watatacoobid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
watatacoobid
m.f.dh eeg watatacow². la-mid: waddadacoobid, waddaddacow¹, watatacow¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
watatacoobid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg watatacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waddaddacow
waddaddacow¹: m.l la-mid: watatacoobid.
waddaddacow²: f.mg1 (-oobay, -owday;-oobi) la-mid: watatacow².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
watatacid
-da: (magac, dhedig, keli) rafaad iyo dhibaato farabadan la soo kulmid. Adduunyo watatacidi kama dhammaato. Dh: rafaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Walaaloobid
(Walaaloobid-da)
Walaalo noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
walaaloobid
m.f.dh eeg walaalow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walaaloobid
-da: (magac, dhedig, keli) dad walaalo ah noqosho. Walaaloobid baa wanaag lagu alkumaa. walaalow -ga: (magac, lab, keli) dad walaalo ah noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waraaboobid
m.f.dh eeg waraabow³.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waddaddacoobid
m.dh la-mid: watatacoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waddaddacoobid
-da: (magac, dhedig, keli) dayacmid oo watatacoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caatoobid
(Caatoobid-da)
1. Caato noqosho.
2. Daalid, noogid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caatoobid
m.f.dh eeg caatow². la-mid: caatow¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caatoobid
-da: (magac, dhedig, keli) mid weyd ah noqosho.
caatoobid -da: (magac, dhedig, keli) daalid; noogid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
catatabid
m.dh la-mid: cantatabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Watatacow
(Watatacow-ga)
Dayac; rafaad; leelleel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
watatacow
watatacow¹: m.l la-mid: watatacoobid.
watatacow²: f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Rafaad la kulmid. la-mid: waddaddacow².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
watatacow
v. be neglected; panic, struggle through hardship
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
watatacow
-ga: (magac, lab, keli) eeg watatac.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
watatacow
bw: dayac; leelleel; rafaad
de: be neglected; [ext.] panic, struggle through hardship
initial: w
lx: watatacow
nt: watatacow (ga) [vn-m], watatacoobid (da) [vn-f]
pd: (watatacoobay)
ps: v1=intr
key: watatacow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abaaroobid
(Abaaroobid-da)
Abaar noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaaroobid
m.f.dh eeg abaarow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaaroobid
-da: (magac, dhedig, keli) dhul xaalufay oo abaar ah noqosho. Haddii sidan geedaha loo guro, abaaroobid baan uga cabsoonaynnaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
akaakoobid
-da: (magac, dhedig, keli) si sillan u dhaqmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waantoobid
(Waantoobid-da)
Waano qaadasho; waansamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waantoobid
m.f.dh eeg waantow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waantoobid
-da: (magac, dhedig, keli) waano qaadasho. Ubadku way kala waantoobid ogyihiin. Dh: waansamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bakaaroobid
m.f.dh eeg bakaarow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
batalaroobi
-ga: (magac, lab, keli) daruur weyn oo roobka horsocota oo darroor maaggan. Dh: heego, hogol.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaaloobid
m.f.dh eeg calaalow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calaaloobid
-da: (magac, dhedig, keli) calal noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaatiroobid
(Gaatiroobid-da)
Gaatir noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaatiroobid
m.f.dh eeg gaatirow. la-mid: gaaturoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaatiroobid
-da: (magac, dhedig, keli) gaatir ama qallaf noqosho. Dh: gaatirow, adkaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaaturoobid
m.dh la-mid: gaatiroobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maatadooxid
-da: (magac, dhedig, keli) laynta caruurta iyo dadka tamarta daran ee xeer ahaan in dagaal lagu laayo aanay bannaanayn. Dh: maatidooxid, xasuuqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Magaaloobid
(Magaaloobid-da)
Magaalo noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magaaloobid
m.f.dh eeg magaalow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magaaloobid
-da: (magac, dhedig, keli) magaalo noqosho; cammirmid. Magaaloobidda magaalada waxa asaas u ah biyaha iyo waddooyinka. Dh: magaaloobis.
