walaadis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walaadis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg walaadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walaadi
(fal) «ka ~» xoog uga qaylisii, sawaxan iyo qaylo ka keen cid kale. Xummad yahay kaga walaadi ninka buka. Dh: warraaqi, cabaadi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walaadid
-da: (magac, dhedig, keli) xoog u qaylin; xanuun darteed la wataaticid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walaadin
-ta: (magac, dhedig, keli) (ka ~) xoog uga qaylisiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waldaamis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg waldaamin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waylaalis
-ka: (magac, lab, keli) harag laga bixiyo lo'da oo hagaag loo midgiyey. Waylaaliskani waa mid waylood. Dh: masalle.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laadis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg laadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walaad
(fal) xoog u qayli; xanuun darteed la wataatac. Dh: warraaq, cabaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaadis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg abaadid. abaaditaan -ka: (magac, lab, keli) waaritaan ama raagid. Dh: abaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
walaabi
m.dh (-iyo, m.l) Naag si sharci darro ah loogu galmoodo ama jirkeeda iibsata; dhillo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walaabi
-da: (magac, dhedig, keli) naag aan jidhkeeda ragga u diidin. Dh: dhillo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alaladis
-ta: (magac, dhedig, keli) hurdada dhexdeeda ku hawaawiyid oo sheekayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakaadis
-ta: (magac, lab, keli) dillaacidda waaga berigiisa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabaadis
-ka: (magac, lab, keli) eeg cabaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cadaadis
(Cadaadis-ka)
Cadaadinta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadaadis
cadaadis¹: m.l 1. Hawo c. saarid. 2. Xoogga ku dhaca halbeeg bed ah. 3. la-mid: cadadin.
cadaadis²: m.l (fiisikis) Xoogga lignaan u saaran halkii halbeeg ee bed ah ama waa saamiga xoogga iyo bedka. Waxa lagu cabbiiraa Baaskal ama N/m2 (H.C).
cadaadis³: m.l (siyaasad) Waa dawlad awoodsheegasho ku dhisan, caddaalad darro iyo hoggaamin xumo ku darsatay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cadaadis
cadaadis¹: m.l 1. Hawo c. saarid. 2. Xoogga ku dhaca halbeeg bed ah. 3. la-mid: cadadin.
cadaadis²: m.l (fiisikis) Xoogga lignaan u saaran halkii halbeeg ee bed ah ama waa saamiga xoogga iyo bedka. Waxa lagu cabbiiraa Baaskal ama N/m2 (H.C).
cadaadis³: m.l (siyaa.) Waa dawlad awoodsheegasho ku dhisan, caddaalad darro iyo hoggaamin xumo ku darsatay.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Cadaadis
Pressure
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cadaadis
vl. n. harassment
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Cadaadis
Perseguitamento
Persecution
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadaadis
-ka: (magac, lab, keli) xoog ku dhaca halbeegbedeedka.
cadaadis -ka: (magac, lab, keli) cid kale kadeedid oo dhibaatayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cadaadis
de: harassment
lx: cadaadis
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: cadaadis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calaalis
-ka: (magac, lab, keli) eeg calaalin.
calaalis-ka: (magac, lab, keli) dheefta inta calaliska u baahan; dheefta intii aan dareere ahayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caraadis
-ka: (magac, lab, keli) eeg caraadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
colaadis
m.l la-mid: colaadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
colaadis
-ka: (magac, lab, keli) eeg colaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Falaadid
(Falaadid-da)
Madaddaalasho; baashaalid; maararroobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falaadid
m.f.dh eeg falaad².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galaamis
galaamis¹: m.l la-mid: galaamin.
galaamis²: m.dh la-mid: galaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halaajis
m.l la-mid: halaagid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halaajis
-ka: (magac, lab, keli) eeg halaajid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hilaadis
m.l la-mid: hilaadiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jalaadid
-da: (magac, dhedig, keli) qaylada ama cida dheer ee riyaha. Jalaadidda riyuhu waa astaan barwaaqo. Dh: qalaadid. Li: amusnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kalaawis
m. n., [collective] minced fried meat preparation
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kalaawis
de: minced fried meat preparation
lx: kalaawis
pd: (-ka)
ps: n0-m-col
key: kalaawis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qalaadid
(Qalaadid-da)
Ci qalaad ah ciyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qąlaadid
m.f.dh eeg qąlaad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalaadid
-da: (magac, dhedig, keli) sawaxan iyo ci ku baryid. Qalaadiddii orgiga ayaan ka seexan weynay. Dh: qaylyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalaadin
-ta: (magac, dhedig, keli) sida orgida u ciyid. Qalaadinta iska daa orgi ma tihide. Dh: ciyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayaadis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qayaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rafaadis
-ka: (magac, lab, keli) noole ke rafaadin.
rafaadis-ta: (magac, dhedig, keli) eeg rafaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ragaadis
-ka: (magac, lab, keli) eeg ragaadin.
