walamsad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walamsad
-ka: (magac, lab, keli) eeg walamsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alamsad
-ka: (magac, lab, keli) cunto, kolba in weyn dhakhso u liqliqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walamad
-ka: (magac, lab, keli) midhiqiraha xaggooda dambe ee sindhadu ku dhammaato ee futada la xidhiidhsan. Cawadoo walamadkii kuusay liqi waayey waa looga qaateen waxa hayaa caawa. Dh: malawad, maroor.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walacsad
-ka: (magac, lab, keli) «ku ~» shay cid ugu faanid oo inta la iska dhigo qof siinaya haddana u diidid. Walacsadka waa la isku cawryaa. Dh: walacsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Walammad
(Walammad-ka)
Qabsinka cadka ugu danbeeya oo saxaradu ka baxdo; maroor; (ama malawad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
walammad
m.l la-mid: malawad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
walammad
m. n. colon; rectum
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
walammad
-ka: (n) rectum (rek-tam)-, colon (koolari) ~ malawad. Ex: kaansarka walammadka gala'; cancer of the colon
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
walammad
de: colon; rectum
initial: w
lx: walammad
pd: (-ka)
ps: n2a-m
see: malawad
key: walammad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wallamaad
m.l (-dyo, m.dh) Neef jar ah; ahmin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walaad
(fal) xoog u qayli; xanuun darteed la wataatac. Dh: warraaq, cabaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jalamad
-ka: (magac, dhedig, kali) weel wax lagu shubto waxna lagu karsado sida shaaha. Jalamad lagu waysaysto keen. Dh: kildhi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raamsad
-ka: (magac, lab, keli) wax afka ku jira calalin oo muddo dheer axadhid. Dh: raabsasho, raamsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walamsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg walamsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walamso
(fal) si aabayeel la'aan ah wax u cun; xisaab la'aan wax aad cunayso u dudubi. Looska walamso oo yaanay calooshu ku xanuunin. Dh: qalamso, halbidho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
balacsad
m.l la-mid: balacsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balacsad
-ka: (magac, lab, keli) gogol iyo wixii la mid ah, ballaadhsasho. Dh: ballaacsad, fidsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
balaqsad
m.l la-mid: balaqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balaqsad
-ka: (magac, lab, keli) biyo ama dareere kale carrabka ku cabbid. Dh: dhabaqsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Calafsad
(Calafsad-ka)
Calaf ka dhigad; dheefsad; calafsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calafsad
m.l la-mid: calafsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
calafsad
vl. n. obtaining one's daily bread; possessing luck
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calafsad
-ka: (magac, lab, keli) calaf ka dhigad. Dh: dheefsad, calafsi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
calafsad
de: obtaining one's daily bread; [fig.] possessing luck
lx: calafsad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: calafsad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calalsad
m.l la-mid: calalsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dala'sad
m.l la-mid: dala'sasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falagsad
m.l la-mid: falkasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galabsad
(Galabsad-ka)
Galabsasho; galabsi; mutaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galabsad
m.l la-mid: galabsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
galabsad
vl. n. deserving; just deserts; earnings
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galabsad
-ka: (magac, lab, keli) galabta inteeda dambe meel joogid. Dh: galabsasho, galabaysad, galabsi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
galabsad
a: galabsasho (/da) [vn6-f], galabsi (ga) [vn7-m]
de: deserving; [fig.] just deserts; [ext.] earnings
lx: galabsad
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: galabsad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halabsad
(Halabsad-ka)
Halabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halabsad
m.l la-mid: halabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halabsad
-ka: (magac, lab, keli) faraska halabtiisa gacanta la haabasho iyadoon rakaabka lagu joogsan. Dh: gammaqabsi.
halabsad -ka: (magac, lab, keli) wax kaa cararaya tiigsad si aad u gaadho ama aad u soo qabato. Dh: tiigsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halacsad
m.l la-mid: halacsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalafsad
m.l la-mid: jalafsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jalammad
(Jalammad-da)
Weel dheg iyo naas leh oo bunka iyo shaaha lagu karsado; kirli; ibriiq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalammad
m.dh (-do, m.l) Weel macdan, dhoob iyo wixi lamida ka samaysan oo dheg (siddo) iyo naas leh oo shaaha iyo qaxwaha lagu karsado.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jalammad
m.dh (-do, m.l) Weel macdan, dhoob iyo wixi lamida ka samaysan oo dheg (siddo) iyo naas leh oo shaaha iyo qaxwaha lagu karsado.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jalammad
f. n. kettle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jalammad
-da: (n) teakettle (tii katel), kettle (kattel) ~ kirli, ibriiq
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jalammad
cf: ibriiq, kirli
de: kettle
lx: jalammad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: jalammad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lalansad
-ka: (magac, lab, keli) laadlaadsiga wax aan dusha la saarin. Dh: laadlaadsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malabsad
m.l la-mid: malafsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malabsad
-ka: (magac, lab, keli) eeg malabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malafsad
m.l la-mid: malafsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malafsad
-ka: (magac, lab, keli) meermeerid oo kolba meel wax ka cunid; saxni xaabid. Malafsad buu habeenba meel la wareegaa. Dh: malafsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malaysad
m.l la-mid: malaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malaysad
-ka: (magac, lab, keli) wax soo socda si u filasho oo sawir mala'awaal ah ka sugid. Dh: filasho. Li: quusad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walaacad
-da: (magac, dhedig, keli) aalad yar oo noocyo badan leh oo ogsijiin lagu cabbeeyo oo dab laga shito gaar ahaan sigaarka lagu shito. Walaacadda carruurta ka fogee. Dh: wallaacad. qarraacad; qaraaxad, birikee, laytar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walamlay
