waraysi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waraysi
(Waraysi-ga)
Waraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waraysi
m.l la-mid: waraysasho.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Waraysi
Intervista
Interview
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waraysi
-ga: (magac, lab, keli) su'aalo la weydiiyo cid xog'ogaal ah. Waraysi ayaa lala yeeshay dadkii qaamuuska qoray. Dh: waraysasho, waydiimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warays
-ka: (magac, lab, keli) eeg warayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garaysi
(Garaysi-ga)
Garaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaysi
m.l la-mid: garaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garaysi
-ga: (magac, lab, keli) aqoonsasho; garaysad; garaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaraysi
m.l la-mid: jaraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waraasi
(Waraasi-da)
1. (caano) dhay kasoofeen ah oo labeen cas soo yeelanaya.
2. (Waraasi-ga) (midab) labeenta u eg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waraasi
m.dh 1. Midab cawl ah oo lo'du yeelato. 2. Caano dhay ah, cabbaar yiil oo xoortii ka dhacday, labeenna soo yeelanaya. la-mid: waraase.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waraasi
f. n., (mass n.): fresh milk with cream on top; glossy brown (color of cattle)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waraasi
-da: (magac, dhedig, keli) caano, dhay kasoofeen ah oo labeenaysanaysa.
waraasi-ga: (magac, lab, keli) 'midab' labeenta u eg.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waraasi
de: fresh milk with cream on top; [ext.] glossy brown (color of cattle)
initial: w
lx: waraasi
pd: (-da)
ps: n-f-mass
key: waraasi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
warayso
f.g3 (-stay, -satay) War qof uu hayo ka dhegeyso; cid wax weyddiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
warayso
f.g3 (-stay, -satay) War qof uu hayo ka dhegeyso; cid wax weyddiin. m.f.dh, waraysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
warayso
v.auto: ask, inquire, seek information for oneself
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
warayso
-waraystay / waraysatay: (v) inquire (in-ku-waayer); ask (aski); interview; ask questions; make inquiries ~ wareysi la yeelo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warayso
(fal) su'aalo weydii oo warkuu hayo ka dhegeyso. Warayso wiilka wixii uu soo arkay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
warayso
bw: haybi, tooyo
de: ask, inquire, seek information for oneself
initial: w
lx: warayso
nt: waraysad (ka) [vn-m], waraysasho (/da) [vn-f], waraysi (ga) [vn-m]
pd: (waraystay)
ps: v3b=auto
key: warayso
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wareysi
vl. n. inquiry, interview, asking information
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wareysi
-ga: (n) interview (inter-viyuu); discussion (dis-ka-shin); conference (kon-fa-ransi); meeting (miit-ing)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wareysi
de: inquiry, interview, asking information
initial: w
lx: wareysi
pd: (-ga)
ps: vn-m
see: warayso
key: wareysi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yaraysi
m.l la-mid: yaraysasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
yaraysi
m.l eeg yarayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaraysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg yaraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tooyasho
(Tooyasha-da)
Haybin; waraysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Warin
(Warin-ta)
Waraysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waraysasho
m.f.dh eeg warayso. la-mid: waraysad, waraysi.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
cross-examination
/ (n) waraysi su'aalo ah oo lugu hubiyo in gof run sheegayo iyo in kale, siiba qof markhaati ah.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
debrief
/dhibiriif/ (v) waraysi-gaaban la yeelasho.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
interview
/intarviyuu/ (n) kulan waraysi ah (is-arag qof lugu waraysto). e.g. I had two job interviews yesterday.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Interview
Waraysi
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
intervista
s.f. - waraysi.
Qaamuus-Yare Ingiriis-Jiiddu-Soomaali - Saalim Caliyow Ibro [1998]
interview (n)
woreeysidhaal; worqaadhaal
is arag waraysi ah
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adeenti
-da: (magac, dhedig, keli) wax war iyo wacaal ah; xog iska waraysi ama isweyddiin.
