waraabo-reeb
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
WARAABO-REEB
(Warabo-reb) May, S Commiphora africana (A.Rich.) Engl. Burseraceae.
S Commiphora gowlello sprgue. Burseraceae.
NFD Commiphora kua (J.F.Royle) Vollesen. Burseraceae.
NFD Commiphora habessinica (0.Berg.) Engl. Burseraceae.
C Commiphora incisa Chiov. Burseraceae.
NFD Commiphora ellenbeckii Engl. Burseraceae.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
WARAABE-CEEJE
(Warabe-ece) N, S Acacia zizyphispinosa Chiov. Mimosaceae.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Waraab-ka
arrosage, irrigation.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waraabiye
-ha: (magac, lab, keli) qofka ka shaqeeya waraabinta bar ama beer. Beertu waraabiye ayay wayday way bixi lahayde.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warwareeg
(fal) meel ku dul duur oo kolkaad mar wareegtaba haddana ku celi. Kuuska ku warwareeg.
warwareeg: (fal) socsoco adoon yool toos ah lahayn oo kolba meel iska mar. Warwareeg magaalada oo shaqo laadi.
warwareeg: (fal) kolba xaafad jaarka ah teg. Warwareeg oo kolba xaafad qoollaalli sidii ay malaggii galay.
warwareeg -ga: (magac, lab, keli) duurduurid meel keliya kolba lagu wareego.
warwareeg -ga: (magac, lab, keli) socod aan toos ahayn oo kolba dhinac loo baydho. Dalcadaha toos looma bexee warwareeg baa lagu fuulaa. Dh: duurduur, baydhbaydh
warwareeg -ga: (magac, lab, keli) socod aan yool haysan oo kolba meel la aado. Warwareeg baa ku daaliyee magaalada ka fadhiiso, Dh: meermeer.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raacdareeb
-ka: (magac, lab, keli) qof xoolaha ka dambeeya oo neefka hadha ama dhan u leexda soo gurya hooya. Dh: raadcareeb.
raacdareeb -ka: (magac, lab, keli) koox xagga dambe ka ilaalisa ciidanka oo raacdada la dagaallanta ciddii hadhana soo dalaandalisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taran-leeb
m.l (xisaab) Taranka laba leeb oo ku siiya leeb saddexaad. Taranka labada leeb A iyo B waxa loo qoraa AxB, waa leeb laxaaddiisu yahay A B sin theta, taas oo A iyo B ay yihiin laxaadyada A iyo B, theta-na tahay xagasha u dhexeysa A iyo B. Jihada taranka leebka waxa uu ku yahay xaglo qumman leebabka A iyo B.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Waraaba-ha
hyène.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waraabooti
(Waraabooti-ga)
Cudur ku dhaca xoolaha oo ay bahal oo kale noqdaan oo waxay arkaan cunaan ama qaniinaan; bahalow.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waraabooti
m. n. disease affecting livestock
waraabooti [inchoative] v. contract the 'hyena disease' (of livestock)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waraabooti
-ga: (magac, lab, keli) cudur xoolaha ku dhaca oo ay bahal oo kale noqdaan oo waxay arkaan cunaan ama qaniinaan. Waraabooti baa hasha hayee qala. Dh: bahalow.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
NAGAAR-DEEB
(Nagardeb) C Corchorus stenophyllus (Schum.) Weimarck. Tiliaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waraaboobid
m.f.dh eeg waraabow³.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Warancireed
Meteor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warancireed
-da: (magac, dhedig, keli) wax yar oo ka yimaada hab-qorraxeedka oo ka gubta gibil dhuleedka marka uu korka ka soo galo; fallaadh cirka habeenkii ka soo dhacda. Warancireed badan ayaa daadanaaya caawa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waraabooti_1
cf: bahalow; waraabe
de: disease affecting livestock (which makes them hyena-like; they eat anything and become irritable enough to bite)
hm: 1
initial: w
lx: waraabooti
pd: (-ga)
ps: n-m
key: waraabooti_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waraabooti_2
de: contract the 'hyena disease' (of livestock)
hm: 2
initial: w
lx: waraabooti
pd: (waraabootiyey)
ps: v1=inch
key: waraabooti_2
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Waran cireed
Shooting star
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waran-cireed
m.dh (-dyo, m.dh) (fiisikis) Gobol maatar ah oo cirka ka soo dhaca, muuqdana ama la arko marka u soo galo gibirka atmosfeerka ee inoo dhaw. Isliska hawada uu soo dhexmarayo ayaa inoo sahla aragga waran-cireedka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
waran-cireed
m.dh (-dyo, m.dh) (fiisikis) Gobol maatar ah oo cirka ka soo dhaca, muuqdana ama la arko marka u soo galo gibirka atmosfeerka ee inoo dhaw. Isliska hawada uu soo dhexmarayo ayaa inoo sahla aragga waran-cireedka.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SAGAARO-LEGED
(Sagaro-lagget) N Ormocarpum kirkii S. Moore Papilionaceae.
N Lannea malifolia (Chiov) Sacleux. Anacardiaceae.
N Ormocarpum muricatum Chiov. Papilionaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waraabe-dadow
(Waraabe-dadow-ga)
Qorismaris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waraabe-ligis
m.l Nooc waraabaha ka mid ah oo meesha uu qaniino aysan dhaqso bogsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waraabedharle
-ha: (magac, lab, keli) magac dhalanteed ah oo sheeka carruureedyada ku jira. Waraabedharle looma dhawaado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waraabootiyid
(Waraabootiyid-da)
Waraabooti ama bahalow ku dhicid; bahaloobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waraabootiyid
-da: (magac, dhedig, keli) cudur waraabooti ama bahalow ah qaadid. Dh: bahaloobid.