webin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Webin
(Webin-ta)
Qof wax doonaya oo aan wax loo hayn u xog warramid, u dayrin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
webin
m.f.dh eeg webi².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
webin
vl. n. refusal of a request for help
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
webin
-ta: (magac, dhedig, keli) u xogwarramid ama u tabaalasheegasho qof wax doonaya oo aan wax loo hayn. Nin soo hantaaqmay webin wuu ka naxaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
webin
de: refusal of a request for help
initial: w
lx: webin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: webin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Webi
(Webi-ga)
Biyo xog leh oo tog haya oo durdur ka wayn oo badanaa aan go'in, oo ama kal biyo ah ku shubma ama bad ama webi kale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
webi
webi¹: m.l (-iyo, m.dh) Biyo xoog leh oo durudur iyo togba ka weyn oo aan badanaa go'in.
webi²: m.l (-iyo, m.dh) (juqraafi) Durdur biyo macaan ah kaasoo ugu yaraan qayb sannadka ka mid ah ay ka weyntahay dur dur yar, waxayna martaa kanaal dabiici ah, oo ay dhinacyada ka xadeeyaan qarar, kuna shubma badda ama xaro, ama webi kale.
webi³: f.g2 (-iyay, -isay) 1. Cid wax u diyaarin. 2. Cid qaddarin la'aan u muujin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
webi
webi¹: m.l (-iyo, m.dh) Biyo xoog leh oo durudur iyo togba ka weyn oo aan badanaa go'in.
webi²: m.l (-iyo, m.dh) (juqraafi) Durdur biyo macaan ah kaasoo ugu yaraan qayb sannadka ka mid ah ay ka weyntahay dur dur yar, waxayna martaa kanaal dabiici ah, oo ay dhinacyada ka xadeeyaan qarar, kuna shubma badda ama xaro, ama webi kale.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Webi
River
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
webi
m. n. river
webi v. turn down a request, explaining to the person why you cannot grant it
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
webi
-ga: (n) river (ri-var). Ex: webiga jiinkiisa; river bank
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
webi
-ga: (magac, lab, keli) tog ay maraan biyo xoog leh oo durdur ah oon badanaa go'in oo bad ama webi ku darsama; biyo mareen ay biyihiisu socdaan sannadka oo dhan ama intiisa badan. Webigoo butaacoo, beeraha waraabshoo, dhulka baadku jiifoo.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
webi
نَهْرٌ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
debin
m.dh la-mid: dibin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
debin
-ta: (magac, dhedig, keli) mid ka mid ah labada cad ee daboola afka dadka. Dh: bishin, bushin, faruur, dabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gebin
m.l Qalab lagu dabo shimbiraha siiba dagiiranka oo xidid geed ka samaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jebin
(Jebin-ta)
1. Wax is haysta xoog u kala duulin; labo cad ka dhigid.
2. (ganacsi) qiime hoos u dhigid; raqiisin.
3. (weeso, kd.) gadid; burin.
4. (guddoon, qiil, kd.) burin.
5. (cayaar) dhibcihii ama intii lagu adkaana hayey, intaan la gaarin, laga reebid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jebin
m.f.dh eeg jebi. la-mid: jabin, jabis, jebis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jebin
vl. n. defeat, annihilation (of enemy)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jebin
-ta: (n) the act of breaking or defeating ~ jabin-ta, jabis-ka
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jebin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax hore iskugu yaallay, fullaacin oo jebin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jebin
de: defeat, annihilation (of enemy)
lx: jebin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: jebin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tebin
(Tebin-ta)
1. Gudbin; dawin; gaarsiin.
2. Xoolihii rimi lahaa oo aan rimin ama beer waqtigii ay bixi lahayd aan la beerin; waqti ka boodid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tebin
m.f.dh eeg tebi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tebin
vl. n. conveying; insinuating; forecasting
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tebin
-ta: (n) broadcasting (baroodh- kaast-ing); Ex: qalabka war tebinta; the equipment for broadcasting
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tebin
-ta: (magac, dhedig, keli) soo gudbinta sheeko ama qiso uu qof soo jeediyo. Dh: gudbin, dawin, gaarsiin, soo jeedin.
