walaacsani
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walaacsani
-da: (magac, dhedig, keli) wax walaacsan oo walbahaarsan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Walaacsan
Walaac ku dhacay; walaac hayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
walaacsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax walaac hayo ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
walaacsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax walaac hayo ahaansho. m.f.dh, walaacsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
walaacsan
der. [adjective] worried, anxious, preoccupied; indecisive
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
walaacsan
-aa I ayd: (adj) distressed (dis-tareesidhf, anxious (aang-shas), worried (wooridh); fretful (fareet-ful) ~ walwalsan, walbahaarsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walaacsan
(tilmaame) walbahaar hayo ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
walaacsan
de: worried, anxious, preoccupied; indecisive
initial: w
lx: walaacsan
pd: (walaacsanaa)
ps: adj-der
key: walaacsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walaacsanow
(fal) welwel iyo walbahaar ku jir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wallacsan
Wallac hayo; wallac ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wallacsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Naag wax wallac hayo ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wallacsan
der. [adjective] sick, suffering from morning sickness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wallacsan
-ayd: (adj) sick [ill] from morning sickness; usually during the first trimester of pregnancy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wallacsan
(tilmaame) wallac hayo; wallac ah. Haweenay wallacsan ayaan arkay oo matagaysa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wallacsan
de: sick, suffering from morning sickness
initial: w
lx: wallacsan
pd: (wallacsanaa)
ps: adj-der
key: wallacsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wanaagsani
-da: (magac, dhedig, keli) mid fiican ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
walaacsanaan
m.f.dh eeg walaacsan. la-mid: walaacsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walaacsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) welwel iyo walbahaar ku jiritaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Walacsi
(Walacsi-ga)
Wax qof la tuso ama loo soo baxsho, si uu u moodo in la siinayo, dabadeedna laga ceshado; mihin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
walacsi
m.l la-mid: walacsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
walacsi
vl. n. tantalizing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walacsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg walacsad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
walacsi
de: tantalizing
initial: w
lx: walacsi
pd: (-ga)
ps: vn-m
see: walacso
key: walacsi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baacsani
-da: (magac, dhedig, keli) eeg baacsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
balacsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax shilis oo hilib isla'eg leh ahaansho (nafley).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halacsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la halciyay ahaansho (hilib).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Malaasan
1. La malaasay; qafilan; adag.
2. Jaahil (aan wax la gelisiin karin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malaasan
malaasan¹: f.mg1 (-smay, -santay; -smi) 1. Wax la malaasay noqosho. 2. Ka m. wax xallintooda maaro loo waayey noqosho. Tusaale: “Cabdi arrintii way ka malaasantay”.
malaasan²: f.mg4 (-snaa, -snayd) 1. Wax la malaasay ahaansho. 2. Meel furnayd sida irrid, god, duleel iyo wixi lamida wax la xiray ahaansho. 3. Qof aan wax fahmin ahaansho. 4. Ka malaasan qof aan arrin xogteeda la socon ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
malaasan
der. [adjective] plastered, stuccoed, dressed with lime and clay, smeared with mud; stiff; closed (opening); ignorant, mentally
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
malaasan
-malaasnaa: (adj) plastered (palaas teridh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malaasan
(tilmaame) oodan oo daloolkii wax lagu qariyay ah. Aqal wada malaasan halkee laga gali!
malaasan: (tilmaame) aad u buuxa oo meelna dhinnayn; tif ah. Macallinku waa maskaxdii dunidoo malaasan. Dh: buuxan.
