wax kasta
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wax kasta
adj., [expression] whatever, no matter what; anything
wax kasta conj-expr: whatever
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wax kasta
(pronoun) anything (eni-thing); everything (ev-ri-thing) ~ wax kaste; wax walba. Ex: wax kasta wuu rabaa; he wants everything
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baxsiis
(Baxsiis-ka)
1. Ceel cusub oo kolkaas la qoday.
2. Ceelkaas biyihiisa.
3. Wax kasta oo wax kale laga soo dhex bixiyo, laga soo dhex saaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhab
(Dhab-ta)
Aan cayaar iyo kaftan ahayn ee run ah; wax jira; wax sugan.
2. Oogada dadka inteeda u dhexaysa laabxuunshada iyo lowyaha oo kolka qofku fadhiyo lagu qaban karo ama lagu hayn karo wax kasta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guulaamo
(Guulaama-da)
1. Daruuro waaweyn oo uuro leh oo is dhex xula haya.
2. Wax kasta oo guulaameeya sida qiiqa, daadka, xiiska badda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hanbo
(Hanba-da)
1. (cunno) weelka wax laga cuna hayo, waxyar oo cunno ah oo lagu reebo.
2. Wax kasta oo aan la wada laysane in yar laga reebo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hayeeshaale
(Hayeeshaala-ha)
Qofka wax kasta oo cid ka sarraysaa farto ama ka doonto, aan diidin ama hadal ka soo celine yeela oo haye yiraahda; midiidin aan sharaf lahayn; haaheeyarraac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kasmo
(Kasma-da)
1. Aqoon; garasho.
2. Aqoon hab agaasiman ku dhisan oo loola jeedo in wax kasta runtooda iyo baxaalligooda iyo salkooda la gaaro; cilmi.
3. Laamaha kasmada mid walba gaar ahaanteed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laabla'
Kartida xusuusta iyo wax garashadiisu yar tahay; wax kasta oo loo sheego ama la ogeysiiyo illaawa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Macdan
(Macdan-ka)
1. Wax kasta oo aan oogo iyo jir lahayn oo dhulka gudihiisa ku jira; wax kasta oo aan dadka iyo nafleyda kale midna ahayn; waxaa kamid ah dahabka, lacagta (qalin), maarta, dheemmanta, birta iyo rasaasta.
2. Macdan gaar ah oo sida lacagta u cad oo fudud oo jilicsan oo waxyaalo badan laga sameeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Madaddaalis
(Madaddaalis-ka)
Wax kasta oo lagu madaddaasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maroodi
(Maroodi-ga)
Bahal, nafleyda dhulka ku nool oo dhan ugu weyn; wuxuu lee yahay harag adag oo qiro weyn; gacan dheer oo uu wax kasta ku samayn karo iyo labo ilig oo dheerdheer oo qalka kore ka baxa oo qaali ah; waa labo jaad: mid waaweyn oo Afrika jooga iyo mid xoogaa ka yar oo Hindiya ku nool; goso; uufanneys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Miid
(Miid-da)
1. Wax kasta oo shubma oo culus oo saafi ah oo badanaa macaan, (sida miidda malabka iyo surta iyo subagga iyo miraha bislaada ama sonkorta lagu kariyo kd.).
2. Cadka ama inta wax ugu wanaagsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Suugaan
(Suugaan-ta)
1. Wax kasta oo la qoro ama lagu hadlo oo ulajeeddadooda loo jeelo ama loo bogo ama si kale loo jeclaysto ama saamays weyn oo la dareemo leh; murti; xigmad.
2. Hadal xallad ama quluud ama xudduud la xiiseeyo leh.
3. Hadal sarbeeb hoose ama xifaalo qarsoon leh.
4. Laamaha cilmiga mid ka mid ah, waxyaalaha laga qoray ama laga yiri.
5. Naq: doog; cosob; magool; (ama soogaan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Uduufo
(Uduufa-da)
Wax kasta intiisa liidata.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Uun
1. Wax kasta ama mid kasta ha ahaadee; in kasta ha le'ekaadee; keliya; ana.
2. (Uun-ka) a) Wax la uumay; abuur; makhluuq. b) Uumi; oomaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wax
(Wax-a)
1. Magac guud oo la siiyo wax kasta oo jira, siiba waxyaalaha aan la aqoon ama aan la dooneyn in la magacaabo ama la tilmaamo; shay; geed.
