wardoox
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Wardoox
nickname; name-m news confirmer; articulated
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wardoon
(Wardoon-ka)
1. Si war lagu helo oo la isku hawlo.
2. Qofka warka doona haya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wardoon
m.l 1. Qofka raadiya siraha cadowga. 2. Hay'adda ku sheqa leh wardoonidda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wardoon
m. n., [compound] investigator, spy, secret agent; inquiry, investigation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wardoon
-ka: (n) inquirer (in-ku-waayer); detective (di-tak-tiv)
ka wardoon -ay / tay: (v) try out (taraay awt); give a trial to; experiment (ikis-peeri-ment); make an attempt ~ isku day
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wardoon
(fal) xog iyo warar raadi. Wiilkii wuu maqan yahaye ka wardoon.
wardoon -ka: (magac, lab, keli) qof loo diro inuu meel war gaar ah ka keeno. Ciidammadu wardoon ayay iska horraysiiyaan.
wardoon -ka: (magac, lab, keli) hawsha warka lagu helo lafteeda. Shaqada wardoonka dad baa ku fiican.
wardoon -ka: (magac, lab, keli) waax nabadsugidda ka tirsan oo u xilsaaran helidda iyo isku taxalujinta sirta cadowga iyo amuurihiisa. Ciidanka wardoonka waa la garab galaa. Dh: sirdoon.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wardoon
a: wardoonid (da) [vn-f]
de: investigator, spy, secret agent; inquiry, investigation
initial: w
lx: wardoon
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp; vn-m
key: wardoon
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wardoone
-ha: (magac, lab, keli) nin war inu helo doonaya. Waxan ahay wardoone maxaa dhulka daaq iyo darxumo jirta. Dh: wardoon, sahan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karoox
(fal) hayaanadee oo weji iyo indhoba ku hatig; dur oo quudhsi iyo hatigaad ku bahdil. Dh: huruuf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qardoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) 1. Miro aan weli bislaan cuniddooda ku jirrasho. 2. Socod, fardo-fuul iyo wixi lamida ku jiiro-go'id.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qardoo
(fal) cunto ku sumow. Dh: balaloo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taroox
(Taroox-a)
Tuug.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taroox
m.l (-xyo, m.dh) Qof tuugannimo u banbaxay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
taroox
m.l (-xyo, m.dh) Qof tuugannimo u banbaxay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
taroox
m. n. (adj.): thief; thieving
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taroox
-a: (magac, lab, keli) qofka qaata ee xada xoolaha aanu lahayn. Tarooxa ka ilaasho alaabta. Dh: tuug.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
taroox
de: thief; [atr.] thieving
initial: t
lx: taroox
pd: (-a)
ps: n2a-m
xe: thief
xv: tuug taroox ah
key: taroox
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aardoon
m.l Qof, qof kale oo dakane ka galay raadinaya. la-mid: aardoonad, aardoonasho, aarsashaddoon.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aardoon
m.l Qof, qof kale oo dakane ka galay raadinaya. la-mid: aardoonad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aardoon
v. seek revenge
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aardoon
-ka: (n) revenger (ri-veenjer); one who is seeking to take vengeance (ven-jansi)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aardoon
-ka: (magac, lab, keli) qof doonaya inu aargoosto. Dh: aanadoon.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aardoon
de: seek revenge
lx: aardoon
pd: (aardoonay)
ps: v1=tr
key: aardoon
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirdoox
m.dh Roobdoon geed la fuulayo oo suuratul Huud la akhrinayo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qardoob
inch. v. get sore from riding
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qardoob
de: get sore from riding See also: qardow
lx: qardoob
pd: (qardoobay)
ps: v1=inch
key: qardoob
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qardood
m.f.l eeg qardoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qardood
-ka: (magac, lab, keli) cunto ku sumoobid. qardoof: (fal) qof kale, wax uu qoonsado ku samee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sardoon
-ka: (magac, lab, keli) qarbid gaboobey ee biyaha lagu shubto. Dh: harig.
sardoon-ta: (magac, dhedig, keli) geed laamihiisu kala durdurugsan yihiiin oo aan hadh hagaagsan lahayn, geed dulqorrax ah. Sardoon lama hadhsado. Li: cuf.
sardoon-ta: (magac, dhedig, keli) ood aan cufnayn oo farangaaggo leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uurdoox
m.l Cunugga aan sida caadiga ah u dhalane bogga hooyadiisa laga soo saaray; bogdoox.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
uurdoox
m.l Cunugga aan sida caadiga ah u dhalane bogga hooyadiisa laga soo saaray; bogdoox.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Uurdoox
name-m belly stabber; to disembowel. Cf: Kaariye, Kaarshe, Muuddey or Muunye
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Uurdoox
Uurdoox: magac loo bixiyo ilmo hooyadii si caadi ah u dhali kari weydo oo dabadeed inta la jeexo la soo saaro. Dh: bogdoox.
