warfidiye
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warfidiye
-ha: (magac, lab, keli) cidda, meesha ama qalabka wararka baahiya. Weriyuhu waa warfidiye hal adag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
warfidiyeen
m.l (-nno, m.dh) Dad wargeysyo qora.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warfidiyeen
-ka: (magac, lab, keli) weriye shaqadiisu tahay tebinta warka. Dh: weriye, joornaaliis, suxufi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
warfidin
m.dh la-mid: warfaafin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warfidin
-ta: (magac, dhedig, keli) war jira baahin oo cidda u baahan oo dhan gaadhsiin. Warfidintu waa hawsha warbaahinta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
warfid
m.f.dh eeg wąraf². la-mid: werfid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warfid
-da: (magac, dhedig, keli) xoog u lulmid. Dh: wadhfid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wariye
m.l (-yayaal, m.l/dh) Qofka wararka tebiya. la-mid: weriye.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
wariye
m.l (-yayaal, m.l/dh) la-mid: weriye.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wariye
m. n. reporter, journalist; informer
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wariye
-wariyaha: (n) journalist (joor-na-liist); reporter (ri-poor-tar) newscaster (niyuus-kaas-tar) ~ joornaaliist, warbaahiye
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wariye
-ha: (magac, lab, keli) qof ururiya dhacdooyinka oo warfaafinta u tebiya ama ka warrama. Boqollaal weriye ayaa ku dhintay iska horimaadyada hubaysan ee Muqdisho. Dh: weriye.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wariye
de: reporter, journalist; informer
initial: w
lx: wariye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: wariye
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
wariye
صحفِي صَحَفِي صِحَافِي
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Wardiya
name-f rosy
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
warside
m.l (-dayaal, m.l/dh) Wargeys.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
warside
m.l (-dayaal, m.l/dh) Wargeys.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
warside
m. n., [compound] newspaper
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warside
-ha: (magac, lab, keli) kan dadka warka iyo hadalada u kala qaada. Warside lama sagootiyo. Dh: warqaade.
warside-ha: (magac, lab, keli) eeg wargeys.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
warside
de: newspaper
initial: w
lx: warside
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
key: warside
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Arrimiye
(Arrimiya-ha)
Qofka (lab) arrimiya; talada haya; taliye; maareeye.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
arrimiye
m. n. man in charge; arbitrator, director
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
arrimiye
-arrimiyaha: (n) counselor, also counsellor; an adviser
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arrimiye
-ha: (magac, lab, keli) qof talo fiican oo talo keen ah. Dh: malamaleeye, taliye.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
arrimiye
de: man in charge; arbitrator, director
lx: arrimiye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: arrimiye
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
perfidie
perfidie, n.f. - khaa'inimada; wax isdabamarinta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waardiye
m.l (-yayaal, m.l/dh) Qof xafiis, guri iyo wixi lamida ilaaliya; ilaaliye.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
waardiye
m.l (-yayaal, m.l/dh) Qof xafiis, guri iyo wixi lamida ilaaliya; ilaaliye.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
waardiye
-waardiyaha: (n) watchman (waaj-man); guard (gaadh); security guard (si-kuu-riti gaadh) bodyguard (baadi-gaadh) ~ ilaaliye
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waardiye
-ha: (magac, lab, keli) qof u xilsaaran ilaalinta guri, xafiis iyo wixii la mid ah. Waddankaaga waardiye u ahaw. Dh: gaardiyaan, waashmaan, ilaaliye.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
waardiye
حارس
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Warriile
(Warriila-ha)
Goroyada teeda yaryar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
warriile
m.l.u Gorayada teeda yar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
warriile
m. n. baby ostrich
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warriile
-ha: (magac, lab, keli) gorayada teeda yaryar. Warriile ayaan orod ku qabtay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
warriile
cf: goroyo
de: baby ostrich
initial: w
lx: warriile
pd: (/ha)
ps: n-m
key: warriile
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garbixiye
-ha: (magac, lab, keli) qofka garta lagu sheeganayo oo noo soo dhaadhac la leeyahay.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SARIIBIYE
(Saribie) S Achyranthes aspera L. Amaranthaceae.
