wasakhayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wasakhayn
(Wasakhayn-ta)
Wasakh u yeelid, ku bi'in, gaarsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wasakhayn
m.f.dh eeg wasakhee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wasakhayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wasakh ama uskag u yeelid; nikaas marin. Dh: wisikhayn, wasakhays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wasakhay
(fal) wasakh u yeel. Wasakhay marada oo tuur. Dh: wasakhee, faddaray.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wasakhays
-ta: (magac, dhedig. keli) eeg wasakhayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wasakhaysan
Wasakh leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wasakhaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax wasakh leh ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
wasakhaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax wasakh leh ahaansho. m.f.dh, wasakhaysnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wasakhaysan
der. [adjective] dirty, littered
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wasakhaysan
wasakhaysnayd: wasakhaysnaa / (adj) dirty (deedhi);, filthy (fil-thi); soiled (sooylidh) ~ uskag leh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wasakhaysan
(tilmaame) wasakh leh; nijaas ama uskag la mariyay ah. Meel wasakhaysan laguma tukado. Dh: wisikhaysan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wasakhaysan
de: dirty, littered
initial: w
lx: wasakhaysan
pd: (wasakhaysnaa)
ps: adj-der
key: wasakhaysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wasakhayso
(fal) uskag iyo wasakh yeelo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faddarayn
(Faddarayn-ta)
Wax faddaraysan ka dhigid; najaasayn; wasakhayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Najaaseyn
(Najaaseyn-ta)
Najaaso ku bi'in, gaarsiin, u yeelid; wasakhayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Uskagayn
(Uskagayn-ta)
Uskag u yeelid, uskag gaarsiin; wasakhayn.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
pollute
(v) to make unfit for or harmful to humans, esp. by the addition of waste matter.
wasakhayn
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
defile
/dhefayl/ (v) wasakhayn (faddarayn).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
dirty
/dharti/ (adj) 1. wasakh ah (v) 2. wasakhayn.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
foul
/fowl/ (adj) 1. qurun ah, wasakh ah (adj) 2. xun, aad u daran. e.g. It's a foul day today. (n) 3. khalad, sharci-jabin siiba banooniga. (v) 4. wasakhayn, qurmin (v) 5. khalad-galid, khatif-galid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
muddy
/madhi/ (adj) dhooqayn (dhoobo ku wasakhayn).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
pollute
/paluut/ (v) wasakhayn (siiba wasakhaynta hawada, biyaha iwm).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
smear
/smiir/ (v) 1. dufnid ama wasakhayn (dufan ama wasakh dheg-dheg leh ku bi'in) 2. cambaarayn (dacaayad sumcad dumin ah ku samayn).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
smudge
/smaj/ (n) 1. tir-tir ama wasakh 2. tirtir u yeelid (wasakhayn).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
soil
/sooyl/ (n) 1. ciid (carrada dhulka) (v) 2. wasakhayn (wasakh ku bi'in).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
stain
/steyn/ (v) 1. wasakhayn (bar-wasakh oo ku dhegta u yeelid) (n) 2. bar-wasakh ah (uskag meel ku dhaga).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
inquinare
v.tr.- wasakhayn (biyo, hawo).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
macchiare
v.tr. - wasakhayn.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
sporcare
v.tr. - wasakhayn.
Qaamuus-Yare Ingiriis-Jiiddu-Soomaali - Saalim Caliyow Ibro [1998]
pollute (v)
dheduushaal
wasakhayn
Qaamuus-Yare Ingiriis-Jiiddu-Soomaali - Saalim Caliyow Ibro [1998]
soil (v)
dheduuwshaal
wasakhayn
Qaamuus-Yare Ingiriis-Jiiddu-Soomaali - Saalim Caliyow Ibro [1998]
stain (v)
dheduuwshaal
wasakhayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fasakhan
1. La fasakhay; ninkii laga furay.
2. (midab) doorsoon, beddelmey; (ama fasaqan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fasakhan
fasakhan¹: f.mg1 (-khmay, -khantay; -khmi) Wax liinbaxay noqosho (dhar iyo wixi lamida). la-mid: fasaqan¹.
