wanaaje
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Wanaaje
name-m perfecter; good-doer
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadaaje
-ha: (magac, lab, keli) qof ku ba'an balwadaha qaar sida: jaadka, qaxwaha, bunka iyo wixii la mid ah. Waar bunka wadaajaha ku horreysiiya. Dh: abuxaraare.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wanaaji
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax wanaagsan ka dhigid. 2. Cid wanaag u samayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
wanaaji
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax wanaagsan ka dhigid. 2. Cid wanaag u samayn. m.f.dh, wanaajin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wanaaji
v. make something nice ~ good; improve, adjust; set in order
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wanaaji
-yey / say: (v) make better; treat nicely; enhance (in-heen-si); improve (im-puruuv) ~ hagaaji
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wanaaji
(fal) wax wanaagsan ka dhig. Shaqadaada wanaaji. Dh: fiicnee, hagaaji, suubbi, fiicnay. Li: xumee, bi'i, kharrib.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wanaaji
de: make s.t. nice ~ good; improve, adjust; set in order
initial: w
lx: wanaaji
pd: (wanaajiyey)
ps: v2a=tr
key: wanaaji
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wanaajin
(Wanaajin-ta)
Wax wanaagsan ka dhigid; hagaajin; suubbin; fiicnayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wanaajin
m.f.dh eeg wanaaji. la-mid: wanaajis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wanaajin
vl. n. improvement (of method, procedure, etc.)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wanaajin
-ta: (n) betterment (beter-ment); improvement (im-puruuv-ment); enhancement (in-heensi-ment) ~ hagaajin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wanaajin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax wanaagsan ka dhigid. Wanaajinta hawsha qof kasta waa laga sugayaa. Dh: fiicnayn, suubbin, hagaajin, wanaajis. Li: xumayn, bi'in, kharribid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wanaajin
de: improvement (of method, procedure, etc.)
initial: w
lx: wanaajin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: wanaajin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wanaajis
m.l la-mid: wanaajin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wanaajis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg wanaajin.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Wahaaj
name-m brilliant, shining
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wanaag
(Wanaag-ga)
Wixii fiican oo waxtar leh; sami.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wanaag
m.l Wixii fiican oo waxtar leh; samo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
wanaag
m.l Wixii fiican oo waxtar leh; samo.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
wanaag
fair conduct
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wanaag
m. n., [abstract] (adj.): goodness, kindness, mercy; good, excellent
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Wanaag
name-f goodness, kindness, mercy; nice, excellent
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wanaag
-ga: (n) goodness (guud-nes); cooperation (kowo-pareey-shiri); helpfulness (help-fuul-nes); rapport (ra-poor) ~ samaan, same
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Wanaag
Buono
Good
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wanaag
-ga: (magac, lab, keli) wixii fiican oo waxtar leh. Wanaag kaama sugayee waxyeellada iga yaree. Dh: samaan, fiicni.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wanaag
bw: fiican; waxtar
de: goodness, kindness, mercy; [atr.] good, excellent
initial: w
lx: wanaag
pd: (-ga)
ps: n0-m-abs; n2a-m
syn: salaax, samaan ~ sami
key: wanaag
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
wanaag
خَيْرٍ
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Gafaaje
nickname-m big and strong
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Gafaaje
magac loo baxsho wiil abuur ahaan weyn oo awood leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gannaje
-ha: (magac, lab, keli) meel xadaafiir ah oo aan daaq lahayn. Dh: hannas.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Tanaade
magac loo baxsho wiil loo baryayo Eebbe inuu ka dhigo mid guulaysta oo cimri dherer ku leda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wadaage
(Wadaaga-ha)
1. Wax wareegsan sida garangarta, gadowga, kd., meesha kala barta.
2. Meeshii waxyaalo badan oo isku xirani isugu yimaadaan, iska haystaan.
3. (heense) meesha dhudaha caynaanku isaga yimaadaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wadaage
m.l (-gayaal, m.l/dh) 1. Wax wareegsan sida garangarta, gadawga iyo wixi lamida meesha kala barta. 2. Meesha waxyaalo badan oo isku xirani isugu yimaadaan ama iska haystaan. 3. Meesha dhudaha caynaanku isaga yimaadaan (heense).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wadaage
m. n. center (of a circle); central ~ shared area, point where several things meet
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadaage
-ha: (magac, lab, keli) meel waxyaalo badan oo isku xidhani is kugu yimaaddaan oo ay iska haystaan.