magaaloobid-da: (magac, dhedig, keli) reer magaal noqosho; qof reer magaal ah ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
najaasoobid
m.f.dh eeg najaasow. la-mid: nijaasoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
najaasoobid
-da: (magac, dhedig, keli) nijaas aan lagu cibaadaysan karin yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nasaaroobid
(Nasaaroobid-da)
Nasaaro noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nasaaroobid
m.f.dh eeg nasaarow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qayaayoobid
m.f.dh eeg qayaayow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tabaaloobid
m.f.dh eeg tabaalow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabaaloobid
-da: (magac, dhedig, keli) qof tabaalaysan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wadeecoobid
m.f.dh eeg wadeecow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadeecoobid
-da: (magac, dhedig, keli) lumitaanka xoolo ama wax kale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wasakhoobid
(Wasakhoobid-da)
Wax wasakhaysan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wasakhoobid
m.f.dh eeg wasakhow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wasakhoobid
-da: (magac, dhedig, keli) wasakh ama nijaas yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lacanadoobid
m.dh la-mid: nacaladoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lacanadoobid
-da: (magac, dhedig, keli) lacnad ku dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nacaladoobid
m.f.dh eeg nacaladow. la-mid: lacanadoobid, nacalladoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waabaayoobid
(Waabaayoobid-da)
Wax waabaayaysan noqosho; sumoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waabaayoobid
m.f.dh eeg waabaayow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waabaayoobid
-da: (magac, dhedig, keli) wax waabay ku sumoobay noqosho. Dh: sumoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galangalcoobid
m.f.dh eeg gangalcow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galangalcoobid
-da: (magac, dhedig, keli) daal iyo harraad, galangalco qaadid.
galangalcoobid -da: (magac, dhedig, keli) aad u buurnaasho. Dh: gaaddabalaxoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laalacshoobid
(Laalacshoobid-da)
Laalacshow cayaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laalacshoobid
m.f.dh eeg laalacshow². la-mid: laalacshow¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laalacshoobid
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaarta laalacashawga ciyaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lafallafoobid
m.f.dh eeg lafallafow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lafallafoobid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aad u caata ah noqosho; lafallafo noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nacalladoobid
m.dh la-mid: nacaladobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nacalladoobid
-da: (magac, dhedig, keli) mid cadhe Ilaahay ku dhacday ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waabaahyoobid
-da: (magac, dhedig, keli) sumoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaraaradoobid
m.f.dh eeg xaraaradow².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaraaradoobid
-da: (magac, dhedig, keli) araarad yeelasho. Dh: araaradaw, araaradoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caanoobid
-da: (magac, dhedig, keli) caano noqosho; caddaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caaroobid
(Caaroobid-da)
Cadanyood; xajiimood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caaroobid
m.f.dh eeg caarow. la-mid: caarood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caaroobid
-da: (magac, dhedig, keli) cadanyoobid; xajiimoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
catajabid
m.dh la-mid: cashatebid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
catatarid
m.f.dh eeg catatar².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daawoobid
m.f.dh eeg daawow. la-mid: dawoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daawoobid
-da: (magac, dhedig, keli) dawo ku bogsasho oo ku caafimaadid. Kolkii nafaqada la siiyay ayaa daawoobid ugu horraysay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faaroobid
m.f.dh eeg faarow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faaroobid
-da: (magac, dhedig, keli) faar yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaaloobid
(Gaaloobid-da)
Diinta Muslinka ka bixid; gaal noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaaloobid
m.f.dh eeg gaalow².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaaloobid
-da: (magac, dhedig, keli) diinta Islaamka ka bixid; gaal noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gantoobid
m.f.dh eeg gantoob². la-mid: gandoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gantoobid
-da: (magac, dhedig, keli) wax gandooban oo aan dhannayn ka dhigid. Dh: gaabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hataaqood
m.l la-mid: hantaaqood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hataaqood
-ka: (magac, lab, keli) turaanturrood; hanboorriyood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hataticid
m.dh la-mid: hantaaticid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maaroobid
(Maaroobid-da)
Maar noqosho; midabka maarta yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maaroobid
m.f.dh eeg maarow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maaroobid
-da: (magac, dhedig, keli) daxal yeelasho. Dh: daxaloobid, midhidhid, ruujimoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
matatarid
m.f.dh eeg matatar². la-mid: matatar¹ (3).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Naafoobid
(Naafoobid-da)
Naafo noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naafoobid
m.f.dh eeg naafow². la-mid: naafasho, naafow¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naafoobid
-da: (magac, dhedig, keli) naafo aan wax qabsan karin noqosho. Dh: naafaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaaloobid
m.dh la-mid: qaaliyoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaaloobid
-da: (magac, dhedig, keli) wax qiimo sare leh noqod.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaamoobid
(Qaamoobid-da)
Qaan gelid, lagu yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaamoobid
m.f.dh eeg qaamow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaamoobid
-da: (magac, dhedig, keli) ruux qaamaysan ahaan; qof deyn lagu leeyahay noqosho; qaan gelid. Dh: gashiyoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taaloogid
m.f.dh eeg taaloog².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
walaaloob
inch. v. become brothers ~ sisters ~ very close friends