waraabiye
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waraabiye
-ha: (magac, lab, keli) qofka ka shaqeeya waraabinta bar ama beer. Beertu waraabiye ayay wayday way bixi lahayde.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wartabiye
-wartabiyaha: (n) news reporter; commentator (koman-teey-tar); newscaster (niyuus-kaas-tar)-, correspondent (kores-poon-dent) ~ wariye
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
warbaahiye
-warbaahiyaha: (n) reporter (ri-poor-tar); journalist (joor-na-liist) ~ wariye, joomaaliist
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warbaahiye
-ha: (magac, lab, keli) qalabka idaacadaha iyo telefishannadu ay u adeegsadaan lalinta barnaamijyada ay sii daayaan. RTD waxay keentay warbaahiye casri ah. Dh: warfidiye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
araro
f.mg3 (-rtay, -ratay) 1. Hadal ama qoraal gogoldhig u samaysasho. 2. Ka sii a.: wax in ay dhacayaan la filayo ka afeefsasho. 3. Xoola la waraabiyey inta aanay rakaadan daaq tegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waraabsan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Nafley wax la waraabiyey ahaansho. 2. Beer wax biyo lagu sii daayey ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
waraabsan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Nafley wax la waraabiyey ahaansho. 2. Beer wax biyo lagu sii daayey ahaansho. m.f.dh, waraabsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balalo
-da: (magac, dhedig, keli) jirro xoolaha ku dhacda marka ay daaqdo geedo sumaysan ama qudhaanjo leh. Lo'da balalootay ha loo gurmado. balalo -da: (magac, dhedig, keli) sunta geedaha qaar leeyihiin ee xooluhu ku bukoodaan ama kuba dhintaan.
balalo -da: (magac, dhedig, keli) biyo la doondoono kolka aad sabada ceelka ciidan iyo yeeltoona ku haysan. Balalo ayaan ku soo waraabiyey halaha maanta.
balalo -da: (magac, dhedig, keli) dibbiro aad u xun oo nagas buuxiyo neefka calooshiisa, ka dib markuu aad u cunay doog. Waxa suuragal ah in ay xooluhu ku dhintaan balalada.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyeysan
(tilmaame) weel biyo lagu shubay; biyo laga buuxiyey. Galabta la doogsay oo weel waliba wuu biyeysanyahay. Dh: dhaansan.
biyeysan: (tilmaame) ah wax biyo lagu daray. Caano biyeysan baad naga gadday. Dh: badhxan, xariir.
biyeysan: (tilmaame) wax biyo lagu shubay sida beer, la waraabiyey. Beertu way biyeysantahay oo biyo ma tawana. Dh: waraabsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oomman
(tilmaame) harraadan oo biyo u baahan. Nin comman ayaan waraabiyey.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qolaysan
(tilmaame) wax meel ku majaroorsan oo ku wada shuban. Biyo meel ku qolaysan ayaan adhiga waraabiyey Dh: urursan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yooc
-da: (magac, dhedig, keli) geed buuraleyda ka baxa oo caleen balballaadhan iyo jirrid weyn leh oo weelasha laga qorto. Okhole yooc ah baan lo'da ku soo waraabiyey
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Birwaraabsan
Birlab la waraabiyey si ay u adkaysin iyo raagsiinyaba badato.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
soo_waraabi
de: give (person ~ animal) water to drink
initial: s
lx: soo waraabi
pd: (waraabiyey)
ps: v2a=tr
key: soo_waraabi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raabiye
-ha: (magac, lab, keli) cudur ku dhaca eyda iyo dacawada. Raabiye ayuu qabaa eygani.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waraabe
(Waraaba-ha)
Dhurwaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waraabe
m.l (-bayaal, m.l/dh) Dhurwaa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
waraabe
m.l (-bayaal, m.l/dh) Dhurwaa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waraabe
m. n. hyena
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
WARAABE
Commiphora incisa 01
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
WARAABE
(Warabe) C Commiphora incisa Chiov. Burseraceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
waraabe
-waraabaha: (n) hyena (ha-yina) ~ dhurwaa
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waraabe
-ha: (magac, lab, keli) dugaag xagga dambe gaaban qarqarka horana taagan oo xoolaha cuna oo ci badan habeenkii. Waraabe meel laga guuray buu muuda ka hayaaye. Dh: dhurwaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waraabe