Uurdoox: magac loo baxsho ilmo aan caadi u dhalan oo jeexitaan uur ku dhashay. Waxa kale oo loo baxshaa wiil jacaylka loo qabaa uurka hooyadii dillaacshay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uurdoox
-a: (magac, lab, keli) dagaalka iyo colaadda aan waxba la dhawrine, xataa dumarka uurka leh la dooxo.
uurdoox: -a: (magac, lab, keli) nin naxariis daran oo dilka aan u meeldayin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
warmoog
Comp. adj., (ie. n., adj.): uninformed, unaware, without information
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Warmoog
name-f; nickname-f uninformed, unaware, innocent. Syn: Warmooge
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Warmoog
magac loo bixiyo gabadh aabeheed oo dhintay dhalatay ama hooyadeed madqo kaga hadhay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warmoog
-ga: (magac, lab, keli) eeg warmaqabto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
warmoog
de: uninformed, unaware, without information
initial: w
lx: warmoog
pd: (warmoogaa)
ps: adj-cmp
key: warmoog
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
warroon
f.mg4 (-naa, -nayd) U w.: qof, qof kale arrin uga xogogaalsan ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
warroon
f.mg4 (-naa, -nayd) U w.: qof, qof kale arrin uga xogogaalsan ahaansho. m.f.dh, warroonaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
warroon
Comp. adj., (ie. n., adj.): well-informed, better informed
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Warroon
name-f good news; one who brings good news
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
warroon
de: well-informed, better informed
initial: w
lx: warroon
pd: (warroonaa)
ps: adj-cmp
key: warroon
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waryoon
m.l.kh W. ah: safar aan joogsi iyo nasiinyo lahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wardoonid
(Wardoonid-da)
War raadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wardoonid
m.dh Raadinta siraha cadawga la raadiyo. la-mid: wardoon (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wardoonid
-da: (magac, dhedig, keli) war raadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aardoono
f.mg3 (-ntay, -natay) Qof in uu aano soo guto meel u aadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aardoono
(fal) cid aano hore kuu geysatay, ka gooso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fardoole
m. n. horseman, horse-owner; cavalry
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fardoole
de: horseman, horse-owner; [pl] cavalry
lx: fardoole
pd: (/ha Pl: fardooley (da))
ps: n5b-m
key: fardoole
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
hardwood
/hardh-wuudh/ (n) alwaaxda adag.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Hardwood
Geed adayg
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Idardoon
nickname; name-m beneficiary
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laabdoox
-a: (magac, lab, keli) eeg laabdillaac.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Maradoon
magac loo bixiyo gabadh dib u dhalad ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mardhoof
m.l (-fyo, m.dh) Qof hal mar dhoofay oo faan iyo been badan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mardhoof
m.l (-fyo, m.dh) Qof hal mar dhoofay oo faan iyo been badan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mardhoof
m. n., [compound] first time traveler
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mardhoof
-ka: (n) first time traveler or traveller; inexperienced traveler
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mardhoof
-ka: (magac, lab, keli) qof mar keliya dibad u dhoofay ion weli safarrada ku ilbixin dadkana ugu faana
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mardhoof
de: first time traveler
lx: mardhoof
pd: (-ka)
ps: n2a-m-cmp
key: mardhoof
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qardoofo
(Qardoofa-da)
Waxyeello; aflagaaddo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qardoofo
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Dhaawac aan weyneyn. 2. Hadal qadaf ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qardoofo
f. n. harm, offense
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qardoofo
-da: (magac, dhedig, keli) khilaaf hoose oon badnayn. Labada qof qardoofo ayaa ka dhaxaysa. Dh: isdiiddo. Li: heshiis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qardoofo
de: harm, offense
lx: qardoofo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: qardoofo
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Waaqdoor
name-unisex sky sky God's choice
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Waaqdoor
magac loo bixiyo gabadh ama wiil loola jeedo in uu yahay mid Alle doortay.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
ward off
/woordh-of/ (v) ka-ilaalin (ka difaacid, ka hortagid).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
wardrobe
/woordhrowb/ (n) 1. armaajada dharka (n) 2. labbis (maryo, dhar).
