waxash
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waxash
m.l (-shyo/wuxuush, m.dh) Qof aan naxariis lahayn. la-mid: waxshi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
waxash
m.l (-shyo/wuxuush, m.dh) Qof aan naxariis lahayn. m.dh.w, wuxuush. la-mid: waxshi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waxash
m. n. brute, savage, evil person
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
waxash
-ah: (adj) cruel (kuru-wal); barbarous (baar-ba-ras), inhuman (in-hiyuu-man); savage (saa-vaj)-, wild (waayldh) ~ qabiid, waxshi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waxash
(tilmaame) mid sida dugaagga u dhaqma oo naxariis daran ah. Qof waxash ah lalama noolaan karo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waxash
bw: Arabic
cf: wuxuushnimo
de: brute, savage, evil person
initial: w
lx: waxash
pd: (-ka Pl: wuxuush (ta))
ps: n2a-m, n8-m
key: waxash
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaxash
(Gaxash-ka)
Kalluun badeed wanaagsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaxash
m.l 1. Nooc kalluunka badda ka mid ah. 2. Nagaar geel. 3. Nagaar geelu daaqiddiisa jecelyahay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gaxash
m.l 1. Nooc kalluunka badda ka mid ah. 2. Nagaar geel. 3. Nagaar geelu daaqiddiisa jecelyahay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaxash
m. n., [collective] ocean fish species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaxash
-ka: (magac, lab, keli) jaad kalluunka ka mid ah oo hilib dhadhan xun. Gaxashku wuu nafaqo badan yahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaxash
de: ocean fish sp.
lx: gaxash
pd: (-ka)
ps: n-m-col
key: gaxash
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laxash
-ka: (magac, lab, keli) sariir ama shiraac maydka lagu qaado. Dh: wasaaso, naxash, rarrab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Naxash
(Naxash-ka)
Nacash.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naxash
m.l (naxash/-shyo, m.dh) la-mid: nacash (2).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
naxash
m.l Handuul ama raar afar addin iyo meelo la qabsado leh oo meydka lagu qaado; nacash.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
naxash
m. n. bier; coffin
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
naxash
-ka: (n) coffin (koofen)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naxash
-ka: (magac, lab, keli) handuul afar addin iyo meelo la qabsado leh oo maydka lagu qaado. Dh: laxash, rarrab.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
naxash
a: nacash
de: bier; coffin
lx: naxash
pd: (-ka Pl: naxash (ta))
ps: n2a-m, n5-m
key: naxash
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
naxash
تابوت، نعش
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waxshi
m.l la-mid: waxash.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waxshinnimo
m.dh la-mid: waxashnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wuxuush
m.dh.w eeg waxash.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
enormity
/inormiti/ (n) 1. waxashnimo, xumaan. e.g. the enormity of his crimes weighed heavily on his conscience. (n) 2. weynaan, xajmi weyni.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
ferocious
/ferowshas/ ferocity; (adj) 1. dad-cun, horor-ah (adj) 2. bahalnimo ah, waxashnimo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qabiid
-ah: (adj) cruel (kuru-wal); barbarous (baar-ba-ras), inhuman (in-hiyuu-man); savage (saa-vaj) ~ waxash, xaasid
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
waxashnimo
-waxashnimada: (n) cruel act; barbarity (baar-baarati); savagery (saa-vaj ar i); cruelty (kuru-wal-ti) ~ xaasidnimo, waxuushinimo
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
waxshi
-ah: (adj) cruel (kuru-wal); barbarous (baar-ba-ras), inhuman (in-hiyuu-man); savage (saa-vaj); wild (waayldh); brutal (buruu-tal) ~ qabiid, waxash
waxshi -ga: (n) wild male
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
waxshinimo
-waxshinimada: (n) cruel act; barbarity (baar-baarati); savagery (saa-vajari); cruelty (kuru-wal-ti); brutality (buruu-taalati) ~ waxashnimo, xaasidnimo
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wuxuushnimo
-wuxuushnimada: (n) savagery (saa-vajari); cruel act; barbarity (baar-baarati); cruelty (kuru-wal-ti) ~ xaasidnimo, waxashnimo,
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xaasid
-ah: (adj) cruel (kuru-wal); unkind (an-keeydh); inhuman; barbarous (baar-ba-ras), inhumane (in-hiyuu-man); savage (saa-vaj) ~ qabiid, waxash, naxariis daran
xaasid -ka: (n) an unkind or cruel male
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
bruto
agg. - bahaleed.
