ereyga

walomoog

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

walomoog

DHAN

-ta: (magac, dhedig, keli) neef curad ah oo si fudud ilmaha looga sidki karo maadaama aanay horay u dhali jirin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

warmoog

DHAFANDHAAF

Comp. adj., (ie. n., adj.): uninformed, unaware, without information

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]

Warmoog

DHAFANDHAAF

name-f; nickname-f uninformed, unaware, innocent. Syn: Warmooge

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

Warmoog

DHAFANDHAAF

magac loo bixiyo gabadh aabeheed oo dhintay dhalatay ama hooyadeed madqo kaga hadhay.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

warmoog

DHAFANDHAAF

-ga: (magac, lab, keli) eeg warmaqabto.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

warmoog

DHAFANDHAAF
1

de: uninformed, unaware, without information

2

initial: w

3

lx: warmoog

4

pd: (warmoogaa)

5

ps: adj-cmp

6

key: warmoog

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

aloog

DHAFANDHAAF

f.g1 (-gay, -gtay) 1. Rabsho, dagaal iyo wixi lamida abuurid. 2. Wax kor u qadiid, taagid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

aloog

DHAFANDHAAF

-ga: (magac, lab, keli) arrin ama talo aloosid ama abaabulid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]

baloog

DHAFANDHAAF

to block

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

galmoo

DHAFANDHAAF

f.mg3 (-ooday, -ootay) U g.: nin, naag u tegid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

galmoo

DHAFANDHAAF

f.mg3 (-ooday, -ootay) U g.: nin, naag u tegid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

galmoo

DHAFANDHAAF

(fal) «u ~» cid kale, u tag oo galmood la samee.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]

MAMOOG

DHAFANDHAAF

(Mamoc) S Talinum portulacifolium (Forsk) Asch&Schweinf. Portulacaceae.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Saloog

DHAFANDHAAF
1

(Saloog-ga)

2

Wax turmaagan; wax dhereen; aan laamo lahayn ama qaawan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

saloog

DHAFANDHAAF
1

saloog¹: m.l 1. Wax dheer oo taagan. 2. Geed dheer oo aan laamo iyo caleen midna lahayn. 3. la-mid: saloogid.

2

saloog²: f.g1 (-gay, -gtay) Xarig iyo wixi lamida isku soohid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

saloog

DHAFANDHAAF

f.g1 (-gay, -gtay) Xarig iyo wixi lamida isku soohid. m.f.dh, saloogid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

saloog

DHAFANDHAAF
1

m. n., [abstract] straightness and smoothness (of tree without branches)

2

saloog v. make (twine, thread ~ yarn) straight and smooth

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

saloog

DHAFANDHAAF
1

(fal) saloolo; meel ka saraysa laac.

2

saloog-ga: (magac, lab, keli) taagnaan; qotansanaan. Li: fadhi.

3

saloog-ga: (magac, lab, keli) wax turmaagan; wax diiran oo aan laamo lahayn; dhar xirnayn oo mudh ah. Ha ku bixin saloognaanta. Dh: qaawanaan.

4

saloog-ga: (magac, lab, keli) wax, wax saloolanaya; saloolad.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

colmoog

DHAFANDHAAF

-ta: (magacwadareed) cid aan waxbal ogayn oo dhallaannimo ama maangaabnimo wax socda aan war ka hayn. Carruuri waa colmoog.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

danmoog

DHAFANDHAAF

-ga: (magac, lab, keli) qof danta loo xilsaaro baylihiya oo aan dan guud iyo mid gaar midna ka warhayn. Li: danjir.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Galmood

DHAFANDHAAF
1

(Galmood-ka)

2

U tegidda dumarka.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

galmood

DHAFANDHAAF

m.f.l eeg galmoo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

galmood

DHAFANDHAAF

m.f.l eeg galmoo.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

galmood

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) isu tagga labka iyo dhedigga aadanaha; isku xilasho. Goggoldhaafku waa galmood xaaraan ah. Dh: galmo, kudmo, wasmo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

kalmoon

DHAFANDHAAF

m.dh Miro yicibeed oo dhilan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

walambo

DHAFANDHAAF

m.dh (-ooyin, m.l) 1. Dhis yar, dusha ka dedan oo la harsado. 2. Aqal yar, dhismo liita leh oo dad sabool ahi ku hoydaan.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

walambo

DHAFANDHAAF
1

-da: (magac, dhedig, keli) wax qorraxda la iska xigsiiyo oo hadh laga helo. Walambo ayaan soo iibsaday. Dh: dallaalimo, dallaalin, dallaayad.

