waxaynu
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waxaynu
vl. pron. what we [inclusive.] ...
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waxaynu
de: what we [inclusive] ... [CLEFT FOCUS] = waxa + aynu
initial: w
lx: waxaynu
ps: focus + vpro
key: waxaynu
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waxayn
(Waxayn-ta)
Samayn; falid; yeelid; qabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waxayn
m.f.dh eeg waxee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waxayn
-ta: (magac, dhedig, keli) samayn oo wax la garnayo ka dhigid. Dh: samayn; yeelid, qabasho, waxays.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maxaynu
question word, vl. pron. what ... we? [incl.]
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maxaynu
(question word) what ... we... Ex: maxaynu aragnay?; what have we seen?
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maxaynu
de: what ... we? [incl] = maxaa + baynu
lx: maxaynu
pd: (maxeynu)
ps: qw + vpro
key: maxaynu
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waxayna
conj. and what she ... / they ...
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waxayna
de: and what she ... / they ... [CLEFT FOCUS]
initial: w
lx: waxayna
ps: focus + conj
key: waxayna
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhukaan
-ka: (magac, lab, keli) cudur xoolaha ku dhaca gaar ahaanna geela. Dhab baa loo hadlaa waxaynu nahay duul dhukaan qaba e.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
get
v.tr., hel; get your bread, kibistaada xoogso; get your pardon, samxaddaada weydiiso; get a wife, naag doono; get a cold, dhaxan qaad; get a place, shuqul doono; get an ill habit, dastuur xun baro; get money of him, lacag qaado; he gets the praise of all the world, isagu amaan dad oo dhan buu leeyahay; we must be contented with such as we can get, hadba waxaynu leenahay aan ku faraxno; he got a good servant, khadaan wanaagsan buu leeyahay; I could not get him to come, ninki inuu yimaado ka waayay; get it made, u samaysii, u dhamaysii; I will get a spear made for you, waran dhan waad iga heli; I got her to go, eriyay; get you gone, iska tag; get ready, diyaar ha ahaato, diyaar garay; get yourself ready, diyaar ahaw; get more, isku tar; get abroad, dibadda usoo saar, eeri, war gee; get the news, warki waa la baranayaa; get away, v.tr.; get the boys away from my room, aqalkayga inamada dibadda uga saar; get the box away, sanduuqa la tag; get away, v.i., yur! he gets away, waa tagayaa, waa sii socdaa; get yourself back, noqo; get down, soo deg; get down the stairs, salaanka soo deg; get down from, ka deg, kasoo deg; get from, v.tr., kasoo bixi, ka qaad; I could not get from him, v.i., ka tegi kari waayay; get in, v.tr., soo geli; get your money in, lacagtaada soo geli; v.i., soo gal; they got into Berbera, Berbera galay; get off, get him off from jail, xabsiga kasoo saar; he could not get off, v.i., baxsan kari waa; get off from your horse, faraskaaga ka deg; get out, v.tr., dibadda u saar; get out that nail, musmaarkaas kasoo bixi; get out, v.i., dibadda tag, dibadda u bax; get out from, kasoo bax; get to the shore, xeebta u deg; get to the top of the hill, buurta fiiqeeda gaadh; get together all the pieces, inaha oo dhan isu keen; get in that place, halkaas isugu gee; get up, v.tr.; get up the wood, qoriga qaad; get him up, kici, toosi; v.i., kac, sara kac, soo kac, toos; it is time to get up, waa goorti la kici jiray; get up the stairs, sallaanka kor; get up again, sallaanka kor misna; get up again, v.i., kac misna; get up to your father, kac oo aabbahaa u tag; his rage gets above your anger, cadhadiisu taada ka xun; he gets before him, isagu waa dhulmarayaa; he gets well again, waa bogsanayaa misna.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waxaannu
vl. pron. what we [exclusive.] ...