S Pupalia lappacea (L)A.Juss Amaranthaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waraabiye
-ha: (magac, lab, keli) qofka ka shaqeeya waraabinta bar ama beer. Beertu waraabiye ayay wayday way bixi lahayde.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warlaliye
-ha: (magac, lab, keli) qalab loo isticmaalo tebinta wararka.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wartabiye
-wartabiyaha: (n) news reporter; commentator (koman-teey-tar); newscaster (niyuus-kaas-tar)-, correspondent (kores-poon-dent) ~ wariye
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diinfidiye
m.l (-yayaal, m.l/dh) (dii.) Qof kiristaan ah oo loo soo diray waddan shisheeye si uu u baro kirishtaanimada.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
warbaahiye
-warbaahiyaha: (n) reporter (ri-poor-tar); journalist (joor-na-liist) ~ wariye, joomaaliist
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warbaahiye
-ha: (magac, lab, keli) qalabka idaacadaha iyo telefishannadu ay u adeegsadaan lalinta barnaamijyada ay sii daayaan. RTD waxay keentay warbaahiye casri ah. Dh: warfidiye.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ariile
m. n. trader of sheep and goats, goat merchant
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ariile
-ariilaha: (n) exporter of goats and sheep ~ arile
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ariile
-ha: (magac, lab, keli) reer adhi ma ahee, xoole kale an lahayn ama ay ku yaryihiin; reerguuraaga adhiga uun dhaqda. Dh: adhiile.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ariile
de: trader of sheep and goats, goat merchant
lx: ariile
pd: (/ha Pl: ariiley (da))
ps: n7-m, n5b-m
key: ariile
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
badiye
m. n. duplicating machine
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badiye
-ha: (magac, lab, keli) qofka ku guulaysta tartan. Badiyaha waxa la siinayaa abaalgud.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
badiye
de: duplicating machine
lx: badiye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: badiye
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Carfid
(Carfid-da)
Ur udgoon soo saarid, ka soo bixid, yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carfid
m.f.dh eeg caraf².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carfid
-da: (magac, dhedig, keli) ur udgoon soo saarid ama yeelasho.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Hadiye
name-m healer
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Kadiye
name-m surprise, unexpected. Lit: one born unexpectedly
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Kadiye
magac loo baxsho wiil dhashay isaga oo aan la filayn ama la dareemin inay hooyadii foolanayso.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kariye
-ha: (n) cook (kuuk), chef (sheef)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Ladiye
magac loo baxsho wiil dhalashadiisa ay hooyadii ku gama'day ama ku ciilbeeshay oo hurdo ledday.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Qadiye
magac loo bixiyo wiil hooyadii isaga hortii aanay wiil dhalin aabbihiina uurka kaga hadhay oo ay hooyadii ula jeeddo kii dhaxalkii u ooliyay oo cid kale oo qaadan lahayd ba ka qadiyay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walfid
-da: (magac, dhedig, keli) wax la barto ku mamid oo mar walba heliddiisa ku dadaalid. Hamuuntu waa walfid fool xun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waqfid
(Waqfid-da)
Waqaf ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waqfid
m.f.dh eeg waqaf².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waqfid
-da: (magac, dhedig, keli) hanti ma guuraan ah sida aqal, jago iyo wixii la mid ah, ilaahay dartii ula bixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
warfin
m.f.dh eeg warfi.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
WARFIN
Espresso
Express

Warfin
Espresso
Express
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wariis
(Wariis-ta)
Waraso; ubad; dhal; ilmo; carruur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Werfid
(Werfid-da)
Harjadid; haarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
werfid
m.dh la-mid: warfid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
werfid
-da: (magac, dhedig, keli) harjadid; haarid, wareejin lagu sameeyo shay adigoo dhinacyada u warwareejinaya. Werfid bay ku sameeyeen kii yaraa oo wixii uu caano dhamay wuu matagay. Dh: wadhfin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weriye
m.l la-mid: wariye.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
weriye
m.l (-yayaal, m.l/dh) Qofka wararka tebiya. la-mid: wariye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weriye
-ha: (magac, lab, koli) qof wararka raadintooda, tebintooda iyo ka faalloodkooda ka shaqeeya oo aqoonna u leh. Dh: wariye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wirfid
(Wirfid-da)
Wax wirfaya noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wirfid
-da: (magac, dhedig, keli) lulmasho oo si xoog ah u wareegid. Inanta yari wirfiddii leexada ayay ku wareertay. Dh: wadhfid.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
XADIYE
(Hadie) N Maerua oblongifolia (Forsk.) A. Rich. Capparidacea.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arriire
-ha: (magac, lab, keli) caano dhanaan oo la lulay subaggiina laga saaray. Dh: ciir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baadiye
-ha: (magac, lab, kel) dhulka magaalada ka baxsan ee xoola dhaqatadu dego. Dh: miyi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bariidi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Cid, subax bariido ugu tegid. 2. Cid, salaan ugu tegid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bariidi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Cid, subax bariido ugu tegid. 2. Cid, salaan ugu tegid. m.f.dh, bariidin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bariidi
v. greet someone in the morning
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bariidi
-yey say; (v) salute in friendly way in the morning; greet (giriit)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bariidi
(fal) tooyo xaalka deriska ama dadka aad kulantaan waxay ku baryeen xalay. Soo bariidi bahdu waxay xalay ku baryeen. Dh: salaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bariidi
de: greet s.o. in the morning
lx: bariidi
pd: (bariidiyey)
ps: v2a=
key: bariidi
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Bariise
name-m greeting, salutation. Syn: Bariido
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Bariise
magac loo baxsho wiil dhashay arooryada hore ee la bariisanyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carbiye
m.l (-yayaal, m.l/dh) Qof wax carbiya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faafiye
m. n. distributor, spreader
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faafiye
-faafiyaha: (n) one who distributes or spreads something: distributor (dis tri-buyuu ter)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faafiye
-ha: (magac, lab, keli) qof war ama wax kale baahiya ama fidiya. Dh: baahiye.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faafiye
de: distributor, spreader
lx: faafiye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: faafiye
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Kaadiye
magac loo baxsho wiil la ogaaday inuu uurka ku jiro ayadoo hooyadii la furayo ka dibna aabuhu furustii ka noqday.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naadiye
-ha: (magac, lab, keli) qofka wax naadiya ama naadada wax ku iibsha.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
parodie
parodie, n.f. - jeesjees.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
perfide
perfide, adj. - qof aan qawl lahayn.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
perfidy
/perfadhi/ (n) khayaano ~ dhagar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarfiid
-ka: (magac, lab, keli) eeg qaraf.
qarfiid -ka: (magac, lab, keli) laxooxda duban inteeda geerka sare ku meersan oo aalaa qallalan oo jagagaclaysa. Qarfiidka ha reebine laxooxda wada cun.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qarxiye
m. n. detonator
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qarxiye
-qarxiyaha: (n) detonator (det 'neeyter) ~ qarxiso