2. Wax la qabtay, la sameeyey, la waxeeyey.
3. Wax dhacay; arrin; talo; xaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Weel
(Weel-ka)
1. Wax kasta oo gudo leh, oo wax lagu gurto ama lagu shubto.
2. Wax wax lagu qabsado; qalab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wiyil
(Wiyi-sha)
Nafley aad u weyn oo u xoog badan oo gees ama labo gees wejiga ku leh; waxay leedahay indho yaryar araggeeduna ma fiicna, dhegaheeda iyo sankuse aad bay wax u maqli og yihiin oo u garan og yihiin; Waxaa ku gaashaaman harag wax kasta ka qiro weyn oo ka adag; waa daaqdaa oo hilibka ma cunto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaabo
(Xaaba-da)
1. Qoryaha qallalan oo dabka lagu shido; qoryo; shidaal.
2. Wax kasta oo la shito.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xer
(Xer-ta)
(magac wadareed: nin xer ah; niman xer ah; naag xer ah)
1. Ardada dugsiyada sare iyo jaamacadaha dhigata.
2. Ardada waaweyn oo waxbarasho darteed meel u joogta oo lagu jilo.
3. Wax kasta (xoolo, dad) oo meel cidda ka fog la geeyo, ama taga, ...
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
Ilaah
m.l (dii.) Sarreeyaha awoodda leh oo wax kasta abuura oo weligiis jiray, jirina doona; Rabbi; Eebbe; Alle.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mar kasta
adv., time: always, at any time
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wax_kasta_1
de: whatever
hm: 1
initial: w
lx: wax kasta
ps: conj-expr
see: kasta
key: wax_kasta_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wax_kasta_2
de: whatever, no matter what; anything
hm: 2
initial: w
lx: wax kasta
ps: adj-expr
xe: Whatever he does, it turns out badly.
xv: Wax kasta oo uu sameeyaba, waxay isu rogi xumaan.
key: wax_kasta_2
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wax bartay
wax baratay: (adj) learned (lernidh); scholarly (iskoo-lar-li); schooled (iskuulidh); educated (eju-keey-tidh) tacliin leh
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wax ka
more ... than (anything ~ anyone)
wax ka n. phr. part ~ some of
Ereyo Talyaani-Soomaali - Maxamuud Garyare, Cabdikariim Daa'uud Weyre
La pasta
Baasto
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
markasta
(conj) every time that; whenever (wenevar); anytime (enitaaym) ~ markaste
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
si kasta
[adverbial] [expression] somehow, in any way, anyhow; in any case
si kasta [adverbial] [expression] somehow, anyhow; in any way
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
si kasta
(conj) however (haw evar) ~ sikasta
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wax alla
n. phr. anything, whatever
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wax kale
pron., expr: anything else, something more
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wax kale
(pronoun) something else. Ex: wax kale ma u baahan tahay? Do you need something else [anything else]?
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bil kasta
(adv) monthly (manthli) ~ bilwalba, biloodle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mid kasta
(pronoun) everyone (evriwan); everybody
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wax walba
n. phr., [expression] everything
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wax walba
(pronoun) anything (eni-thing); everything (ev-ri-thing) ~ wax kaste; wax kasta. Ex: wax walba way rabtaa; she wants everything
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
meel kasta
: everywhere, every place
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
meel kasta
(adv) everywhere (evriweer); wherever (weerevar); every place ~ meel walba
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wax war ah
n. phr. information
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
habeyn kasta
(adv) nightly (naaytli); nocturnal (nak-ter-nel)
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Wax-ka
1) chose, 2) quelque chose.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waxash
m.l (-shyo/wuxuush, m.dh) Qof aan naxariis lahayn. la-mid: waxshi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
waxash
m.l (-shyo/wuxuush, m.dh) Qof aan naxariis lahayn. m.dh.w, wuxuush. la-mid: waxshi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waxash
m. n. brute, savage, evil person
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
waxash
-ah: (adj) cruel (kuru-wal); barbarous (baar-ba-ras), inhuman (in-hiyuu-man); savage (saa-vaj)-, wild (waayldh) ~ qabiid, waxshi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waxash
(tilmaame) mid sida dugaagga u dhaqma oo naxariis daran ah. Qof waxash ah lalama noolaan karo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waxash
bw: Arabic
cf: wuxuushnimo
de: brute, savage, evil person
initial: w
lx: waxash
pd: (-ka Pl: wuxuush (ta))
ps: n2a-m, n8-m
key: waxash
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
inkasta
xi. Xataa; walow.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
inkasta
xi. Xataa; walow.
