waraabalahadal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waraabalahadal
m.l (-lyo, m.l) W. ah: qof cida dhurwaaga yaqaan oo fasira.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waraabalahadal
m. n., [compound] person who can interpret the sounds of animals and predict events on this basis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waraabalahadal
-ka: (magac, lab, keli) qof la rumaysan yahay in uu dugaagga afkooga yaqaan gaar ahaan waraabaha.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waraabalahadal
de: person who can interpret the sounds of animals and predict events on this basis Lit: speak with hyena
initial: w
lx: waraabalahadal
pd: (-ka)
ps: n2a-m-cmp
key: waraabalahadal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waraabadadow
m.l.kh W. ah: qof qori isku dhufta oo waraabe isu beddela; qori-ismaris (sheko-baralay).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
waraabadadow
m.l.kh W. ah: qof qori isku dhufta oo waraabe isu beddela; qori-ismaris (sheko-baralay).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waraabadadow
m. n., [compound] person who can turn into a hyena (in folklore)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waraabadadow
-ga: (magac,lab, keli) qori ismaris. Waraabadadow ayaa nasoo galay xalay. Dh: qor'ismaris.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waraabadadow
de: person who can turn into a hyena (in folklore) Alt sp: waraabe-dadow
initial: w
lx: waraabadadow
pd: (-ga)
ps: n2a-m-cmp
key: waraabadadow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waraabsanaan
m.f.dh eeg waraabsan. la-mid: waraabsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waraabsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax biyo ka dheregsan ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadaalkahadal
-ka: (magac, lab, keli) dib ka hadal; mar dambe hadal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waraabesalaax
-a: (magac, lab, keli) dabeecad fiican oo cid walba lala dhaqmi karo. Waa nin waraabasalaax ah boqorka beeshu.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaqulhadal
-ka: (magac, lab, keli) hadalxumo; afxumo. Dh: qadaf, aflagaaddo, deelqaaf, afxumo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carabla'aan
-ta: (magacwadareed) ereyada qaarkood oo aan qofku ku dhawaaqi karin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaraabaysad
(Qaraabaysad-ka)
Qaraabaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaraabaysad
m.l la-mid: qaraabaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaraabaysad
-ka: (magac, lab, keli) qaraabo ahaan ugu soo dhawaansho. Dh: qaraabaysasho.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Wakaalad-da
1) bureau, 2) agence.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraadla'aan
-ta: (magac, dhedig, keli) maqnaanta xiska ama garadka qofka. Baraadla'aan buu ku dilay. Dh: miyirla'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carrabla'aan
m.f.dh 1. eeg carrabla'². 2. Shigshigidda. la-mid: carrabla'aansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
carrabla'aan
f. n. lisp, stammer, stutter
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
carrabla'aan
-ta: (n) stammer (istam-er); lisp (liisp); stutter (ista-ter)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carrabla'aan
-ta: (magac, dhedig, keli) ereyada qaarkood oo aan la odhan karin ama qaarkood si qaldan ugu dhawaaqid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
carrabla'aan
de: lisp, stammer, stutter
lx: carrabla'aan
pd: (-ta)
ps: n-f
key: carrabla'aan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacankahadal
-ka: (magac, lab, keli) gacanta ka dagaallamid; cid kale, u gacanqaadid. Li: afkahadal, afkahadlid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
magaalamadax
-da: (n) capital (kaapital); capital city
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magaalamadax
-da: (magac, dhedig, keli) magaalada saldhigga u ah xarumaha looga taliyo dalka iyo dadka ee ay hay'daha dawliga ahi deggen yihiin. Dh: caasimad, xarun.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tarantallaal
m.l (baay.) Qaab taran jinsila' oo ka dhaca dhirta, halkaas oo ay ka samaysmaan dhismayaal gaar ah oo unugyo badanley ah, kuwaas oo harka dambena ka go'a waalidkood. Tusaale: 'Tuyuubar iyo balbka'.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Waraabinayya
arroser, irriguer.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
markab-dagaal
(n) warship (woor-ship)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaraabaqansax
m.l/dh.u Qaraabannimo aan dhaweyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaraabaqansax
-a: (magac, lab, keli) qaraabo shishe oon dhawayn. Qaraabaqansax ayaa wax la isku weydiistaa. Dh: qaraabasaxati
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaraabasaxati
-da: (magac, dhedig, keli) qaraabo fog oon dhawayn. Ninka qaraabasaxati ayaan nahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waraabe-dadow
(Waraabe-dadow-ga)
Qorismaris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waraabedharle
-ha: (magac, lab, keli) magac dhalanteed ah oo sheeka carruureedyada ku jira. Waraabedharle looma dhawaado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carrabcalashad
-ka: (magac, lab, keli) carrabka oo xanuun ama cadho dartood, loo qanqaniino.
carrabcalashad -ka: (magac, lab, keli) falaad dadka qaarkiis dabci u noqda oo qofku mar kasta oo afkiisu madhan yahay uu ku mashquulo carrabka iyo gawsihiisa oo uu isku qabqabanayo: wuxuu carrabkiisa u ruugaa sidii uu isaga calalshanayo oo kale. Dh: carrabcalashi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaaraabildhaan
-ka: (magac, lab, keli) cayayaan yar oo marka uu roobku da'o habeenkii soo baxa oo mar dhalaala marna dama, cayayaan iftiima habeenkii, nooc duula iyo nooc aan duulin ba leh. Dh: garabildhaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waraabaqandhis
m.l Caano dhaynimo ka baxay oo aan aad u suusucin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waxqabadla'aan
-ta: (magac, dhedig, keli) shaqaxumo iyo baashaalid. Ninkii la eryey waxqabadla'aan ayaa lagu eedeeyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waraabsanaansho
m.l/dh la-mid: waraabsanaan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
barasho barashada
(n) 1. the act of learning or gaining knowledge, education, information, comprehension, or skill waxbarasho. 2. acquaintance (a-kuwayn-tensi)