tebin-ta: (magac, dhedig, keli) xoolihii rimi lahaa oo aan rimin ama beer waqti ay bixi lahayd aan la beerin. Dh: golmadhan. Li: rimay.
tebin -ta: (magac, dhedig, keli) alaab meel taalay, meel kale gayn.
tebin-ta: (magac, dhedig, keli) beerta waqtigii ay bixi lahayd aan bixin ama aan la beerin. Beertu sanadkan waa tebin. Dh: tebis.
tebin -ta: (magac, dhedig, keli) danab, gudbin; dawin; gaadhsiin; tabis.
tebin -ta: (magac, dhedig, keli) signal dirid. Dh: tebis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tebin
de: conveying; insinuating; forecasting
initial: t
lx: tebin
pd: (-ta)
ps: vn-f
see: tebi
key: tebin
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
tebin
نقل
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
webis
m.l Nooc cawska ka mid ah oo lo'du daaqdo aadna ugu cayisho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
webis
m.l Nooc cawska ka mid ah oo lo'du daaqdo aadna ugu cayisho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Werin
(Werin-ta)
Hadal cid kale leedahay soo qaadid, sheegid, cid kale gaarsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
werin
m.dh la-mid: warin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
werin
-ta: (magac, dhedig, keli) war ama macluumo kale ciddii sheegtay ka soo tebi oo inta kale u gudbi; warka tebi oo cid kale gaadhsii. weris': magac hablaha loo bixiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wesin
m.l (-nno, m.dh) Goor, waqti.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
wesin
m.l (-nno, m.dh) Goor, waqti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Debcin
(Debcin-ta)
Adaygga ka bi'in; wax jilicsan ka dhigid; xoogga ka yarayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
debcin
m.f.dh eeg debci. la-mid: dabcin.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
debcin
to loosen
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
debcin
vl. n. looseness, slackness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
debcin
-ta: (magac, dhedig, keli) marka shay giijisan laga bi'inayo giijinta, adkaynta laga sii daynayo. Dh: dabcin. Li: giijin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
debcin
de: looseness, slackness
lx: debcin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: debcin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Deebin
(Deebin-ta)
Deeb ku culid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deebin
m.f.dh eeg deebi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deebin
-ta: (magac, dhedig, keli) harag dhogorta ka saarid adiga oo adeegsanaya geed kulayl iyo danbas la isku daray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gelbin
(Gelbin-ta)
(aroos, kd.) kaxayn; guriggeyn; wadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gelbin
m.dh la-mid: galbin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gelbin
-ka: (magac, lab, keli) sii sabootin; sii raacid iyo hareergelid la socod leh maamuusna ku jirto. Gelbintii suldaanka ayaan sii raacay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gembin
m.dh la-mid: gembiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gembin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax taagnaa afka u rogid. Dh: genbin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
genbin
-ta: (magac, dhedig, keli) weel godan ama wax kale, afka dhulka u dhigid ama hoos u foororin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hebdin
(Hebdin-ta)
Hebed ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hebdin
m.f.dh eeg hebdi. la-mid: hebdid (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hebdin
-ta: (magac, dhedig, keli) hebed ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jebsin
(Jebsin-ta)
Lafdhabarta inta u dhexaysa araxda iyo dibka oo ka kooban riciraha gacanjiiddo iyo dhakaac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jebsin
m.dh (-imo, m.l) (daawo) Xubin ka mid ah laf dhabarta oo dhawr ricirood leh. la-mid: jibsin².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jebsin
m.dh (-imo, m.l) (daaw.) Xubin ka mid ah laf dhabarta oo dhawr ricirood leh. la-mid: jibsin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jebsin
f. n. vertebra
jebsin [feminine] n. contraction (in labor)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jebsin
-ka: (magac, lab, keli) xeyn yar oo xoolo ah oo ka soo go'day xoolihii ay la socdeen. Dh: goosin.
jebsin-ta: (magac, dhedig, keli) laf dhabarta inta u dhaxaysa adhaxda iyo dibka oo ka kooban riciraha.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
JEEBIN
(Jebin) S Brachiaria reptans (L) Gardner & Hubbard Gramineae.