de: hyena
initial: w
lx: waraabe
pd: (/ha)
ps: n7-m
syn: dhurwaa
key: waraabe
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waraabi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Cid oomman biyo la cabbo siin. 2. Beer oomman biyo ku duwid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
waraabi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Cid oomman biyo la cabbo siin. 2. Beer oomman biyo ku duwid. m.f.dh, waraabin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waraabi
v. water, irrigate, provide water for
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
waraabi
-yey / say: (v) 1. water (woota); give drinking water; 2. irrigate (iri-geeyt); pour water on. Ex: beertii bay waraabisay; she watered the garden
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waraabi
(fal) biyo sii, harraad tir oo biyo cabbi. Waraabi wixii oomman eed aragto. Dh: cabsii, cabbi Li: harraadi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waraabi
de: water, irrigate, provide water for
initial: w
lx: waraabi
nt: warrabin (ta) [vn-f], warrabis (ka) [vn-m]
pd: (waraabiyey)
ps: v2a=tr
key: waraabi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waraabay
(fal) sida waraabaha u ci'; sida waraabaha samee. Dh: waraabee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waraabee
(fal) sida waraabaha u ci'; sida waraabaha samee. Carruurta u waraabee. Dh: waraabee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waraabid
m.f.dh eeg waraab². la-mid: waraab¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waraabin
(Waraabin-ta)
Biyo la cabbo siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waraabin
m.f.dh eeg waraabi. la-mid: waraabis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waraabin
vl. n. irrigation; watering
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
waraabin
-ta: (n) irrigation (iri-geey-shin); the act of watering or supplying water
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waraabin
-ta: (magac, dhedig, keli) biyo siin, harraad tirid oo biyo cabsiin. Hadduu daad galo beertu waraabin uma baahna. Dh: cabin, cabsiin. Li: harraadin.
waraabin -ta: (magac, dhedig, keli) beer, maagaddo u samayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waraabin
de: irrigation; watering
initial: w
lx: waraabin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: waraabin
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
waraabin
سَقَى سِقَايَة، رَيِّ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waraabis
(Waraabis-ka)
Waraabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waraabis
m.l la-mid: waraabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waraabis
-ka: (magac, lab, keli) eeg waraabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
talaabiye
-ha: (magac, lab, keli) qofka qof meel ama wax kale meel ka gudbiya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadaajiye
-ha: (magac, lab, keli) xarriiq wada mara labo xarriiqood oo barbaro ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waraabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sida waraabaha u ci'yid; dhurwaa iska dhigid. Carruurtu waraabaynta way ka sasaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warlaliye
-ha: (magac, lab, keli) qalab loo isticmaalo tebinta wararka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barbaariye
m.l (-yayaal, m.l/dh) Qof aqoon u leh barbaarinta dhallaanka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
barbaariye
m.l (-yayaal, m.l/dh) Qof aqoon u leh barbaarinta dhallaanka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barbaariye
-ha: (magac, lab, keli) qof u xilsaaran korinta iyo carbinta ubadka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waraariyid
-da: (magac, dhedig, keli) gariirid; ruxid; gilgilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waraab
(Waraab-ka)
1. Wax la cabbo.
2. (beer) biyaha lagu doojiyo, la cabsiiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waraab
waraab¹: m.l 1. Biyo siinta xoolo oomman biyo la siiyo. 2. W. ah: beer aan roob ku bixin oo webi, il iyo wixi lamida laga biyo siiyo. 3. la-mid: waraabid.