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
waxaannu
(pronoun we plus action verb) ...we.... Ex: waxaannu maqalnay imaatiinkaagii; we heard your arrival
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waxaannu
de: what we [exclusive] ... [CLEFT FOCUS] = waxa + aannu
initial: w
lx: waxaannu
ps: focus + vpro
key: waxaannu
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
waayn
-ta/ka: (n) wine (waayn) Ex: khamriga culus ee canabka laga sameeyo; alcoholic beverage made from grapes
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waxay
vl. pron. what she ...
waxay vl. pron. what they ...
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
waxay
[pronoun she / they plus action verb] ...they / she.... Ex: waxay tiri, ma arag; she said, I haven't seen them. Waxay yimaadeen guriga; they came home
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waxay
(fal) samee oo wax ka dhig. Saanbuuse ii waxay. Dh: samee; qabo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waynu
class, vl. pron. we [incl.] are ...
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waynu
a: weynu
de: we [incl] are ... = waa + aynu
initial: w
lx: waynu
ps: class + vpro
key: waynu
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ayaynu
vl. pron. we [inclusive.],
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ayaynu
a: baynu ~ beynu
de: we [inclusive] + [FOCUS] = ayaa + aynu
lx: ayaynu
ps: focus + vpro
key: ayaynu
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaxayn
(Kaxayn-ta)
Wax nool oo socona haya meel ka wadid iyadoo aan la hoggaaminayn lana horkacayn ee gadaal laga wado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaxayn
m.f.dh eeg kaxee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaxayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax nool oo soconaaya meel ka wadid iyadoo aan la hoggaaminayn lana horkacayn, balse ee gadaal laga socdo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raxayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dareere weel lagu qiyaasayo aad u buuxin illaa uu hareeraha ka daadanayo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waannu
class, vl. pron. we [excl.] are / do ...
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Waannu
nous (+ verbe). La personne à qui l'on s'adresse n'est pas incluse.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waannu
de: we [excl] are / do ... = waa + aannu
initial: w
lx: waannu
ps: class + vpro
xe: We are in a hurry.
xv: Waannu degdegsannahay.
key: waannu
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Warayn
(Warayn-ta)
1. War biyo galaan ka dhigid.
2. War u yeelasho, danayn; tixgelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
warayn
m.f.dh eeg waree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warayn
-ta: (magac, dhedig keli) berked qodid; war biyo galaan ka dhigid. Dadkii warayn bay u keceen oo nin walba ceel buu qotaa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waxaan
vl. pron. what I ...
waxaan n. whachamacallit, whats-it [when one does not know or cannot remember the right word.]
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
waxaan
(n) thing (thing)-, referent (re-farent)-, something referred. Ex: waxaan waa maxay? What is this thing?
waxaan: (pronoun I plus action verb) ... I ... Ex: waxaan macsuumay dad badan; I invited a lot people
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waxays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg waxayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maxay_u
de: why?, what for?
lx: maxay ... u
ps: qw
xe: Why did they go?
xv: Maxay u tageen?
key: maxay_u
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waaxayn
(Waaxayn-ta)
Waax waax u kala dhigdhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waaxayn
m.f.dh eeg waaxee. la-mid: waaxyayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waaxayn
-ta: (magac, dhedig, keli) waaxwaax u kala dhigdhigid. Neefku waaxayn ayuu innagu gaadhayaa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waxaana
conj. and what ...; and the thing that ...
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waxaana
de: and what ...; and the thing that ... [CLEFT FOCUS]
initial: w
lx: waxaana
ps: focus + conj
key: waxaana
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waxay_1
de: what she ... [CLEFT FOCUS]
hm: 1
initial: w
lx: waxay
pd: (waxey)
ps: focus + vpro
xe: It seems to me that you know a lot about it.
xv: Waxay ila tahay inaad wax badan ka taqaanno.
key: waxay_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waxay_2
de: what they ... [CLEFT FOCUS] = waxa + ay
hm: 2
initial: w
lx: waxay
pd: (waxey)
ps: focus + vpro
key: waxay_2
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
waxayga
(pronoun) mine (maayn)-, my belongings ~ kayga. Ex: waxayga ii dhaaf; drop off my belongings [things]
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haddaynu
conj., vl. pron. when we ...; if we [incl.] ...
