walalaaxsi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walalaaxsi
-ga: (magac, lab, keli) socod lugaha la kala fogeeyo oo ay isdhawridi ku jirto. Dh: waadhwaadhsi, waarwaarsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walalaaxso
(fal) waadhwaadhso; lugaha oo kala fog soco. Walalaaxso yaanay boogtu kaa damqane.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walalaaxsad
-ka: (magac, lab, keli) socod lugaha la kala fogaynayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabalaaxsi
-ga: (magac, lab, keli) si xun u fadhiisi dhulka badhida la saaro lugahana la fidiyo. Dh: barraahsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alalaas
alalaas¹: m.l 1. Mashxarad. 2. la-mid: alalaasid.
alalaas²: f.mg1 (-say, -stay) Mashxarad samayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
alalaas
m.l Mashxarad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alalaas
(fal) qayli adiga oo carrabka lulaya; samee codka alalaaska. Dh: dalamee, damalee.
alalaas -ka: (magac, lab, keli) codka iyo qaylada carrabka la adeegsado ee xilliga farxadda. Dh: dalamo, damalo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Alalaxi
(Alalaxi-da)
Bahal dixiri yar ah oo kaadidhiigga ku wacan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alalaxi
m.dh Nafley yar oo biyaha ku nool, bocool ku dhex jirta oo kaadi-dhiigga noolihiisa korisa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
alalaxi
m.dh Nafley yar oo biyaha ku nool, bocool ku dhex jirta oo kaadi-dhiigga noolihiisa korisa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
alalaxi
f. n. worm species, parasite that transmits schistosomiasis or bilharzia
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
alalaxi
de: worm sp., parasite that transmits schistosomiasis or bilharzia
lx: alalaxi
pd: (-da)
ps: n-f
key: alalaxi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alalaase
-ha: (magac, lab, keli) olole lagu fulinayo howl; qaylo iyo buuq badan wata.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qalalaas
(Qalalaas-ka)
Degganaan iyo xasilloonaan la'aan; qalalab; qas; rabshad (ama qalalaase, qalalaaso).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalalaas
m.l Degganaan iyo xasilooni la'aan. la-mid: qalalaase, qalalaaso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qalalaas
m.l Degganaan iyo xasilooni la'aan. la-mid: qalalaase, qalalaaso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qalalaas
v. disturb; riot
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalalaas
(fal) rabshad iyo deggenaansho la'aan ku abuur. Ninka dalka qalalaas is yidhaa ha la iska qabto. Dh: rabbish, arbush.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qalalaas
de: disturb; riot
lx: qalalaas
pd: (qalalaasay)
ps: v1=
key: qalalaas
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wallaahi
(Wallaahi-da)
(Ilaah magaciisa baan ku dhaartay) waxay ka mid tahay, saddexda siyood oo weligood isdabajoogga ah, oo Ilaah magaciisa loogu dhaarto; labada kale waa: Billaahi iyo Tallaahi; walle.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wallaahi
m.dh Dhaar magaca Alle lagu dhaarto. la-mid: walle.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
wallaahi
m.dh Dhaar magaca Alle lagu dhaarto. la-mid: walle.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wallaahi
inter. by God!
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wallaahi
(interjection) by the name of Allah! [God]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wallaahi
-da: (magac, dhedig, keli) dhaarta rasmiga ah ee qofka islaamka ahi ku dhaarto waxna ku dhaarsado. Wallaahi baan ku dhaartee, diinta waan u dhimanayaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wallaahi
a: wallee
bw: Arabic
de: by God!
