walho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
walho
f.mg3 (-haday, -hatay) Wax si joogto ah hadba dhinac ugu iilasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
walho
v. vibrate, swing, sway
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
walho
-walhaday / walhatay: (v) swing back and forth; swing (iswing), oscillate (ooso-leeyt)-, sway (isweey); fluctuate (falak-ju-weeyt) ~ lulmo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walho
(fal) hawada lalmo oo kolkba dhinac dabaysha u raac.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
walho
de: vibrate, swing, sway
initial: w
lx: walho
pd: (walhaday)
ps: v3a=intr
key: walho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
walo
m.dh Bahal yar oo jiirka u eg oo dhogor jilicsan cawl ah iyo gafuur dheer leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
walo
f. n. shrew (mouse ~ rodent species)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walo
-da: (magac, dhedig, keli) bahal yar oo jiirka u eg oo dhogor jilicsan oo cawl ah iyo gafuur dheer leh. Walo waa jiir gafuur dheer. Dh: wali.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
walo
de: shrew (mouse ~ rodent sp.)
initial: w
lx: walo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: walo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadho
(fal) kala fidi oo dhar iyo wixii la mid ah, meel qorrax ah ku laydhi. Wadho dharkaaga hakuu engegee. Dh: waro, ballaadhso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
walco
f.mg3 (-caday, -catay) Hoore weel ku jira qar ka daadasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
walco
v. spill over
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walco
(fal) daado oo inyari ha kaa balganto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
walco
de: spill over
initial: w
lx: walco
nt: walcad (ka) [vn-m], walcasho (/da) [vn-f]
pd: (walcaday)
ps: v3a=intr
key: walco
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waldo
-da: (magac, dhedig, keli) ciir iyo dhay la isku daray. Waldo waa lagu haraad baxaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walhi
(fal) hawada lalmi oo kolba dhinac dabaysha u raaci. Walhi maradu horay ha u engegtee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
walxo
m. n., pl. things (in general); elements {chemistry}
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
walxo
-walxaha: (n) [plural of walax] things (thingis); items (aay-temis) ~ sheyyaal, waxyaabo
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
walxo
de: things (in general); elements {chemistry} Sg: walax
initial: w
lx: walxo
pd: (/ha)
ps: n3-m-pl
key: walxo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leexayso
(fal) leexaysi samee; adoo laadlaada, marba dhinac u walho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
awasho
m.f.dh eeg awo².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galsho
(Galsha-da)
Kolka biyaha balliga ku jiraa sii gura hayaan, galal yaryar oo balliga hareerihiisa laga qoto, oo xareeddu ku soo miiranto; dhoobammiir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galsho
m.dh (-ooyin, m.l) Ceel yar oo laga sameeyo ballida hareereheeda si biyuhu ugu miiraan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
galsho
f. n., [collective] channels dug to collect the last water in a reservoir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galsho
-da: (magac, dhedig, keli) biyaha balliga oo sii gudhaya, hareerihiisa galshooyin ka samaysasho. Dh: dhoobammiirasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
galsho
de: channels dug to collect the last water in a reservoir
lx: galsho
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: galsho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaldho
m.dh 1. Caws caleemo dhaadheer, dun adag oo laga sameeyo rarada. 2. Maqaar lo'aad qallalan oo la goglado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaldho
-da: (magac, dhedig, keli) caws leh caleemo dhaadheer iyo dun adag oo laga sameeyo rarada.
