warxumatashiil
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warxumatashiil
-ka: (magac, lab, keli) qof warka kiisa xun sheega oo fidiya. Warxumatashiil yuu na kala dilin. Dh: warxunsheeg.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warxunsheeg
-ga: (magac, lab, koli) eeg warxumatashiil.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xumosheeg
-ga: (magac, lab, keli) qof mar walba wax xun uun sheega. Xumasheeg ha la sheekaysan. Dh: inxunsheeg, warxumatashiil.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
basarxumaanshiiyo
-ha: (magac, lab, keli) basarxumaan la imaansho. Basarxumaanshiiyaha iyo isku darka masaakiinta kala tag.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barkumataal
(tilmaame) wax aan waxtar lahayn; wax aan faa'iido lahayn. Allahayow badbaadada, ha ku xidhin bayuuraha, bullashada wirteediyo, baga iyo bagaaleey iyo lihi barkumataal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qamaqashiir
-ka: (magac, lab, keli) qanjo barar carruurta ku dhaca. Qamagashiir ayaa ku dhacay kii yaraa. Dh: cagagi, qanjidh barar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farxumaansho
m.l/dh la-mid: farxumaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darxumaysasho
m.f.dh eeg darxumayso. la-mid: darxumaysad, darxumaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darxumaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) darxumo iyo dhib qabid.