warshed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warshed
-da: (magac, dhedig, keli) eeg warshad.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
washed
a., maydhan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Warshad
(Warshad-da)
Dhis hawlo waaweyn oo gacanta lagu qabto (bir tumid, baabuurro samays, ...); hooso; (ama wershed).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
warshad
m.dh (-do, m.l) Dhis makiinado waaweyn yaalliin oo alaabta ceeriin lagu farsameeyo. la-mid: wershad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
warshad
f. n. factory, plant; industry
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
warshad
-da: (n) factory (fak-tari); plant (palaant)-, manufacturer (maq-yu-fak-jarer); industry (in-dhus-tari); workshop (woorkshop) ~ wershed, masnac, hooso
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
WARSHAD
Industria
Industry
Waa meel makiinado kaligood is woda, ama kuwo dad wodo, looga soo saaro tacab samaysan oo markii hore ahaa cayriin (sidii dabeecadu u uuntay) dabadeedna makiinadahaas iyo qalab kale u dhallan rogeen si tii hore ka duwan; waxayna ka dhalataa hantigelin loogu tala galay, guud ahaan, taranka dhaqaalaha dalka iyo, gaar ahaan, in laga helo faa'iido waxtar u leh cidda leh Warshadda iyo shaqaalaheeda intaba. Hawlaha tacab warshadayntu waa kala duwan yihiin, warshadahuna waxay u kala baxaan afar: Warshad yar: waa midda hantigelinteeda, shaqaaleheeda iyo tacab soo saarkeeduba yar yihiin. Warshad fudud: waa tan soo saarta tacabka warshadayntiisu dhib yartahay laakiin ku dhaqankiisa iyo dalabkiisu badan yihiin. Warshad culus: Waa midda soo saarta makiinadaha waaween iyo tacabka la xiriira biraha (sida hubka dagaalka, dayuuradaha, maraakiibta, iwm.). Warshad weyn: Waa tan ka kooban warshado culus oo isku darsamay wadajirna wax u soo saara
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Warshad
Industria
Industry
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warshad
-da: (magac, dhedig, keli) meel wax soo saarta; wershed.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
warshad
bw: Arabic
de: factory, plant; industry
initial: w
lx: warshad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: warshad
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
warshad
وَرَشَة، مصنع
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wershed
(Wershed-da)
Warshad;
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wershed
m.dh la-mid: warshad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wershed
f. n. factory
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wershed
-da: (n) factory (fak-tari); plant (palaant); manufacturer (man-yu-fak-jarar)-, industry (in-dhus-tari); workshop (woorkshop) ~ warshad, masnac, hooso
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wershed
de: factory
initial: w
lx: wershed
pd: (-da)
ps: n1-f
see: warshad
key: wershed
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Watershed
Biyo shub
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Warsheeg
(Warsheeg-ga)
Qof waxa uu ogaado aan qarin karin ama hawshiisuba tahay inuu soo sheego; qof warsheeko yaqaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
warsheeg
warsheeg¹: m.l la-mid: warsheegid.
warsheeg²: f.mg1 (-gay, -gtay) War qarsoon sheegid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
warsheeg
m. n., [compound] gossip, tattle-tale, mischief-maker
warsheeg v. gossip, talk, tell, divulge (a secret)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warsheeg
-ga: (magac, lab, keli) qof wuxuu maglo sir iyo sir la'aanba sheega oo aan waxba qarin. Warsheeg warkaaga ka hayso. Dh: wardhiqle.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
arched
/arjid/ (adj) 1. dhismo sida qaansada u dhisan oo daboola dariiq, irid ama daaqad. e.g. the arched structure over the doorway. 2. wax soo laaban ama xoodan. e.g.archeology her arched black eyebrows.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Qarshe
name: Karshee
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qarshe
m. n. hider, concealer (as in game)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qarshe
-qarshaha / qarisada: (n) concealer (kon-siiler)-, one who hides. Ex: qaade iyo qarshe...; one who steals and one who hides...
