walalaaxsasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walalaaxsasho
-da: (magac, dhedig. keli) eeg walalaaxsad; waadhwaadhsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walalaaxso
(fal) waadhwaadhso; lugaha oo kala fog soco. Walalaaxso yaanay boogtu kaa damqane.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waalaysasho
m.f.dh eeg waalayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waalaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaarta waalo ciyaarid. Dhallinyaradu waalaysashada way iskugu yeedhaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walalaaxsad
-ka: (magac, lab, keli) socod lugaha la kala fogaynayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ballaarsasho
m.f.dh eeg ballaarso. la-mid: ballaarsad, ballaarsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mullaaxsasho
m.f.dh eeg mullaaxso. la-mid: mullaaxsad, mullaaxsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mullaaxsasho
-da: (magac, dhedig, keli) mullaaxda ka diirasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalalabsasho
m.f.dh eeg qalalabso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalalabsasho
-da: (magac, dhedig, keli) dareere weel ku shubasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tallaabsasho
(Tallaabsasha-da)
Tallaabo qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tallaabsasho
m.f.dh eeg tallabso. la-mid: tallaabsad, tallaabsi, tillaabsad, tillaab-sasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tallaabsasho
-tallaabsashada: (n) the act of stepping or striding ~ tallaabsi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tallaabsasho
-da: (magac, dhedig, keli) tallaabo ku cabbirasho; tillaabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalabbaxsasho
m.f.dh eeg kalabbaxso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waaxwaaxsasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg waaxwaaxsad; waarwaarsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taltallaabsasho
-da: (magac, dhedig, keli) marba addin qaadis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lafalafaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) lafalafaysad iyo wax walba qaadasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Allaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhimasho iyo geeri. Dh: Allaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calalsasho
m.f.dh eeg calalso. la-mid: calalsad, calalsi, calashad, calashi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calalsasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg calalsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lalansasho
-da: (magac, dhedig, keli) sidasho aan dusha la saarine, wax la laadlaadsado. Dh: lalansad, laalaadsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malaasasho
-da: (magac, dhedig, keli) buuxsasho oo afka ka keensasho. Malaasashada ad weelka malaasanayso ma beelo ba'ay baad ka hadhay. Dh: buuxsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wabaxsasho
m.dh eeg wabaxso. la-mid: wabxib.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wabaxsasho
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo aad leedahay iyo wixii la mid ah biyo ka dhergin oo daajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
walacsasho
m.f.dh eeg walacso. la-mid: walacsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walacsasho
-da: (magac, dhedig, keli) walacsi cid inta wax loo fiiqo haddana diidmo faan ku jiro loo diido; hor marmarin cid la hor marmariyo wax ay u baahan tahay in la siiyana loo diido.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walalaaxsi
-ga: (magac, lab, keli) socod lugaha la kala fogeeyo oo ay isdhawridi ku jirto. Dh: waadhwaadhsi, waarwaarsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walamsasho
-da: (magac, dhedig, keli) si aabayeel la'aan ah wax u cunid. Walamsadka waa lagu saxdaa. Dh: qalamsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
awlaadsasho
m.f.dh eeg awlaadso. la-mid: awlaadsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ballaarasho
(Ballaarasha-da)
Ballaar weyn yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ballaarasho
m.f.dh eeg ballaaro. la-mid: ballaarnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ballaarasho
vl. n. widening, enlargement
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ballaarasho
-ballaarashada: (n) the act or process of expanding; expansion (ikis paan shin)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballaarasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax kala fidsan noqosho oo firkisan. Dh: ballaarad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ballaarasho
de: widening, enlargement
lx: ballaarasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: ballaarasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballansasho
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, ballan la dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
callaalasho
m.f.dh eeg callaalo. la-mid: calaalad, calaalasho, callaalad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
callaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) meel kore oo dusha laga fuulo samaysasho. Dh: callaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dallaysasho
m.f.dh eeg dallayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dallaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) wanaag filasho. Dh: filasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hallaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, waalid oo duufsasho.
