walqaswalqas
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walqaswalqas
-ta: (magac, dhedig, keli) socod isdhexyaal ah degdeg ah. Maxaad walqaswalqasta la haysaa naga fadhiiso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balasbalas
(ereycodeed) lagu tusmeeyo orod aan xawli ahayn oo kadlayn ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walacwalac
-da: (magac, dhedig, keli) iftiin kol bilig yidhaa kolla bakhtiya oo sidaa ku wada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalqaalis
m.l la-mid: qalqaalin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalqaalis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qalqaalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qasaanqas
(Qasaanqas-ta)
Nafley yar oo badda ku jirta oo sida xabagta qoyan ama quraaradda u cad oo jiljilicsan oo badda kor sabbaysa; waxaa ku wareegsan oo ka lusha raamo badan, xajiin daranna waa leedahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qasaanqas
m.dh (cilmiga naflayda) Nafley yar badda ku jirta leh midabka quraaradda, oogo jilicsan oo dhegdheg leh oo biyaha dul sabbeysa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qasaanqas
m.dh (cilmiga naflayda) Nafley yar badda ku jirta leh midabka quraaradda, oogo jilicsan oo dhegdheg leh oo biyaha dul sabbeysa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qasaanqas
f. n., [collective] jelly-fish, Medusa species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qasaanqas
-ka (magac, lab, keli) wareer iyo degid la'aan.
qasaanqas -ta: (magac, dhedig, keli) nafley yar oo badda ku jirta oo kor sabbaysa oo sida xabagta qoyan ama quraaradda u cad oo u jilicsan waxaa ku wareegsan oo ka lusha raamo badan waana lagu xajiimoodaa. Qasaanqas ayaa i taabtay oon ku xajiimooday.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qasaanqas
bw: sp.
de: jelly-fish,
lx: qasaanqas
pd: (-ta)
ps: n-f-col
sc: Medusa
key: qasaanqas
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walaalays
-ka: (magac, lab, keli) eeg walaalayn.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
walqashay
(v) name and dedicate ceremonially, usually with respect to an infant ~ u walqal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
walwalsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Ka w.: wax welwel hayo ahaansho. la-mid: warwarsan, welwelsan, werwersan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
walwalsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Ka w.: wax welwel hayo ahaansho. m.f.dh, walwalsanaan. la-mid: warwarsan, welwelsan, werwersan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
walwalsan
-aa / ayd: (adj) distressed (dis-tareesidh); anxious (aang-shas), worried (wooridh); concerned (kon-seenidh); fretful (fareet-ful) ~ walaacsan, walbahaarsan, welwelsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walwalsan
(tilmaame) caloolyowsan, uurkutaallo hayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalqaalsad
-ka: (magac, lab, keli) si gaar ah wax u qabangaabsasho. Qalqaalsadki safarka ayaan waayahan ku jiraa. Dh: qalqaalsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walawalley
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaar da' weyn oo ka mid ah ciyaaraha subciska ah ee aan lahayn boodbood, waxayna ka mid tahay ciyaaraha la iskugu gabyo qalabka loo qaato ama lagu tumo waxa ka mid ah durbaan weyn ama teneg qoryo lagu tumo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calanwalays
-ka: (magac, lab, keli) eeg calanwalayn.