wax wadaqabsi
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wax wadaqabsi
-ga: (n) working together; helping one another; cooperation (kowo-pareey-shin) ~ iskaashi
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Wax wada qabsi
Co-operazione
Co-operation
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waxwadaqabsi
m.l Isu kaashiga dad isu kaashadaan in ay hawl wadajir u qabsadaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waxwadaqabsi
vl. n. cooperation, collaboration
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waxwadaqabsi
-ga: (magac, lab, keli) hawl wadaagid. Dh: wadajir, iskaashi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waxwadaqabsi
de: cooperation, collaboration
initial: w
lx: waxwadaqabsi
pd: (-ga)
ps: vn-m
syn: iskaashad, iskuxidhnaan
key: waxwadaqabsi
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wax wada qabso
v. cooperate, collaborate
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baahawadaag
m.dh.kh B. ah: dad iskaashi iyo wax wadaqabsi ka dhaxeeya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaho
baaho¹: m.dh Iskaashi iyo wax wadaqabsi dad gaar ah ka dhaxeeya.
baaho²: f.mg3 (-hday, -hatay) 1. Baahi dareemid (nafley). 2. U b.: wax la'aantiis u mucurteysnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daawaley
m.dh.kh D. ah: dad heshiis wax wadaqabsi iyo is-taakulayn ka dhexeeyso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bahawadaag
m.dh.kh B. ah: dad iskaashi iyo wax wadaqabsi ka dhaxeeya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daawaley
m.dh.kh D. ah: dad heshiis wax wadaqabsi iyo is-taakulayn ka dhexeeyso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wax_wada_qabso
de: cooperate, collaborate
initial: w
lx: wax wada qabso
pd: (qabsaday)
ps: v3a=expr
key: wax_wada_qabso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barwaaqays
-ka: (magac, lab, keli) eeg barwaaqayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gacanqabsi
(Gacanqabsi-ga)
1. Ul ama wax la mid ah oo kolka la soconayo gacanta lagu qabsado.
2. Lacag yar oo waxyaalaha yaryar oo lagama maarmaanka ah lagu gato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacanqabsi
m.l 1. Ul ama wax la mid ah oo marka la socdo gacanta lagu qaato. 2. Lacag yar oo lagama maarmaanka lagu iibsado. 3. Lacag yar oo ganacsi lagu bilaabo. 4. la-mid: gacanqabasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gacanqabsi
m.l 1. Ul ama wax la mid ah oo marka la socdo gacanta lagu qaato. 2. Lacag yar oo lagama maarmaanka lagu iibsado. 3. Lacag yar oo ganacsi lagu bilaabo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gacanqabsi
m. n., [compound] walking stick
gacanqabsi: m. n., [compound] petty cash
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gacanqabsi
-ga:(n) 1. pocket money or minor travel expenses ~ faraqabsi. 2. handbook (haandh-buuk); reference book ~ tilmaan-bixiye
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacanqabsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg gacanqabsasho.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Gacanqabsi
Xubinta loo sameeyey in qalabka laga qabsado.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka sawaabi
v. bless ~ pray for someone from whom one has recieved a gift; (of God) give someone what one deserves
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waaxwaaxsi
-ga: (magac, lab, keli) socod lugaha la kala fogeeyo oo ay isdhawridi ku jirto. Wiilasha baarada laga gooyaay waxa lagu gartaa waaxwaaxsiga. Dh: waadhwaadhsi, waarwaarsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walalaaxsi
-ga: (magac, lab, keli) socod lugaha la kala fogeeyo oo ay isdhawridi ku jirto. Dh: waadhwaadhsi, waarwaarsi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wax war ah
n. phr. information
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barwaaqayso
f.mg3 (-stay, -satay) 1. Meel barwaaqo ka dhigasho. 2. Barwaaqo helid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
barwaaqayso
f.mg3 (-stay, -satay) 1. Meel barwaaqo ka dhigasho. 2. Barwaaqo helid. m.f.dh, barwaaqaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barwaaqayso
(fal) meel nimco iyo barwaaqo buuxdo ka dhigo. Dhulkaaga barwaaqayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garwaaxaysi
m.l la-mid: garwaaxeedsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaxarataysi
m.l la-mid: gaxarataysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
soo waraabi
v. give (person ~ animal) water to drink
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadhwaadhsi
-ga: (magac, lab, keli) socod waaxwaaxsi ah oo tartarrada la kala fogeeyo sidii wax gudaha dhawraya. Dh: waadhwaadhsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xankakaabsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg xanka-kaabsad.