S Dichanthium annulatum (Forsk.)Stapf. Gramineae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kebbin
(Kebbin-ta)
In kabbo le'eg, kebbisiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kebbin
m.dh la-mid: kabbin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kebbin
-ta: (magac, dhedig, keli) in kabbasho le'eg siin; af muggii kebbisiin. Kebbin kelikeed waayeel ma deeqdo. Dh: cantuugo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seebin
m.dh la-mid: seebid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seebin
-ta: (magac, dhedig, keli) seeb huuri ku kaxayn. Dh: seebis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waabin
(Waabin-ta)
1. Dib u celin; u niqid.
2. Gaacin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waabin
m.f.dh eeg waabi.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
waabin
fein t
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waabin
-ta: (magac, dhedig, keli) ka cabsiin oo wax aad gacanta ku hayso kaga nixin. Dh: waabis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wabiin
-ka: (magac, lab, keli) nin khiyaamo iyo been badan. Wabiin waa munaafaq. Dh: munaafaq. Li: mu'min.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wabxin
(Wabxin-ta)
Wabax ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wabxin
m.f.dh eeg wabxi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wabxin
-ta: (magac, dhedig, keli) wabax ka dhigid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
webi_1
de: river
hm: 1
initial: w
lx: webi
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: webi_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
webi_2
cf: dayri
de: turn down a request, explaining to the person why you cannot grant it
hm: 2
initial: w
lx: webi
pd: (webiyey)
ps: v2a=tr
key: webi_2
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weddin
-ta: (magac, dhedig, keli) saddexda dhagax ee ugu horreeya shaxda; irmaan shaxeed oo dhan loo raroba jare u dhacda. Weddin qoolan qaarreey iney ku qabsataan sheegay. Dh: irmaan, jirala'.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Weecin
(Weecin-ta)
Leexin; duwid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weecin
m.f.dh eeg weeci.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weecin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhan u leexin; barbar u baydhsiin. Weecinta gaadhigu ma fududa. Dh: du'wid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
welfin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid shay bar oo inuu mar walba ku noqdo ka dhig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Weydin
(waa + idin).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
weydin
class, vl. pron. you all are ...
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
weydin
de: you all are ... = waa + idin ~ aydin
initial: w
lx: weydin
pd: (waydin)
ps: class + vpro
key: weydin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weynin
m.l la-mid: weynaan.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
YEEBIN
(Jebin) S, May Tetrapogon tenellus (Roxb) Chiov. Gramineae.
May, S Tetrapogon villosus Desf. Gramineae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wartebin
m.f.dh eeg wartebi. la-mid: wartebis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wartebin
-ta: (magac, dhedig, keli) war baahin oo dadka gaadhsiin. Wartebinta shirkadaha cid baa u xilsaaran.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bin
/bin/ (n) baaldi ama siilad cuntada lugu shubto ama qashinka la isaga guro.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
bin
/bin/ (n) wal hiryng oo wal lyky shubythaw sithy teneggy, sanduuggy, baakythy iwm.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ebi
ebi¹: m.dh la-mid: ibi.
ebi²: f.g1 (-byay, -biday; -byi) Hawl hore loo billaabay ama qabyo ahayd dhammaystirid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ebi
f.g1 (-byay, -biday; -byi) Hawl hore loo billaabay ama qabyo ahayd dhammaystirid. m.f.dh, ebyid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ebi
v. complete, fill up
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ebi
yey say: (v) finish (finish); reach the end of a task or course: complete (kom pliit); conclude
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ebi
(fal) dhammay oo qabyatir. Ebi sawirka aad billawday.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ebi
de: complete, fill up
lx: ebi
pd: (ebiyey / ebiday)
ps: v1=
key: ebi
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
WEB
(Ueb) May Terminalia brownii Fresen. Combretaceae.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
web
/web/ (n) xuub-caaro (shabaq-caaro).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
web
-ka: (magac, lab, keli) bogagga mareegta interneetka mid ka mid ah. Web wararka ku saabsan ayaa naadigu sameeyey.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
wen
n., buro, -adi.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
win
/win/ (v) guuleysi; libin helid.