malaasan: (tilmaame) sida kubbadda u duuduuban oo u kuusan. Dhagax malaasan ii keen. Dh: kuusan. Li: xalleefsan, bagafsan, ballaadhan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
malaasan
cf: jaahil
de: plastered, stuccoed, dressed with lime and clay, smeared with mud; stiff; closed (opening); [fig.] ignorant, mentally dull
lx: malaasan
pd: (malaasnaa)
ps: adj-der
key: malaasan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malaasni
m.dh la-mid: malaasnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malaasni
-da: (magac, dhedig, keli) eeg malaasnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wajacsan
f.mg4 (-naa,-nayd) Wax wajac hayo ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wajacsan
der. [adjective] sick, ill, not feeling well
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wajacsan
-aanayd: (adj) moody (muudi); feeling irritable
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wajacsan
(tilmaame) mid xanuunsan oo wajac hayo ahaan. Weyl wajacsan ayaa waabka lagu reebay. wajacsanaan -ta: (magac, dhedig, keli) xanuun wajac ah qabitaan. Wajacsanaanta waa laga bogsadaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wajacsan
de: sick, ill, not feeling well
initial: w
lx: wajacsan
pd: (wajacsanaa)
ps: adj-der
key: wajacsan
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Walaac-a
inquiétude.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walaacad
-da: (magac, dhedig, keli) aalad yar oo noocyo badan leh oo ogsijiin lagu cabbeeyo oo dab laga shito gaar ahaan sigaarka lagu shito. Walaacadda carruurta ka fogee. Dh: wallaacad. qarraacad; qaraaxad, birikee, laytar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Walaaqan
Laban; qasan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
walaaqan
f.mg4 (-qnaa, -qnayd) Wax la walaaqay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
walaaqan
f.mg4 (-qnaa, -qnayd) Wax la walaaqay ahaansho. m.f.dh, walaaqnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
walaaqan
der. [adjective] stirred, mixed; agitated, disturbed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
walaaqan
-walaaqnaa I walaaqnayd: (adj) stirred (isteeridh)-, mixed up ~ laban, qasan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walaaqan
(tilmaame) isku qasan ah; laban ah. Qoosh walaagan ayaa saxniga ku jira.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
walaaqan
de: stirred, mixed; agitated, disturbed
initial: w
lx: walaaqan
pd: (walaaqnaa)
ps: adj-der
key: walaaqan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walacsad
-ka: (magac, lab, keli) «ku ~» shay cid ugu faanid oo inta la iska dhigo qof siinaya haddana u diidid. Walacsadka waa la isku cawryaa. Dh: walacsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dalaafsan
Dalaaf hayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalaafsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax dalaafay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dalaafsan
der. [adjective] unlucky
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalaafsan
(tilmaame) mid darxumaysan oo dhibaato qaba.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dalaafsan
de: unlucky
lx: dalaafsan
ps: adj-der
key: dalaafsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
damacsani
-da: (magac, dhedig, keli) wax faliddii ku fakirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fajacsani
-da: (magac, dhedig, keli) amakaag iyo yaab qabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galaysani
-da: (magac, dhedig, keli) wax galaysan ahaanta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jalaacdan
-ka: (magac, lab, keli) is dhaafdhaafsi hadal cay, canjarafo, afxumo iyo is dhaleecayn ah; cay isla tiyaaqsi. Dh: yooyootan, caraatan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labacsani
-da: (magac, dhedig, keli) eeg labacsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wabaxsani
-da: (magac, dhedig, keli) mid wabaxsan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Walaayati
(Walaayati-da)
1. Dhar cudbi ah oo dun cad iyo dun madow oo isku jarjaran ka samaysan.
2. Wax walba kan ugu jaad fiican; asli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
walaayati
m.dh 1. Dhar cudbi ah oo dun caddaan iyo madow isugu jirta ka samaysan. 2. W. ah: waxyaalaha dibbadda laga keeno, sida dharka, qalabka guryaha iyo wixi lamida kan ugu jaad fiican; asli.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
walaayati
f. n. cotton cloth of interwoven black and white threads; anything supreme, excellent ~ of high quality
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walaayati
-da: (magac, dhedig, keli) dhar cudbi ah oo dun cad iyo dun madow oo isku jarjaran ka samaysan.
