wallop
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
wallop
/wolap/ (v) garaacid (xoog wax ugu dhufasho).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
gallop
/gaalop/ (n) 1. kacdin (orodka fardaha tan ugu dheeraysa) (v) 2. xawaaraha kacdintå ku-ordid, xawaaraha ugu sarreeya u ordid, siiba faraska.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
gallop
n., hardaf, ki; gallop at full speed, kacdin, -ti, jeeni xoor, ki; v.i., hardaf; v.c., hardafi,
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
wallow
/wolow/ (v) galan-galcayn, galgalasho, (sida galgalashada xoolaha)
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
wallow
v., galgalo; n., galgalasho, -adi.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
swallow
(v) to cause something, such as food, to pass through the mouth and throat into the stomach.
liqis
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
swallow
/swalow/ (v) 1. liqid (dhunjin) (n) 2. liqmo (jidiin marsiin).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
swallow
v.tr., liq, qudhqudhi.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
wall
derbi
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
wall
/wol/ (n) gidaar (derbi).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
wall
n., derbi, -gi, gidaar, -ki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
walo
m.dh Bahal yar oo jiirka u eg oo dhogor jilicsan cawl ah iyo gafuur dheer leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
walo
f. n. shrew (mouse ~ rodent species)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walo
-da: (magac, dhedig, keli) bahal yar oo jiirka u eg oo dhogor jilicsan oo cawl ah iyo gafuur dheer leh. Walo waa jiir gafuur dheer. Dh: wali.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
walo
de: shrew (mouse ~ rodent sp.)
initial: w
lx: walo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: walo
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aallo
v., sg., opt. form: let me be (in a place)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aallo
de: let me be (in a place)
lx: aallo
ps: v4c-1sg-opt
key: aallo
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
allot
/allat/allots, allotting, allotted; (v) -qayb u siin; u qorshayn, u xaddidid. e.g. A fixed time is allotted for each person.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
allow
/allaw/allows, allowing, allowed; (v) u ogolaansho ama u fasixid. e.g. We decided not to allow smoking.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
allow
/allaaw/ (v) oggolaathow. He was allowed to stay up late on the weekends.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
allow
v.tr., fasax.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Alloy
Birdhaf
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Alloy
Birdhaf
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
alloy
/allooy/ (n) biry amy ma'thany lisky dhilaaliyi.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
ballo
s.m. - qoob ka cayaar.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
callo
s.m. - gaatir, jaw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
callo
-da: (magac, dhedig, keli) meel sarraysa oo kor looga baxo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dallo
-da: (magac, dhedig, keli) caddayn kaa badbaadisa denbi lagugu qaadi lahaa. Dallo malaha aakhiro haddaan loo kitaab deyine.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
fallo
s.m. - gaf; gus.
Magacyada Nafleyda Soomaaliyeed (Laatiin-Talyaani-Ingiriis-Soomaali) - Funayooli, Simoneeta [1985]
Gallo
(E) Cock;
(S) Diiq (S. c. m.; Dig)
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
gallo
s.m. - diiq.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
galop
galop, n.m. - xawaaraha ama orodka faraska dheereeya.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
hallo
/halow/hello (n) 1. marxaba, halow. 2. eray laysku salaamo ahlan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sallo
(Salla-da)
Rako fidsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sallo
m.dh (-ooyin, m.l) Rako fidsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sallo
f. n. platform
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sallo
-da: (magac, dhedig, keli) rako fidsan, meel la is ku taago, laba laamood dhexdood. Dh: rako, raar, saldho
sallo-da: (magac, dhedig, keli) meelo la is taago oo loo sameeyo ceelasha biyaha. Ceelka sallo fiican u yeel. Dh: rako.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sallo
cf: rako
de: platform
initial: s
lx: sallo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: sallo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waalo
(Waala-da)
Cayaar raggu cayaaro: labo saf oo iska soo horjeeda oo is tiro le'eg oo jilbajabsan; gacnahaa laga cayaaraa, hees iyo jiibna waa leedahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waalo
waalo¹: m.dh Cayaar cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka ka mid ah, raggu cayaaro oo labo saf oo iska soo horjeeda, tira isla egna ah, iyadoo jilbajabsan gacmahana lagu cayaaro hees iyo jiibna leh; hellem.
