ereyga

wax-ku-ool

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

wax-ku-ool

DHAN

m.l.kh W. ah: wax waxtara ama qiimo leh.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

wax-ku-ool

DHAN

m. n. (adj.): useful item; important, beneficial

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]

wax-ku-ool

DHAN

نافع، مُفيد

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dhakhsaha falgalka

DHAABAN

m.l (kiimika) Cabbir sheegaya xaddiga falgalaha ah ee qarsooma halbeeg ammineed kasta marka falgal kiimikaad dhacayo. Sidaa awgeed; waa cabbir muujinaya tirada is herdiyada wax ku oolka ah ee dhexmara molikuyuullada falgaleyaasha. Dhakhsaha falgal ku socdo waxa lagu cabbiri karaa dhakhsaha falgaleyaashu ku qarsoomaan ama maxsuulladu ku samaysmaan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

fadhi

DHAABAN
1

fadhi¹: m.l (-iyo, m.dh) 1. Qaabka iyo xaalada qof salka dhulka ku haya. 2.(-iyo, m.dh) Rug la degganyahay. Tusaale: “Fadhigeygu waa Afgooye”. 3. Lo' tiradeedu boqol gaartay. 4. Shir muhim ah. Tusaale: “Fadhigii shalay la galay go'aan wax-ku-ool ah ayaa ka soo baxay”. 5. Caano f. ah: caano garoor ah; eedaq. 6. Qolka f.ga: qol loogu taloggalay in la fadhiisto. 7. la-mid: fadhiyid.

2

fadhi²: f.mg1/2 (-iyay, -iday/isay; -iyi) 1. Salka meel dhigid. 2. Rasmi ahaan meel u degid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

gargaar

DHAABAN
1

gargaar¹: m.l 1. Kaalmo wax ku ool ah oo dhaqso leh. 2. G.ka degdegga ah: kalkaalo caafimaadka dhaqsaha leh oo loo galo qofka jirradu ku soo booddo ama shil ku dhaawacma. la-mid: gargaarsimo, gergaar¹.

2

gargaar²: f.mg1 (-ray, -rtay) U g.: cid taakulayn. la-mid: gergaar².

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

taabbaqaad

DHAABAN

f.mg1 (-day, -dday) 1. Qaangaarid. 2. Wax, wax ku ool ah noqosho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

talo

DHAABAN

m.dh (-ooyin, m.l) Fikrad wax ku ool ah oo cid tuseysa sidii uu wax u qabsan lahaa.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

dhakhsaha falgalka

DHAABAN

m.l (kiim.) Cabbir sheegaya xaddiga falgalaha ah ee qarsooma halbeeg ammineed kasta marka falgal kiimikaad dhacayo. Sidaa awgeed; waa cabbir muujinaya tirada is herdiyada wax ku oolka ah ee dhexmara molikuyuullada falgaleyaasha. Dhakhsaha falgal ku socdo waxa lagu cabbiri karaa dhakhsaha falgaleyaashu ku qarsoomaan ama maxsuulladu ku samaysmaan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

fadhi

DHAABAN
1

fadhi¹: m.l (-iyo, m.dh) 1. Qaabka iyo xaalada qof salka dhulka ku haya. 2.(-iyo, m.dh) Rug la degganyahay. Tusaale: Fadhigeygu waa Afgooye. 3. Lo' tiradeedu boqol gaartay. 4. shir muhim ah. Tusaale: Fadhigii shalay la galay go'aan wax-ku-ool ah ayaa ka soo baxay. 5. Caano f. ah: caano garoor ah; eedaq. 6. Qolka f.ga: qol loogu taloggalay in la fadhiisto.

2

fadhi²: f.mg1/2 (-iyay, -iday/isay; -iyi) 1. Salka meel dhigid. 2. Rasmi ahaan meel u degid. m.f.dh, fadhiyid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

gargaar

DHAABAN
1

gargaar¹: m.l 1. Kaalmo wax ku ool ah oo dhaqso leh. 2. G.ka degdegga ah: kalkaalo caafimaadka dhaqsaha leh oo loo galo qofka jirradu ku soo booddo ama shil ku dhaawacma. la-mid: gargaarsimo, gergaar.

2

gargaar²: f.mg1 (-ray, -rtay) U g.: cid taakulayn. m.f.dh, gargaarid. la-mid: gergaar.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

taabbaqaad

DHAABAN

f.mg1 (-day, -dday) 1. Qaangaarid. 2. Wax, wax ku ool ah noqosho. m.f.dh, taabbaqaadid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

talo

DHAABAN

m.dh (-ooyin, m.l) Fikrad wax ku ool ah oo cid tuseysa sidii uu wax u qabsaan lahaa.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

constructive

DHAABAN

/konistaraktiv/ (adj) waxtar leh (wax ku ool ah).

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

koob

DHAABAN
1

(fal) cashir ama hadal soo yaree oo soo ururi; soo duuduub. Soo kooba hadalka oo go'aan wax ku ool ah gaadha. Dh: gaabi, gabagabee.

2

koob -ka: (magac, lab, keli) weel godan oo leh dheg la qabsado oo caanaha, biyaha ama shaaha lagu cabbo. Dh: galaas, geeb. Wa: koobab.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

taabbaqaad

DHAABAN
1

(fal) qof qaangaadhay noqo.

2

taabbaqaad: (fal) wax, wax ku ool ah noqo.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

waq

DHAABAN
1

(falkaabe) looga jeedo abid ama inta la soo jiray. Cali dhoof aduunyadu waqeed, gelinba waa cayne. Dh: abidkeed.

2

waq -da: ( magac, dhedig, keli) wejigabax iyo filanwaa lagala kulmo meel aanad ka filayn. Waq baa ka gaadhay shirkii shalay gudoomiyihii.

3

waq-da: (magac, dhedig, keli) hadal qaylo iyo buuq ah oon faa'iido iyo wax ku ool midna ahayn. Xalay oo dhan bay hadal waqda hayeen.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]

KAXAR-MUROOLE

DHAFANDHAAF

(Kahar-murole) S Tribulus terrestrs L. Zygophylaceae.

waa la naqliyay ✓