s.m. waxash.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
selvaggio
agg. - waxash.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waxashnimo
-da: (magac, dhedig, keli) waxash ahaan; sida dugaagga u dhaqmid oo naxariis darnaan. Qayrkaa waxashnimo lagula ma dhaqmo. Dh: xayawaannimo, waxshinnimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waxshinnimo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg waxashnimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wuxuush
-ta: (magacwadareed) dugaag aan wax hanbayn. Dh: waxash.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wuxuushnimo
de: savagery, bestiality
initial: w
lx: wuxuushnimo
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
see: waxash
key: wuxuushnimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maxasho
-da: (magac, dhedig, keli) kala bixidda biyuhu u kala baxaan dhooqo iyo biyo saafi ah; kala miirmid. Maxashada harta ayaan sugayaa si aan qarbidda uga dhaansado. Dh: xareedoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saxasho
(Saxasha-da)
Wax la cunayey ama la cabbayey in yar oo ka leexata oo hunguriga cad ku roorta oo lala qufaco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saxasho
m.f.dh eeg saxo. la-mid: saxad, sixad, sixasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saxasho
vl. n. choking (on), having something stuck in one's throat
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saxasho
-saxashada: (n) the act of choking (jow-king)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saxasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax la cunayey ama la cabbayey in yar oo ka mid ah oo roorta hunguriga cad oo lala qufaco. Dh: saxad margasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saxasho
a: saxad
de: choking (on), having s.t. stuck in one's throat
initial: s
lx: saxasho
pd: (/da)
ps: vn-f
see: saxo
key: saxasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taxaash
-ka: (magac, lab, keli) socod qunyar ah. Taxaashku waa socod qurux badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taxasho
m.f.dh eeg taxo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wacasho
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale u yeedhasho; u baaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wadasho
m.f.dh eeg wado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadasho
-da: (magac, dhedig, keli) kaxaysasho oo la tegid. Waan aqaan wadashada baabuurta.
wadasho -da: (magac, dhedig, keli) xoolo iyo wax la mid ah jirasho oo dhaqaalaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Warasho
(Warasha-da)
1. Dhar ama wax la mid ah oo qoyan ama suyucsan, meel qorrax ah ku kala baxsasho, dhigasho.
2. Alaab la gadayo, meel dibad ah, sida wax la warayo, u dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
warasho
m.f.dh eeg waro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
warasho
f. n. spreading clothes (etc.) out to dry; displaying one's wares
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg wadhasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
warasho
cf: waro
de: spreading clothes (etc.) out to dry; displaying one's wares
initial: w
lx: warasho
pd: (/da)
ps: n-f
key: warasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warqash
-ka: (magac, lab, keli) haruur firidiisu dhimatay. Wargash lama iibgeeyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waxaase
conj. but what ...; but the thing that ...
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waxaase
de: but what ...; but the thing that ... [CLEFT FOCUS]
initial: w
lx: waxaase
ps: focus + conj
key: waxaase
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
WAAS
[WES] Aristolochia rigida 01
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waas
(fal) cid xidhan damiin ka nogo oo xilka sii dayntiisa isa saar. Ninka soo waas adaa lagu garanayaaye.
waas-ka: (magac, lab, keli) damaanad la isa saaro oo lagu soo daayo qof xidhan. Ninkii xidhnaa odaybaa waas ka noqday oo waa la soo daayay. Dh: damiin
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
wash
/woosh/ (v) 1. dhaqid (mayrid) (n) 2. dhaqmo (mayris).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
wash
v.tr., xal, qasal, maydh, soo maydh, caday; v.r., maydho; wash the hands, faraxal; wash the face, fooldhaq; wash hands, face, v.r., faraxalo, fooldhaqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waxa
qr.dd la-mid: waxaa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waxa
the thing that ...
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
waxa
see [eeg] waxaa
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waxa
a: waxaa; designates focus or contrast in a cleft sentence
de: the thing that ... [CLEFT FOCUS]
initial: w
lx: waxa
ps: focus
xe: What was broken was my cup [i.e., not my dish].
xv: Waxa jabay waa koobkeygii.
key: waxa
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xash
(Xash-ka)
1. Wax la tumay ama la kala soocayo, intiisa burburka ah oo liidata; xashiish.
2. Wax la rafaaqayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xash
m.l.u 1. Jajab yaryar, aan waxtar lahayn oo dhuxusha ka jajaba. 2. Jajab kastoo ka hara qori la qoray ama wax la mid ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xash
m.l.u 1. Jajab yaryar, aan waxtar lahayn oo dhuxusha ka jajaba. 2. Jajab kastoo ka hara qori la qoray ama wax la mid ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xash
m. n., (mass n.): powder, sawdust
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xash
(fal) dhoobo ama daqiiq qoosh; wax qoyanfaraha ku ruquus oo ku rufaaq. Dh: rufaaq, cajiin.