2

walambo -da: (magac, dhedig, keli) wax la isku lulo oo warwareegta. Walambo ciyaar ad wareertide.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

walamso

DHAFANDHAAF

(fal) si aabayeel la'aan ah wax u cun; xisaab la'aan wax aad cunayso u dudubi. Looska walamso oo yaanay calooshu ku xanuunin. Dh: qalamso, halbidho.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

hawlmoog

DHAFANDHAAF

-ga: (magac, lab, keli) qof shaqo neceb ama xoolo daayac ah. Dh: xoolaseeg, xoolo hunno, caajis, mashaqayste.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

waabjoog

DHAFANDHAAF

-ga: (magac, lab, keli) qof tumaal ku soo noqnoqda farsamo ahaan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]

Warmooge

DHAFANDHAAF

name-m; nickname-m uninformed, unaware, innocent. Syn: Warmoog

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

warmooge

DHAFANDHAAF

-warmoogaha: (n) one who is ignorant or unaware

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

Warmooge

DHAFANDHAAF

magac loo bixiyo wiil dhalashadiisa ka hor aabbihii dhintay ama hooyadii rajay iyo madqo kaga hadhay.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

warmooge

DHAFANDHAAF

-ha: (magac, lab, keli) qof aan waxba la socon oo warla'. Nin dhegali'i waa warmooge. Dh: colmooge.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dalkujoog

DHAFANDHAAF

m.l (-gyo, m.dh) Ruqso qoraal ah oo qof loogu oggolaado in uu dal shisheeye ku deggenaado.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

dalkujoog

DHAFANDHAAF

m.l (-gyo, m.dh) Ruqso qoraal ah oo qof loogu oggolaado in uu dal shisheeye ku deggenaado.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dalkujoog

DHAFANDHAAF

-ga: (magac, lab, keli) caddayn dal si sharci ah loogu joogo oo sannadkiiba mar la cusboonaysiiyo.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dantimoog

DHAFANDHAAF

-ga: (magac, lab, keli) qofka dantiisa dayaca ama aan garan meesha ay ku jirto. Dh: dantiimooge.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

galoofoob

DHAFANDHAAF

inch. v. cease to give milk, run dry

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

galoofoob

DHAFANDHAAF
1

de: cease to give milk, run dry

2

lx: galoofoob

3

pd: (galoofoobay)

4

ps: v1=inch

5

key: galoofoob

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

jaamojoog

DHAFANDHAAF

m.dh (cilmiga naflayda) Shimbir midabbo badan, lugo dhaadheer iyo luqun dheer leh oo durdurrada iyo biyo-fariisiyada ku nool.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

jaamojoog

DHAFANDHAAF

m.dh (cilmiga naflayda) Shimbir midabbo badan, lugo dhaadheer iyo luqun dheer leh oo durdurrada iyo biyo-fariisiyada ku nool.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

jaamojoog

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) shimbir midabbo badan, lugo dhaadheer iyo luqun dheer leh oo durdurrada iyo biyafadhiisiyada ku nool.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

walaaloob

DHAFANDHAAF

inch. v. become brothers ~ sisters ~ very close friends

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

walaaloob

DHAFANDHAAF
1

de: become brothers ~ sisters ~ very close friends

2

initial: w

3

lx: walaaloob

4

pd: (walaaloobay)

5

ps: v1=inch

6

key: walaaloob

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

xoolamoog

DHAFANDHAAF

-ga: (magac, lab, keli) qof aan xoolojir ku fiicnayn oo aan ilaalintooda lagu hallayn karin. Xoolamoog xoolo looma dirto. Dh: caanamadhame, xoolaseeg.

waa la naqliyay ✓