(fal) kolba is melmel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waraysad
(Waraysad-ka)
Waraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waraysad
m.l la-mid: waraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waraysad
-ka: (magac, lab, keli) waraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
watahsad
m.l la-mid: watahsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walamsasho
-da: (magac, dhedig, keli) si aabayeel la'aan ah wax u cunid. Walamsadka waa lagu saxdaa. Dh: qalamsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballansad
-ka: (magac, lab, keli) sii ballansi, ballan la sii dhigasho. Ballansad baan lahaa aad la dhigatide miyuu baxay maamulihii dugsigu? ballansan: (tilmaame) dad ballan u taallo. Labada beelood way ballansanyihiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
callaysad
-ka: (magac, lab, keli) si isdulsaarid ah u rassayso; callays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halqabsad
m.l la-mid: halqabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halqabsad
-ka: (magac, lab, keli) (ku ~) hawraar la jeedinayo, hadal hore u daliisasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qawlaysad
-ka: (magac, lab, keli) dadka dhexda u joogsasho oo dhicid. Ha la xidho ninka qawlaysad lagu arko. Dh: dhicid, qawlaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salaamaad
salaamaad! (duco) erey la yidhaahdo marka khatar la arko; Allaw badbaado! Salaamaad! Ilaahayaw na samatabixi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
talaabsad
-ka: (magac, lab, keli) marka cagta la qaado, ee socodka la bilaabayo. Dh: talaabsasho. talaabsasho -da: (magac, dhedig, keli) eeg talaabsadka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waaxaysad
-ka: (magac, lab, keli) weysaysi fudud oo halhal ah waysaysasho gaar ahaan kolka horay loo weysaqabay ee la jadiidinayo. kubbaayad biyo ah ayaa waaxaysadka kugu filan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Walaacsan
Walaac ku dhacay; walaac hayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
walaacsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax walaac hayo ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
walaacsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax walaac hayo ahaansho. m.f.dh, walaacsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
walaacsan
der. [adjective] worried, anxious, preoccupied; indecisive
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
walaacsan
-aa I ayd: (adj) distressed (dis-tareesidhf, anxious (aang-shas), worried (wooridh); fretful (fareet-ful) ~ walwalsan, walbahaarsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walaacsan
(tilmaame) walbahaar hayo ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
walaacsan
de: worried, anxious, preoccupied; indecisive
initial: w
lx: walaacsan
pd: (walaacsanaa)
ps: adj-der
key: walaacsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walamlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) kolba is melmelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walkadaad
-ka: (magac, lab, keli) leelleel; silic; rafaad, dhibaato. Walkadaad la'aan ayaad ku noolayd waligaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wallaacad
-da: (magac, dhedig, keli) aalad yar oo jeebka lagu qaato oo dab bixisa oo inta badan sigaarka lagu shito. Wallaacad cusub ii soo iibi si aan sigaarkan ugu shito. Dh: qaraaxad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wallacsan
Wallac hayo; wallac ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wallacsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Naag wax wallac hayo ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wallacsan
der. [adjective] sick, suffering from morning sickness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wallacsan
-ayd: (adj) sick [ill] from morning sickness; usually during the first trimester of pregnancy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wallacsan
(tilmaame) wallac hayo; wallac ah. Haweenay wallacsan ayaan arkay oo matagaysa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wallacsan
de: sick, suffering from morning sickness
initial: w
lx: wallacsan
pd: (wallacsanaa)
ps: adj-der
key: wallacsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
walwalsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Ka w.: wax welwel hayo ahaansho. la-mid: warwarsan, welwelsan, werwersan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
walwalsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Ka w.: wax welwel hayo ahaansho. m.f.dh, walwalsanaan. la-mid: warwarsan, welwelsan, werwersan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
walwalsan
-aa / ayd: (adj) distressed (dis-tareesidh); anxious (aang-shas), worried (wooridh); concerned (kon-seenidh); fretful (fareet-ful) ~ walaacsan, walbahaarsan, welwelsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walwalsan
(tilmaame) caloolyowsan, uurkutaallo hayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaamadsad
m.l la-mid: calaamadsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaamaysad
m.l la-mid: calaamadsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walalaaxsad
-ka: (magac, lab, keli) socod lugaha la kala fogaynayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aasad
-ka: (magac, lab, keli) xabaal u qodashada qof dhintay iyo duugistiisa. Aasadka meydka waa in ay xaafad walba ka tashato. Dh: aasasho, duugasho, xabaalad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waama
Waama?
Goorma? Hadma? Marma? Jeerma? Shirma?
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waama
e.we Goorma.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waama
question word, time: when?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waama
(ereysu'aaleed) eeg waagee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waama
de: when?
initial: w
lx: waama
ps: qw-time
see: goorma
key: waama
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walam
(ereycodeed) lagu asteeyo is rogid degdeg ah. Markii uu i arkay ayuu walam iska siiyay.
walam -ta: (magac, dhedig, keli) is melmelid degdeg ah. Qof jimicsi yaqaan walamtu ma dhibto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aarsad
-ka: (magac, lab, keli) «ka ~» goosashada aano hore loo geystay. Ka aarsadka ninkii shirkadda qiyaamay waa in xeerka loo maro. Dh: aargoosad, aargoosasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Alalad
(Alalad-ka)
1. Riyo; dhadhab.
2. Qaraw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alalad
alalad¹: m.l 1. Riyo; dhadhab. 2. Qaraw. 3. la-mid: alaladid.
alalad²: f.mg1 (-day, -dday) Qarwid; dhadhabid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
alalad
m. n. dream, nightmare; delirium; talking in one's sleep
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
alalad
-ay: (v) have a nightmare (naaytmeer); a dream of intense fear and honor ~ qarow, hawaawi