warm sector
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Warm sector
Jiid diiran
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Jiid diiran
Warm sector
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
director
/daaraktor/ (n) agaasime.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Director
Fuliye, Maamule
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wareegto
* (Wareegta-da)
Warqad, inta la badiyo, isku kol, dad badan ama xafiisyo badan loo qaybiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wareegto
wareegto¹: m.dh (-ooyin, m.l) Warqad arrin gaar ah ka hadlaysa, gaarta meelo badan oo la rabo in si degdeg ah loo fuliyo.
wareegto²: m.dh Ciyaar ragga u gaar ah oo laga yaqaan Shabellada Dhexe iyo Shabellada Hoose, asalkeeda horana ciyaar dagaal ayay ahayd.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
wareegto
m.dh (-ooyin, m.l) Warqad arrin gaar ah ka hadlaysa, gaarta meelo badan oo la rabo in si degdeg ah loo fuliyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wareegto
f. n. circular (letter), official memorandum
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wareegto
-wareegtada: (n) an official announcement; circular; communique (kom-yuni-keey); an official memorandum (mema-raan-dham); Ex: wareegto ka soo baxday xaafiiska madaxweynaha; a communique [circular] from the president's office
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Wareegto
Circolare
Circular
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wareegto
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo nool oo ciidammada duullaanka ahi ay sahay ahaan u kaxaystaan.
wareegto -da: (magac, dhedig, keli) warqad dawladeed oo inta la badiyo xafiisyo badan loo qaybiyo oo xambaarsan amar ka soo baxa qof masuul ah oo cid xil lagaga qaadayo ama cid xil loogu magacaabayo. Wareegto ayuu madaxwaynuhu soo saaray uu ku magacaabay taliye cusub. Dh: go'aan, qaraar.
wareegto: mid ka mid ah ciyaaraha Soomaalida oo caan ka ah gobollada Shabeellada Dhexe iyo Banaadir; ciyaartan waxa lagu ciyaaraa qalabka shambal iyo kooro miraayo ah oo geedo laga qoray, gaashaan, waran, toorrey saddex gees ah, tusbax yusur ah oo urfo leh, kabo saan ah, cabaadhyo ama kuul la shakaasho, jijimo ama jililiqyo iyo xirsi makaraana ah oo aleelo lagu sharraxay.
wareegto-da: (magac, dhedig, keli) kaalaysi kolba qof u wareega oo ah dhib ama dheef la qaybsado. Ilaalinta xaafaddu waa wareegto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wareegto
de: circular (letter), official memorandum
initial: w
lx: wareegto
pd: (/da)
ps: n6-f
key: wareegto
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wareento
(Wareenta-da)
1. Wareemato.
2. a) Cudur xanuun kulul leh oo badanaa madaxa dhinacyadiisa ku dhaca; dhanjaf xun. b) Eyddin wax tigtigta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wareento
m.dh Cudur xanuun kulul leh oo badanaa ku dhaca feeraha.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
wareento
m.dh Cudur xanuun kulul leh oo badanaa ku dhaca feeraha.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wareento
f. n. chill drom a draft; pneumonia
wareento [feminine] n. small raiding party
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wareento
-da: (magac, dhedig, keli) eeg wareemato.
wareento -da: (magac, dhedig, keli) cudur xanuun kulul leh oo badanaa madaxa dhinacyadiisa ku dhaca; aydin wax tigtigta; dhanjaf. Odayga wareento ayaa haysa.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
projector
/prajektar/ (n) qalabka ama mashiinka loo adeegsado in filinka ama masawirka gidaarka lugu muujiyo.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Projector
Shaneebo-Gane
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
protector
n., abbaan, -ki.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Reflector
Noqodsiiye
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
reflector
/riflektar/ (n) shay fallaaraha ilayska dib-usoo celiya (sida muraayadda).
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Rh factor
Qodobka Rh
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
tormentor
/toormentar/ (n) saxariirin badan (caddibaad badan).
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
arm action
dhaqdhaqaaqa gacanta
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
carburetor
/kaarbureytar/ (n) kaarburatoory (wala sabybaw bansiingky baaburky gubyshoodis isla markiina hoojiyaw baabuurky dereershey).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
persecutor
/persi kyuutar/ (n) dhibbane (qofka dhibta la gaarsiiyey).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
prosecutor
/prosakyuutar/ (n) ku doode (qareenka muddiciga ku ah eedaysanaha).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warmaqabto
-da: (magac, dhedig, keli) dad aan wax war ah hayn. Dh: warmoog: xogmoog. warla'.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sarmaseegto
(Sarmaseegta-da)
Wax la goynayey, oo la rabey in nabarradu meesha la goynayo keliya ku dhacdhacaan, oo lala waawaayo, lala gefgefo, hadba meel hor leh lagu dhufto; (ama surmaseegto).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarmaseegto
m.dh Nabar meeshii lala rabay lala waayo oo meel kale lagu dhufto. la-mid: surmaseegto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sarmaseegto
vl. n. missing the right spot when making an incision
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarmaseegto
-da: (magac, dhedig, keli) la gefidda wax la goynayey, oo la rabay in nabarradu meesha la goynayo oo keliya ku dhacaan oo aan meeshii lala heline, hadba meel hor leh lagu dhufto. Dh: sarmaseegtayn, surmaseegto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sarmaseegto
de: missing the right spot when making an incision
initial: s
lx: sarmaseegto
pd: (/da)
ps: vn-f
key: sarmaseegto
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Unit vector
Halbeeg leeb