ereyga

warqadda kalsoonida (w/k)

Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]

WARQADDA KALSOONIDA (W/K)

DHAN
1

Lettera di credito (L/C)

2

Letter of credit (L/C)

3

Waa warqad lacagi ku qoran tahay oo Banki u diro Banki kale oo dibedda ah, kaasina u gudbiyo cid ama shirkad wax laga soo iibsadey, markaas kaddibna alaabtii la kala iibsadey loo soo diro hadba sidii heshiiska iibku ahaa. Warqaddaasi waxay noqon kartaa mid lacagtii loo xannibey, ama mid aan lacagtaasi u xayirneyn. Warqadda kalsoonida waxay u kala baxdaa mid laga bixi karo, oo markii la furo kaddib, laga kaaftoomi karo iyo mid aan laga bixi karin mar haddii xisaabteeda la furo. Hase yeeshee, taas lafteeda waa laga bixi karaa haddii uu dhammaado waqtigii lagu heshiiyey, ayadoo aan weli alaabtii la soo dirin. Haddiise xiriirka ganacsi ee ka dhexeeya cidda wax kala gadanaysaa fiican yahay, raagidda diritaanka alaabtuna ku yimid sabab gar ah, markaas warqadda kalsoonida waa la cusboonaysiin karaa ama waqtigeeda ayaa la dheerayn karaa.

waa la naqliyay ✓

Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]

WARQADDA FULINTA DALABKA

DHAFANDHAAF
1

Esecuzione delle ordinazioni

2

Execution of orders

waa la naqliyay ✓