waydey
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waydey
(fal) eeg waydee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wadey
(Wadey-ga)
Jaal; saaxiib; rafiiq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wadey
m.l (-yo, m.dh) Jaal; saaxiib; rafiiq.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
wadey
m.l (-yo, m.dh) Jaal; saaxiib; rafiiq.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wadey
m. n. friend, pal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadey
-ga: (magac, lab, keli) jaal; saaxiib; rafiiq. Haddaad talo doonayso wadey wanaagsan samayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wadey
cf: jaal, rafiiq, saaxiib
de: friend, pal
initial: w
lx: wadey
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: wadey
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waydee
(fal) itaal darraysii; taag darraysii, wax weyd ah ka dhig. Dh: weydee, waydey, dhuubnee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weydey
(fal) eeg weydee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gablool
(fal) intii hore iska dhin oo yarow, erey loo isticmaalo caanayaraanta dadka iyo xoolahaba. Ma naaskii baa gabloolay? Gabloolood godol ka waydey.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
WARDEEY
(Uardei) S Manilkara mochisia (Bak.) Dubard. Sapotaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weydeyn
m.f.dh eeg weydee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ayey
f. n. grandmother
ayey vl. pron. she / they,
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ayey
-da: (magac, dhedig, keli) eeg ayeeyo.
ayey-ga: (magac, lab, keli) awowga labada waalid midkood. Ayeygay weli wuu nool yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wade
(Wada-ha)
1. Laamaha baxa haya afkooda kora haya oo hadba dheeraada oo wax ku darmaan; qawl.
2. Qofka ama waxa wax wada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wade
m.l (-dayaal, m.l/dh) 1. Qof baabuurta wadi yaqaan. 2. Meel dad badan isugu yimaadaan, ninka dadka gaarsiiya hadalka qofka hadalka jeedinaaya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
wade
m.l (-dayaal, m.l/dh) 1. Qof baabuurta wadi yaqaan. 2. Meel dad badan isugu yimaadaan, ninka dadka gaarsiiya hadalka qofka hadalka jeedinaaya; shufeer.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wade
m. n. driver
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
wade
/weydh/ (v) biyo dhex-marid (biyo ku dhex-socosho).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wade
wadaha: (n) chauffeur (shu-feer); driver (dharaay-ver); motorist (moota-riist) darawal, shufeer
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Wade
Conduttore
Conductor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wade
-ha: (magac, lab, keli) laamaha baxaya afkooda koraya ee hadba dheeraada ee ay wax ku darmaan. Kolka roobku aad u da'o geeduhu wade jilicsan bay bixiyaan. Dh: curub, qurji.
wade -ha: (magac, lab, keli) darawal gaadiid kaxeeya. Wadaha baabuurka u yeedh. Dh: dirawal, shoofeer.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wade
de: driver
initial: w
lx: wade
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: wade
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wayd
(tilmaame) caato aan hilib lahayn ah. Neef wayd ah ayay noo qaleen. Dh: weyd.
wayd -da: (magac, dhedig, kel) dhuubni aan hilib badan la socon. Wiilku waa wayd caafimaad qabta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waye
-ha: (magac, lab, keli) ixtiraam; xushmayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ardey
-da: (magacwadareed) eeg arday.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mayey
-ga: (maagac, lab, keli) roob is daba jog ab oon kala qaad lahayn oon duufaan iyo dabylina la socon oo shubma. Dh: miiraale.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qadey
(fal) eeg qadee.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Qayde
Qalabka lagu qaydo masaafada jajab tobnaalaha ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Wayne
-ha: (magac, lab, keli) mid ka mid ah magacyada Eebbe ee jaliilka ah. Waynaha Allaan wanaag badan baryaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xadey
(fal) eeg xadee.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
XAYEY
[HAYE] Wrightia denhardtiana 02
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
YAYEY
Kirkia tenuifolia 10
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Caddey
pr. n., [feminine] Addey
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Caddey
name-f white, clear, clarified, proven. Syn: Caddow
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caddey
see [eeg] caddee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Caddey
ama Caddo, magaca gabadh u dhalatay midab cad oo qurux badan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Caddey
de: Addey
lx: Caddey
ps: name-f
key: Caddey
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dayday
(fal) wax lumay ama aan muuqan, meelo ka raadi.
dayday-ga: (magac, lab, keli) qof budhcad ah oo dadka dariiqyada intuu u fadhiisto waxay sitaan kaga xooga. Dh: gaangistar, mooryaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haadey
Haadey!