fasakhan²: f.mg4 (-khnaa, -khnayd) Wax la fasakhay ahaansho. la-mid: fasaqan².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fasakhan
fasakhan¹: f.mg1 (-khmay, -khantay; -khmi) Wax liinbaxay noqosho (dhar iyo wixi lamida). m.f.dh, fasakhmid. la-mid: fasaqan.
fasakhan²: f.mg4 (-khnaa, -khnayd) Wax la fasakhay ahaansho. m.f.dh, fasakhnaan. la-mid: fasaqan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fasakhan
der. [adjective] divorced, having obtained a divorce
fasakhan [inchoative] v. fade, get faded, lose its original color
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fasakhan
(fal) maro ama wax la mid ah, midab doori. Dh: fasaqan.
fasakhan: (tilmaame) wax midab doorsoomay wax beddelmay. Dh: fasaqan.
fasakhan: (tilmaame) haweenay fasaqaad la siiyay oo saygeegii laga furay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nasakhan
f.mg4 (-khnaa, -khnayd) 1. Doqon ahaansho. 2. Diin ama aayad la beddelay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nasakhan
der. [adjective] transformed, brainwashed, mentally handicapped
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nasakhan
-nasakhnaa: (adj) repealed (ripiiidhl); annulled (a-nooidhl); rescinded (ri-sandhidh); revoked (ri-vowkidh) ~ bursan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nasakhan
(tilmaame) aayad Quraan ah oo macneheedda Eebbe beddelay. Aayad nasakhan xukunkeeda laguma camalfalo akhriskeedana ajarbaa ku jira.
nasakhan: (tilmaame) maangaab ay wax u dhiman yihiin. Oday nasakhan arrin looma dhiibo.
nasakhan: (tilmaame) wax dhalan rogan oo sidii caadiga ahayd si ka duwan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nasakhan
de: transformed, brainwashed, mentally handicapped
lx: nasakhan
pd: (nasakhnaa)
ps: adj-der
key: nasakhan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wasakhad
-da: (magac, dhedig, keli) bahal yar oo gidaarrada aqallada lagu arko oo dadku nacaan oo sida siraanyada u eg kase buuran kana midab cad. Dadku wasakhadda way nacaan. Dh: jebiso, qallajiso. Wa: wasakhado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wasakhaw
-ga: (magac, lab, keli) uskag ama najaas kale yeelasho. Masallada wasakhawga ka ilaali. Dh: nijaasaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Farakuhayn
(Farakuhayn-ta)
Wax qabasho aan hadba la joojine intaa faraha lagu hayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farakuhayn
m.dh 1. Shaqo socota oo markaas gacanta lagu hayo. 2. Qabashada si joogto ah hawl loo qabto. la-mid: farakuhays.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
farakuhayn
m.dh 1. Shaqo socota oo markaas gacanta lagu hayo. 2. Qabashada si joogto ah hawl loo qabto. la-mid: farakuhays.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
farakuhayn
-ta: (n) the act of practicing (praak tising)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farakuhayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax qabasho aan hadba la joojine intaa faraha lagu hayo oo aan madaxa ka bixin. Farsamo waa fara kuhayn. Dh: farakuhays, gacankuhayn. Li: halladaadin, baylihin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fasakhnaan
m.f.dh eeg fasakhan². la-mid: fasakhnaansho, fasaqnaan, fasaqnaan-sho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fasakhnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la ladhay ama la beddelay oo fasakhmay ahaan. fasakhnaansho -ha: (magac, lab, keli) mid la beddelay ama wax kale lagu daray ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nasakhnaan
m.f.dh eeg nasakhan. la-mid: nasakhnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nasakhnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) qof aanay maskaxdiisu dhannayn ahaan.