xash: (fal) xajka teg; xaramka aad. Dh: xaj.
xash -ka: (magac, lab, keli) eeg xafash.
xash -ka: (magac, lab, keli) rukunka shanaad ee arkaanta Islaamka. Dh: xaj.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xash
de: powder, sawdust
initial: x
lx: xash
pd: (-ka Pl: xashash (ka))
ps: n4-m-mass
key: xash
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
abash
v.tr., rog.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
axadh
axadh¹: m.l 1. Cuntada dhadhankeeda la jeclaysto. 2. Hadalka nuxurkiisa dib loo sii dhadhansado.
axadh²: f.mg1 (-xdhay, -xadhay) Arrin si aad ah u lafagurid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
axadh
axadh¹: m.l 1. Cuntada dhadhankeeda la jeclaysto. 2. Hadalka nuxurkiisa dib loo sii dhadhansado.
axadh²: f.mg1 (-xdhay, -xadhay) Arrin si aad ah u lafagurid. m.f.dh, axadhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
axadh
(fal) arrin ama talo si aad ah u lafagur.
axadh: (fal) gawsaha ku qabo oo aad u calali. Axadh maydhaxda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baash
m.l la-mid: baashi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daash
(Daash-ka)
Daarad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daash
m.l (-shash, m.l) Dhismo kor ka dadan, hareeraha ka furan oo carshaanta, baraakooyinka, mundullada iyo wixi lamida hortooda lagu dhiso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daash
m.l (-shash, m.l) Dhismo kor ka dadan, hareeraha ka furan oo carshaanta, baraakooyinka, mundullada iyo wixi lamida hortooda lagu dhiso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daash
m. n. fenced yard
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daash
-ka: (magac, lab, keli) ardaa kor ka awdan ama ka furan oo aqalka ku dhegsan oo la hadhsado. Daash yar buu leeyahay gurigu. Dh: daarad, ardaa. daash-ka: (magac, lab, keli) dhismo ka samaysan qoryo iyo joonyado oo sida badan lagu yagaan suuqyada jaadka. Dh: daas, waab, cooshad, buush.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daash
cf: daarad
de: fenced yard
lx: daash
pd: (-ka Pl: daashash)
ps: n4-m
key: daash
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faash
faash¹: m.l la-mid: faas¹.
faash²: f.g1 (-shay, -shtay) la-mid: faas².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faash
v. chop with an axe
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faash
-ka: (magac, lab, keli) eeg faas.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faash
de: chop with an axe
lx: faash
pd: (faashay)
ps: v1=tr
see: faas
key: faash
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haash
(Haash-ka)
Jaadadka warmaha mid kamid ah; qaash.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haash
m.l (-shash, m.l) 1. Sigaar la cabbay inta ugu dambaysa; gumud. 2. la-mid: qaash.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
haash
m.l (-shash, m.l) 1. Sigaar la cabbay inta ugu dambaysa; gumud. 2. la-mid: qaash.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haash
m. n. lance, long spear
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haash
-ka: (magac, lab, keli) kolka sigaarka la fuudo inta ugu danbaysa ee la iska tuuro.
haash-ka: (magac, lab, keli) jaadadka warmaha midkood oo aad u weyn. Dh: qaash. Wa: haashyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haash
a: qaash
de: lance, long spear
lx: haash
pd: (-ka Pl: haashash (ka))
ps: n4-m
key: haash
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaash
-ka: (magac, lab, keli) lacag naqdi ah oo la bixiyo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
laash
-ka (n) launch (laanj) motor boat; speed boat
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laash
-ka: (magac, lab, keli) eeg laanje.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maxas
m.dh Dad ama duunyo la itaal yar leh da' ama dhibaato darteed.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maxas
m.dh Dad ama duunyo la itaal yar leh da' ama dhibaato darteed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maxas
-ta: (magac, dhedig, keli) dad birimagaydo ah oon dagaal taag iyo tamar u lahayn. Dumar iyo dhallaan waa maxas in la dhawraana waa waajib.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naash
-ka: (magac, lab, keli) sariir lagu dangiigsado oo raaxo leh. Kuwii nebiyadii caasiyaa naashka kuu dhigaye.