Erey, qof dhibaato weyni gaartey, inti is celin waayo, ku dhawaaqo; duulay! hoogey! jabay!
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haadey
e.d Erey dareen tilmaama, taah naag murugaysan la qayliso. la-mid: hoohey.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haadey
inter. Woe is me!, Alas!
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
haadey
(expression) used to express sorrow or regret of danger; alas (a-laas) ~ hoogey
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haadey
haadey! (ereydhawaaq) erey qof dhibaato weyni gaadhay uu ku tayaaqsado. Haadayey maxaa ilmahaygii helay! Dh: hoogay, ba'ay, balanbalay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haadey
de: Woe is me!, Alas! Exclamation of great distress
lx: haadey
ps: intj
key: haadey
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Maadey
name-m Muhammad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maadey
(fal) eeg maadee.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
payday
/pey-dhey/ (n) maalinta mushaarka la qaato ama shaqaalaha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waabey
-da: (magac, dhedig, keli) eeg waabay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadday
(fal) alaab isa saarsaar; rasay.
wadday: (fal) waddo la maro samee, jid cusub jeex. Intaanad dhismaha xaafadda cusub bilaabin horta xaafadda wadday. Dh: waddee, dariiqee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waddee
f.g/mg2 (-deeyay, -daysay) 1. (f.g) Badeeco si nadaamsan u rasayn. 2. (f.mg) Dhul waddo ka bannayn. 3. (f.mg) Cid dhabbe qoodayn ama marmarid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
waddee
f.g/mg2 (-deeyay, -daysay) 1. (f.g) Badeeco si nadaamsan u rasayn. 2. (f.mg) Dhul waddo ka bannayn. 3. (f.mg) Cid dhabbe qoodayn ama marmarid. m.f.dh, waddayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waddee
v. pave a road, make a path
waddee v. stack ~ pile up
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waddee
(fal) badeeco si nadaamsan u rasee.
waddee: (fal) dhul waddo ka bannee.
waddee: (fal) cid, dhabbe qooday ama marmar.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wadeey
-ga: (n) buddy (ba-di); friend (fareendh); comrade (koom-raadh); chum (jam)~ saaxiib
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
wander
/wondhar/ (v) 1. war-wareegid (v) 2. ka ambasho (ka leexasho waddo ama daw).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
wander
v.., kusoo wareeg; walk about, warwareeg, soo warwareeg; .c., warwareeji, soo warwareeji.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waneey
m.l/dh Neef ari ah.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
WANEEY
(Wanei) May, S Manilkara mochisia (Bak.) Dubard. Sapotaceae.
May Manilkara sulcata (Eng).) Dubard. Sapotaceae.
S Mimusops somalensis Chiov. Sapotaceae.
May, S Suregada procera (Prain) Croizat. Euphorbiaceae.
May Sarcostemma adogense Hiern. Asclepiadaceae.
May Afzelia quazensis Welw. Caesalpinaceae.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
warden
/woordhan/ (n) 1. ilaaliye (siiba ilaaliye-xabsi) (n) 2. askari sharci-fulinta u xilsaaran.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wargey
(fal) eeg wargee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waydaw
(fal) weyd aan hilib badan lahayn noqo. Waydaw buurnidu ma fiicnee. Dh: dhuubo.
waydaw -ga: (magac, lab, keli) eeg waydoobid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
waydii
-yey / say: (v) ask (aask) inquire (in-ku-waayer); ask questions; make inquiries ~ weydiin, su'aal. Ex: su 'aalo badan buu i waydiiyey; he asked me too many questions
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waydii
(fal) su'aal oo wax weydii. Inaan weli ku jecelahay waydii dadka ba gaar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waydin
class, vl. pron. you all are ...
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Waydin
vous (pluriel, + verbe).