initial: w
lx: wallaahi
ps: intj
key: wallaahi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alalaasid
m.f.dh eeg alalaas². la-mid: alalaas¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alalaasid
-da: (magac, dhedig, keli) dalamo samayn; farxad aawadeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ballaarsi
m.l la-mid: ballaarsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halalaati
m.l la-mid: haalaati.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mullaaxsi
m.l la-mid: mullaaxsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mullaaxsi
-ga: (magac, lab, keli) mullaaxda ka diirasho. Laanta mullaaxsi ayaan u qaatay. Dh: mullaaxsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalalaase
m.l la-mid: qalalaas.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qalalaase
m. n. turmoil, instability, disturbance, riot; crisis
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qalalaase
-qalalaasaha: (n) condition of unrest; troubled condition; disorder (dhis-oordher); turmoil (teer-mooyl); disturbance ~ qalalaaso, rabsho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalalaase
-ha: (magac, lab, keli) degganaan iyo xasillooni la'aan rabshado ay la socdaan. Dh: rabshad, qas, qalalaaso. Li: deggenaansho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qalalaase
a: qalalaaso (/ha) [n6-m]
cf: gambalaali ~ ganbalaali
de: turmoil, instability, disturbance, riot; crisis
lx: qalalaase
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: qalalaase
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
qalalaase
شعب
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalalaaso
m.l la-mid: qalalaas.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qalalaaso
-qalalaasaha: (n) condition of unrest; troubled condition; disorder (dhis-oordher); turmoil (teer-mooyl); disturbance ~ qalalaase
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalalaaso
-ha: (magac, lab, keli) eeg qalalaase.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
talalaaki
-ga: (magac, lab, keli) qof lab oo xafiisyada ka dhex adeega oo gacanyare ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tallaabsi
m.l la-mid: tallaabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tallaabsi
-ga: (magac, lab, keli) u holladka in la dhaqaaqo. Tallaabsiga dedeji.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waaxwaaxsi
-ga: (magac, lab, keli) socod lugaha la kala fogeeyo oo ay isdhawridi ku jirto. Wiilasha baarada laga gooyaay waxa lagu gartaa waaxwaaxsiga. Dh: waadhwaadhsi, waarwaarsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walalaaxsasho
-da: (magac, dhedig. keli) eeg walalaaxsad; waadhwaadhsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalballaarsi
m.l la-mid: dhulballaarsi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dalballaarsi
vl. n., [compound] territorial expansion
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalballaarsi
-ga: (magac, lab, keli) dalkaagii ku dad kali leeyihiin xoog ugu darsasho. Dh: dalballaadhsi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dalballaarsi
de: territorial expansion
lx: dalballaarsi
pd: (-ga)
ps: vn-m-cmp
key: dalballaarsi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taltallaabsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg taltallaabsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balbalaadhi
(fal) wax isku yaalla ama isku duuban, kala saarsaar oo fidi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galagalaysi
-ga: (magac, lab, keli) saaxiibtinimo cusub oo aad bilaabayso ama dad kale oo aad hore u aqoon barashadooda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gardawaaxsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg gardawaaxi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lafalafaysi
-ga: (magac, lab, keli) wax walba qaadid aan waxba laga yaqyaqsan ama aan la hanbayn. Nin wen kolkaad tahay lafalafaysiga waa laga xishoodaa. Dh: agagaas.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salsalaaxid
-da: (magac, dhedig, keli) si debecsan oo naxriis leh, gacan dul marmarin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dal-ballaarsi
-ga: (v) territorial expansion
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalballaadhsi
-ga: (magac, lab, keli) dal dad kali leeyihiin xoog ku qaadasho oo kaagii ku darsasho. Dh: dalballaarsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haljalaflaysi
m.l la-mid: haljalaflaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aalaysi
-ga: (magac, lab, keli) beer aala ka gurasho; aale ka cuunid. Dh: quwaaxaysi, eeleysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aasaasi
m.l la-mid: asaasi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aasaasi
m. n. (adj.): basis, basics; basic
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aasaasi
-ga: (n) 1. essential (i-sen-shel); fundamental (fan-dha-men-tai). 2. inherence or indispensable ~ lama huraan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aasaasi
-ga: (magac, lab, keli) waxa mahuraankal ah ee wax kale aan looga maarmayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aasaasi
de: basis, basics; [atr.] basic
lx: aasaasi
pd: (-ga)
ps: n2-m
key: aasaasi
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
aasaasi
أَسَاسِيَ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alaladi
f.mg2 (-iyay, -isay) Ka a.: cid alal ka keenid. la-mid: alaladsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Allaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg Allaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aslaaxi
f.g2 (-iyay, -isay) Nabad ka a.: heshiisiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aslaaxi
f.g2 (-iyay, -isay) Nabad ka a.: heshiisiin. m.f.dh, aslaaxin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aslaaxi
-yey / say: (n) 1. establish peace in; pacify (paasefaay). 2. to succeed in doing: accomplish (a kom palish). Ex: waxba ma aslaaxin; 1 didn't accomplish anything
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balalax
(ereycodeed) lagu tusmeeyo shubmidda dareere sida biyaha iyo wixii la mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ballaas
m.l (-syo, m.dh) Nooc ka mid ah noocyada ashuumada waaweyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calalsi
m.l la-mid: calalsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calalsi
-ga: (magac, lab, keli) wax afka gelin oo calalin. Dh: calalis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fallaax
(Fallaax-a)
