ereyga

warmurtiyeed

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

warmurtiyeed

DHAN

-ka: (magac, lab, keli) war si rasmi ah ay dawlad ama maammul u sii daayo ama shir rasmi ah ka soo baxa. Warmurtiyeedkii shirka ka soo baxay lama faahfaahinnin.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

warsaxaafadeed

DHAABAN

-ka: (magac, lab, keli) war kooban oo loogu talaggalay warbaahinta oo jiho la ogyahay ka soo baxa. Waxa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada. Li: warmurtiyeed.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

berriyeed

DHAFANDHAAF

m.l.u (-dyo, m.dh) (baayoloji) Noolayaasha ku nool dhulka.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

berriyeed

DHAFANDHAAF

m.l.u (-dyo, m.dh) (baay.) Noolayaasha ku nool dhulka.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Caruureed

DHAFANDHAAF

Juvenile

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

hantiyeed

DHAFANDHAAF

m. n. financial

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

hantiyeed

DHAFANDHAAF
1

de: financial

2

lx: hantiyeed

3

ps: np-m

4

key: hantiyeed

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Murtiyeyn

DHAFANDHAAF
1

(Murtiyeyn-ta)

2

Murti u yeelid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

murtiyeyn

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg murtiyee.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

murtiyeyn

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) gaabin oo murti u yeelid. Hadal ku murtiyeynta ayuu ku macaan yahay. Dh: murtiyeys.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

murtiyeys

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) gaabin oo murti u yeelid. Dh: murtiyeyn.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

waardiyee

DHAFANDHAAF

(fal) gaadh ka hay. Miftaaxii baa magane dukaanka waardiyee. Dh: ilaali, dhawr.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

wakhtiyee

DHAFANDHAAF

(fal) jadwalee oo hawl kasta waqti iyo jaangoyn u samee. Wakhtiyee noloshaada.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

waraariyid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) gariirid; ruxid; gilgilid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Warancireed

DHAFANDHAAF

Meteor

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

warancireed

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) wax yar oo ka yimaada hab-qorraxeedka oo ka gubta gibil dhuleedka marka uu korka ka soo galo; fallaadh cirka habeenkii ka soo dhacda. Warancireed badan ayaa daadanaaya caawa.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

warfidiyeen

DHAFANDHAAF

m.l (-nno, m.dh) Dad wargeysyo qora.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

warfidiyeen

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) weriye shaqadiisu tahay tebinta warka. Dh: weriye, joornaaliis, suxufi.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Waran cireed

DHAFANDHAAF

Shooting star

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

waran-cireed

DHAFANDHAAF

m.dh (-dyo, m.dh) (fiisikis) Gobol maatar ah oo cirka ka soo dhaca, muuqdana ama la arko marka u soo galo gibirka atmosfeerka ee inoo dhaw. Isliska hawada uu soo dhexmarayo ayaa inoo sahla aragga waran-cireedka.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

waran-cireed

DHAFANDHAAF

m.dh (-dyo, m.dh) (fiisikis) Gobol maatar ah oo cirka ka soo dhaca, muuqdana ama la arko marka u soo galo gibirka atmosfeerka ee inoo dhaw. Isliska hawada uu soo dhexmarayo ayaa inoo sahla aragga waran-cireedka.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

daruurbuureed

DHAFANDHAAF

m.l (-ryo ..., m.dh) (c.cimi.) Daruur ka samaysanta dhinaca dugaalka ah ee buurta ama figta gunburta.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

daruurbuureed

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) daruur ka samaysanta dhinaca dugaalka ah ee buurta ama figta sare ee gunburi leedahay.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

marshabiyeedi

DHAFANDHAAF

-ga: (n) sidewalk (saaydh-wook)-, pavement (peeyv-ment)

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

sharmuutaysad

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) dhillaysi.

waa la naqliyay ✓