waxyeellayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waxyeellayn
(Waxyeellayn-ta)
Waxyeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waxyeellayn
m.f.dh eeg waxyeellee.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
waxyeellayn
-ta: (n) damage (dhaa-mij); impairment (im-peer-ment); injury (in-jari)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waxyeellayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale dhibaato u geysasho. Jaarkaaga waxyeellaynta ka daa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waxyeellay
(fal) cid kale dhibaato u geyso. cadawga dalkaaga waxyeellay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waxyeellaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la waxyeelleeyey ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waxyeellaysan
der. [adjective] damaged
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waxyeellaysan
(tilmaame) mid dhibaato qaba oo wax la yeelay ah. Nin dhabarka ka waxyeellaysan ayaa dhakhtarka la keenay. Dh: haltagaysan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waxyeellaysan
de: damaged
initial: w
lx: waxyeellaysan
pd: (waxyeellaysnaa)
ps: adj-der
key: waxyeellaysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hangaggurree
f.g2 (-reeyay, -reysay) 1. Canaan kulul cid u jeedin. 2. Qof si sir ah u waxyeellayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mu'aammarad
m.l (-do, m.l) Dibindaabyo qarsoodi ah oo cid lagu waxyeellaynayo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
damage
/dhaamij/ (n) 1. waxyeello (dhaawac) (v) 2. waxyeellayn (dhaawac gaarsiin).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
detriment
/dhitrament/ (v) waxyeellayn; dhaawacid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
disagree with
/dhisagrii with/ (v) wax u-dhimid (waxyeellayn).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
inflict
/inflikt/ (v) waxyeellayn, dhib-gaarsiin.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
intact
/intaakt/ (adj) dhawrsan (sidiisii ah, oo aan la waxyeellayn ama aan wax la gaarsiin).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
prejudice
/prejadhis/ (n) 1. iska-nebcaan ama iska jeclaan aan sabab lahayn (v) 2.khatar galin ama waxyeellayn qof marxaladiis
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
rampage
/raampeyj/ (n) 1. didmo (didid). 2. ficil waxyeellayn iyo dhaqan xumo isugu jira.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
strain
/streyn/ (v) 1. isku-taxalujin (ku dadaalid; xoog saarid) (v) 2. cadaadin (xoog badan saarid, quwad jabin) (v) 3. miirid (kala miirid, sida dareere iyo adke kala miiriddood) (n) 4. cadaadis (xoog saa'id oo wax la saaro) (n) 5. asal (isirka noole ama shay ka yimid). 6. dhaawicid, waxyeellayn.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
comprométtere
v.tr. - fadeexayn, waxyeellayn.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
danneggiare
v.tr. - waxyeellayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
damqitaan
-ka: (magac, lab, keli) nabar hore u bukey oo aan weli bogsan waxyeellayn. Dh: xanuujin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhagrid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, shirqool u samayn oo xeelad iyo khiyaano ku waxyeellayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhantaalid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, wax u dhimid; dhib iin u yeesha gaadhsiin. Kala dhantaalidduu cadwgaagu kaaga dhawrsadaa. Dh: waxyeellayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaasiraad
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, waxyeellayn oo dhib u geysasho. Dh: dhayalsi, waxyeellayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heerid
-da: (magac, dhedig, keli) naafo ka dhigid; dhaawicid, waxyeellayn. Dh: dhaawacid, heeris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lafajebin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, waxyeellayn iyo hagardaamayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waxyeello
(Waxyeella-da)
Xumaan ama dhibaato cid la gaarsiiyo; wax cid wax u dhima.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waxyeello
m.dh (-ooyin, m.l) Dhibaato.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
waxyeello
m.dh (-ooyin, m.l) Dhibaato.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waxyeello
f. n. harm, damage
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
waxyeello
-da / waxyeellada: (n) harm (haarm); damage (dhaa-mij); impairment (im-peer-ment); side effects Ex: ma isku eegtay waxtarkeeda iyo waxyeelladeeda? Did you check both its benefits and harms
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Waxyeello
Infortunio
Accident
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waxyeello
-da: (magac, dhedig, keli) dhibaato la taaban karo oo cid la gaadhsiiyo. Hadmaa la isweeraroo waxyeellada lagu tashaday. Dh: dhibaato.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waxyeello
cf: dilan
de: harm, damage
initial: w
lx: waxyeello
pd: (/da)
ps: n6-f
key: waxyeello
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waxyeellee
f.g2 (-leeyay, -laysay) Cid waxyeello gaarsiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
waxyeellee
f.g2 (-leeyay, -laysay) Cid waxyeello gaarsiin. m.f.dh, waxyeellayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waxyeellee
v. harm, hurt, do harm to, inflict damage upon
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
waxyeellee
-yey / waxyeelleysay: (v) do harm; cause pain; mess up; persecute (peer-si-kiyuut); victimize (vik-ti-maayz); afflict (a-fi-likt) ~ hallee, dhaawac, wiiq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waxyeellee
(fal) eeg waxyeellay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waxyeellee
de: harm, hurt, do harm to, inflict damage upon
initial: w
lx: waxyeellee
pd: (waxyeelleeyey)
ps: v2b=tr
key: waxyeellee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aleelayn
(Aleelayn-ta)
Aleel ku samayn, qurxin darteed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aleelayn
m.f.dh eeg aleelee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aleelayn
-ta: (magac, dhedig, keli) aleel ku qurxin; aleel ku kor samayn. Aleelaynta weelashu waa farshaxan ay Soomaalidu hidde u leedahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heellayn
-ta: (magac, dhedig, keli) heello ku luuqayn ama ku qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wadeecayn
(Wadeecayn-ta)
Wadeeco ka dhigid; dayacid; baylahin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wadeecayn
m.f.dh eeg wadeecee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadeecayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wadeeco ka dhigid; dayacid; baylihin.
