waqaqee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waqaqee
(fal) si fiican u baano oo u xanaanee qof buka. Ha bogsadee waqaqee, dh: buulee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waagee
(ereysu'aaleed) lagu bilaabo su'aal lagu ogaanayo xilliga falku dhacay. Dh: xillima, goorma, waama, hadma.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waakee
(ereysu'aaleed) lagu bilaabo su'aal lagu ogaanayo cidda fal dhacay samaysay. Waakee ninka labaabka furay. Dh: kuma, ayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waaqle
-ha: (magac, lab, keli) qori ama hub ka dhaca jiibka oo taangiyada lagaga hortego. Intaan waaqle iyo, wareerkani dhicin, gaashaanle wanaagsanaayaa.
waaqle -ha: (magac, lab, keli) shimbir madaw oo xeebaha iyo meelaha degaannada ah ku badan. Intaan waaqluhu ciyin ee waaga berigiisa kallah. Dh: qanbaar, tuke, qaaqle.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waaxee
f.g2 (-xeeyay, -xaysay) Wax afar meelood u qaybin. la-mid: waaxyee.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
waaxee
f.g2 (-xeeyay, -xaysay) Wax afar meelood u qaybin. m.f.dh, waaxayn. la-mid: waaxyee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waaxee
v. quarter, divide into quarters
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
waaxee
-yey / waaxeysay: (v) divide into shares
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waaxee
(fal) cad iyo wax la mid ah jarjar oo afar waaxood ka dhig. Waaxee neefka.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waaxee
de: quarter, divide into quarters
initial: w
lx: waaxee
pd: (waaxeeyey)
ps: v2b=tr
key: waaxee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waayee
f.g2 (-yeeyay, -yeysay) Ilmo si uu u seexdo ruxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wajaqe
-ha: (magac, lab, keli) waalli aan maryo tuur ahayn is dhaafdhaafna ka muuqdo. Waar wajaqaha nala dhaaf. Dh: xayraan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waqaqo
-da: ( magac, dhedig, keli) baanasho iyo buullayn loo sameeyo qof dhaawac ama bugtaan qaba. Wuu kabmi lahaaye waqaqo ayuu waayay. Dh: buullo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nafaqee
f.g2 (-qeeyay, -qaysay) Wax nafaqo siin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nafaqee
f.g2 (-qeeyay, -qaysay) Wax nafaqo siin. m.f.dh, nafaqayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nafaqee
v. feed, nourish
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nafaqee
-yey / nafaqeysay: (v) supply with nourishment; nourish (noorish); feed with food; nurture (neer-jar) ~ nafaqo sii, dheefi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nafaqee
(fal) cunto nafaqo gelisa sii. Nafaqee caruurta macaluushay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nafaqee
de: feed, nourish
lx: nafaqee
pd: (nafaqeeyey)
ps: v2b=
key: nafaqee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naqasee
(fal) neefee oo hawo geli. Kubbada naqasee. Dh: neefee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sadaqee
f.g2 (-qeeyay, -qaysay) Sadaqo bixin. la-mid: saddaqee.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sadaqee
f.g2 (-qeeyay, -qaysay) Sadaqo bixin. m.f.dh, sadaqayn. la-mid: saddaqee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sadaqee
v. give something to the poor
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sadaqee
-yey saqadeysay: (v) pay as charity
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sadaqee
de: give s.t. to the poor
initial: s
lx: sadaqee
pd: (sadaqeeyey)
ps: v2b=tr
key: sadaqee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saqafee
f.g2 (-feeyay, -feysay) Timo saqaf ku firid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waaqlee
f.mg2 (-leeyay, -laysay) Qof, tuke iyo wixi lamida qaylo dheer aad ugu qaylin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waaqlee
v. make a shrill, piercing sound (of bird, frog, etc.)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waaqlee
(fal) oy oo si kor ah u qayli; codka 'waaq' ku celceli.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waaqlee
de: make a shrill, piercing sound (of bird, frog, etc.)