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
haddaynu
if we
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haddaynu
de: when we ...; if we [incl] ... = haddii + aynu
lx: haddaynu
pd: (haddeynu)
ps: conj + vpro
key: haddaynu
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maxaannu
question word, vl. pron. what ... we? [excl.]
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maxaannu
(question word) what ... we. Ex: maxaannu samaynay? what have we done?
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maxaannu
de: what ... we? [excl]
lx: maxaannu
ps: qw + vpro
xe: What are we going to see?
xv: Maxaannu soo arkaynaa?
key: maxaannu
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waaxaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg waaxaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waaxayso
f.g3 (-stay, -satay) 1. Wax afar meelood u kala qaybsasho. 2. Wax qaybo isla eg ka dhigasho. la-mid: waaxyeyso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waaxayso
(fal) adiga oo weyso qaba haddana biyo yar ku jidiidso. Haddii weysaqabkii Duhurka ay kuugu dambaysay waaxayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waaxyayn
m.dh la-mid: waaxayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waaxyayn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg waaxayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waxaan_1
de: what I ... [CLEFT FOCUS]
hm: 1
initial: w
lx: waxaan
ps: focus + vpro
xe: aad. I want some beef.' = waxa + aan
xv: Waxaan rabaa hilib lo
key: waxaan_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waxaan_2
bw: bahal (2)
de: whachamacallit, whats-it [when one does not know or cannot remember the right word]
hm: 2
initial: w
lx: waxaan
pd: (-ka)
ps: n -m
see: geed (2)
key: waxaan_2
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waxaydin
vl. pron. what you [plural.] ...
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waxaydin
de: what you [plural] ... [CLEFT FOCUS] = waxa + aydin
initial: w
lx: waxaydin
pd: (waxeydin)
ps: focus + vpro
key: waxaydin
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aanu
vl. pron., neg. he ... not
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aanu
a: uusan
de: he ... not = aan + uu
lx: aanu
ps: neg + vpro
key: aanu
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Axan
(Axan-ka)
Xoolaha ama cunnada loo bixiyo qofka dhinta oo loogu duceeyo; fiddow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
axan
axan¹: m.l Xoolo la qalo ama cunto kale oo loogu duceeyo qof markaa dhintay.
axan²: f.g1 (-xmay, -xantay; -xmi) Xoolo la qalo ama cunto kale cid markaa dhimatay raacin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
axan
m.l Xoolo la qalo ama cunto kale oo loogu duceeyo qof markaa dhintay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
axan
m. n. funeral banquet (food ~ money given to the poor to pray for a deceased person)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
axan
-ka: (n) funeral feast; religious feast commemorating deceased person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
axan
magta dhagarta lagu baxsho, shan iyo toban halaad oo gaar u tilmaaman oo loo geeyo xigtada qofka lagu dhagaroobay.
axan-ka: (magac, lab, keli) xoolaha ama cunnada loo bixiyo qofka dhinta oo loogu duceeyo; xoolaha qof geeriyooday aaskiisa lagu dul cuno. Dh: fidde, fiddow, xabaalqod.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
axan
cf: fidde
de: funeral banquet (food ~ money given to the poor to pray for a deceased person)
lx: axan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: axan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aynu
vl. pron., pl., -incl: we [inclusive.]
aynu class-pro, pl. let us all, let's, may we
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aynu
(n) [possessive pronoun of we] us (aas). Ex: aynu shaqaysano; let us work. Iskuulka aynu aadno; let us go to the school
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waan
m.dh Meel dhul ah oo bannaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waan
class, vl. pron. I am / do ...
waan class, vl. pron. we [excl.] are / do ...