hallaysasho -da: (magac, dhedig, keli) wax kharriban ama cilladaysan ka dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jallaadasho
m.f.dh eeg jallaado. la-mid: jillaadad, jillaadasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laalaabasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg laalaabad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laxaadsasho
m.dh la-mid: lixaadsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waaxaysasho
m.f.dh eeg waaxayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waaxaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg waaxaysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walwaalasho
-da: (magac, dhedig, keli) qaadid iyo la socod wax culus.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wanaagsasho
m.f.dh eeg wanaagso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wanaagsasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax kale in uu wanaagsan yahay u arkid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waraabsasho
m.f.dh eeg waraabso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waraabsasho
-da: (magac, dhedig, keli) beer iyo wax la mid ah biyo siisasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alaabaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) aqal, xafiis ama wax kale, qalabaysasho. Dh: alaabaysad, alaabaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
batalaqsasho
-da: (magac, dhedig, keli) biyaha oo si aad ah lugaha loola dhaco ama loo dhex marmaro. Dh: batalaq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calanaqsasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg calanaqsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daxalaysasho
m.f.dh eeg daxalayso. la-mid: daxalaysad, daxalaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daxalaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) birtu markay is bedesho ee ay miridh yeelato. Dh: mirdhid, daxlaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dillaacsasho
m.f.dh eeg diillaacso. la-mid: diillaacsad, diilaacsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dillaacsasho
-da: (magac, dhedig, keli) maro ama wax kale, in ka jeexasho. Dh: jeexasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farabaxsasho
-da: (magac, dhedig, keli) xaggiisa u cararid oo dagaal ula tegid. Dh: farabaxsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fullaacsasho
m.f.dh eeg fullaacso. la-mid: fullaacsad, fullaacsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fullaacsasho
-da: (magac, dhedig, keli) in ka soo goosasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaadaansasho
m.f.dh eeg gaadaanso. la-mid: gaadaansad, gaadaansi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galabaysasho
m.f.dh eeg galabayso. la-mid: galabaysad, galabaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galabaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) ilaa maalinta gellinkeeda danbe, sugasho. Dh: galabaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halabaysasho
(Halabaysasha-da)
Halabaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halabaysasho
m.f.dh eeg halabayso. la-mid: halabaysad, halabaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halabaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) halab yeelad: halabaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaalmaysasho
m.f.dh eeg kaalmayso. la-mid: kaalmaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaalmaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) kaalmaysi; taageersasho; gargaarsasho; taakulaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalaleexasho
-da: (magac, dhedig, keli) waddadu meel ay ku kala baydho, midba dhinac aadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malaxaysasho
m.f.dh eeg malaxayso. la-mid: malaxaysad, malaxaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malaxaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg malaxaysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qallajisasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qallajisad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalqaalsasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qalqaalsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salabaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) hubayasho; qalabaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
talaqaadasho
m.f.dh eeg talaqaado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
talaqaadasho
-da: (magac, dhedig, keli) talo laguu sheegay ku qancid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Talasaarasho
(Talasaarasha-da)
Cid xoog leh oo lagu kalsoon yahay talada u dhiibasho, u deysasho; tawakalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
talasaarasho
m.f.dh eeg talasaaro. la-mid: talasaarad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
talasaarasho
-da: (magac, dhedig, keli) cid kle, talo uddeysad; cid xoog leh oo lagu kalsoon yahay talada u dhiibasho. Dh: tawakalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tillaabsasho
m.dh la-mid: tallaabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tillaabsasho
-da: (magac, dhedig, keli) tallaabsad; tallaabsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waydaarsasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax aad haysato wax kale ku beddelesho oo cid kale kaga doorsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaamadsasho
m.f.dh eeg calaamadso. la-mid: calaamadsad, calaamadsi, calaamadaysad, calaamaday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaamaysasho
m.dh la-mid: calaamadsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calannaqsasho
m.f.dh eeg calannaqso. la-mid: calannaqsad, calannaqsi, calyannaqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farabbaxsasho
m.f.dh eeg farabbaxso. la-mid: farabbaxsad, farabbaxsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galladaysasho
(Galladaysasha-da)
Gallad ahaan u siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galladaysasho
m.dh eeg galladayso. la-mid: galladaysad, galladaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galladaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) gallad iyo nimcad ahaan u siin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laadlaadsasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax la sido, korka sare qabasho oo sidaas ku qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lallabaysasho
m.f.dh eeg lallabayso. la-mid: lallabaysad, lallabaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lallabaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg lallabaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
majabbaxsasho
m.dh la-mid: manjabbaxsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarabbaxsasho
m.f.dh eeg qarabbaxso. la-mid: qarabbaxsad, qarabbaxsi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wasakhaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) uskag ama nijaas kale yeelasho. Masaajid wasakhaysasho looma oggola. Dh: uskagaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xalaalaysasho
(Xalaalaysasha-da)
Xalaal ka dhigasho; bannaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xalaalaysasho
m.f.dh eeg xalaalayso. la-mid: xalaalaysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xalaalaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) xalaal ka dhigasho oo sharci la'aan ku cunid.
xalaalaysasho -da: (magac, dhedig, keli) neef duufi lahaa gawracasho oo xalaal ka dhigasho. Dh bannaysasho, bannaysi.