kaldho -da: (magac, dhedig, keli) maqaar lo'aad oo qallalan oo la goglado.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Saldho
Birta garaangarta maxdinka abbaarka ugu taal oo la korsaaro waxa la maxdimaynayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waallo
ciyaar Soomalidu ciyaaraan ha yeeshee gobol walba si gooni ah looga ciyaaro waxay gaar u tahay ragga qalabka lagu ciyaaro ama la qaato waxaa ka mid ah maqaar lo'aad ama harag, serbi madheedh ah oo uu qaato ninka laashinka ah, buun yar oo kalax ah iyo kabo maqaar ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadhfo
(fal) si xoog ah u wareeg oo u lulmo. Wadhfo sida marawaxadda.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Walhad
nickname-m vibrate, sway; swinger
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Walhad
magac loo bixiyo wiil rafaad iyo orod ku dhashay ama la rajaynayo inuu socod bato.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walhad
-ka: (magac, lab, keli) cidla carar, beydad.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
wallop
/wolap/ (v) garaacid (xoog wax ugu dhufasho).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
wallow
/wolow/ (v) galan-galcayn, galgalasho, (sida galgalashada xoolaha)
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
wallow
v., galgalo; n., galgalasho, -adi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waalasho
(Waalasha-da)
Qof waalan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waalasho
m.f.dh eeg waalo².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waalasho
-da: (magac, dhedig, keli) xanuun dhimir ah qaadid; waalli qabid. Darooggu waalasho ayuu koonaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Walaahow
(Walaahow-ga)
Jahawareer: walaac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
walaahow
walaahow¹: m.l Jahawareer; walaac.
walaahow²: f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Wax aan laga maarmin waxna aan tarayn dareemid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
walaahow
m.l Jahawareer; walaac.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
walaahow
m. n., [abstract] uncertainty, indecision, disorientation, confusion
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walaahow
(fal) jahawareer oo walaac ha ku helo.
walaahow -ga: (magac, lab, keli) jaahwareer iyo walaac.
walaahow -ga: (magac, lab, keli) meel ka soo quusashadeed.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
walaahow
cf: jahawareer, walaac
de: uncertainty, indecision, disorientation, confusion
initial: w
lx: walaahow
pd: (-ga)
ps: n0-m-abs
key: walaahow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Walcasho
(Walcasha-da)
Weel caano ah ama biyo ama wax kale oo shubma oo buuxdhaafsan oo inta wax ku dhaceen ama taabteen, isagoo aan dhicin in yari qarka ka daateen; balqasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
walcasho
m.f.dh eeg walco. la-mid: walcad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walcasho
-da: (magac, dhedig, keli) weel buuxa oon rogman inyari ka daadasho. Qadaaduhu wuu buuxaaye walcashada ka dhawr. Dh: balqasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
walhasho
m.f.dh eeg walho.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Walhasho
Simple harmonic motion
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walhasho
-da: (magac, dhedig, keli) hawada lalmasho oo kolba dhinac dabaysha u raacid.
walhasho-da: (magac, dhedig, keli) lulan hufan oo meerto ah oo ay walax laalaaddaa samayso meel illaa meel si ay walhashadaa ugu soo saarto ququl talantaalli ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wah
e.d Erey dareen oo yaabka tilmaama.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wąh
m.dh.sh.r 1. W. dheh: ballaqmid. 2. W. ka sii: wax ballaqid (albaab).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wah
(ereycodeed) lagu tilmaansado ci'da eyda iyo wixii la mid ah carruurtuna iskaga nixiyaan. Abtigaa ma fulaa ma faruurya caddaa wah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wal
s. 1. Nin w.ba: nin kastaba. 2. W.ba: kasta. la-mid: walba.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
wal
s. 1. Nin w.ba: nin kastaba. 2. W.ba: kasta. la-mid: walba.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wal
attributive [adjective] each, every
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wal
(tilmaame) wax kasta. Nin wal oo is cajabiya mid baa ka yaabisa. Dh: kasta.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wal
de: each, every
initial: w
lx: wal
ps: adj-atr
see: walba, waliba
key: wal
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
wHO
/huu/ (abbr) ururka caafimaadka adduunka ~ World Health Organization oo la soo gaabiyey.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
who
/huu/ (pron) qofkee (qofma).
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
WHO
Laanta caafimaadka Adduunka
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
who
int.prn., aayo? aaya? yaa?