wadeecayn-ta: (magac, dhedig, keli) ceeb laga sheego cid aan lahayn. Wadeecayn bay u jeediyeen ninkii maamulaha ahaa. Dh: ceebeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waxyeelid
(Waxyeelid-da)
Waxyeello gaarsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waxyeelid
m.dh Dhibaato u geysashada cid dhibaato loo geysto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waxyeelid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale dhib gaadhsiin; wax u dhimid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warsheelayn
-ta: (magac, dhedig, keli) giijin xadhigga iyo waxa uu ku xidhan yahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqabeenlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) baqabbeenle iyo carar been ah samayn. Baqabeenlaynta lama baacsadee beerkaa dhulka loo dhigaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aleelays
-ka: (magac, lab, keli) eeg aleelayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baallayn
m.f.dh eeg baallee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baallayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhinac jirid; doc xigid. Baallaynta iga daayoo dhexda soo joogso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cayillan
Naaxsan, buuran, shilis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cayillan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: cayilan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cayillan
der. [adjective] fat
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cayillan
-cayilnaa / cayilnayd: (adj) fat (faat) obese (o-bz'is); fleshy (falaashi) ~ buuran, naaxsan. —Syn: corpulent, portly, stout, pudgy, rotund, plump, chubby.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cayillan
(tilmaame) wax cayilan ahaan; buuran; naaxsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cayillan
de: fat
lx: cayillan
pd: (cayillanaa)
ps: adj-der
syn: buuran, shilis
key: cayillan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faallayn
(Faallayn-ta)
Arrin faallo ka bixin; wax ka sheegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faallayn
m.f.dh eeg faallee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faallayn
-ta: (magac, dhedig, keli) falanqayn iyo faaqidaad dhinac walba leh; arrin faallo ka bixin iyo wax ka sheegid. Dh: faaqidaad, falanqayn, gorfayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laynlayn
-ka: (magac, lab, keli) safaf is daba yaalla ama is dhinac yaalla. Ciidanka laynlayn u jooji. Dh: safsaf, safaf, layman.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maleelan
(tilmaame) qooshan oo dhegdheg isjiidanaya ah. Qoosh maleelan laxoox ma noqdo. Dh: malleelan, cajiinan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaallayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhalan rogid oo siday ahayd si ka duwan ka dhigid. Dh: salguurin.
qaallayn-ta: (magac, dhedig, keli) qalalaase gelin arbushid. Dh: qalalaasayn, qaallays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saxeexan
(tilmaame) la saxeexay; saxeex ku yaallo, lagu dhigay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taallayn
(Taallayn-ta)
Taallo ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taallayn
m.f.dh eeg taallee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taallayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhismo taallo ah, meel ka dhisid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
teelleyn
-ta: (magac, dhedig, keli) teello iyo abaal u dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waallaan
(Waallaan-ta)
(waalnaan) wax waalan ama waalli qaba ahaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waallaan
f. n., [abstract] insanity, madness, state of being insane
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waallaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax waalan oon miyir qabin ahaan. Waallaantu waa cudur ilaahay keeno. Dh: waalli, wajaqe.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waallaan
a: waalnaan (ta) [n0-f-abs]
de: insanity, madness, state of being insane
initial: w
lx: waallaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: waallaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waaqlayn
m.f.dh eeg waaqlee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waaqlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) oohin badan ooyid; cod 'waaq' ah ku celcelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waaxyayn
m.dh la-mid: waaxayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waaxyayn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg waaxayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadeecay
(fal) wadeeco ka dhig: dayac; baylihi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waryeelo
f.mg3 (-eeshay, -eelatay) Ku w.: wax yar oo aan nafac lahayn ku eedoobid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wax alla
n. phr. anything, whatever
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wax_alla
de: anything, whatever
initial: w
lx: wax alla
ps: np
key: wax_alla
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weedhayn
-ta: (magac, dhedig, keli) weedh ka dhigid; weereyn; weedhays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaallayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dan ka galid oo wax ka qabashadeeda xil iska saarid. Dh: xaalays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeedhayn
-ta: (magac, dhedig, keli) casuumadayn oo sooryo u samayn. Dh: xeedhays, daraarayn, casuumadayn. Li: qadin.
xeedhayn -ta: (magac, dhedig, keli) xeedho aroos loogu diiqayo samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yeelliin
-ka: (magac, lab, keli) eeg yeelitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yeelnaan
m.f.dh eeg yeelan. la-mid: yeelnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cayillaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid cayilan ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dameerayn
-ta: (magac, dhedig, keli) faalka kolka la dhigo oo uu qaldamo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daryeelad
-ka: (magac, lab, keli) hagaajin iyo daranyo ka dhabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fadallayn
m.f.dh eeg fadallee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadallayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xoog u ordid oo fadallo kicin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fadeexayn
(Fadeexayn-ta)
Ceeb weyn u yeelid ama ku sheegid; facsharid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fadeexayn
m.f.dh eeg fadeexee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadeexayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, ceeb iyo kashifaad u geysad. Dh: ceebayn, canbaarayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hareerayn
(Hareerayn-ta)
Hareeraha ka marid; xerayn.