walaayati -da: (magac, dhedig, keli) wax walba ugu wacan. Walaayati weey gaadhigu. Dh: asal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
walaayati
cf: dhurwaayo; cudbi
de: cotton cloth of interwoven black and white threads; [ext.] anything supreme, excellent ~ of high quality
initial: w
lx: walaayati
pd: (-da)
ps: n-f
key: walaayati
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
walwalsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Ka w.: wax welwel hayo ahaansho. la-mid: warwarsan, welwelsan, werwersan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
walwalsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Ka w.: wax welwel hayo ahaansho. m.f.dh, walwalsanaan. la-mid: warwarsan, welwelsan, werwersan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
walwalsan
-aa / ayd: (adj) distressed (dis-tareesidh); anxious (aang-shas), worried (wooridh); concerned (kon-seenidh); fretful (fareet-ful) ~ walaacsan, walbahaarsan, welwelsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walwalsan
(tilmaame) caloolyowsan, uurkutaallo hayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wanaagsan
Wanaag leh; hagaagsan; fiican; qumman; san.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wanaagsan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax wanaag leh ahaansho. 2. Ku w.: wax, wax gaar ah ku habboon ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
wanaagsan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax wanaag leh ahaansho. 2. Ku w.: wax, wax gaar ah ku habboon ahaansho. m.f.dh, wanaagsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wanaagsan
der. [adjective] good, nice; just
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Wanaagsan
1) bon, 2) bien.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wanaagsan
-aa / ayd: (adj) good (guudh); fine (faayn); nice (naays); useful (yuus-ful); decent (dii-sant) ~ fiican. Ex: subbax wanaagsan; good morning
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wanaagsan
(tilmaame) wanaag leh; hagaagsan ah; qumman ah. Wax wanaagsan ii keen.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wanaagsan
bw: Subax wanaagsan!
de: good, nice; [ext.] just Opp: xun
initial: w
lx: wanaagsan
pd: (wanaagsanaa Pl: wawanaagsan ~ wanwanaagsan)
ps: adj-der
syn: fiican, roon, san; Used in greetings
xe: Safar wanaagsan!
xv: Bon voyage!
key: wanaagsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waraabsan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Nafley wax la waraabiyey ahaansho. 2. Beer wax biyo lagu sii daayey ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
waraabsan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Nafley wax la waraabiyey ahaansho. 2. Beer wax biyo lagu sii daayey ahaansho. m.f.dh, waraabsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waraabsan
der. [adjective] watered, irrigated; quenched (of thirst)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waraabsan
(tilmaame) biyo cabbay oo harraad beelay ah. Beertu way waraabsan tahaye xoolaha ka celiya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waraabsan
de: watered, irrigated; quenched (of thirst)
initial: w
lx: waraabsan
pd: (waraabsanaa)
ps: adj-der
key: waraabsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballansani
-da: (magac, dhedig, keli) eeg ballansanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hagaagsani
-da: (magac, dhedig, keli) eeg hagaagsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nadaamsani
-da: (magac, dhedig, keli) isku dubbaridni oo aad u habaysnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qallafsani
-da: (magac, dhedig, keli) wax qallafsan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waldabaani
f.mg2 (-iyay, -isay) Xoolo meel ku celcelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wanaagsane
-ha: (magac, lab, keli) mid wanaagsan ah. Wanaagsane wiilkayoow, wadiiqada toosan, wacnida haka weecan aabbo. Dh: same, Li: xume.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
watatacsan
(tilmaame) dayacan oo rafaad ku jira ah. Dh: leelleelsan, rafaadsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalyayaxsani
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qalyayaxsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wallacsanaan
m.f.dh eeg wallacsan. la-mid: wallacsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wallacsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) gabadh wallac hayo oo madaxwareeraysa ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yalaalugsani
-da: (magac, dhedig, keli) eeg yalaalugsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farxaansani
-da: (magac, dhedig, keli) eeg farxaansanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalloocsani
-da: (magac, dhedig. keli) eeg qalloocid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Walalaclayn
(Walalaclayn-ta)
Iftiin walalac ah muujin, soo celcelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
walalaclayn
m.f.dh eeg walalaclee. la-mid: walaclayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walalaclayn
-ta: (magac, dhedig. keli) eeg walaclayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waldabaanin
m.f.dh eeg waldabaani. la-mid: waldabaanis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waldabaanis
m.l la-mid: waldabaanin.