waxarowaalis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waxarowaalis
-ka: (magac, lab, keli) geed yar oo ulo bixiya oo ulaha maqasha laga goosto. Waxarowaalista xawd iiga soo goo.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
WAXARO-WAALIS
(Waharo-walis) C Commiphora kua (J.F.Royle) Vollesen. Burseraceae.
NFD, N Ipomoea cicatricosa Bak. Convolvulaceae.
N Ipomoea jaegeri Pilger. Convolvulaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waxarawaalis
m.l Geed laamo dhuudhuuban oo caleemo balballaran iyo ubaxyo hurud ah leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waxarawaalis
m. n., [collective] bush species, with purple flowers
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waxarawaalis
-ka: (magac, lab, keli) geed yar oo ay xooluhu daaqaan oo caleemo iyo ubax balballaadhan leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waxarawaalis
de: bush sp., with purple flowers
initial: w
lx: waxarawaalis
pd: (-ka)
ps: n2a-m-col
key: waxarawaalis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waxarawaaxis
-ka: (magac, lab, keli) geed geednugaylka ka tirsan oo xunbabaysta isku bah yihiin.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
WAXARO-XAARIS
(Waharo-haris) N Ipomoea jaegeri Pilger. Convolvulaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waalwaalid
m.f.dh eeg waalwaal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waalwaalid
-da: (magac, dhedig, keli) (is ~) qof waalan iska yeelyeelid.
waalwaalid -da: (magac, dhedig, keli) hareeraha qabasho oo wax culus qaadid.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
WAXARO-MAALE
(Wahara-male) N Crotalaria laburnifolia L. Papilionaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaqaalis
-ta: (magac, dhedig, keli) geed meel ka baxay, rujin oo meel kale ku joojin. Dh: abaqaalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saadaalis
-ka: (magac, lab, keli) eeg saadaalin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waabwaabi
(fal) mar in ka badan waabi; waabi oo haddana waabi. Ninka waalanee waran qaatay iyo wiilkii yar ee waabwaabiya, yaa u kala warrama!
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waadaalin
-ta: (magac, dhedig, keli) fiirin oo wax waadaal ah ka dhigid; dabasocod uu dibi qoodh ahi daba socdo sac rimay soo wata. Dibigu maalmahan oo dhan waadaalinta sacuu ku jirey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Walwaalid
(Walwaalid-da)
Wax culus oo laallaada sidid; dandaamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
walwaalid
m.dh la-mid: waldaamin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walwaalid
-da: (magac, dhedig, keli) wax culus oo laallaada sidid. Dh: dandaamid,
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waxaraxir
(Waxaraxir-ta)
Meereyaasha qorraxda tan ugu iftiin badan, waxayna u dhexaysaa dhulka iyo dusaaga (cuddaarka); sanadeedu waa 225 maalmood, qorraxdana waxay u jirtaa toddobaatan-ku-dhowaad malyuun oo mayl; Xiddigta Waabberi; Sahra.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waxaraxir
m.dh (c.fal.) Meerayaasho qorraxda tan ugu iftiin badan, waxayna u dhexeysaa dhulka iyo dusaaga (cuddaarka) sannakeedu waa 225 maalmood, qorraxdana waxay u jirtaa toddobaatan ku dhowaad malyuun oo mayl; xiddigta waaberi; sahra.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Waxaraxir
pr. n., loc. Venus (the second planet)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Waxaraxir
-ka: (magac, lab, keli) eeg Waxaraxidh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waxaraxir
-ka: (magac, lab, keli) eeg waxaraxidh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Waxaraxir
de: Venus (the second planet)
initial: w
lx: Waxaraxir
pd: (-ta)
ps: n0-loc-f
syn: Bakaal ~ Bakool, Sahra, Xiddigta Waabberi
key: Waxaraxir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waylaalis
-ka: (magac, lab, keli) harag laga bixiyo lo'da oo hagaag loo midgiyey. Waylaaliskani waa mid waylood. Dh: masalle.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afarqaadis
m.dh la-mid: afarqaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afarqaadis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg afarqaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baashaalis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg baashaalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baxarsaafi
-ga: (magac, lab, keli) eeg baxarsaaf.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daardaaris
-ta: (magac, dhedig, keli) nal dhawr jeer oo isu dhowdhow shidid. Dh: shidshidis.
