warsheegid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Warsheegid
(Warsheegid-da)
Warramid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
warsheegid
m.f.dh eeg warsheeg². la-mid: warsheeg¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waxsheegid
m.dh 1. Hadlid. 2. Hamasho. la-mid: waxsheeg.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waxsheegid
-da: (magac, dhedig, keli) war ama xog kale oo loo baahnaa cid u tebin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wareegid
(Wareegid-da)
Si wareeg ah u dhaqaaqid, u socosho; u meerid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wareegid
m.f.dh eeg wareeg². la-mid: wareeg¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wareegid
vl. n. going around; touring
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wareegid
-da: (magac, dhedig, keli) xaafad aan fogayn oo jaar ah tegid. Naag sheeko badani wareegid ma dayso.
wareegid -da: (magac, dhedig, keli) duurid oo si wareeg ah u meerid; si goobo ah u dhaqaagid oo u socosho. Wareegidda dhulka lama dareemo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wareegid
de: going around; touring
initial: w
lx: wareegid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: wareegid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Warsheeg
(Warsheeg-ga)
Qof waxa uu ogaado aan qarin karin ama hawshiisuba tahay inuu soo sheego; qof warsheeko yaqaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
warsheeg
warsheeg¹: m.l la-mid: warsheegid.
warsheeg²: f.mg1 (-gay, -gtay) War qarsoon sheegid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
warsheeg
m. n., [compound] gossip, tattle-tale, mischief-maker
warsheeg v. gossip, talk, tell, divulge (a secret)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warsheeg
-ga: (magac, lab, keli) qof wuxuu maglo sir iyo sir la'aanba sheega oo aan waxba qarin. Warsheeg warkaaga ka hayso. Dh: wardhiqle.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tarsheegad
-ka: (magac, lab, keli) abaalsheegad, qof aad wax u qabtay, u mannasheegad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
warsheeg_1
de: gossip, tattle-tale, mischief-maker
hm: 1
initial: w
lx: warsheeg
pd: (-ga)
ps: n2a-m-cmp
key: warsheeg_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
warsheeg_2
de: gossip, talk, tell, divulge (a secret)
hm: 2
initial: w
lx: warsheeg
pd: (warsheegay)
ps: v1=intr
key: warsheeg_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuxdhuxle
m.l (-layaal, m.dh) Qof warsheegid badan oo dadka isku dira. la-mid: dhuhdhuhle.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warwareegid
-da: (magac, dhedig, keli) tiir ama goobo ku dul duurduurid oo kolkaad mar wareegtaba haddana ku celin.
warwareegid -da: (magac, dhedig, keli) Socsocosho oo kolba meel iska marid Warwareegid bilaa macni ah waa lagu daalaa. Dh: Socsocod.
warwareegid -da: (magac, dhedig, keli) socod aan toos ahayn oo kolba dhinac loo baydho socosho. Dalcadaha toos looma bexee warwareegid ayaa lagu fuulaa. Dh: duurduur, baydhbaydh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sheegid
(Sheegid-da)
Wax maanka lagu hayey, hadal (dhigan, ama aan dhignayn) ku caddayn, ku tilmaamid, ku dhihid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sheegid
m.f.dh eeg sheeg.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sheegid
vl. n. telling, relating
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sheegid
-da: (n) the act of telling or mentioning ~ sheegis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheegid
-da: (magac, dhedig, keli) war ama sir laqarinayey, ku hadlid; wax maanka lagu hayey. hadal dhigan ama aan dhignayn oo la yidhi ku caddayn, ku tilmaamid, ku dhihid, sheegis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sheegid
de: telling, relating
initial: s
lx: sheegid
pd: (-da)
ps: vn1-f
xe: Mohammed is good at telling stories.
xv: Maxamed sheeko sheegidda wuu ku wanaagsanyahay.