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Warmooge
name-m; nickname-m uninformed, unaware, innocent. Syn: Warmoog
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
warmooge
-warmoogaha: (n) one who is ignorant or unaware
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Warmooge
magac loo bixiyo wiil dhalashadiisa ka hor aabbihii dhintay ama hooyadii rajay iyo madqo kaga hadhay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warmooge
-ha: (magac, lab, keli) qof aan waxba la socon oo warla'. Nin dhegali'i waa warmooge. Dh: colmooge.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
WARMOOLE
(Warmole) N Myrsine africana L. Myrsinaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barbardoox
(fal) hooyo umuli kari wayday, dhinac ka dillaacin oo ilmaha ka soo saarid.
barbardoox -a: (magac, lab; keli) ilmo marka uu dhalanayo barbar hooyada laga jeexo oo laga soo saaro, aan sidii caadiga ahayd u dhalan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka wardoon
v. inquire ~ ask about, search for information, make enquiries into
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ka_wardoon
de: inquire ~ ask about, search for information, make enquiries into
lx: ka wardoon
pd: (wardoonay)
ps: v1=expr
key: ka_wardoon
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
adoo
mu.eb Magacuyaalka qofka labaad oo ka kooban 'adi' iyo 'oo'.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
adoo
m. n. father, old man
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adoo
(magac'uyaal) qofka labaad ee lala hadlaha ah oo ka kooban 'adi' iyo 'oo'; adiga oo. Waxaan ku garanayaa adoo yar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
adoo
de: father, old man {S}
lx: adoo
pd: (-ga)
ps: n7-m
key: adoo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ardo
(Arda-da)
In dugsi wax ka wada dhigata oo isku duuban; arday; dugsiley.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Ardo
pr. n., [feminine] Ardo
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ardo
f. n., pl. group of students
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Ardo
name-f courtyard. Lit: she who was born in the courtyard
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Ardo
magac loo baxsho gabadh lagu tilmaamayo in ay leedahay astaamaha arlada, sida dulqaadka, deeqsinimada iyo dabcigii wanaagsan oo dhan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ardo
-da: (magac, dhedig, keli) dugsiga Quraanka lagu barto. Dh: malcaamad.
ardo-da: (magacwadareed) in dugsi wax ka wada dhigata. Dh: arday, dugsiiley.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Ardo
de: Ardo
hm: 2
lx: Ardo
ps: name-f
key: Ardo_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doox
(Doox-a)
1. Dhul biyo jeexeen.
2. Saxaro jilicsan oo badan; shuban.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doox
doox¹: m.l 1. Saxaro jilicsan oo ay nafleydu dhigaan marka ay cunaan ama cabaan waxyaabo caloosha kiciya; shuban. 2. (-xyo, m.dh) Dhul godan oo biyo mareen ah; tog. 3. la-mid: dooxid.
doox²: f.g1 (-xay, -xday) Wax af leh calool nafley ku dhufasho si uur-kujirtu uga soo dhacdo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
doox
f.g1 (-xay, -xday) Wax af leh calool nafley ku dhufasho si uur-kujirtu uga soo dhacdo. m.f.dh, dooxid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
doox
m. n. water channel, small stream; outpour; diarrhea
doox v. stab; disembowel, gut, draw
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
doox
-a: (n) 1. streambed (istiriim-beedh); channel (janel); gorge (goorj); canyon (kaanyan); river valley; wadi also wady ~ tog, waadi. 2. diarrhea also diarrhoea (dhaay-riya) shuban. 3. doox -ay/day: (v) stab (istaab) in the stomach
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doox
(fal) cid kale, caloosha ka soo rid. Dh: dillaaci.
doox: (fal) arrin ama hadal siduu ahaa u sheeg oo kala dhigdhig.
doox -a: (magac, lab, keli) dhul siman oo balladhan oo aan buur iyo dhagax toona lahay oo ciid jilicsan leh iyo boholo. Dh: qol, qaali.
doox -a: (magac, lab, keli) dhul biyamaraan ah oo daaq wanaagsan iyo dhir leh. Dh: dix.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wado
f.g3 (-atay, -adatay) 1. Xoolo, dad, gaadiid iyo wixi lamida kaxaysasho. 2. Hawl la qabanaayey sii fulin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
wado
f.g3 (-atay, -adatay) 1. Xoolo, dad, gaadiid iyo wixi lamida kaxaysasho. 2. Hawl la qabanaayey sii fulin. m.f.dh, wadasho.