initial: w
lx: waaqlee
pd: (waaqleeyey)
ps: v2b=intr
key: waaqlee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadaree
(fal) waxyaabo badan isku geegee oo shay keliya ka dhig. Reerka wadaree. Li: keliyee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barqagee
(fal) subaxa inta aan la lisin lo'da yara foofi dabadeena soo barqajebi, ku soo celi xerada si loo maalo. Lo'da bargagee oo galaha weybiga soo mari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falanqee
f.g2 (-qeeyay, -qaysay) Arrin si dhab ah uga doodid; arrin u kuurgelid, arrin gudo gelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
falanqee
f.g2 (-qeeyay, -qaysay) Arrin si dhab ah uga doodid; arrin u kuurgelid, arrin gudo gelid. m.f.dh, falanqayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
falanqee
v. analyze; dissect; explain
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
falanqee
-yey / falanqaysay: (v) investigate; discuss; make inquiries
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falanqee
(fal) eeg faallee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
falanqee
de: analyze; dissect; explain
lx: falanqee
pd: (falanqeeyey)
ps: v2b=
key: falanqee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habaqlee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) Si habaqle ah u socosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaqlee
(fal) eeg habaqlay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hataaqee
f.g2 (-qeeyay, -qeysay) la-mid: hantaaqee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hataaqee
v. shove, push forward
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hataaqee
(fal) hanboorriyee; turaanturree.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hataaqee
de: shove, push forward
lx: hataaqee
pd: (hataaqeeyey)
ps: v2b=tr
key: hataaqee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ladqabee
f.g/mg2 (-beeyay, -baysay) 1. (f.g) Qof caraysan maslixid. 2. (f.mg) Kala l.: laba qof ama ka badan oo dagaashan maslaxo dhex dhigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ladqabee
v. interrupt
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ladqabee
de: interrupt
lx: ladqabee
pd: (ladqabeeyey)
ps: v2b=tr
see: laqdabee (for related entries)
key: ladqabee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laqanyee
f.g2 (-yeeyay, -yaysay) Cid laqanyo dareensiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laqanyee
v. make someone nauseous
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laqanyee
(fal) laqanyo ku rid; ladaadyee; liidaanyee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laqanyee
de: make s.o. nauseous (e.g., giving food that is too sweet or greasy)
lx: laqanyee
pd: (laqanyeeyey)
ps: v2b=tr
key: laqanyee
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laqdabee
v. interrupt
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
laqdabee
-yey / laqdabeysay: (v) deceive (diziiv); betray (bitareey), mislead (misliidh); cheat (jiit), beguile, delude, dupe; swindle (iswindal); fool (fuul) ~khiyaan, khatal, khayaan
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laqdabee
a: ladqabee
de: interrupt
lx: laqdabee
pd: (laqdabeeyey)
ps: v2b=tr
key: laqdabee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mashaqee
f.g2 (-qeeyay, -qaysay) Wax mashaqo ku abuurid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mashaqee
v. put into confusion
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mashaqee
(fal) eeg mashaqay
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mashaqee
de: put into confusion
lx: mashaqee
pd: (mashaqeeyey)
ps: v2b=tr
key: mashaqee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarqaree
f.g2 (-reeyay, -raysay) Dhul buuraley ah qardajeexid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarqaree
(fal) dhul buuraley ah qardajeexid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saddaqee
f.g2 (-qeeyay, -qeysay) la-mid: sada-qee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
salaqlee
v. wander around, walk about aimlessly
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
salaqlee
de: wander around, walk about aimlessly
initial: s
lx: salaqlee
pd: (salaqleeyey)
ps: v2b=
key: salaqlee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saqaafee
f.mg2 (-feeyay, -feysay) la-mid: saqaaf².