waalo²: f.mg3 (-aashay, -aalatay) 1. Wax waalan noqosho. 2. Ka w.: meel cabsi awgeed uga cararid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
waalo
waalo¹: m.dh Cayaar cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka ka mid ah, raggu cayaaro oo labo saf oo iska soo horjeeda, tira isla egna ah, iyadoo jilbajabsan gacmahana lagu cayaaro hees iyo jiibna leh; hellem.
waalo²: f.mg3 (-aashay, -aalatay) 1. Wax waalan noqosho. 2. Ka w.: meel cabsi awgeed uga cararid. m.f.dh, waalasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waalo
f. n. hand-clapping game played by two teams of men
waalo v. become insane, go mad
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
waalo
-waashay I waalatay: (v) become mad, crazy, insane or mentally disturbed ~ see also [eeg] waalan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waalo
(fal) wax waalan oo miyir la' noqo; waalliyi ha kugu dhacdo. Waalo oo wajaq ayay dadku isku habaaran. Dh: miyirbeel.
waalo -da: (magac, dhedig, keli) ciyaar raggu ciyaaro oo intay jilba joogsadaan ay laba saf oo is tiro le'eg iskaga soo horjeestaan gacmaha ayaa laga ciyaaraa oo waa la weyweydaariyahees iyo jiibna way wadataa. Waalo ayaan ciyaaraa habeenii. Dh: hellen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
walco
f.mg3 (-caday, -catay) Hoore weel ku jira qar ka daadasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
walco
v. spill over
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walco
(fal) daado oo inyari ha kaa balganto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
walco
de: spill over
initial: w
lx: walco
nt: walcad (ka) [vn-m], walcasho (/da) [vn-f]
pd: (walcaday)
ps: v3a=intr
key: walco
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waldo
-da: (magac, dhedig, keli) ciir iyo dhay la isku daray. Waldo waa lagu haraad baxaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
walho
f.mg3 (-haday, -hatay) Wax si joogto ah hadba dhinac ugu iilasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
walho
v. vibrate, swing, sway
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
walho
-walhaday / walhatay: (v) swing back and forth; swing (iswing), oscillate (ooso-leeyt)-, sway (isweey); fluctuate (falak-ju-weeyt) ~ lulmo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walho
(fal) hawada lalmo oo kolkba dhinac dabaysha u raac.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
walho
de: vibrate, swing, sway
initial: w
lx: walho
pd: (walhaday)
ps: v3a=intr
key: walho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Walle
Wallaahi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
walle
m.dh la-mid: wallaahi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
walle
m.dh la-mid: wallaahi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
walle
inter. by God!
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
walle
a: wallaahi
bw: Arabic
de: by God!
initial: w
lx: walle
pd: (wallee)
ps: intj
key: walle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
walow
xi. 1. (naxwe) Xataa, xataaba. Tusaale: “Walow anigu waan aqaan”. 2. (naxwe) In kastoo. Tusaale: “Dadka si caddaalad wax ugu qabo, walow taa ay adag tahay”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
walow
xi. 1. (naxwe) Xataa, xataaba. Tusaale: Walow anigu waan aqaan. 2. (naxwe) In kastoo. Tusaale: Dadka si caddaalad wax ugu qabo, walow taa ay adag tahay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
walow
conj. even, though, even though
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walow
(xidhiidhiye) inkasta oo ay sidaa tahay. Walaw uu agbalay haddana hadal kama hayno.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
walow
de: even, though, even though
initial: w
lx: walow
ps: conj
key: walow
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
walxo
m. n., pl. things (in general); elements {chemistry}
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
walxo
-walxaha: (n) [plural of walax] things (thingis); items (aay-temis) ~ sheyyaal, waxyaabo
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
walxo
de: things (in general); elements {chemistry} Sg: walax
initial: w
lx: walxo
pd: (/ha)
ps: n3-m-pl
key: walxo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
willo
f.mg3 (-laday, -latay) 1. Wax dhaqaaq degdeg ah samayn. 2. Nafley didid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
willo
v. shake, tremble; vibrate
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
willo
-ha: (magac, lab, keli) eeg wille.
