walaaqitaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walaaqitaan
-ka: (magac, lab, keli) qasitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halaaqitaan
-ka: (magac, lab, keli) munuusitaan. Dh: munuusitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laaqitaan
-ka: (magac, lab, keli) waxyaabo kala duwan isku qasid oo isku daritaan. Dh: walaaqitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
walaaqnaan
m.f.dh eeg walaaqan. la-mid: walaaqnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walaaqnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax walaaqan ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballaqitaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wada furitaanta meel ama weel xidhnaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cilaaqitaan
-ka: (magac, lab, keli) cilaaqda lafteeda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadaaqitaan
-ka: (magac, lab, keli) sida carruurta hadalbaradka ah u hadlid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalaaditaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg qalaadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salaaxitaan
-ka: (magac, lab, keli) buuxin oo geer la simitaan.
salaaxitaan -ka: (magac, lab, keli) salaaxidda lafteeda.
salaaxitaan-ka: (magac, lab, keli) xoodaamin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
talaabitaan
-ka: (magac, lab, keli) qof ama wax kale meel ka gudbid; tilaabitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waafaqitaan
-ka: (magac, lab, keli) talo ama wax kale aqbalitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qasitaan
-ka: (magac, lab, keli) caano iyo wax la mid ah, wax kale ku walaaqitaan. Dh: walaaqitaan, laaqitaan.
qasitaan-ka: (magac, lab, keli) carqaladayn oo qas iyo wareer abuurid. Shirka qasitaanka ka jooji.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barraaqitaan
-ka: (magac, lab, keli) si barraaqid ah oo foolxun u fadhiisasho. Barniyeey barraaqitaanka kac rag baa soo socde. Dh: barraahitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bashaaqitaan
-ka: (magac, lab, keli) dilitaan aad ah oo nabarrogaarsiin ah. Inta madaxiisa bashaaqitaan ku yaalla bal fiiri.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halgaabitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg halgaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hallaabitaan
-ka: (magac, lab, keli) wax la waayay ahaansho, wax lumay noqosho. Dh: baadiyoobid, lumitaan, ambad.
hallaabitaan-ka: (magac, lab, keli) wax kharriban noqosho. Dh: xumaasho, caddilmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halmaalitaan
-ka: (magac, lab, keli) «la ~» cid kale, wax kala mid ahaan; wax kala sinnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tallaabitaan
-ka: (magac, lab, keli) gudbitaanka, dhinaca kale oo loo tallaabo; wax dhinka kale u gudbay.
tallaabitaan -ka: (magac, lab, keli) neef xoolo ah, kuditaan, saarasho, maritaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Walaaqan
Laban; qasan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
walaaqan
f.mg4 (-qnaa, -qnayd) Wax la walaaqay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
walaaqan
f.mg4 (-qnaa, -qnayd) Wax la walaaqay ahaansho. m.f.dh, walaaqnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
walaaqan
der. [adjective] stirred, mixed; agitated, disturbed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
walaaqan
-walaaqnaa I walaaqnayd: (adj) stirred (isteeridh)-, mixed up ~ laban, qasan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walaaqan
(tilmaame) isku qasan ah; laban ah. Qoosh walaagan ayaa saxniga ku jira.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
walaaqan
de: stirred, mixed; agitated, disturbed
initial: w
lx: walaaqan
pd: (walaaqnaa)
ps: adj-der
key: walaaqan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alalitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg alalid. al'aloos -ka: (magac, lab, keli) abaabulka koox ama reer lagu qalqaalinayo arrin. Inta badan waxa loo adeegsadaa abaabulka dagaal. Al'alooska reeraha aad ka dhex waddiin joojiya. Dh: abaabul.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaqitaan
-ka: (magac, lab, keli) cid kale, u yeedhid ama codsi u jeedin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaqitaan
-ka: (magac, lab, keli) cunitaanka xoolaha ee cawska iyo dhirta.