key: sheegid
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
sheegid
حكاية
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warshed
-da: (magac, dhedig, keli) eeg warshad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asheerid
m.f.dh eeg asheer. la-mid: asheerasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wareegad
-ka: (magac, lab, keli) wareegasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wareegis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg wareegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wareemid
(Wareemid-da)
Waran ku dhufasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wareemid
m.f.dh eeg wareen². la-mid: warmayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wareemid
-da: (magac, dhedig, keli) wax af fiigan leh ku mudid. Maroodi wareemid laguma dilo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wareerid
(Wareerid-da)
Wareer ku dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wareerid
m.f.dh eeg wareer².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wareerid
-da: (magac, dhedig, keli) madax xanuun dareemid. Illaa saaka wareerid ayaan la joogi kari la'ahay.
wareerid -da: (magac, dhedig, keli) dawakh iyo wareer qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
warhelid
m.f.dh eeg warhel.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warhelid
-da: (magac, dhedig, keli) helitaanka xogta iyo wararka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waxsheeg
m.l la-mid: waxsheegid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waxsheeg
-ga: (magac, lab, keli) waano iyo talo gudbin. Waxsheegga waa la isku leeyahay. Dh: waxsheegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danseegid
m.f.dh eeg danseeg². la-mid: danseeg¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danseegid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aan dani ku jirin, ku mashquulid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garsheego
v. set forth one's own reasons
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
garsheego
-garsheegtay I garsheegatay: (v) present or express your claim or problem
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garsheego
de: set forth one's own reasons
lx: garsheego
pd: (garsheegtay)
ps: v3b=intr
key: garsheego
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Warjeefid
(Warjeefid-da)
Tiro badan oo badanaa xoolo ah, isku kol dilid, layn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
warjeefid
m.f.dh eeg warjeef². la-mid: warjeef¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
warjeefid
vl. n. large-scale slaughter (of animals)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warjeefid
-da: (magac, dhedig, keli) tiro badan oo badanaa xoolo ah isku kol dilid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
warjeefid
de: large-scale slaughter (of animals)
initial: w
lx: warjeefid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: warjeefid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Warsheeko
(Warsheeka-da)
Wixii war ah oo in la qariyo la isku ogaa ama ku habboonaa oo dibadda loo saaro, oo dadka looga sheekeeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
warsheeko
m.dh War in la qariyo layska ogaa oo dibadda loo saro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
warsheeko
f. n., [collective] gossip, tattle, divulging (a secret)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warsheeko
-da: (magac, dhedig, keli) wixii war ahaa oo in la qariyo la isku ogaa ama ku habboonaa oo debedda loo saaro dadkana looga sheekeeyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
warsheeko
de: gossip, tattle, divulging (a secret)
initial: w
lx: warsheeko
pd: (-da)
ps: n6-f-col
key: warsheeko
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warsheele
-ha: (magac, lab, keli) xadhig dheer oo gaadiidka xammuulka ah lagu ad'adkeeyo si aanay alaabtu uga daadan. Shiraaca warsheelaha ku xidh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dansheegad
(Dansheegad-ka)
Dansheegasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dansheegad
m.l la-mid: dansheegasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dansheegad
vl. n. proclaming one's interests
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dansheegad
-ka: (magac, lab, keli) cabasho baahi la sheegto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dansheegad
a: dansheegasho (/da) [vn6-f]
de: proclaming one's interests
lx: dansheegad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: dansheegad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dirsheegad
-ka: (magac, lab, keli) qofka oo haybtiisa tilmaama isagoo cabsoonaya ama cid kale ka cabsiinaya. Dh: haybsheegad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
runsheegid
m.dh Sheegidda xaqiiqada. la-mid: runsheeg.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
runsheegid
m.dh Sheegidda xaqiiqada. la-mid: runsheeg.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baas'sheegid
-da: (magac, dhedig, keli) wax xun oo keliya sheegid. Baas'sheegid iyo belo Allow naga ahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aanasheegad
-ka: (magac, lab, keli) eeg aanadoonid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beensheegid
m.dh Ku hadlidda qof hadal been ah ku hadlo. la-mid: beensheeg (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beensheegid
-da: (magac, dhedig, keli) been ku warramid; hadal xaqiiqada ka duwan dhihid. Beensheegid ninka caado ka dhigtaa beenaale ayuu noqdaa. Dh: beensheegis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haybsheegad
-ka: (magac, lab, keli) qof haybtiisa iyo waxa uu yahay sheegasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warsheelayn
-ta: (magac, dhedig, keli) giijin xadhigga iyo waxa uu ku xidhan yahay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aasheed
n. phr. or [adverb] she ... slowly, gently, carefully
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aasheed
de: she ... slowly, gently, carefully rw: aal + -teeda
lx: aasheed
ps: np / adv
xe: She cooked the meat slowly.