wadaage -ha: (magac, lab, keli) heensaha ay dhudaha caynaanku iskugu meelihiisa yimaaddaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wadaage
de: center (of a circle); central ~ shared area, point where several things meet
initial: w
lx: wadaage
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: wadaage
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wadaaji
f.lg2 (-iyay, -isay) 1. Dad wax ka dhexeysiin. 2. Wax qaybin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
wadaaji
f.lg2 (-iyay, -isay) 1. Dad wax ka dhexeysiin. 2. Wax qaybin. m.f.dh, wadaajin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wadaaji
ditransitive v. share out with others; give a share of something to someone
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wadaaji
-yey / say: (v) act as a moderator; moderate (moda-reeyt)-, portion out; facilitate
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadaaji
(fal) wada sii oo cunto ama caano ha wadaagaan; dheef wada sii ha wadaageene. Ninba kol yuun cashayne carruurta wadaaji. Dh: wadaagsii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wadaaji
de: share out with others; give a share of s.t. to s.o.
initial: w
lx: wadaaji
pd: (wadaajiyey)
ps: v2a=ditr
key: wadaaji
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walaage
-ha: (magac, lab, keli) fundhaal weyn oo dheryaha la karinayo lagu laaqo si aanay cuntadu isku qabsan ama u qurdoobin. Walaaqe beriis ah u dar ninka miskiinka ah. Dh: qudde, qunde.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wanaani
(fal) soco oo xarrago darteed madaxa la rux. Wanaani sidii dibi korme ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waraabe
(Waraaba-ha)
Dhurwaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waraabe
m.l (-bayaal, m.l/dh) Dhurwaa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
waraabe
m.l (-bayaal, m.l/dh) Dhurwaa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waraabe
m. n. hyena
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
WARAABE
Commiphora incisa 01
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
WARAABE
(Warabe) C Commiphora incisa Chiov. Burseraceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
waraabe
-waraabaha: (n) hyena (ha-yina) ~ dhurwaa
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waraabe
-ha: (magac, lab, keli) dugaag xagga dambe gaaban qarqarka horana taagan oo xoolaha cuna oo ci badan habeenkii. Waraabe meel laga guuray buu muuda ka hayaaye. Dh: dhurwaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waraabe
de: hyena
initial: w
lx: waraabe
pd: (/ha)
ps: n7-m
syn: dhurwaa
key: waraabe
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waraase
m.l la-mid: waraasi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waraase
-ha: (magac, lab, keli) midab bunni ah oo cawlan gaar ahaan ka lo'da.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waxaase
conj. but what ...; but the thing that ...