daaqitaan -ka: (magac, lab, keli) dhir iyo tigaad cunid; geedo iyo doog daaqid. Awrku aad buu u bukaa oo daaqitaan ma leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laabitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg laabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laacitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg laacid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laaditaan
-ka: (magac, lab, keli) laadidda lafteeda. laadlaad: (fal) si isdaba joog ah; wax u laad: laad ku celceli.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laalitaan
-ka: (magac, lab, keli) meel kore saaritaan ama ku tuurid.
laalitaan -ka: (magac, lab, keli) arrin iyo wixii la mid ah, dib u dhigitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saaqitaan
-ka: (magac, lab, keli) wada gaadhsiin, saaqidda lafteeda. Dh: saaqniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waabitaan
-ka: (magac, lab, keli) meel waabidda lafteeda; waabniin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
waaritaan
-ka: (n) durability (dhuu-ra-biliti); endurance (en-dhuu-ransi); longevity ~ cimri-dherer
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waaritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg waarid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
waayitaan
-ka: (n) the act of not finding
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waayitaan
-ka: (magac, lab, keli) heli waayitaan oo ka quusasho.
waayitaan -ka: (magac, lab, keli) keli) dhicid oo dallici waayid. Li: helitaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaaqitaan
-ka: (magac, lab, keli) nadiifin ilmaga leen ilmo ka daatay la nadiifyo.
xaaqitaan -ka: (magac, lab, keli) haritaan qashin meel laga haro. Dh: fiiqitaan, xaadhitaan.
xaaqitaan -ka: (magac, lab, keli) xasuuqitaan oo aad u layn. Dh: gumaaditaan, xasuuqitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaabitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg abaabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
amaaritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg amaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salalitaan
-ka: (magac, lab, keli) salalidda lafteda.
salalitaan -ka: (magac, lab, keli) sasitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aasaasitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg aasaasid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abataqitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg abataqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakaaditaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg bakaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballamitaan
-ka: (magac, lab, keli) ballan dhigitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraaritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg badhaadhitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
basaasitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg basaasid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilaabitaan
-ka: (magac, lab, keli) u yeelitaanka meel wax laga bilaabo. Dh: curitaan, unkitaan, ambaqaaditaan, dhaqaajitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caabaqitaan
-ka: (magac, dhedig, keli) barar iyo millile yeelasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabaaditaan
-ka: (magac, lab, keli) cabaad soo saarid; qaylin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadaabitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg cadaabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cagaaritaan
-ka: (magac, lab, keli) caano la lulayo, burcad bixin; cagaar soo noqosho; cagaarasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cayaaritaan
-ka: (magac, lab, keli) dheelitaan; ciyaaritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dagaagitaan
-ka: (magac, lab, keli) gaajo iyo diihaal dartood la qixitaan. Dagaagitaan bay ku noolyihiin iyo qoxootinnimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dahaaritaan
-ka: (magac, lab, keli) dahaadh u samayn. Alaabtani dahaaritaan ayey u baahan tahay. Dh: dahaadhitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daldalitaan
-ka: (magac, lab, keli) hadal badan oo aan ujeeddo lahayn wadid. Dh: dhurmid.
daldalitaan -ka: (magac, lab, keli) si nasashala'aan ah cunto u cunitaan.
daldalitaan-ka: (magac, lab, keli) wax daadsan gurgurid. Dh: diqdiqayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fajaasitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg fajaasid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farraqitaan
-ka: (magac, lab, keli) farraqidda lafteeda; qaybinta xawliga ah ee aan waxba lala hadhin. Dh: farraqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ganaanitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg ganaanid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaabitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg habaabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaaritaan
-ka: (magac, lab, keli) xumaan iyo dhib, qof kale, Eebbe uga baryitaan. Li: ducayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadaafitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg hadaafid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hagaagitaan
-ka: (magac, lab, keli) baydhbaydhis la'aan; toos iyo horay u socosho.