xv: Aasheed bay hilibkii u karisay.
key: aasheed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Adeegid
(Adeegid-da)
Hawl cid u qabasho; midiidimid; qabbaanid; xoojin; shaqayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
adeegid
m.dh eeg adeeg².
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Adeegid
Prestazione
To render a service
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adeegid
-da: (magac, dhedig, keli) hawlqabasho cid kale wax loogu taro. Adeegidda dadka waaweyn Ilaah baa loogu dhowaadaa. Dh: adeegis, xoojin, midiidimid, qabbaanid, shaqayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aseebid
m.dh la-mid: asiibid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aseebid
-da: (magac, dhedig, keli) abbaarid oo la helid. Dh: asiibid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asheeri
f.g2 (-iyay, -isay) Roob da'aya, wax, meel dedan oo aan darooreyn ka gelin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
asheeri
f.g2 (-iyay, -isay) Roob da'aya, wax, meel dedan oo aan darooreyn ka gelin. m.f.dh, asheerin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dheegid
v. to copy, to replicate, the process of copying
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marshee
f.mg2 (-sheeyay, -sheysay) Marsho gelin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
marshee
v. shift gears ~ the gear (of an automobile)
marshee v. march
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marshee
(fal) geerar u yeel. Gaadhiga marshee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sheegad
m.l la-mid: sheegasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheegad
-ka: (magac, lab, keli) cid aan loo dhalan ku abtirsad; hayb aan loo dhalan ku abtirsad. Dh: sheegasho.
sheegad -ka: (magac, lab, keli) wax gar u lahaantood ku doodid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sheegis
vl. n. telling, divulging
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sheegis
-ta: (n) the act of telling or mentioning ~ sheegid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheegis
-ta: (magac, dhedig, keli) 'war' sheegid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sheegis
de: telling, divulging
initial: s
lx: sheegis
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: sheegis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sheelid
(Sheelid-da)
Horusocod u diidid; joojin; celin; qarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sheelid
m.f.dh eeg sheel.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheelid
-da: (magac, dhedig, keli) meel ku qarin; sheelis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sheemid
(Sheemid-da)
Laboodka nafleyda qaarkeed, siiba kuwa raxanta wada, kolka mid mid kale guula hayo oo diidayo in raxantiisa laga soo ag dhowaado; iska ceshiimeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sheemid
m.f.dh eeg sheen².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheemid
-da: (magac, dhedig, keli) laboodka nafleyda qaarkeed, siiba kuwa raxanta wada, kolka mid mid kale guulaayo oo diidayo in raxantiisa laga soo ag dhowaado; iska ceshiimeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sheexid
(Sheexid-da)
Sheex iska garasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sheexid
m.f.dh eeg sheex².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheexid
-da: (magac, dhedig, keli) ceebta iyo wixii qaldan iskaga fogaanshaha iyo ka xishoodka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wareege
m. n. wanderer, wandering man
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wareege
-ha: (magac, lab, keli) qof orod wareega ah ku jira. Ninku waa wareege ku jira tartan.