ragaadis -ta: (magac, dhedig, keli) eeg ragaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rakaadis
m.l la-mid: rakaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saraadis
m.l la-mid: saraadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabaadis
-ka: (magac, lab, keli) neef dhedig oo xilliguu rimi lahaa dhaafay ama rimi waayey.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tanaadis
-ka: (magac, lab, keli) eeg tanaadin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wadaagis
-ta: (n) sharing (sheer-ing)-, communion (kom-yuu-ni-yari)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadaajis
-ka: (magac, lab, keli) eeg wadaajin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wafaadid
-da: (magac, dhedig, keli) dhimasho oo adduunka ka tegid. Nin jihaad ku jira wafaadid iyo nololi waa iskugu mid. Dh: allaysad; dhimasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Walaacid
(Walaacid-da)
1. Uurka ka buuqid; islahadlid; laballaaboobid.
2. Hadal aan go'aan laga gaareyn, ku noqnoqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
walaacid
m.f.dh eeg walac².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walaacid
-da: (magac, dhedig, keli) uurkutaallo iyo walbahaar ku jirid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
walaakin
conj. but, however
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
walaakin
a: laakiin
bw: Arabic
de: but, however
initial: w
lx: walaakin
ps: conj
key: walaakin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Walaaqid
(Walaaqid-da)
Wax walaaqan ka dhigid; qasid; labid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
walaaqid
m.f.dh eeg walaaq². la-mid: walaaq¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walaaqid
-da: (magac, dhedig, keli) wax walaaqan ka dhigid; qasid; labid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wanaajis
m.l la-mid: wanaajin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wanaajis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg wanaajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waraabis
(Waraabis-ka)
Waraabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waraabis
m.l la-mid: waraabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waraabis
-ka: (magac, lab, keli) eeg waraabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xasaadis
-ka: (magac, lab, keli) geed dharkaynka oo kale ah oo caano leh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballaadhis
-ka: (magac, lab, keli) wax kala baxsan ka dhigid. Dh: ballaadhin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balwaadhis
-ta: (magac, dhedig, keli) bahardaad u fadhiisi. Balwaadhis baad u fadhidaa sarakacoo kaalay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calaamadis
-ka: (magac, lab, keli) eeg calaamadayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalabadhis
-ta: (magac, dhedig, keli) wax is haystay ama isku yaallay, labo u kala badhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalamadhis
-ta: (magac, dhedig, keli) wax isku jiray kala saarid. Dh: kalasaaris, kalasoocis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laadlaadis
-ka: (magac, lab, keli) oeg laadlaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laallaadis
laallaadis¹: m.l la-mid: laallaadin.
laallaadis²: m.dh la-mid: laallaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walaandeys
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg walaandeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
badbaadis
m.l la-mid: badbaadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badbaadis
-ta: (magac, dhedig, keli) dhimasho ama dhibaato kale ka samatabixis. Doonni ayaa loo diray badbaadista dad ay doonni la rogmatay. Dh: samatabixis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balaadhin
-ta: (magac, dhedig, keli) kala fidin oo wax ballaadhan ka dhigid. Dh: ballaadhin, fidin. Li: laalaabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballaamis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg ballamis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaanjis
m.dh la-mid: calaanjiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabqaadis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg dabqaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalqaadid
-da: (magac, dhedig, keli) dal dalkisii laga riixo oo dad kali ka qaataan. Dh: dalqaadis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawlaacis
-ka: (magac, lab, keli) sii deyn wax la dawlaaciyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalaalis
m.l la-mid: dhalaalin.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dulxaadis
Strip mining
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falaaliso
m.dh la-mid: fulaaliso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falaaliso
-da: (magac, dhedig, keli) Allabariga loo sameeyo haweenay foolanaysa in uu Ilaahay u dhibyareeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falaanjis
m.l la-mid: falaanjin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gardaadis
m.l la-mid: gardaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halgaadid
(Halgaadid-da)
Wax gacanta ku qabasho oo meel fog ku tuurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halgaadid
m.f.dh eeg halgaad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halgaadid
-da: (magac, dhedig, keli) waran, dhagax iyo wixii la mid ah, ku tuurid ama ku dhufasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halqaadid
m.f.dh eeg halqaad². la-mid: halqaad¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harraadis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg harraadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jallaadid
(Jallaadid-da)
Jallaad ku rogid; dahaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jallaadid
m.f.dh eeg jallaad². la-mid: jillaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jallaadid
-da: (magac, dhedig, keli) buug, waraaq adag, harag ama maro dusha kaga samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jarmaadis
jarmaadis¹: m.l la-mid: jarmaadin.
jarmaadis²: m.dh la-mid: jarmaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laalaadid
-da: (magac, dhedig, keli) meel sare ka lulasho. Dh: lulasho.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
laalaadin
hang
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Laalaadin
Lalmin, daldalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maryaadis
m.l la-mid: maryaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nabdaadis
(Nabdaadis-ka)
Nabdaadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabdaadis
-ka: (magac, lab, keli) cid kale, nabadda ka qaadis.