Ereyo Talyaani-Soomaali - Maxamuud Garyare, Cabdikariim Daa'uud Weyre
La casa
Guriga
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
makasto
m.dh.u la-mid: makas.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
makasto
f. n., [collective] ignorant people, stupid persons
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
makasto
-makastada: (n) illiterate people; know-nothings; ignorant people; ignoramuses (ig noreey-masis)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
makasto
-da: (magac, dhedig, keli) qof weyn oo dumar ah oo maan gaaban. Makasto ku ledegtey kaama kacdo. Dh: makas, magarato.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
makasto
de: ignorant people, stupid persons
lx: makasto
pd: (/da)
ps: n-f-col
key: makasto
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sikasta
fk. la-mid: si.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sikasta
[adverbial] [expression] anyway, somehow, anyhow
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sikasta
(conjunction) however (haw evar) ~ si kasta
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sikasta
eray la nuxur ah: noocay doontaba; sidaad rabto; siday ahaataba; saad rabto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sikasta
de: anyway, somehow, anyhow
initial: s
lx: sikasta
pd: (sikastaba)
ps: adv-expr
see: kasta
key: sikasta
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waa kan
here it [masc.] is; here (is ~ are)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waastay
(fal) waas oo xilka sii dayntiisa is dul saar. Waastay ninkan arrin baa kaga xidhan hay'adaase.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wax yar
(pronoun) small amount; small portion; small quantity; handful (haandh-fuul)-, a bit (bit)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
waxaaga
(pronoun) yours (yooriz)-, your belongings
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waxaana
conj. and what ...; and the thing that ...
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waxaana
de: and what ...; and the thing that ... [CLEFT FOCUS]
initial: w
lx: waxaana
ps: focus + conj
key: waxaana
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waxaase
conj. but what ...; but the thing that ...
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waxaase
de: but what ...; but the thing that ... [CLEFT FOCUS]
initial: w
lx: waxaase
ps: focus + conj
key: waxaase
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
waxayga
(pronoun) mine (maayn)-, my belongings ~ kayga. Ex: waxayga ii dhaaf; drop off my belongings [things]
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waxayna
conj. and what she ... / they ...
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waxayna
de: and what she ... / they ... [CLEFT FOCUS]
initial: w
lx: waxayna
ps: focus + conj
key: waxayna
Ereyo Talyaani-Soomaali - Maxamuud Garyare, Cabdikariim Daa'uud Weyre
La busta
Baqshada
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
makastay
[question word] did you understand? —makasaysaa? are you understanding?
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
midkasta
pro: everyone
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
midkasta
de: everyone
lx: midkasta
ps: pro
key: midkasta
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waakasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg waakad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wax_alla
de: anything, whatever
initial: w
lx: wax alla
ps: np
key: wax_alla
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wax_ka_1
de: more ... than (anything ~ anyone)
hm: 1
initial: w
lx: wax ka
ps: expr
xe: Ali likes food more than anybody else so he tried to gobble it all.
xv: Cali wax ka cunta jecele cuntadii buu boobay.
key: wax_ka_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wax_ka_2
de: part ~ some of
hm: 2
initial: w
lx: wax ka
ps: np
xe: Take some of it!
xv: Wax ka qaado!
key: wax_ka_2
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wax_kale
de: anything else, something more
initial: w
lx: wax kale
ps: pro-expr
xe: Is there anything else you require?
xv: Wax kale ood u baahantihiin?
key: wax_kale
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waxgarte
m. n. understanding ~ reasonable person
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waxgarte
de: understanding ~ reasonable person Alt sp: waxgarta; See also: waxgarad
initial: w
lx: waxgarte
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: waxgarte
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Waxmatar
Inutile
Useless
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
bad taste
(n) an unpleasant flavor.
dhadhan xun
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Naxaas-ta
cuivre.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wax badan
n. phr., time: quite a while
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Wax badan
souvent.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wax u tar
v. help, be useful, be of use, benefit
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wax_walba
de: everything
initial: w
lx: wax walba
ps: np-expr
xe: I know everything going on there.
xv: Wax walba oo meesha ka socda waan aqaannaa.
key: wax_walba
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
HAWL KALTAN
Turni di lavoro
Shift work
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Hawl kaltan
Turni di lavoro
Work shifts