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Waan
je (+ verbe).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
waan
(pronoun I plus action verb) I ... to. Ex: waan ku jeclahay; I love you. waan ka xumahay: (expression) I am sorry (soori).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waan
-ta: (magac, dhedig, keli) xal; waanwaan. waan: (magacuyaal) tilmaama qofka kowaad ee lala hadlayo oo yeele ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waay
v.aux: fail to do (X), miss (out on) doing (X)
waay v. fail to find ~ get, miss
waay class: he / she / it is ... [verbless declarative]
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
waay
-yey / wayday / waayeen / waynay: (v) can't find; unable to find ~ waa. Ex: furihii waan waayey; I could not find the key
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waay
(ereydhawaaq) lagu dhawaaqo marka gurmad la doonayo. Dh: wey, way, alla.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waxa
qr.dd la-mid: waxaa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waxa
the thing that ...
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
waxa
see [eeg] waxaa
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waxa
a: waxaa; designates focus or contrast in a cleft sentence
de: the thing that ... [CLEFT FOCUS]
initial: w
lx: waxa
ps: focus
xe: What was broken was my cup [i.e., not my dish].
xv: Waxa jabay waa koobkeygii.
key: waxa
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wayn
-aa/ayd: (adj) big (big); large (laarj); huge (hi-yuuj); tremendous (tera-man-des); major (meey-jar); great (gareeyt) ~ weyn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wayn
(tilmaame) weyn oo aan yarayn. Allaa wayn ninkii aamminaa awood leh. Dh: weyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xayn
(Xayn-ta)
Wadajir urursan oo ka kooban dad ama waxyaalo; koox; horin; xoogaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xayn
m.dh In yar oo aan badayn oo xoolo, ugaar iyo wixi lamida oo wada jira; horin; koox.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xayn
m.dh In yar oo aan badayn oo xoolo, ugaar iyo wixi lamida oo wada jira; horin; koox.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xayn
f. n. group
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xayn
(adj) some (sam); group (guruup); herd (heerd)-, flock (falook) ~ koox
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xayn
-ka: (magac, lab, keli) fayga hoose e marad ama googoradda dumarka. Dh: cidhif.
xayn-ka: (magac, lab, keli) qaraabada wixiidha oorida ka soo jeeda. Dh: gacal, xidid. Li: xiga.
xayn -ta: (magacwadareed) koox adhi ah oo wad socota ama wada daaqaysa. Xayn yari xas beedday.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xayn
de: group
initial: x
lx: xayn
pd: (-ta Pl: xaynan (ka))
ps: n1-f, n4-f
syn: horin, hormo, koox
key: xayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aannu
mu.dhm.y Magacuyaal tilmaamaya qofka koowaad ee wadarta ah (marka laga reebo lala hadlaha). Tusaale: 'Xafiiska aannu aragnay waa xafiiskaada cusub'. la-mid: aan1.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aannu
m..dhm.y Magacuyaal tilmaamaya qofka koowaad ee wadarta ah (marka laga reebo lala hadlaha). Tusaale "Xafiiska aannu aragnay waa xafiiskaada cusub". la-mid: aan¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aannu
vl. pron., pl. we [exclusive.]
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aannu
(pronoun) let....us. Ex: Aannu u sheegno; let us tell him. Na keen aannu cashaynee; come on, let us have a dinner
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aannu
(magac'uyaal) yeelaha koowaad oo wadar ah loo adeegsado. Kolkii aannu maqallay qaylada ayaan baraarugnay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aannu
cf: annaga
de: we [exclusive]
lx: aannu
pd: (aan)
ps: vpro-1pl-excl
key: aannu
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afayn
(Afayn-ta)
Bir iyo wixii kaloo wax lagu gooyo, af u yeelid; soofayn; lisid; sibid; loolin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afayn
m.f.dh eeg afee. la-mid: afays.