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waxaase
de: but what ...; but the thing that ... [CLEFT FOCUS]
initial: w
lx: waxaase
ps: focus + conj
key: waxaase
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wayaale
-ha: (magac, lab, keli) dirxi ku dhasha faraha lugaha hoostooda oo dubku soo foocmo. Meel wayaale ku jiro cuncun baa lagu gartaa. Dh: wayaane.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xanaaji
f.mg2 (-iyay, -isay) Ka x.: qof in uu xanaaqo badid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xanaaji
f.mg2 (-iyay, -isay) Ka x.: qof in uu xanaaqo badid. m.f.dh, xanaajin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanaaji
(fal) ka cadhaysii; ka xanaaqsii. Ninkaad la garramayso ka xanaaji aad ka garheshide. Dh: cadhaysii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadaajiye
-ha: (magac, lab, keli) xarriiq wada mara labo xarriiqood oo barbaro ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
banbaane
-ha: (magac, lab, keli) eeg bam.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danbaabe
-ha: (magac, lab, keli) qof dembi gala. Beni'aadanku waa dambaabe. Dh: dambaabe.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
danbaaji
-yey I say: (v) cause someone to sin or commit a sin ~ dambaabi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danqaare
m.l la-mid: danqaaro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danqaare
-ha: (magac, lab, keli) taabasho la taabto wax kolka horeba aan luga adag ku joogin. Dh: dangaro, danqaab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanqaare
m.l 1. Xiiqid. 2. Qalbijab. 3. Wax si aan habboonayn loo qaado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanqaare
-ha: (magac, lab, keli) meel aad aaday wax ka soo waayid; lugooyo; luggo'id.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanraawe
-ha: (magac, lab, keli) waraabaha kiisa weerara adhiga cidlada ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Jannaale
magac loo baxsho wiil barwaaqo iyo raaxo ku dhashay ama loo rajaynayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanlaawe
-ha: (magac, lab, keli) dhul ay hareeraha kamaraan laba doox ama laba laagood oo kala baydha. Saracaan qotay bay sakaaro cuntoo, sokeeye kuma lihi sanlaawaha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waayaale
-ha: (magac, lab, keli) qof aqoon badan ka helay wuxuu soo maray ama soo arkay. Adaa waayaale ahe war naga sii wixii ku soo maray. Dh: waaya'arag.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadaadee
(fal) wadaad iska dhig; shaqo wadaad qabto qabo ama si wadaad u lebiso. Reerka culimo kali ma joogtee u wadaadee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wadaajin
(Wadaajin-ta)
Wada siin; ka dhexaysiin; wada gaarsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wadaajin
m.f.dh eeg wadaaji.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadaajin
-ta: (magac, dhedig, keli) wada cunsiin; ka dhexaysiin. Dh: wadaajis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadaajis
-ka: (magac, lab, keli) eeg wadaajin.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Wadaarre
nickname; name-m mason; skilled in masonry
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
walaalee
f.g2 (-leeyay, -laysay) Walaalo ka dhigid (cid).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
walaalee
f.g2 (-leeyay, -laysay) Walaalo ka dhigid (cid). m.f.dh, walaalayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
walaalee
v. make (two ~ more people) into brothers ~ sisters
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walaalee
(fal) wax walaalo ah ka dhig. Labada beelood walaalee oo heshiisii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
walaalee
de: make (two ~ more people) into brothers ~ sisters (as a sign of friendship or warmth)
initial: w
lx: walaalee
pd: (walaaleeyey)
ps: v2b=tr
key: walaalee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wanaagso
f.g3 (-saday, -satay) Wax si fiican u suubsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
wanaagso
f.g3 (-saday, -satay) Wax si fiican u suubsasho. m.f.dh, wanaagsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wanaagso
v. improve ~ adjust something for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wanaagso
(fal) wax, u arag in uu fiican yahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wanaagso
de: improve ~ adjust s.t. for oneself
initial: w
lx: wanaagso
pd: (wanaagsaday)
ps: v3a=tr
key: wanaagso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wandaafi
(fal) qof kale wax uu sido la qaad oo hareeraha la qabo. Kaalay wiilka joonyadda la wandaafi. Dh: handaafi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wanjaaci
f.g2 (-iyay, -isay) Ka w.: wax cid ka leexin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wanjaaci
(fal) ka meel ka weeci. Wanjaaci laxda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wanjaafo
-da: (magac, dhedig, keli) qaab loo dagaallamo oo qofka la isu weydaarsho. Dh: sabbaaxad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wanqaari
f.g2 (-iyay, -isay) Qof dhibaato jir u geysasho. Tusaale: “Caasho wiilkii bay wanqaartay”.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wantafee
(fal) wanqal ka gawrac ilmo dhashay. U wantafee ilmahaaga curad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waraabee
(fal) sida waraabaha u ci'; sida waraabaha samee. Carruurta u waraabee. Dh: waraabee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warqaade
-ha: (magac, lab, keli) qof wararka gura oo wuxuu maqlo cid kale u tebiya. Wargaade waa weel dabada ka daloola.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wayaakee
f.g2 (-keeyay, -keysay) Hanti xoolo nool ah siin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wayaakee
(fal) hanti xoolo nool ah, cid kale, sii.