nasakhnaan -ta: (magac, dhedig, keli) xukun hore u dhacay oo mid kale lagu beddelay ahaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wasakhqaad
m. n., [compound] sewer, drainage (ditch ~ canal)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wasakhqaad
de: sewer, drainage (ditch ~ canal)
initial: w
lx: wasakhqaad
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: wasakhqaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wasakh
(Wasakh-da)
Uskag; dhusuq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wasakh
m.dh Uskag; dhusuq.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wasakh
f. n., [collective] dirt, litter, garbage, trash, refuse, rubbish
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Wasakh
sale.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wasakh
-ta: (n) dirt (deert); filthiness (fil-thi-nes); filth (fil-thi); stain (isteeyn); soil (sooyal) ~ uskag
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wasakh
-da: (magac, dhedig, keli) uskag uu Gurigaaga iyo damiirka hagaagsani diido. agaggaarkiisaba waskhda ka nadiifi. Dh: uskag. Li: nadaafad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wasakh
bw: wisikh
cf: dhusuq, faddaro, najaaso, uskag
de: dirt, litter, garbage, trash, refuse, rubbish
initial: w
lx: wasakh
pd: (-da)
ps: n2a-f-col
xv: Arabic
key: wasakh
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baahayn
m.f.dh eeg baahee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baahayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qof sabool ah ama gacan madhan, gargaar u soo ururin. Dh: qaadhaamid, jiscin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cashayn
(Cashayn-ta)
Casho cunid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cashayn
m.f.dh eeg cashee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cashayn
-ta: (magac, dhedig, keli) milayga fiidka, soor cunid. Dh: xeraadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nasahan
f.mg4 (-hnaa, -hnayd) Ka n.: wax aan xumaan lahayn ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nasahan
f.mg4 (-hnaa, -hnayd) Ka n.: wax aan xumaan lahayn ahaansho. m.f.dh, nasahnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nasahan
(tilmaame) ceeb iyo xumaan oo dhan ka maydhan; mid hufan oo aan ceeb lahayn. Eebba xumaan ka nashan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sadhayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wasakh ku saydhin; uskagayn; wasakhayn; sarayn; sadhays.
sadhayn -ta: (magac, dhedig, keli) masabidid qof waxaanu qabin oo aad dusha kasaartid. Dh: qabadsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taakayn
-ta: (magac, dhedig, keli) marka wax la cabbirayo oo taako lagu qiyaasay ka dhigid; taako ku cabbirida. Taakayntu yaanay kaa khaldamin.
taakayn -ta: (magac, dhedig, keli) taako u dhigid oo joojin. Taakaynta waa lagu ilko beelaa. Dh: taakays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waaxayn
(Waaxayn-ta)
Waax waax u kala dhigdhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waaxayn
m.f.dh eeg waaxee. la-mid: waaxyayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waaxayn
-ta: (magac, dhedig, keli) waaxwaax u kala dhigdhigid. Neefku waaxayn ayuu innagu gaadhayaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
warhayn
m.f.dh eeg warhee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warhayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xog'ogaalnimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wasaaya
-da: (magac, dhedig, keli) waano iyo waxsheeg. Nin Ilaahay halleeyey wasaayo waxba uma tarto. Dh: wax-sheeg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
astakayn
m.dh la-mid: ashtakayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baashayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhunkasho iyo salaaxid. Baashayntu ubadka way barbaarisaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Barakayn
(Barakayn-ta)
1. Barako u yeelid.
2. (Cunno, kd.) wax yar ka taabasho, ka cunid; sunnayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barakayn
m.f.dh eeg barakee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
barakayn
vl. n. act of blessing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barakayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ka dhigitaanka mid barakaysan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
barakayn
de: act of blessing
lx: barakayn
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: barakayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falakayn
-ta: (magac, dhedig, keli) figaynta iyo fuudhafuudhaynta qof la kadeedayo. Dh: falakays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaarhayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qof meel ama hanti ilaalin oo daranyada ka dhabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haalhayn
(Haalhayn-ta)
Wax isu xilsaarid; u toogahayn; agaasimid; maarayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haalhayn
m.f.dh eeg haalhee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haalhayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hawl aan cidi kuu diran isku xilsaarid; is dirid. Haalhayntu waa astaanta lagu garto qofka mas'uulka ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halakayn
(Halakayn-ta)
Nabarro xunxun gaarsiin; aad wax u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halakayn
m.f.dh eeg halakee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halakayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhaawacyo culculus gaadhsiin. Dh: dhibaatayn, waxyeelayn, halukayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maashayn
(Maashayn-ta)
Hafin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maashayn
m.l eeg maashee. la-mid: maashays.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maashayn
-ta: (n) act of drowning someone into the water ~ hafin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maashayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wanaag iyo khayr wada gaadhsiin oo caamyeelid. Dh: nicmayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sasamayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sasab ku samayn; sabaalayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waaqlayn
m.f.dh eeg waaqlee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waaqlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) oohin badan ooyid; cod 'waaq' ah ku celcelin.