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waydin
de: you all are ... = waa + aydin
initial: w
lx: waydin
pd: (weydin)
ps: class + vpro
key: waydin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wayeer
-ka: (magac, lab, keli) jaad ka mid ah jaadadka kalluunka.
wayeer -ka: (magac, lab, keli) ceel ma gudhaan ah oo ummadihii hori qodeen oo sidaa uun lagu arkay ceelkaa biyihiisa ninna gaar uma sheegto. Wayeer anaa horta helay dheh oo anaa qoday ha odhan. Dh: ceel.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
waylay
/wey-ley/ (v) joojin (istaajin, celin).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wayway
(ereydhawaaq) dhiillo tilmaama oo dumarka iyo cid ay dhibi ku habsatayi ay ku celceliyaan. Wayway maxaa ku helay.
wayway: (fal) alaab badan gur oo meel kale ku daldal. Hadhuudhka uudka ka wayaway. Dh: daabul; gurbi; qaadqaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weydee
f.g2 (-deeyay, -deysay) 1. Arrin sahlasho. 2. Wax caato ka dhigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
weydee
v. cause to become thin ~ waste away; make lose a lot of weight
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weydee
(fal) itaal darraysii; taag darraysii, wax weyd ah ka dhig. Ninkaan taada weynayn waydee tiisa. Dh: waydee, waydey, dhuubnee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
weydee
cf: caatee
de: cause to become thin ~ waste away; make lose a lot of weight
initial: w
lx: weydee
pd: (weydeeyey)
ps: v2b=tr
key: weydee
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
YAYEEY
(Yayey) C Kirkia tenuifolia Engl. Simaroubaceae.
C Commiphora erythraea (Ehrenb) Engl. Burseraceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wayladay
-ga: (magac, lab, keli) saca labadiisa gees xagga hore ujeedaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wayneyso
(fal) wax weyn ka dhigo. Surwaalku hadduu kaa yaraado wayneyso. Li: yarayso.
wayneyso -da: (magac, dhedig, keli) qalab waxyaalaha yaryar ee aanay ishu arki karin lagu eego oo lagu arko. Wayneyso ayaa lagu arkaa jeermiska ili ma qabatayga ah. Dh: weyneyso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-aydeen
de: you all were
lx: -aydeen
ps: v5a-2pl-past
key: -aydeen
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Caddeyn
Proof
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caddeyn
vl. n. proof, evidence, statement, declaration, explanation, clarification
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caddeyn
de: proof, evidence, statement, declaration, explanation, clarification
lx: caddeyn
pd: (-ta)
ps: vn2-f
key: caddeyn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caydhay
(fal) caydh ka dhig; sabool aan waxba haysan ka dhig. Waraabaa xoolihiii naga dhameeyay oo na caydheeyay. Dh: saboolee, caydhee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caydhee
(fal) eeg caydhay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daydayo
(fal) doondoono wax aad rabto helistiisa; wax aad raadinayso, meel kaste ka fiirfiiri. Dh: baadhbaadho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
halyeey
-ga: (n) hero (hiiroo) ~ geesi, aar
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
halyeey
بطل
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaadley
-da: (magac, dhedig, kali) qof dumar ah oo ka ganacsata jaadka.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kaymeyn
Afforestation, Reforestation
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maadeyn
(Maadeyn-ta)
Hadal maad ah sheegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maadeyn
m.f.dh eeg maadee. la-mid: maadeys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maadeyn
-ta: (magac, dhedig. keli) bandhig maaweelo oo lagu qoslo samayn; hadal maad ah sheegid. Jigjigaawi iyo Miicaad Miiggane maadeyn waa looga hadhay. Dh: majaajillayn, maaweelayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maadeys
(Maadeys-ka)
Sheeko suugaaneed oo dhacday ama dhici karta, oo inta dad jilo la daawado si waxbarasho ama aqoon kale looga dheefa ama muusikada iyo cayaaraha ku jira loogu raaxaysto; riwaayad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maadeys
m.l 1. (riw.) (-syo, m.dh) Jilid qosol leh. 2. la-mid: maadeyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maadeys
m.l 1. (riw.) (-syo, m.dh) Jilid qosol leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maadeys
m. n. comedy, comic act; play; concert
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maadeys
-ka: (n) amusement; laughter; wit, humor ~ maad-da
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maadeys
-ka: (magac, lab, keli) eeg maadays.
maadeys -ta: (magac, dhedig, keli) eeg maadeyn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maadeys
cf: riwaayad
de: comedy, comic act; play; concert
lx: maadeys
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: maadeys
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maadley
m.dh (-yo, m.l) Haweenay shaaciro badan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maadley
f. n. witty woman (with a sense of humor), vivacious female, comedienne