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aaho
m.dh (-ooyin, m.l) Dhiibato weyn oo abaar ama cudur ay keenaan oo guud ahaan saameya naflay badan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aaho
-da: (magac, dhedig, keli) dhibaato faafta ama baahda. Aaho ayaa ku dhacday Soomaaliya. Dh: aafo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aalo
(Aala-da)
Qaalmaha yaryar oo lo'da.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aalo
m.dh.u Lo'da inteeda aan weli gaarin da'dii ay rimi ama wax rimin lahayd.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aalo
f. n., [collective] heifer, young female cattle; heifers
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aalo
(fal) eed oo ka naasnaasi; ka shallaytan. Kibirka daa haddii kale eed oo aalo. Dh: eerso, naasnaasi, qoomamee, eed, shallaytee. Li: mahadi.
aalo-da: (magacwadareed) qaalmaha yaryar ee laba jirsada, gaadhay na xilligii caanaha laga gudhin lahaa. Dh: aaran, dhal, eelo.
aalo -ha: (magac, lab, keli) eeg aale.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aalo
cf: qaalin ~ qaalmo
de: heifer, young female cattle; heifers
lx: aalo
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: aalo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
almo
-da: (magac, dhedig, keli) barmiilka badh ka mid ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aloo
-da: (magac, dhedig, keli) erey caalami ah oo marka telefan la dirayo ama la qabanayo hadalka lagu horraysiiyo. Dh: haloo, halo, halow.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
also
/oolso/ (adv) waliba ama sidokale; isla markaasna. e.g. Her name is also Deeqa.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
also
/oolso/ (adv) wiliby, hitaa. She is also the president of the company.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
also
ad., na.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
alto
agg. - dheer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alwo
f.mg3 (-waday, -watay) Kuleyl badan dareemid (qof).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alwo
(fal) sarakac fadhi dabadii; fadhi dabadii, hinqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arho
f.mg3 (-haday, -hatay) Arah aadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baho
m.l (c.fal.) Uruur xiddigaha ka mid ah oo u dhexeeya Xoorka iyo Faruuryaha. la-mid: bąh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baho
m.l (c.fal.) Uruur xiddigaha ka mid ah oo u dhexeeya Xoorka iyo Faruuryaha. la-mid: bah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daho
f.mg3 (-hday, -hatay) la-mid: diho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daho
(fal) asturo oo wax qarsoon oo meel dahan ku jira ka dhig. Alaabtaada indhaha dadka ka daho. Dh: qarso.
daho-da: (magac, dhedig, keli) alool ama raar lagu kala xidho aqalka Soomaaliga. Dahaan ku kala xidhay aqalka. Dh: ilaxidh.
daho: (tilmaame) meel dugsi ahaan loo hoos galo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falo
f.g3 (-ashay, -alatay) Cid beer qodasho, beer falasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
falo
f.g3 (-ashay, -alatay) Cid beer qodasho, beer falasho. m.f.dh, falasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
falo
v. dig the earth, plow; work something (for oneself)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
falo
-fashay I falatay: (v) plow a farm (for yourself) in preparation for sowing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falo
(fal) majarafad, yaanbo iyo qalab kale, beer ku qodo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
falo
de: dig the earth, plow; work s.t. (for oneself)
lx: falo
nt: falasho (/da) [vn6-f] 'plowing'
pd: (fashay)
ps: v3b=
key: falo
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Halo
Gal dayax
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaho
(Jaha-da)
1. Afarta docood oo waaweyn, middood.
2. Gees; doc; dhinac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaho
jaho¹: m.dh (-ooyin, m.l) 1. la-mid: jiho 1. Afarta qiblo midkood. 2. Doc; gees; dhinac.
jaho²: f.mg3 (-haday, -hatay) 1. la-mid: jiho 2: wax uun ku dhaqaaqid. 2. Xanuun la ledi waayid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jaho
m.dh (-ooyin, m.l) 1. la-mid: jiho 1. Afarta qiblo midkood. 2. Doc; gees; dhinac.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jaho
f. n. direction
jaho v. go towards, head in the direction of
jaho v. busy oneself in an attempt to change a situation; struggle through sorrow
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jaho
-jahada: (n) direction (di-rak-shen); compass point [north, east, south, west] ~ jiho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaho
-da: (magac, dhedig, kali) afarta dhinac ee hareeraha dhulka middood. Dh: dhinac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalo
f.mg3 (-ashay, -alatay) Ilmo nafaqa xumo darteed la caatoobid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jalo
v. be deprived of nourishment
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jalo
(fal) cunno ama cabbitaan qaado oo naftaada baxnaani.