daardaaris -ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, faragelin ku samays oo gardarro ku doonasho. Dh: juqjuqays, daandaansi, maagis, daardaarid.
daardaaris -ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, waano iyo talo u soo jeedin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garowkaris
(Garowkaris-ka)
Garowkarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garowkaris
m.l la-mid: garowkarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garowkaris
-ta: (magac, dhedig, keli) garow ahaan u karin. Dh: garowkarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabaraadis
m.dh la-mid: kabaraadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabawaaris
m.dh la-mid: kabawaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madadaalis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg madadaalin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malawaalid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg mala'awaalid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waabwaabin
-ta: (magac, dhedig, keli) si is dabajoog ah u waabin oo uga cabsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waayowaayo
(falkaabe) eeg waayawaayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waqajaajis
-ka: (magac, lab, keli) nooc shimbiraha ka mid ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waxallaale
n. phr. anything and everything
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waxallaale
de: anything and everything Lit: what God possesses
initial: w
lx: waxallaale
ps: np
key: waxallaale
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaalxaalis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg xaalxaalid. xaami: (tilmaame) iibsi xawli ku socda oo aad u wanaagsan ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaarxaaris
-ka: (magac, lab, keli) eeg xaanaarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bahardaacis
m.dh la-mid: bahardaacin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bahardaadis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg bahardaadid.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
balanbaalis
butterfly
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
balanbaalis
-ta: (n) butterfly (bater falaay) ~ babbisjinni
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balanbaalis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg balambaalis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dacarfaalid
(Dacarfaalid-da)
Dacarta uurka ku jirta, dawo ku soo saarid; qarasfaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dacarfaalid
m.f.dh eeg dacarfaal². la-mid: dacarfaal¹, dacarfal¹, dacarfalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacarfaalid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg dacarbixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Madaddaalis
(Madaddaalis-ka)
Wax kasta oo lagu madaddaasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madaddaalis
m.l 1. Maaweelinta cid la maaweeliyo. 2. la-mid: madaddaalin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
madaddaalis
vl. n. act of entertaining ~ amusing someone
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
madaddaalis
de: act of entertaining ~ amusing s.o.
lx: madaddaalis
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: madaddaalis
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Talantaalis
Nooc kamid ah baanadaha ee leh madax sugan oo furan iyo mid faraati-xaglood ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wankalaalis
m.l la-mid: wankalaalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mala'awaalid
(Mala'awaalid-da)
Mala'awaal wax ku dhisid, ku fiirin; mala'abbaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mala'awaalid
-da: (magac, dhedig, keli) wax soo socda sida uu noqon doono malayn oo sii saadaalin. Mala'awaaliddu waa cilmi la barto. Dh: malayn, saadaalin, odorosid, mala'abbaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mala-awaalid
m.f.dh eeg mala-awaal².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waxsoosaarid
m.dh Awoodda waxqabad ee wax leeyihiin. la-mid: waxsoosaar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
waxsoosaarid
m.dh Awoodda waxqabad ee wax leeyihiin. la-mid: waxsoosaar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waxsoosaarid
vl. n. productivity; production
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
waxsoosaarid
-da: (n) the act of producing ~ see [eeg] wax soo saar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waxsoosaarid
-da: (magac, dhedig. keli) waxsoosaar samayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waxsoosaarid
de: productivity; production
initial: w
lx: waxsoosaarid
pd: (-da)
ps: vn-f
syn: tacabdhal
key: waxsoosaarid
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MASAAR-LAABIS
(Masar-labis) C Gardenia fiorii Chiov. Rubiaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waxarakacadde
(Waxarakacadda-ha)
Geed aan qodax lahayn oo dhala miro cadcad oo macaan; (ama waxarakacaddeeye).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waxarakacadde
m. n., [compound] thornless plant species, bearing sweet fruit
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waxarakacadde
eeg waxaracaddeeye.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waxarakacadde
de: thornless plant sp., bearing sweet fruit Lit: whiter than young goats
initial: w
lx: waxarakacadde
pd: (/ha)
ps: n-m-cmp
key: waxarakacadde
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Laxanno wadajir
Combination tones
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
WAXARO-KA-CADDE
(Waharo-ka-ade) N Tarchonanthus camphoratus L. Compositae.