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
warhee
f.g/mg2 (-heeyay, -haysay) Ka w.: arrin iyo wixi lamida meesha ay mareyso la socosho. 2. Ka w.: cid dhaqaale u baahan taakulayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
warhee
f.g/mg2 (-heeyay, -haysay) Ka w.: arrin iyo wixi lamida meesha ay mareyso la socosho. 2. Ka w.: cid dhaqaale u baahan taakulayn. m.f.dh, warhayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
warhel
f.mg1 (-elay, -eshay) Ka w.: cid wax aysan horayn u ogeyn helid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
warhel
f.mg1 (-elay, -eshay) Ka w.: cid wax aysan horayn u ogeyn helid. m.f.dh, warhelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warhel
-ka: (magac, lab, keli) helitaanka xogta.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
warsad
-ka: (n) inquiry (in-ku-waayri); the act of asking for information ~ weyddiin, warsasho
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
washer
/wooshar/ (n) 1. qasaalad (makiinadda dharka dhaqda) (n) 2. rabar-yar ama bir-yar oo bool ama meel la xirayo lugu adkeeyo.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Washer
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darshad
m.dh la-mid: tarshad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marshee
f.mg2 (-sheeyay, -sheysay) Marsho gelin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
marshee
v. shift gears ~ the gear (of an automobile)
marshee v. march
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marshee
(fal) geerar u yeel. Gaadhiga marshee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qarshad
(Qarshad-da)
Quraarad; dhalo; (ama qarsho).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarshad
m.dh la-mid: qarsho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qarshad
f. n. bottle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarshad
-da: (magac, dhedig, keli) quraarad Qarshad jabtay ayaa i heertay Dh: quruurad. dhalo, qarsho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qarshad
de: bottle
lx: qarshad
pd: (-da)
ps: n1-f
see: qarsho
key: qarshad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tarshad
(Tarshad-da)
Mowjaddu kolkay markabka ama doonnida dhinaceeda xoog ugu dhacdo, biyaha inta ka soo finiina, gudaha ku soo dhaca oo wax qooya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tarshad
m.dh (-do, m.l) Markab bad dhex maraya biyaha kor uga duula; darbad. la-mid: darshad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tarshad
f. n., [collective] breaker, large wave; water washed into a boat by the waves
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tarshad
-da: (magac, dhedig, keli) mawjad baddu markay dhinaca markabka ama doonida xoog ugu soo dhacdo, biyaha ku soo butaaca sagxada kore.
tarshad -da: (magac, dhedig, keli) sibidhka iyo niista isku jira ee guriga dhagaxa marka la dhisayo lagu talbiiso. Dh: talbiis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tarshad
de: breaker, large wave; [ext.] water washed into a boat by the waves
initial: t
lx: tarshad
pd: (-da)
ps: n1-f-col
key: tarshad
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
warhead
/woor-hedh/ (n) baaruudda hore ee xabbadda ama gantaalka.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
warship
/woorship/ (n) markab-dagaal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wershad
-da: (magac, dhedig, keli) dhismo qalabaysan oo farsamooyin iyo hawlo waaweyn lagu farsameeyo oo soo saara wax loo baahan yahay. Dh: warshad, masnac.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
warshadeed
n. phr., genetive: industrial
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
warshadeed
de: industrial Lit: of industry
initial: w
lx: warshadeed
ps: np-gen
key: warshadeed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Warsheegid
(Warsheegid-da)
Warramid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
warsheegid
m.f.dh eeg warsheeg². la-mid: warsheeg¹.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Water shed
Kala rog
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
warshadee
f.g2 (-deeyay, -daysay) Alaab ceeriin warshad gelin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
warshadee
f.g2 (-deeyay, -daysay) Alaab ceeriin warshad gelin. m.f.dh, warshadayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
warshadee
v. industrialize
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
warshadee
-yey / warshadeysay: (v) 1. develop industry; industrialize (in-dhas-tariya-laayz). 2. manufacture (man-yu-fak-jar); produce in a factory
dib u warshadee: (v) reproduce (ri-poro-dhuus); recycle (ri-saay-kal)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warshadee
(fal) wax soo saarka wershed geli oo ku samee. Dh: wershedey, wershedee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
warshadee
de: industrialize
initial: w
lx: warshadee
pd: (warshadeeyey)
ps: v2b=tr