waraab²: m.l Ku filqinta biyaha dhulka dushiisa si aan dabiici ahayn, si loo fududeeyo ku beerista dalagga meel haddii aan la waraabin bixiddiisu aysan suurtagal ahaan lahayn, roobka oo ku yar awgeed.
waraab³: f.g1 (-bay, -btay) Biyo cabbid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
waraab
waraab¹: m.l 1. Biyo siinta xoolo oomman biyo la siiyo. 2. W. ah: beer aan roob ku bixin oo webi, il iyo wixi lamida laga biyo siiyo.
waraab²: m.l (c.beer) Ku filqinta biyaha dhulka dushiisa si aan dabiici ahayn, si loo fududeeyo ku beerista dalagga meel haddii aan la waraabin bixiddiisu aysan suurtagal ahaan lahayn, roobka oo ku yar awgeed. m.f.dh, waraabid.
waraab³: f.g1 (-bay, -btay) Biyo cabbid. m.f.dh, waraabid.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Waraab
Irrigation
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waraab
m. n. drink, something to drink; time for watering (livestock, garden, etc.)
waraab v. drink, quench one's thirst (of livestock ~ animal)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waraab
-ka: (magac, lab, keli) biyo la cabbo. Reerka waraab naga siiya.
waraab -ka: (magac, lab, keli) beer, biyaha lagu doojiyo, la waraabiyo.
waraab -ka: (magac, lab, keli) biyo siin. Beertu ma roob bay ku baxday mise waraab. Dh: waraabin Li: harraad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wariye
m.l (-yayaal, m.l/dh) Qofka wararka tebiya. la-mid: weriye.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
wariye
m.l (-yayaal, m.l/dh) la-mid: weriye.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wariye
m. n. reporter, journalist; informer
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wariye
-wariyaha: (n) journalist (joor-na-liist); reporter (ri-poor-tar) newscaster (niyuus-kaas-tar) ~ joornaaliist, warbaahiye
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wariye
-ha: (magac, lab, keli) qof ururiya dhacdooyinka oo warfaafinta u tebiya ama ka warrama. Boqollaal weriye ayaa ku dhintay iska horimaadyada hubaysan ee Muqdisho. Dh: weriye.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wariye
de: reporter, journalist; informer
initial: w
lx: wariye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: wariye
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
wariye
صحفِي صَحَفِي صِحَافِي
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ababiye
-ha: (magac, lab, keli) qof ka shaqeeyal barbaarinta ubadka. Dh: barbaariye.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Caabiye
Resistor
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
caabiye
to offer resistance
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Caabiye
Caabiyaha qaydaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carbiye
m.l (-yayaal, m.l/dh) Qof wax carbiya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maraabe
m.l la-mid: maraabo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maraabe
m. n. rolling (of ship)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maraabe
-ha: (magac, lab, keli) dheeldheeliga doonyaha iyo maraakiibta badda kolka mawjaduhu ay kolba dhan u dullaamiyaan. Dh: maraabo, duldullaan, dheeldheelli, leegleegad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maraabe
a: maraabo
de: rolling (of ship)
lx: maraabe
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: maraabe
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raabiya
m.dh (daawo) Cudur muddo gaaban oo uu keeno fiirus, wuxuuna ku dhacaa maskaxda iyo xangullada ee xoolaha dhiigga kulul, waxaana sida badan dadka u gudbiya qaniinyada ey cudurka qaba. Astaamuhu waxay soo baxaan muddo u dhexeysa 10 beri ilaa sannad waxayna ka koobanyihiin: jir xanuun, qandho, dhibaato neefsashada, dhareerid, xilliyo qofku aad u kacayo iyo muruq-roor xanuun badan oo ay liqiddu keento. Xaaladaha dambe ee cudurka; aragga biyaha oo keena qallal iyo curyaannimo. Dhimashadu waxay dhacdaa 4-5 beri dhexdood.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
raabiya
