walaalkiidhale
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walaalkiidhale
-ha: (magac, lab, keli) qof yaraan ilmo ku dhalay oo isaga iyo ilmihiisu dhallinyarnimo isku Soo gaadhaan. Raggu waa wiilkii dhale, walaalkii dhale iyo wedkii dhale.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wedkiidhale
-ha: (magac, lab, keli) qof isagoo gaboobay ilmo yar dhala. Raggu waa walaalkii dhale, wiilkii dhale iyo wedkiidhale.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
alaab-dhaqe
-dhaqaha: (n) dishwasher
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falfalliidh
(fal) faas ama gudin ku yaryaree xaabo iyo wixii la mid ah. Dh: jeexleex, dildullaaci.
falfalliidh -ka: (magac, lab, keli) digir inta la dubo oo la tumo la kariyo. Dh: faracad.
falfalliidh-ka: (magac, lab, keli) wax la jeexjeexay ama la dildillaacshey; wax falliidho laga dhigay. Dh: falfalliir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salalmadhle
-ha: (magac, lab, keli) shinbir Afrik ku nool oo aad u xoog badan; wuxuu leeyahay sur iyo lugo dhaadheer, dabo dheer oo dhulka gaarta iyo cuntub baalal fiiqfiigan ah oo gadaadka taagan; kolkol dhulkuu ku ordaa oo fardahakama gaabiyo, hadduu duulona aad buu cirka ugu sidaas darteedbaa na in la dilo looga mamnuucay fogaadaa. Wuxuu cunaa oo aad u laayaa halaga dhulal badan. Dh: salamadle, shalammadhle.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falfalliidhid
-da: (magac, dhedig, keli) wax isku yaalla dildillaacin ama jejebin. Dh: dildillaacin, jeexjeexid, falfalliirid.
falfalliidhid -da: (magac, dhedig, keli) digir iyo wixii la mid ah falfalliidhid; falfalliidh ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabbalsiidhac
m.l la-mid: qorraxdhac.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waraabedharle
-ha: (magac, lab, keli) magac dhalanteed ah oo sheeka carruureedyada ku jira. Waraabedharle looma dhawaado.