adeenti -da: (magac, dhedig, keli) raad wadiiqo sameeyay. Waddo muuqata ma aha laakiin waa meel uu raad maray. Adeentida raac iyadaa reerkii ku geyne.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bukaanwaraysi
-ga: (magac, lab, keli) waraysiga bukaanka oo uu dhakhtarku ka qoro, kana kooban qaybo ay ka mid yihiin: warbukaan qoyseed, warbukaan qofeed, warbukaan cudur hore, warbukaan cudur danbe.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mushaaharad
-ka: (magac, lab, keli) is xaal waraysi hoos ah oo dad is xog ogi si kaftan ku jiro ay isku xaal waraystaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
su'aalid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal la doonayo in wax lagu ogaado ama lagu helo, weyddiin; ka waraysi; ka waraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tooyasho
-da: (magac, dhedig, keli) haybinta, waraysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waraysasho
-da: (magac, dhedig, keli) cid wax weyddiin; su'aalo xog lagu raadinayo cid la yeelasho. Dh: waraysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warin
-ta: (magac, dhedig, keli) waraysi; war ka dhegaysad; war ka gurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xogwaraysi
-ga: (magac, lab, keli) waraysi la waraysto cid xog'ogaal ah oo su'aalo numur taabanayo la waydiito, cid xog'ogaal ah.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
entrevue
entrevue, v.f. - is arag waraysi ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baryaysi
m.l la-mid: baryaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baryaysi
-ga: (magac, lab, keli) sadaqaysi wax la tuugsado. Dadku baryaysiga way kugu nacaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caraysii
f.mg2 (-iiyay, -iisay) 1. Is c.: is daalin. 2. Ka c.: cid caro ku abuurid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caraysii
f.mg2 (-iiyay, -iisay) 1. Is c.: is daalin. 2. Ka c.: cid caro ku abuurid. m.f.dh, caraysiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caraysii
v.caus: anger, make someone angry, enrage, annoy, irritate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caraysii
-yey / say: (v) [with] preposition ka] anger (ang-ger); provoke (pro-vowk); enrage (en-reyj)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caraysii
(fal) «ka ~» ka xanaaji; ka weyrixi; cadho ku abuur. Dh: cadhaysii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caraysii
de: anger, make s.o. angry, enrage, annoy, irritate Used with ka
lx: caraysii
pd: (caraysiiyey)
ps: v2a=caus
key: caraysii
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caraysni
-da: (magac, dhedig, keli) mid cadhaysan ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carraysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg carraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darraysi
m.l la-mid: darraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darraysi
-ga: (magac, lab, keli) eed darraysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gardaysi
-ga: (magac, lab, keli) gardarraysasho: gardarraysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jarraysi
m.l la-mid: jarraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karraysi
m.l la-mid: karraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karraysi
-ga: (magac, lab, keli) caafimaad helid oo xanuun ka bogsood. Dh: raysasho, ladnaansho, karraysad, karraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qardaysi
(Qardaysi-ga)
Qardaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qardaysi
m.l la-mid: qardaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qardaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg gardaysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saraysii
(fal) meel sare saar ama dhig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sharaysi
(Sharaysi-ga)
Sharaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharaysi
m.l la-mid: sharaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharaysi
-ga: (magac, lab, keli) sharaysasho: sharaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tarraysi
m.l la-mid: darraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waaxaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg waaxaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waraysad
(Waraysad-ka)
Waraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waraysad
m.l la-mid: waraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waraysad
-ka: (magac, lab, keli) waraysasho.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Yaraaysi
Minimizzare
Belittle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yaraysii
f.g2 (-iiyay, -iisay) la-mid: yaree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaraysii
(fal) wax yar ka dhig. Surwaalka yaraysi. Dh: yaree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg raysad.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
WARAS
Asepalum sp. = Kuchar 15426 01
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
WARAS
(Waras) C Asepalum sp. Cyclocheilaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waras
-ka: (magac, lab, keli) go'aan mamnuucaya shay isticmaalkiisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
araasi
araasi¹: m.l Orod iyo ci' uu sameeyo sac dhalay marka uu u soo socdo dhashiisa. la-mid: insaarax¹.
araasi²: f.mg2 (-iyay, -isay) Sac markaa dhalay meeshi uu dhashiisa ku ogaa aadid isagoo orod iyo ci' sameynaya. la-mid: insaarax².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barasi
(fal) baras u yeel ama calaamadee. Barasi hasha.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Carays
nickname; name-m taunter
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carays
-ka: (magac, lab, keli) eeg carayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farays
m.l la-mid: farayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farays
-ka: (magac, lab, keli) eeg farayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garays
(Garays-ka)
Dharka dumarku qaato mid kamid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garays
m.l (-syo, m.dh) Guntiino midabbo leh oo haweenku xirtaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
garays
m.l (-syo, m.dh) Guntiino midabbo leh oo haweenku xirtaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garays
m. n., [collective] thin, light, brightly-designed cloth worn by women
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
garays
-ka: (n) woman's dress ~ sari
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garays
-ka: (magac, lab, keli) maro ay qarqarka sare haweenku ku xidhaan oo saddexqeyd ah ama guntiino ah oo labadeeda af la isugu keeno garabka dushiisa laguna xidho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garays
de: thin, light, brightly-designed cloth worn by women (usually imported from Kenya or Tanzania)
lx: garays
pd: (-ka)
ps: n2a-m-col
key: garays
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jarays
-ka: (magac, lab, keli) faras carbin iyo tababar ku jira. Faraskani waa jarays. Dh: layli.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qarayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wacays
(Wacays-ta)
Duco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wacays
m.l Samaan; wanaag.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wacays
f. n. blessing
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Wacays
name-m blessing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Wacays
magac loo bixiyo wiil xilli barwaaqo ah dhashay ama la rajaynayo in uu noqdo mid barakaysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wacays
-ta: (magac, dhedig, keli) duco. Wacays baan soo sidaa waa wiil, badhaadhaan daba wadaa waa gabadh.