m.dh (daaw.) Cudur muddo gaaban oo uu keeno fiirus, wuxuuna ku dhacaa maskaxda iyo xangullada ee xoolaha dhiigga kulul, waxaana sida badan dadka u gudbiya qaniinyada ey cudurka qaba. Astaamuhu waxay soo baxaan muddo u dhexeysa 10 beri ilaa sannad waxayna ka koobanyihiin: jir xanuun, qandho, dhibaato neefsashada, dhareerid, xilliyo qofku aad u kacayo iyo muruq-roor xanuun badan oo ay liqiddu keento. Xaaladaha dambe ee cudurka; aragga biyaha oo keena qallal iyo curyaannimo. Dhimashadu waxay dhacdaa 4-5 beri dhexdood.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
RAABIYA
(Rabia) S Cassia abbreviata Oliv. Caesalpinaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raaciye
(Raaciya-ha)
Dad talis qalaad u taliyo oo ku hoos nool; beel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raaciye
m.l 1. Dad waddan ku wada nool inta maamulka haysa mooyaane inta kale oo la xukumo; shacbi. 2. Dad inta aan ciidan ahayn; rayid. la-mid: raaciyad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
raaciye
m.l 1. Dad waddan ku wada nool inta maamulka haysa mooyaane inta kale oo la xukumo; shacbi. 2. Dad inta aan ciidan ahayn; rayid. la-mid: raaciyad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
raaciye
m. n., [collective] followers, subjects; civilian people, public
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
raaciye
bw: Arabic
cf: raciyad
de: followers, subjects; civilian people, public
lx: raaciye
pd: (/ha)
ps: n-m-col
key: raaciye
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raadiye
m.l (-yayaal, m.l/dh) 1. Qalab elektaroon ah oo wararka dira lagana baahiyo. 2. Saldhigga wararka laga diro. la-mid: raadi-yow.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
raadiye
m.l (-yayaal, m.l/dh) 1. Qalab elektaroon ah oo wararka dira lagana baahiyo. 2. Saldhigga wararka laga diro. la-mid: raadiyow.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
raadiye
m. n. radio
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
raadiye
-raadiyaha: (n) radio (reed-yoo) ~ reedyow, raadyow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raadiye
-ha: (magac, lab, keli) qalab codka laga dhegeyso oo leh samaacad jabaqda ka soo qabata hirarka oo weynaysa. Dh: raadyoo, raadiyow.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
raadiye
de: radio {Eng}
lx: raadiye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: raadiye
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saraaye
-ha: (magac, lab, keli) colaad dagaallo iyo ibtilo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Waaliye
magac loo bixiyo wiil hooyadii ku dhibaatootay markuu uurka ku jiray ama dhalanayay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
walaabi
m.dh (-iyo, m.l) Naag si sharci darro ah loogu galmoodo ama jirkeeda iibsata; dhillo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walaabi
-da: (magac, dhedig, keli) naag aan jidhkeeda ragga u diidin. Dh: dhillo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waraari
f.g1 (-ryay, -riday; -ryi) Wax ruxid ama jiljilid (gilgilid).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waraari
v. shake
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waraari
(fal) rux; gilgil, walaaq.
waraari: (fal) haan iyo wax la mid ah, cul adigoon biyo marin iyo qoyaan toona. Haanta qori waraari. Dh: cul, cug.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waraari
cf: gilgil; rux
de: shake
initial: w
lx: waraari
pd: (waraaryay / waraariday)
ps: v1=tr
key: waraari
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waraase
m.l la-mid: waraasi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waraase
-ha: (magac, lab, keli) midab bunni ah oo cawlan gaar ahaan ka lo'da.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waraasi
(Waraasi-da)
1. (caano) dhay kasoofeen ah oo labeen cas soo yeelanaya.
2. (Waraasi-ga) (midab) labeenta u eg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waraasi
m.dh 1. Midab cawl ah oo lo'du yeelato. 2. Caano dhay ah, cabbaar yiil oo xoortii ka dhacday, labeenna soo yeelanaya. la-mid: waraase.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waraasi
f. n., (mass n.): fresh milk with cream on top; glossy brown (color of cattle)