1. Qof weligi laab iyo weji furfuran; bashaash; bulshey; baaxeer.
2. Qof xarrago badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fallaax
m.l (-xyo, m.dh) Qof waji iyo laab furan.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Fallaax
Fellah
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fallaax
m. n. cheerful ~ good-natured person
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Fallaax
nickname; name-m cheerful, good-natured person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fallaax
-a: (magac, lab, keli) labka aadamaha ama xayawaanka.
fallaax-a: (magac, lab, keli) nin dabci wanaagsan oo furfuran.
fallaax-a: (magac, lab, keli) nin xoog badan oo muuqaal wanaagsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fallaax
de: cheerful ~ good-natured person
lx: fallaax
pd: (-a)
ps: n2a-m
key: fallaax
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lalansi
-ga: (magac, lab, keli) eeg lalansad. lalanso: (fal) laadlaadso oo dusha ha saaran. Dh: laadlaadso.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mallaas
-ta: (n) spatula (ispaajula) ~ bir dhismaha lagu salaaxo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
walaabi
m.dh (-iyo, m.l) Naag si sharci darro ah loogu galmoodo ama jirkeeda iibsata; dhillo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walaabi
-da: (magac, dhedig, keli) naag aan jidhkeeda ragga u diidin. Dh: dhillo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walaadi
(fal) «ka ~» xoog uga qaylisii, sawaxan iyo qaylo ka keen cid kale. Xummad yahay kaga walaadi ninka buka. Dh: warraaqi, cabaadi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Walacsi
(Walacsi-ga)
Wax qof la tuso ama loo soo baxsho, si uu u moodo in la siinayo, dabadeedna laga ceshado; mihin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
walacsi
m.l la-mid: walacsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
walacsi
vl. n. tantalizing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walacsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg walacsad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
walacsi
de: tantalizing
initial: w
lx: walacsi
pd: (-ga)
ps: vn-m
see: walacso
key: walacsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Walalac
(Walalac-da)
1. Hillaac weyn ama is-haysta muuqashadi, baalqaadki.
2. Iftiin kasta oo sida kan hillaacaas isha mar u mara.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
walalac
m.dh.sh.r 1. Hillaac weyn ama is- haysta muuqashadi, baalqaadki. 2. Iftiin kasta oo sida kan hilaacaas isha mar u mara. la-mid: walac.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
walalac
f. n. twinkling, glistening
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walalac
(ereycodeed) lagu asteeyo iftiinka waaberiga oo la macna ah iftiin weeyaan dhulku.
walalac-da: (magac, dhedig, keli) baalqaadka iyo muuqashada weyn ee hillaaca ama iftiin kasta oo sida kan hillaaca oo kale ah. Waagii baa beryoo walalac yidhi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
walalac
de: twinkling, glistening
initial: w
lx: walalac
pd: (-da)
ps: n-f
key: walalac
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walamsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg walamsad.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Wallahi
Nom de Dieu! Grand Dieu!
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waraasi
(Waraasi-da)
1. (caano) dhay kasoofeen ah oo labeen cas soo yeelanaya.
2. (Waraasi-ga) (midab) labeenta u eg.