key: warshadee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Warsheeko
(Warsheeka-da)
Wixii war ah oo in la qariyo la isku ogaa ama ku habboonaa oo dibadda loo saaro, oo dadka looga sheekeeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
warsheeko
m.dh War in la qariyo layska ogaa oo dibadda loo saro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
warsheeko
f. n., [collective] gossip, tattle, divulging (a secret)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warsheeko
-da: (magac, dhedig, keli) wixii war ahaa oo in la qariyo la isku ogaa ama ku habboonaa oo debedda loo saaro dadkana looga sheekeeyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
warsheeko
de: gossip, tattle, divulging (a secret)
initial: w
lx: warsheeko
pd: (-da)
ps: n6-f-col
key: warsheeko
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warsheele
-ha: (magac, lab, keli) xadhig dheer oo gaadiidka xammuulka ah lagu ad'adkeeyo si aanay alaabtu uga daadan. Shiraaca warsheelaha ku xidh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wershedee
(fal) wax soo saar caydhiin wershed geli oo ku samee. Dh: wershedey, wershedee.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
famished
/faamishidh/ (adj) baahan, caq-ah, gaajo la-dhimanaya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farshiid
m.dh Dhalo aad u yar oo subagga, saliidda iyo wixi lamida lagu cabbiro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marashee
f.g2 (-sheeyay, -sheysay) la-mid: marashiyee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marsheyn
m.f.dh eeg maashee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marsheyn
-ta: (magac, dhedig, keli) geer u samayn Marshayn la'aan gaadhi lama dhaqaajiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarashee
f.g2 (-sheeyay, -sheysay) Bakoorad, jeedal iyo wixi lamida qarash ku samayn. la-mid: qarashyee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qarshe_1
de: hider, concealer (as in game)
hm: 1
lx: qarshe
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: qarshe_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Qarshe_2
de: Karshee
hm: 2
lx: Qarshe
ps: name-m
key: Qarshe_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tarashid
m.dh la-mid: taarashid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tarashid
-da: (magac, dhedig, keli) maro tarash u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waanshee
f.mg2 (-sheeyay, -sheysay) Dan la'aan meel u tegid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waanshee
(fal) socod aan meel ku jeedin iska daanshadaanshoo.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Wardheer
name-f famous, well-known; celebrated
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Wardheer
magac loo bixiyo gabadh la rajaynayo inay caan noqoto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
warhelid
m.f.dh eeg warhel.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warhelid
-da: (magac, dhedig, keli) helitaanka xogta iyo wararka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waxsheeg
m.l la-mid: waxsheegid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waxsheeg
-ga: (magac, lab, keli) waano iyo talo gudbin. Waxsheegga waa la isku leeyahay. Dh: waxsheegid.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Wayaheed
1) pourquoi 2) pourquoi pas? 3) parce que.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
farsighted
(n) able to see objects better from a distance than from short range,
meel dheer wax ka araga
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tarsheegad
-ka: (magac, lab, keli) abaalsheegad, qof aad wax u qabtay, u mannasheegad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
warshadayn
m.f.dh eeg warshadee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
warshadayn
vl. n. industrialization
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
warshadayn
-ta: (n) industrial development; industrialization (in-dhas-tariyaa-lizeey-shin)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
WARSHADAYN
Industrializzazione
Industrialisation
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Warshadayn
Industrializzazione
Industrialization
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warshadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) alaab qaydhiin warshad gelin oo wax ka samayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
warshadayn
de: industrialization
initial: w
lx: warshadayn
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: warshadayn
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
warsheeg_1
de: gossip, tattle-tale, mischief-maker
hm: 1
initial: w
lx: warsheeg
pd: (-ga)
ps: n2a-m-cmp
key: warsheeg_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
warsheeg_2
de: gossip, talk, tell, divulge (a secret)
hm: 2
initial: w
lx: warsheeg
pd: (warsheegay)
ps: v1=intr
key: warsheeg_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waxsheegid
m.dh 1. Hadlid. 2. Hamasho. la-mid: waxsheeg.