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Wacayeen
name-m blessed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadaadee
(fal) wadaad iska dhig; shaqo wadaad qabto qabo ama si wadaad u lebiso. Reerka culimo kali ma joogtee u wadaadee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
walaalee
f.g2 (-leeyay, -laysay) Walaalo ka dhigid (cid).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
walaalee
f.g2 (-leeyay, -laysay) Walaalo ka dhigid (cid). m.f.dh, walaalayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
walaalee
v. make (two ~ more people) into brothers ~ sisters
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walaalee
(fal) wax walaalo ah ka dhig. Labada beelood walaalee oo heshiisii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
walaalee
de: make (two ~ more people) into brothers ~ sisters (as a sign of friendship or warmth)
initial: w
lx: walaalee
pd: (walaaleeyey)
ps: v2b=tr
key: walaalee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
walaclee
f.mg2 (-leeyay, -laysay) la-mid: walalaclee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walaclee
(fal) iftiin bilig bilig ah oo is dabajoog ah samee. Sida hillaaca u walaclee.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Walaxeed
Objective
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wantafee
(fal) wanqal ka gawrac ilmo dhashay. U wantafee ilmahaaga curad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waraabee
(fal) sida waraabaha u ci'; sida waraabaha samee. Carruurta u waraabee. Dh: waraabee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warqaade
-ha: (magac, lab, keli) qof wararka gura oo wuxuu maqlo cid kale u tebiya. Wargaade waa weel dabada ka daloola.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warqabte
-ha: (magac, lab, keli) qalab codka duuba oo cajlado ku wareejiya. Dh: rikoodh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wasakhee
f.g2 (-kheeyay, -khaysay) Wax wasakh gaarsiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
wasakhee
f.g2 (-kheeyay, -khaysay) Wax wasakh gaarsiin. m.f.dh, wasakhayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wasakhee
v. dirty, make dirty, litter
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wasakhee
-yey wasakheysay: (v) make dirty; dirty (deedhi); soil (sooyal); defile (di-faayl) smear (ismiiyar); make a mess; make unclean
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wasakhee
(fal) shay nadiifa wasakh marmari. Dharkaaga haddaad doonto wasakhee kuwa dadkase ha u dhawaan. Dh: uskagee. Li: nadiifi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wasakhee
de: dirty, make dirty, litter
initial: w
lx: wasakhee
pd: (wasakheeyey)
ps: v2b=tr
key: wasakhee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wasladee
f.g2 (-deeyay, -daysay) 1. Hilib waslado u jarjarid. 2. Wax qaybo u jarjarid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
wasladee
f.g2 (-deeyay, -daysay) 1. Hilib waslado u jarjarid. 2. Wax qaybo u jarjarid. m.f.dh, wasladayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wasladee
v. chop up (into pieces ~ chunks)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wasladee
(fal) eeg waasladay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wasladee
de: chop up (into pieces ~ chunks)
initial: w
lx: wasladee
pd: (wasladeeyey)
ps: v2b=tr
key: wasladee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wayaakee
f.g2 (-keeyay, -keysay) Hanti xoolo nool ah siin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wayaakee
(fal) hanti xoolo nool ah, cid kale, sii.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Wayaheed
1) pourquoi 2) pourquoi pas? 3) parce que.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wadashaqee
-yey / wadashaqeysay / wadashaqeeyeen: (v) work together; collaborate (ko-laaba-reeyt); cooperate (kowapa-reeyt)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waaq
(Waaq-a)
Ilaah; Eebbe; Rabbi.
Waaq-
(sida waaqay, waa-qood) weli-waaq; waq-waaq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waaq
m.l Magac ay Soomaalidu waagii hore ay u tigiin Ilaah. la-mid: waq.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
waaq
m.l Magac ay Soomaalidu waagii hore ay u tigiin Ilaah. la-mid: waq.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Waaq
m. n. God
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waaq
adv., time: still, yet, ever; never
waaq inter. croak
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Waaq
-a: (n) Allah (allah)-, God (gaadh), deity (diyati) ~ Ilaah, Eebe, Weyne
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Waaq
magac ka mid ah magacyada Alle oo Soomaali ah.