gudguduudan. Raqda la lama wadaagi karo haadka'adagta.
haadka'adag -ta: (magac, dhedig, keli) mid ka mid ah haadka yaryar ee shimbiraha ugaadhsada. Dh: baas, shimbirolaaye, baqay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wedkiidhale
-ha: (magac, lab, keli) qof isagoo gaboobay ilmo yar dhala. Raggu waa walaalkii dhale, wiilkii dhale iyo wedkiidhale.