ereyga

wave length

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

wave length

DHAN

/weyv-lenth/ (n) dhererka mawjadda (siiba mawjadda idaacadda, sida mawjad gaaban ama mid dheer).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

ismaandhaaf

DHAABAN

-nay / een: (v) misapprehend; misunderstand one another; be on different wave-lengths, ismaandhaaf -ka: (n) misunderstanding

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Wave intensity

DHAFANDHAAF

Itaal hireed

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

pavement

DHAFANDHAAF

/peyv mant/ (n) geesaha shamiitaysan ee waddada, ama meel kale oo saas u dhisan. (marsho-biyeedi)

waa la naqliyay ✓

Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]

Pavement

DHAFANDHAAF

Jid lugeed, kebbis

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Wareegto

DHAFANDHAAF
1

* (Wareegta-da)

2

Warqad, inta la badiyo, isku kol, dad badan ama xafiisyo badan loo qaybiyo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

wareegto

DHAFANDHAAF
1

wareegto¹: m.dh (-ooyin, m.l) Warqad arrin gaar ah ka hadlaysa, gaarta meelo badan oo la rabo in si degdeg ah loo fuliyo.

2

wareegto²: m.dh Ciyaar ragga u gaar ah oo laga yaqaan Shabellada Dhexe iyo Shabellada Hoose, asalkeeda horana ciyaar dagaal ayay ahayd.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

wareegto

DHAFANDHAAF

m.dh (-ooyin, m.l) Warqad arrin gaar ah ka hadlaysa, gaarta meelo badan oo la rabo in si degdeg ah loo fuliyo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

wareegto

DHAFANDHAAF

f. n. circular (letter), official memorandum

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

wareegto

DHAFANDHAAF

-wareegtada: (n) an official announcement; circular; communique (kom-yuni-keey); an official memorandum (mema-raan-dham); Ex: wareegto ka soo baxday xaafiiska madaxweynaha; a communique [circular] from the president's office

waa la naqliyay ✓

Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]

Wareegto

DHAFANDHAAF
1

Circolare

2

Circular

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

wareegto

DHAFANDHAAF
1

-da: (magac, dhedig, keli) xoolo nool oo ciidammada duullaanka ahi ay sahay ahaan u kaxaystaan.

2

wareegto -da: (magac, dhedig, keli) warqad dawladeed oo inta la badiyo xafiisyo badan loo qaybiyo oo xambaarsan amar ka soo baxa qof masuul ah oo cid xil lagaga qaadayo ama cid xil loogu magacaabayo. Wareegto ayuu madaxwaynuhu soo saaray uu ku magacaabay taliye cusub. Dh: go'aan, qaraar.

3

wareegto: mid ka mid ah ciyaaraha Soomaalida oo caan ka ah gobollada Shabeellada Dhexe iyo Banaadir; ciyaartan waxa lagu ciyaaraa qalabka shambal iyo kooro miraayo ah oo geedo laga qoray, gaashaan, waran, toorrey saddex gees ah, tusbax yusur ah oo urfo leh, kabo saan ah, cabaadhyo ama kuul la shakaasho, jijimo ama jililiqyo iyo xirsi makaraana ah oo aleelo lagu sharraxay.

4

wareegto-da: (magac, dhedig, keli) kaalaysi kolba qof u wareega oo ah dhib ama dheef la qaybsado. Ilaalinta xaafaddu waa wareegto.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

wareegto

DHAFANDHAAF
1

de: circular (letter), official memorandum

2

initial: w

3

lx: wareegto

4

pd: (/da)

5

ps: n6-f

6

key: wareegto

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Wareento

DHAFANDHAAF
1

(Wareenta-da)

2

1. Wareemato.

3

2. a) Cudur xanuun kulul leh oo badanaa madaxa dhinacyadiisa ku dhaca; dhanjaf xun. b) Eyddin wax tigtigta.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

wareento

DHAFANDHAAF

m.dh Cudur xanuun kulul leh oo badanaa ku dhaca feeraha.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

wareento

DHAFANDHAAF

m.dh Cudur xanuun kulul leh oo badanaa ku dhaca feeraha.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

wareento

DHAFANDHAAF
1

f. n. chill drom a draft; pneumonia

2

wareento [feminine] n. small raiding party

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

wareento

DHAFANDHAAF
1

-da: (magac, dhedig, keli) eeg wareemato.

2

wareento -da: (magac, dhedig, keli) cudur xanuun kulul leh oo badanaa madaxa dhinacyadiisa ku dhaca; aydin wax tigtigta; dhanjaf. Odayga wareento ayaa haysa.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]

lave-linge

DHAFANDHAAF

lave-linge, n.m. - Mishiinka dharka lagu dhaqo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Wave front

DHAFANDHAAF

Horhireed

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Wave energy

DHAFANDHAAF

Tamar-hireed

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Wave function

DHAFANDHAAF

Fansaar-hireed

waa la naqliyay ✓