willo: (fal) fako oo baxso; firxo. Ka willo cadawga.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
willo
de: shake, tremble; [ext.] vibrate
initial: w
lx: willo
nt: willad (ka) [vn-m], willasho (/da) [vn-f]
pd: (willaday)
ps: v3a=intr
key: willo
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
ballon
ballon, n.m. - Caag laga buuxsho nagas neef.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
ballot
/baallat/ballots, balloting, ballotted; (n) warqadaha doorashada (xaashiyaha woodka). e.g. Everyone voted by secret ballot.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
ballot
/baallat/ (n) edky oo sy hoos eh amy qarsyng lyng dhiibbythy.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
ballot
ballot, n.m. - boorso ama gandi ka samaysan maro
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
callow
/kaalow/ (adj) ciyaal aan khibrad lahayn ah.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Fallow
Gafo
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
fallow
/faalow/ (adj) dhul aan la-beerin, oo sidiisa dabiiciga ah lugu dhawro.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
gallon
/gaalan/ (n) galaan (cabbirka dareeraha, oo la mid ah 3.78 litir).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
gallon
gallon, n.m. - darajo.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
halloo
int., car! car! war! war hoy!
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hallow
(Hallow-ga)
Hallaabid (ama hallaw).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hallow
hallow¹: m.l 1. la-mid: hallaabid. Lumidda wax ka lumaan jidka toosan. 2. H. ah: nafley jidkii toosnaa ka luntay.
hallow²: f.mg1 (-laabay, -lowday; -laabi) 1. Wax lumid. 2. Wax qarraabid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hallow
hallow¹: m.l 1. la-mid: hallaabid. Lumidda wax ka lumaan jidka toosan. 2. H. ah: nafley jidkii toosnaa ka luntay.
hallow²: f.mg1 (-laabay, -lowday; -laabi) 1. Wax lumid. 2. Wax qarraabid. m.f.dh, hallaabid.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Hallow
Failure
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hallow
inch. v. be ~ get lost; get ruined, destroyed, rotten (etc.)
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
hallow
/haalow/ (v) karaamayn. e.g. hallowed ground.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hallow
-ga: (n) 1. the act of failing to function; breakdown (bareek-dhaawn). 2. stray (istareey) ~ dhumid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hallow
-ga: (magac, lab, keli) hallaabid; anbasho; lumid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hallow
de: be ~ get lost; get ruined, destroyed, rotten (etc.)
lx: hallow
nt: hallow (ga) [vn-m-st] 'state of being lost'
pd: (halloobay / hallowday)
ps: v1=inch
key: hallow
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
hallow
v.tr., (make holy) qudus u samee, qudus ka dhig; be hallowed, samow.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
pallor
(n) extreme or unnatural paleness.
midabkiiba wuu ka tegay
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
pallor
/parlar/ (n) 1. dukaan ama meel waxyaabo khaas ah lugu gado 2. qolka martida lugu qaabilo (lugu soo dhaweeyo).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sallow
(fal) la sawrac iyo falfal noqo, loon iyo yolol ka raac, shabbah oo la calaamad iyo saansaan noqo.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
tallow
/taalow/ (n) baruur, xayr.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
tallow
n., (suet) baruur, -ti, dayi, -gi, xaydh, -di.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
vallon
vallon, n.m. - jar dhuuban.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waallo
ciyaar Soomalidu ciyaaraan ha yeeshee gobol walba si gooni ah looga ciyaaro waxay gaar u tahay ragga qalabka lagu ciyaaro ama la qaato waxaa ka mid ah maqaar lo'aad ama harag, serbi madheedh ah oo uu qaato ninka laashinka ah, buun yar oo kalax ah iyo kabo maqaar ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wallac
(Wallac-a)
Xanuun ku dhaca dumarka uurka cusub leh; waxaa lagu yaqaan madax-wareer, mantag, candhuufo badni, rag-ka-fogaansho, ...
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wallac
wallac¹: m.l Xanuun ka dhaca dumarka uurka cusub leh; waxaana lagu yaqaan: madaxwareer, candhuufo badni, mantag iyo ninka qaba oo ay jamato ama ay nacdo.
wallac²: f.mg1 (-cay, -cday) Wallac dareemid.