hagaagitaan-ka: (magac, lab, keli) sidii la rabay noqosho; qummanaansho iyo toosni.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halgamitaan
-ka: (magac, lab, keli) loollamitaanka iyo dagaallamitaanka ujeeddo ku salaysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halqafitaan
-ka: (magac,lab,keli) eeg halqafid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hayaamitaan
-ka: (magac, lab, keli) meel fog oo abaari ka sokayso, u guuritaan. Dh: kaynaanid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lifaaqitaan
-ka: (magac, lab, keli) wax aad ugu fiirsi ama jeedaalin.
lifaaqitaan-ka: (magac, lab, keli) miiq yar oo lifaaq ah ku tolitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaaritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg madaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magaagitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg magaagid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
milaalitaan
-ka: (magac, lab, keli) aad u buuxit oo daf ahaan. Kubbaayaddu milaalitaanka way ku balqan. Dh: miijitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qallacitaan
-ka: (magac, lab, keli) hal qallac ku xidhid. Dh: qallacid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qallalitaan
-ka: (magac, lab, keli) kafafidda lafteeda. Dh: engegitaan. Li: qoyitaan.
qallalitaan -ka: (magac, lab, keli) qombobidda lafteeda. Qallalitaan ayuu saanta la doonayaa. Dh: qombobitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayaaditaan
-ka: (magac, lab, keli) meel u hayaamitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qilaafitaan
-ka: (magac, lab, keli) is diiditaan, khilaafitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sallaxitaan
-ka: (magac, lab, keli) hagaajin; farsamayn; sallaxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabaalitaan
-ka: (magac, lab, keli) meel god ah wax ku aasitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaqbaaqitaan
-ka: (magac, lab, keli) baaqbaaqis ku suubbin beer.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caalwaayitaan
-ka: (magac, lab, keli) «u-hawl, dhib iyo wax la mid ah, u taagwaayitaan; u tabar-waayitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calaacalitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg calaacalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calaalugitaan
-ka: (magac, lab, keli) wax sidii uu ahaa ka doorin; badhxitaan; ladhitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalabadhitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg kalabadhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalabayritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg kalabayrid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalamadhitaan
-ka: (magac, lab, keli) wax isku dhex jirey, kala saarid. Dh: kalasoocitaan, kalasaaritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaqaalitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg abaqaalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqalgalitaan
-ka: (magac, lab, keli) labo qof oo isguursatay, isku hoyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badmaaxitaan
-ka: (magac, lab, keli) bad marid iyo kalluumaysi. Dh: badmaaxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barbaaritaan
-ka: (magac, lab, keli) kobcid oo hanaqaadid. Dh: hanaqaaditaan, koritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bardaamitaan
-ka: (magac, lab, keli) saaritaanka miisaanka. Bardaamitaan la soo weynay subaggii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barraahitaan
-ka: (magac, lab, keli) si qaab daran u fadhiisi. Barraahitaanka ka kac oo faraska kooraha saar. Dh: barraaqitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beeqaaqitaan
-ka: (magac, lab, keli) beeqaaqista iyo kormeeritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falluuqitaan
-ka: (magac, lab, keli) falluuqidda lafteeda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haaraamitaan
-ka: (magac, lab, keli) cid kale, guulguulid oo canaanasho. Dh: canaanasho, hiifitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hilmaamitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg halmaamitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kamaarmitaan
-ka: (magac, lab, keli) wax ka kaaftoomid. Dh: maarmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaashitaan
-ka: (magac, lab, keli) faa'iiditaan badan helid. Beryahan macaashitaankii badnaa hoos buu u dhacay Dh: macaashid, ribxitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malluuqitaan
-ka: (magac, lab, keli) si jactadan o kala dhaadheer u tolitaan. Tolmaha malluugi taanku wuu foolxumeeyaa. Dh: cuyubitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qammaaritaan
-ka: (magac, lab, keli) ciyaarta qammaarka ciyaaritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rabbaasitaan
-ka: (magac, lab, keli) rabbaasid samayn.